DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Dagaal dhex maray ciidanka Xoreeynta Ogaadeenya iyo midka gumaysiga
Itoobiya.
- Ø
Kulan ay yeelatay Jaaliyadda Ogaadeenya ee
gobolka Easten Cape dalka Koonfur-Afrika
Ø Hogaanka TPLF oo kaladaatay.
Ø Wasaarda arimaha dibada ee Itoobiya oo shir jaraa’id ay qabatay u
diiday
wariyayaal in ay ka soo qaybgalaan.
Ø Madax waynihii hore ee Itoobiya oo maamuuskii uu lahaa laga qaadayo.
Ø 50 urur bulsheed oo Itoobiya laga mamnuucay.
Ø Itoobiya oo bilowday laba qorshe oo lagu fashilinayo shirka wadatashiga
Nairobi.
Ø Hay’adda Elman ee Nabad iyo Xuquuqul insaanka oo Dagaalka Sool
canbaareeysay.
Dad ay ciidamada Itoobiya ka qafaasheen Tuulada Ceelhabreed.
Ø Barnaamuj gaar ah oo lagu maga caabo Aragtida halgamaaga oo wax yaabo
badan xanbaarsan iyo suugaan halgameed.
Dagaal dhex maray ciidanka Xoreeynta Ogaadeenya
iyo midka gumaysiga Itoobiya.
08.01.2004 ayaa waxuu dagaal ku dhex maray
ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya meesha
lagu magacaabo Eydda oo ku taalala banka Qoraxay waxaana halkaas ciidamada
gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 Askari tiro kale oo aan naloo soo xaqiijina
waa lagaga dhaawacay.
Kulan ay yeelatay Jaaliyadda Ogaadeenya ee
gobolka Easten Cape dalka Koonfur-Afrika.
Maalinimadii Axada ee ay taariikhdu ahayd
11/01/2004 ayay kulan balaaran isugu yimaadeen xubanaha Jaaliyadda Ogaadeenya ee
ku dhaqan Gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika. Kulankaas oo ay ka soo
qeyb galeen dadweyne aad u badan oo ka kala yimid dhamanba degmooyinka
kalgadisan ee uu ka kooban yahay gobolkaasi ayaa ka dhacay magaaladda (Uitenhage)
Furitaankii kulankaas ayuu wacdi diini ka
jeediyay Sheekh Axmed Sheekh Maxamed oo ka tirsan jaaliyadda ogaadeenya ee ku
dhaqan Gobolkaas. Intaa kadib waxaa hadlkii qaatay wakiilka jabhadda Wadaniga
Xoreynta Ogaadeenya ee Dalka Koonfur Afrika mudane Daahir Maxamed Cali (Daahir
basto).
Wakiilku wuxuu jaaliyadda siiyay war bixin
dheer oo koobeysa dhinacyo kaladuwan, isagoo isla mar ahaantaana sharax fiican
ka bixiyey hormarka halganka ay ku talaabasdeen jaaliyadaha ka hawl gala Europe
iyo waqooyiga America.
Mudana Daahir waxaa warbixintiisa ka mid ahaa
kormeerada masuuliyiinta jabhadda ay kumarayaan meelo kala gadisan oo dunida
kamid ah si ay fariinta halganka u gaarsiiyaan dadweynaha ogaadeenya ee ku
dhaqan daafaha aduunka. Sidoo kala wuxuu mudanauhu sawir wanaagasan ka bixiyey
hawl galada joogtada ah ee ciidanka xoraynta Ogaadeenya, guulaha ay gadheen
iyohorumarka ay jabhadu ka gaadhay dhinaca warbaahinta .
Mar uu ka hadleyey dhibaatada haysata shacbi
weynaha ogaadeenya ee ku sugana gudaha, wuxuu aad ugu nuuxsdey gafafka arxan
darada ah ee ay ciidamadaha maxaysatada ah ee Itoobiyaanku maalin walba kula
kacaan ummada sida xabsiga, dhaca, dilka iyo kufsiga loo geysto dumarka.
Wuxuu Mudane daahir farta ku fiiqey maamulka
killilka iyo sida uusan uga turjumi karin baahida iyo danta dadkiisa, isagoo
tilmaan wanaagsan ka bixiyey miisaaniyadda killilka ee ay Itoobiya sheegto inay
waddanka ugu tala gashay iyo sida aanan loogu faa idaynin dadkii ku magacawnaa
miisananiyadaas.
Mudane Dahir waxaa kaloo uu ka hadley is
afgaranwaaga siyaasadeed ee ka dhex jira EPRDF-ta gudaheeda iyo xaaladda guud ee
ka jirta Itoobiya. Khilaafka Itoobiya iyo Eretereya iyo sida ay suurta galka u
tahay dagaal cusub oo ka dhex hura labada dal.
Waxaa kaloo uu wax ka taabtey arimaha
soomaaliya gaar ahaan dhibaatada qabqablayaasha, Shirka Nairobi iyo saamaynta ay
faragalinta shisheeyuha oo sabab u ah in aan ilaa iyo hada la gaadhin natiijo
wax ku ool ah oo anfacaysa bulshada soomaaliyeed ee dhiban, iyo Dhibaatada uu
maamulka waqooyi galbeed soomaaliya ku hayo shacabka Ogaadeenya ee safaradda ku
imanaya qaar ka mid ah magaalooyinka hoos yimaada maamulkaas.
Ugu danbeytiina wuxuu tibaaxay in halganku uu
yahay mid muqadas ah uuna socondoona tan iyo inta la gaadhayo guusha kama
danbeysta ah, isagoo carabka ku dhuftey in wax kabadalida halgan ay gacanta ku
hayaan shacabku, jabhaduna ay ku shaqeyso rabitaanka bulshada.
Waxaa isna shirka ka hadlay isagoo soo gudbiyey
waxqabadkii jaaliyadda muddadii halka sana ahayd ee u danbeeysay Guddoomiyaha
jaaliyadda Ogaadeenya ee dalkan Koonfur Afrika Mudane C/raxmaan C/aahi Muxumad (cashara)warbixintaas
ayaana lagu soo gabagabeeyey kulankaas oo bilaamay 2.dii duhurnimo socdeyna ilaa
iyo 5.galabnimo.
Hogaanka TPLF oo kaladaatay.
Sida uu noo soo tabiyay wariyahanaga Magaalada
Adis Ababa waxaa xubinimadii ururka TPLF laga xayuubiyay Zeray Assegedom iyo
Kiros Betew oo ka tirsanaa golaha dhexe ee Ururkaas, waxaa kale oo isaguna is
casilay AkliluDembrkay oo ka mid ahaa golaha dhex ee Ururka talada wadanka
Itoobiya gacanta ku haya ee TPLF.
Arimahani waxay hordhac u yihiin khilaafka wayn
ee ka dhex oogan golahii dhexe ee Ururka TPLF uu dhawaan ku soo sameeyay kaligii
taliye Melis Zenaawi shirwaynihii ka dhacay magaalada Maqale.
Warku waxay intaas ku darayaan in isagana loo
yeedhay Safiir AdisalamBalema oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee sida wayn loo
xurmeeyo, lama cadaynin sababaha yeedhistiisu waxa ay ku saabsan tahay waxaase
la tilmaamayaa in isagana xilka laga qaadi doono.
Dadka ku dhaw dhaw siyaasada TPLF ayaa waxay
saadaalinayaan u uu burbur xoogle ku iman doono hogaanka talada wadanka haya
inta ka horaysa doorashada lafilayo in ay sanadka danbe ka dhacdo wadanka
Itoobiya.
Wasaarda arimaha dibada ee Itoobiya oo shir
jaraa’id ay qabatay u diiday
wariyayaal in ay ka soo qaybgalaan.
Wariyha wakaaldda wararka Ogaadeenya u jooga
magaalda Adis Ababa ayaa noo soo tabiyay in wariyayaasha madaxa banaan loo
diiday shir Jaraa, id oo ay si wada jir ah u qabteen wasaarada arimaha dibada ee
wadanka Itoobiya iyo Saraakiil ka socota wadanka Israa` iil.
Nin u hadlay saxaafada madaxabanaan ee shirkaas
loo diiday ayaa yidhi, talaabadani waa mid ka soo horjeeda nadaamka caalamiga ah
ee saxaafada, waxaana naga hor istaagay in aan shirka galo Nabad sugida Itoobiya,
si kastaba ha ahaatee waxaa waxaa la tuhunsan yahay in ay labada dhinac ka wada
hadlayeen dadka la rabo in dhawaan loo qaado wadanka Israa` iil ee ka soo jeeda
qabiilka Falaashaha.
Madax waynihii hore ee Itoobiya oo maamuuskii uu lahaa laga qaadayo.
Madaxwaynihhi hore ee wadanka Itoobiya Dr.
Nagaaso Gidhaadha ayaa laga cabsi qabaa in taliska TPLF uu ka qaado maamuuskii
uu ku dhex lahaa wadanka gudihiisa.
Tuhunkan ayaa soo baxay kadib makuu Dr. Nagaaso
xukuumada ku eedeeyay in ay siyaasad foolxun oo dadka laysaga horkeenayo ay
qoomiyadaha ka dhex wado.
Madaxwaynihii hore ayaa xukuumada ku eedeeyay
rarista xafiisyada maamulka Oromada lagaga rarayo magaalada Adis Ababa in ay
tahay mid aan sharciga waafaqsaneen oo dano gaar ah laga leeyahay, waxuu kaloo
xukuumada ku eedeeyay xasuuqii bishii hore ka dhacay gobolka Ganbeelaha in ay ka
danbeeyeen masuuliyiin ka tirsan taliska wadanka hogaamiya.
50 urur bulsheed oo Itoobiya laga mamnuucay.
Wariyaha wakaaldda wararka Ogaadeenya u jooga magaalda Adis Ababa ayaa sheegaya
in albaabada loo laabay 50 Urur bulsho oo u adeege jiray mawaadaniinta Itoobiya,
waxayna xukuumada Adis Ababa si cad oo aan geedna loogu soo gaban u duudsiday
xuqooqdii uu muwaadin walba u lahaa in uu samaysan karo urur bulsho oo danaha
dadwaynaha u adeega.
Talaabdan ayaa ka danbaysay tuhun ka galay
maamulka TPLF in ururdani ayna u dahaga nugleeyn siyaasada kali talisnimo ee
Meles Zenawi. 50 kan urur bulsheed ee laga mamnuucay Itoobiya ayaa waxay isugu
jireen qaybaha kala duduwan ee bulshada , sida ururka wariyayaasha, ururka
ardayda iyo ururo badan oo samofalka shaqayn jiray.
Falkan noocan ah oo ay Itoobiya caan ku noqotay ayay ku kasbatay canbaarayn
kulul oo kaga timaada bulsho waynta dunida , urur bulsheedyada caalamiga ah
iyo kuwa xaquuqal insaankaba.
Itoobiya oo bilowday laba qorshe oo lagu
fashilinayo shirka wadatashiga Nairobi.
Sida aanu ka soo xiganay shabakada Internetka
ee Dayniile waxay Dowladda Itoobiya oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka caga
jiideysay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa bilowday laba qorshe oo ay
ku dooneyso in ay ku fashiliso kuna xagal daaciso shirka wadatashiga
hogaamiyayaasha Soomaalida ee ka bilowday magaalada Nairobi.
Sida ay sheegayaan warar isa soo taraya oo laga
dareemayo magaalooyinka Hargeysa & Garoowe waxa ay Itoobiya lugta kula jirtaa
xiisada ka jirta deegaanada gobolka Sool, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka
Somaliland ee Kulmiye Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) oo dhowaan ka soo laabtay
Itoobiya ayaa sheegay in uu dowladda Itoobiya kala hadlay xaalada gobolka Sool
ayna sheegeen in ay wax ka qabanayaan.
Markaa kadib markii ay labada dhinac arrinta ka
wada hadleen ayey ka sii dartay xiisada Laascaanood, iyada oo Itoobiyana ay ku
jirto isaga dabqadista labada dhinac taasoo dhalisay shaki ah in ay Itoobiya sii
shideyso xiisada ka jirta gobolka Sool si ay saameyn ugu yeelato una fashiliso
shirka la doonayo in dib loo bilaabo ee Kenya, iyada oo la abaarayo sidii uu C/llaahi
Yuusuf dib ugu soo laabto W/Bari.
Dhinaca kale, xubno SRRC ah oo ka tegay shirka
ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaasoo 4 ka mid ah ay cadeysteen in aysan dib
ugu laabaneyn shirka oo ay qabanqaabinayaan shirar dhameystir ah oo ka dhaca
gudaha Soomaaliya, magaalooyinka Jowhar, Baydhabo & B/weyne ayaa ku loolamaya
qabashada shirkaas iyada oo uu Nairobi ka furmay shirka wadatashiga.
4-ta hogaamiye ee SRRC-da oo markii hore loo
arkayay raacdo reeb siyaasadeed ayey IGAD culeys ku saareysaa in ay dib ugu
laabtaan shirka inkastoo wakiilo u jooga Nairobi la sheegay in ay shirka u
matalayaan.
Hay’adda Elman ee Nabad iyo Xuquuqul insaanka
oo Dagaalka Sool canbaareeysay.
Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqul Aadanaha Elman ayaa cambaareysay dagaalka ka
dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool kaasoo sababay
dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis, waxayna sheegtay hay’addu in mas’uuliyadda
dagaalkaas ay qaadayaan maamulada Hargeysa iyo Garoowe.
Hay’adda Elman ayaa sheegtay inay walwal weyn ka qabto xaaladda nololeed ee
maatada dadka Soomaalida ah ee ku nool Goboladii lagu amaani jiray nabadda,
kuwaasoo isu rogay meel ay ku loolamaan rag darajo iyo magac ku raadinaya
dagaal iyo xasilooni darro, iydaoo hay’addu tilmaamtay in raggaasi ay ku
biiri doonaan liiska dagaal oogayaasha Soomaalida.
Hay’addu waxay ugu baaqday labada dhinac ee isku haya Gobolada Sool iyo
Sanaag in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka isla markaana ka
tanaasuladaan hurinta dagaalo sokeeye, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in
cadaadis xooggan saarto labada dhinac.
Dad ay ciidamada Itoobiya ka qafaasheen Tuulada
Ceelhabreed.
war aan ka soo xiganay shabakada wararka ee
Soomaaliwayn ayaa sheegaya in tuulada Ceel-habreed ay ciidamo Itoobiyaan ah dad
soomaali ah oo xoolo dhaqato ah ka qafaasheen tuuladaasi. Dadka la qafaashay
ayaa tiradooda lagu sheegay lix ruux oo uu ku jiro Nabadoonka tuulada
Ceelhabreed. Ma ahan markii ugu horaysay oo cidamo Itoobiy-aan ah ay dad
Soomaaliyeed qafaashan iyadoo la sheegay in dadkii ay halkaas ka kaxaysteen ay
geeyeen tuu-lada Feerfeer oo saldhig u ah Cidamada Itoobiya ma jiraan ilaa iyo
hada wax cadeynaya sababta ay dadkaas u qafaasheen ciidamada Itoobiyaanka ahi.
Ciidamada Itoobiyanka ah ayaa la sheegayaa in
ay da-dka Soomaalida ah ee ay qabtaan ka qaataan xoogaa lacag madax furasha ah.
13.01.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad
ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|