SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Beesha Leelkase iyo siyaasadda Soomaaliya

Maxamed indheergarad
korwaayeel@yahoo.com

Leelkase uma haboona inay ka qayb qaataan tartanka madaxweynenimada iyo wasiirada iyo xubnaha baarlamaanka IGAD soo wado.

Qabiil dadkiisa ma noolaan karaan haddii aanay xubnihiisa ka noqon Soomaaliya madaxweyne ama wasiir? Arrintaas jawaabteda waxaa laga faaiidaysan karaa leelkase oo noolaa kuna badbaaday Soomaaliya ayagoon wasiir weligood ka helin dawladihii Soomaaliya tii 1960-69 iyo tii kacaanka ee 1921-90 (waa intii ay jirtay wax loogu yeeri karo dawlad soomaaliyeed).

Intii uu wadanka burbursanaa qolada keliya ee baabuurtooda u kala gooshi jirtay waqooyi ilaa koofurta Soomaaliya oo loo bixiyaya laanqayrta cas waa ayaga waayo dadkiina waa ka amaan helay ayagana waa ammaan geliyeen dadka. Haddii ay dawladda galaan sumcadaas waa waayayaan.

Sida aan internetka ku arkay qoladii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo gogol fadhi gabar ku gudoonsiiyay beelaha Soomaaliyeed ee la hayb sooco oo u bilaabay Soomaalida kale waa Leelkase. Sida aan ka maqlay Soomalaalida ka timaada United States waxbarashada, ganacsiga iyo siyaasaddaba Leelkase waa ku horeeyaan. Qoyskan waa dad hufnaan lagu bartay - waa qoyska magaaladooda Goldogob u ekeysiiyay Paris yar.

Leelkase sumcadiisa iyo inuu ka mid noqdo siyaasadda qariban ee Soomaaliya ma isku wadi karaa ? Waxay ila tahay inuu mid u go talada suuban waa inuu ka haro siyaasadda Soomaaliya oo u daayo dadka qibradda u leh ee weligeed soo wadi jiray (Hal ninkii maali jiray ayaa yaqaan)

Leelkase waa qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed inkastoo ay yar yihiin haddana xaq waa u leeyihiin inay ka qayb qaataan siyaasadda Soomaaliya oo aniga ilama aha in laga horjoogsado haddii ay ayaga rabaan laakiin waxaan leeyahay ku ekaada wanaagii la idinka bartay oo ah in aad bulshada wanaag u horseedaan. Mar haddii la waayey qabiil soomaali ah oo tanaasul sameeyay oo yiri Soomaaliyay qaybtaan u helnay kuraasta waa tan ee qaybsada oo anaga iyo dalkaba si fiican noo maamula, waxaan filayay in aan arki doono Leelkase tanaasul sameeya waase nasiib daro in ay ka soo baxeen kuwo kuraas doon ah.

Leelkase iyo Soomaaliweynba dan uguma jirto in nimankaas lagu soo daro siyaasadda ee tolka iyo Soomaalidaba dib ha isugu noqdaan. Leelkase siyaasadda Soomaaliya ka tanaasul-u tanaasul oo tanaasul.

Maxamed indheergarad
korwaayeel@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD