| DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay. 
  Ø Qayb kamid ah Riwaayadii iga guur kagama guuro Gumaysi iyo waliba sugaan 
  kala gadisan.Ø Dagaal dhex-maray ciidamada gumaysiga Itoobiya. Ø Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo sii wada dilka iyo Xadhiga ay kula kacaan 
  Shacabka Reer Ogadenya. Ø Dr. Mohamed Sirad Dolaal oo wareysi siiyey BBC Focus on Africa. Ø Daniel Arab Moi oo ku eedeeyey dawladaha dariska degenaansho la'aanta 
  Soomaliya. Ø Qarama Midoobey oo digniin ka bixisay Xaaladda Xuduuda Itooboiya iyo 
  Eritreya. Ø Muqdisho ou uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo Dagaalada laguna 
  taageerayo nabadda. Ø Wasaarada 
  gaashandhiga ee Itoobiya oo u buuq ka taaganyahay.  
 Dagaal dhex-maray ciidamada gumaysiga Itoobiya
 Dagaal qadhaadh ayaa 13/9/03 dhex maray ciidamada Dabaqoodhiga ee ku sugan 
meesha lagu magacaabo Faarso oo ka tirsan degmada Dhagax-madow iyo ciidamo kale 
oo iyagana loo diray inay soo qabqabtaan dadwayne lagu xukumo ganaax dhaqaale. 
Dagaalkaas waxaa ciidamada Dabaqoodhiga kaga dhintay 7 askari, halka ciidamada 
kale, oo loo yaqaano Daacad Gaallo, ay kaga dhintee 3 askari. Waxaa kaloo 
dagaalkaas ku dhaawacmay 7 kale, oo midi tahay qof dumar ah, waxaana halkaas 
booqasho degdeg ah ku yimid maamul ku-sheegga gobolka. Ma aha markii ugu 
horraysay ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo maalleeshiyooyinka u adeega ay 
iskaga horyimaaddaan dagaal ay dad iskaga laayaan. Wuxuu marar badan gacan ka-hadal 
ka dhex oogmaya ciidamada gumaysiga ee ku sugan dhulka Ogadenya, iyadoo ay sabab 
u tahay maamul xumada iyo nolol xumada haysata iyo waliba waxyeellooyinka ba’an 
ee Ciidamada Xoraynta Ogadenya ay u gaystaan. Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo sii wada dilka iyo Xadhiga ay kula kacaan 
Shacabka Reer Ogadenya. Mashruuca Biyo Xidheenka Galbeedka Godey, waxay ciidamada gumaysigu ku dileen 
laba nin oo reer miyi ah oo lagu kala magacaabo: Gamaadiid Cabdi-raxmaan Iyo Rashiid Gamaadiid C/raxmaan. Dilkan oo bishan horraanteedii dhacay lama garanayo sababta keentay, 
Wayaanuhuna ma ayna sheegin in ay nimankan ku laayeen wax arimo siyaasadeed ah 
oo ay sabab uga dhigeen dilkooda.  15/9/03 Tuulada Gudhis, waxay ciidamada gumaysigu ku dileen laba nin oo mid 
magaciisa la yidhahdo: Cabdi Raxmaan Bidaar, midka kalana aanuu magiciisu wali 
na soo gaadhin, balse aan idiin soo gudbin doono markii aan helno. Nimankaas 
waxaa la dilay, ka dib markii dagaal Jabhadda iyo ciidamada Wayaanaha dhexmaray 
lagu dilay 2 Askari oo ciidamada gumaysiga ka mid ah.  Waxaa kale oy ciidamada gumaysigu xidheen dad shacbi ah oo 40 qof ka badan, 
waxaana ka mid ah dadka ay ilaa iyo hadda magacyadoodu na soo gaadheen: 
  1- Cabdi-goobe, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.2- Khaalid Daa,uud, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.3- Sahra Moxamed Macallin Qaasin.4- Ruqiya Xassan Aaden.5- Hinda Goobe.6- Ruqiya Moxamed Cali.7-Faadumo Axmed. Dakaas ayaa lasheegayaa in ay ciidamada cadawga Itoobiya u xidh xidheen si ay 
uga helaan dhaqaale, iyagoo ku eedaynaya in ay niyosami u hayaan ciidamada 
xoreeynta Ogaadeenya ee dagaalka hubaysan kaga soo horjeda Xukuumada Itoobiya,si 
ay gobonimo u gaadhsiiyaan Shacabka Ogaadeenya.  13/9/03 Magaalada Qabridaharre waxaa laga kaxaystay nin la yidhahdo Shariif 
Nuur ooy laba Askari oo ciidamada Itoobiya ahi kaxaysteen, ka dibna siday u 
dilayeen ayay gaadhsiiyeen dhaawacyo waaweyn oo si xun u naafeeyay. Waxaa kale 
oo isla taariikhdaas ay ciidamada Itoobiya Ceel-Ogaadeen ka kaxaysteen laban in 
oon ilaa iyo hadda laga warqabin meesha la geeyay, waxayna labadaas nin kala 
yihiin: 
  1- Nuur Mohamed Xariire.2- Cabdulaahi Mubaarak. Sida oo kale waxay ciidamada gumaysigu Xudur-ayle oo gobolka Qorraxay ka 
tirsan ka kexaysteen 3 nin oo kala ah: 
  1- Carab Cabdi Maxamuud.2- Mohamed Macalin Cali.3- Iyo ninka 3/ad oon magaciisa dib ka soo sheegi doono. Nimankaas ayay dadka deegaanka laga kaxeeska ku nool sheegayaan, in ay 
ciidamada Itoobiya u afduubteen sidii ay u marin lahaayeen dhulka ayna aqoonin, 
iyo in ay waliba u qaadaan waxyaabaha ayna qaadi karin ee ay u wataan sahayda. Dr. Mohamed Sirad Dolaal oo wareysi siiyey BBC Focus on Africa. Todobaadkii la soo dhaafey waxay Warbaahinta caalamku si aada uga hadleen 
xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga ka baxaya wadanka Jabuuti oo amar ku soo 
rogtey inay ka baxaan dalkeeda dadka sharci darrada ku jooga. Qaxootigaas oo 
intooda badan ka yimaadi wadamada Itoobiya iyo Soomaliya, waxaa ka mid ah dad 
badan oo Ogadenya u dhashay. Hadaba Dr. Mohamed Siraad Doolaal oo ah xoghayaha arrimaha dibadda iyo 
xidhiidhka caalamiga ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, ayaa waraysi uu 
siiyey BBC Focus on Afrika Jimcihii la soo dhaafey sheegay in dadkii u dhashey 
Ogaadeeniya ee ku noqdey Itoobiya ay Ciidamada Itoobiya ee xuduudku xabsiyada u 
taxaabeen iyaga oo ka baaraya dadka ay ku tuhunsan yihiin inay taageeroyaal u 
yihiin Jabhadda ONLF, halkaas oo ay jidhdil iyo ciqaabo kala duwan ku mariyeen 
dadkaasi aanan waxba galabsan.
 
 
 Dr. Doolaal wuxuu kaloo warysigiisa ku sheegay in dadkii doortey inay joogaan 
Jabuuti ay ku sugan yihiin meel lagu magacaabo Hol-hol, halkaas ooy aad ugu 
silicsan yihiin, in kastoo ay dawaladda Jabuuti iyo Qaramada Midoobey isku 
dayayaan inay wax ka qabtaan xaalada dadkaasi, hadana ilaa hada majiraan wax la 
siiyey waraaqaha aqoonsiga qaxootinimada.
 Daniel Arab Moi oo ku eedeeyey dawladaha dariska degenaansho la'aanta 
Soomaliya. Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Danial Arap Moi ayaa degenaahso la'aanta 
iyo iska hor imaadka Soomaaliya ku eedeeyey dawladaha jaarka la ah dalka 
Soomaaliya. Moi oo ka hadlayey Jaamacadda American Defence University ee magaalada 
Washington wuxuu hadalkiisa gundhig uga dhigay waxa uu ku tilmaamey Soomaaliya 
oo sheegan jirtey qaybo ka mid ah dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Wuxuuna 
sheegay in, waxa uu ugu yeedhay riyadii Soomaaliya ee ahayd dhulbalaarsiga, ay 
shaki ku abuurtey dawladaha dariska la ah Soomaaliya. Madaxweyne Moi wuxuu 
intaas ku daray in wadamada dariska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabaan in 
haddii Soomaaliya isu timaado oo nabad iyo barwaaqo ka dhacado ay suurtogal 
tahay inay soo nooleyso sheegashada dhulka ka maqan Somalida. Qarama Midoobey oo digniin ka bixisay Xaaladda Xuduuda Itooboiya iyo Eritreya. Madaxa Ciidamada Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee Itooboya iyo Eritreya 
Robert Gordon ayaa digniin ku bixiyey in xaaladda soohdintu ay khatar tahay inta 
laga gaadhayo xal nabadeed oo deg-deg ah. Hadalka Sargaalkaas waxaa si wayn u 
soo dhaweeyey Xafiiska Midowga Afrika (AU), oo sheegay inay arrintu faraha ka 
bixi doonto haddii aan xal kama denbays ah loo helin. dhagax-dhigii ama 
calaamadeyntii soohdinta labada dal ayaa dhawr jeer dib loo dhigay, ka dib 
markii Itoobiya muujisay caga-jiid badan iyada oo ka biyo-diiddan maagalada 
Badame oo ahayd xudunta dagaalku ka billowday oo la siiyey dalka Eritreya. 
Caalamadeynta soohdinta ayaa mar kale dib u billaaban doonta billowga bisha 
Oktoober ee soo socta iyada oo laga shaki qabo in ay mar kale dib u dhacdo, 
waayo Itoobiya ayaan ilaa hada soo gudbin shurudihii loo baahnaa, si ay shaqadu 
u billaabato. Muqdisho ou uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo Dagaalada laguna 
taageerayo nabadda. Banaanbax aad u ballaadhan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa ka dhacay 
magaalada Muqdisho Maalintii Axadda ahayd, kaasoo lagu xusayay maalinta nabadda 
aduunka.Banaanbaxaas waxaa ka soo qayb galay Ururada Ardeyda iyo Haweenka, wuxuna ka 
dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada, waxayna ka qayb galayaashu ku 
muujinayeen sida ay dagaalka iyo colaadda uga soo horjeedaan. Bannaanbaxayaashu 
waxay markii denbe isagu yimaadeen KM4, waxaana lagu qiyaasay dadka banaanbaxan 
ka qayb qaatay in ka badan 3000 oo qof.
 Dadka banaanbaxayey ayaa waxay xidhnaayeen funaado ay ku qoran yihiin ereyo ku 
yaboohaya nabadda oo ay ku deeqday kooxda kubadda cagta ee Barcelona ee wadanka 
Spain. Fannaaniin kala duwan ayaa iyaguna heeso dagaalka lagaga soo horjeedo ka 
qaaday garoonka kubbada cagta. Maariye kuxigeenka Xarunta Baadhista iyo wada 
xaajoodka C/qaadir Yaxye oo halkaa hadal kasoo jeediyay ayaa sheegay in ay 
diyaar uyihiin in ay Somalia dib udhisaan haduu maraykanku Taageero iyo hadii 
kaleba
 Wasaarada gaashandhiga ee Itoobiya oo u buuq ka taaganyahay warar aanu ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya ayaa sheegaya buuq aad 
u ba,an oo ka dhex taagan wasaarada gaashaandhiga Itoobiya. Wariyaha wakaalada 
wararka Ogaadenya ee ku sugan magalada Addis Ababa ayaa sheegaya in buuqaasi oo 
ku saabsana saraakiisha ciidamada ee wadanka Itoobiya oo aan wax dalacaad ah 
helin mudooyinkii u danbeeyay. Shir ay saraakiisha ciidamadu isugu yimaadan 3dii 
Asbuucba hal mar oo ka dhacay wasaarada Gaashan dhiga ayay saraakiishu ku 
codsadeen in loo cadeeyo sababaha kalifay dalacaad la,aanta, waxaana loo sheegay 
in ayna jirin wax dalacaad ah oo labixinayo mudo Labo sano ah, taasina waxay 
dhalisay buuq saameeyay dhamaanba wasaarada gaashaandhiga.
Dhinaca kalana waxaa jira warar sheegaya in 
duuliyayaal badan oo ay dawlada wayaanuhu ka shakiday la eryay, duliyayaashas oo 
ka tirsanaanjiray ciidamadii cirka ee xukuumadii mingeste ee Dhergiga, ayay 
Xukuumada TPLF dib u soo hawlgalisay xiligii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo 
Eritrea, hasa yeeshee waxaa soo baxay tuhun loo aaneeyay in ay Duuliyayaashasi 
wadeen dhaqdhaqaan lid ku ah taliska uu hogaamiyo Zenaawi.  23.09.003 Dhoodi Danwaa.
 
raadioxoriyo@yahoo.com  radioxoriyo@ogaden.com
 
 Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 
  .... 
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com 
   
    Dhegeyso
    warkan oo Cod ah
   
    
     
   
 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
   
   
     
   
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE 
   
     
    
   
  AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
   
 |