Afartan sano oo keliya ayaa ka soo wareegatay markii madawga si sharci ah loo
takoori jiray oo ay meelaha biyaha laga cabo ama musqulaha u kala duwanaayeen
maraykanka. Shineemooyinka derbiyada kala midab ayay ahaayeen si dadka loo
kala sooco. Gaadiidka iyo waxwalba waa uu u kala soocnaa oo dulmiga lagu
hayay dadka madaw halkan kuma soo koobi karo. Minnesota tii ugu xumayd waxay
ahayd in magaalo la yiraahdo Duluth oo ka tirsan Minnesota lagu dal dalay
saddex nin oo madow ah oo xabsiga ku jiray maxkamad la’aan ka dib markii ay
gabar cadaan ahi tiri waa i kufsadeen dadka habsiga soo jabsaday ayaa
gaarayay boqolaal qof oo caddaan ah si xoog ah ayay kula baxeen dhalin
yadadii musaafurka ahay ka dibna fagaare ku dal daleen ayagoon weli maxkamad
la saarin!.
US Senator Norm Coleman
Socodkii
19ka January 2004 ee Minnesota |
Waxay ahayd Subax Isniin ah oo aad u qabow 19ka January 2004 Saacaddu
markay ahayd 09:00 subaxnimo ayaa Dad u badan madow oo ay weheliyaan cadaan
iyo Asian iyo Latinos ayaa isugu yimid dugsiga sare ee St. Paul Central si ay
u sameeyaan socod banaan bax oo astaan u ah hogaamiyaha la xusayay oo caan ku
ahaa banaan bax uu kula dagaali jiray cadaaladda darada ku habsatay dadka
madaw ee maraykanka.
Saacad ka dib bannaan bax socod ah oo ay horkacayaan Qaar ka mid ah
hogaamiyeyaasha madow ee Minnesota, US Senator Norm Coleman, iyo Mayorka St.
Paul Kelly ayaa bilaabmay dadka waxaa lagu qiyaasi karay ilaa 600 oo qof
dadkaas oo ku dhawaaqayay kelmadda ah “We shall overcome someday” oo ay
macnaheedu tahay maalin uun baan ka bixi doonaa dhibta na haysata – waa
ereyadii uu dhihi jiray halgamaa Martin. Ugu danbayntii dadkaasi waxay soo
gareen garoonka isboortiga ee Jaamacadda Concordia halkaas oo ay qudbadaha ka
bilwdeen. Markii la kala tegayay ayaa loo mahadceliyay ka soo qaybgalayaasha
oo dhan umadihii loo mahadcelinayay waxaa ka mid ahayd Soomaalida.
Isla 15ka january 2004 waxaa ayada sandkii 14 soo qaban qaabisay xuskii
halgamaaga oo sida dhabta ah maalintaas ku aadan Collage-ka la yiraahdo
Minneapolis Community and Technical Collage. Soomaali badan ayaa ka qayb
galay sodoo kale habeenkaas. Xafladda waxaa furay madaxweynaha Collage-ka
Phillip Davis laakiin waxaa qudbada badankeeda ku qornaa oo ahaana marti
sharaf ka yimid caasimadda Mudane Kweisi Mfume oo ah madaxweynaha Ururka ugu
da weyn ururada u dooda xuquuqda dadka aan caddaanka ahayn inkastoo uu
ururkan hadda u doodo xataa caddaanka. Ururka waxaa la dhahaa The National
Association For The Advancement of Colored People (NAACP) wixii faahfaahin ah
oo ku saabsan ururkan ka eeg
www.naacp.org.
Hadaladii uu Mudane Mfume ka yiri meesha waxaa ka mid ah “halgankii
cadaaladda ee uu Dr. Martin u istaagay weli ma dhama inta dhaqaalaha
bulshooyinka America qaarna kor u kacayo qaarna hoos u dhacayo, inta weli
dagaal xal lagu raadinayo ama inta weli dad la dulmayo” Waxaa kale oo uu yiri
“ haddii aan nahay dadka madaw ee America siyaasiyiinta Republicanku col
nooma wada aha kuwa Demoqraadigana saaxiibo nooma wada aha mana ah in aan
qofka hadal macaani ku qiimayno ee waa in aan waxqabadkiisa ku qiimaynaa” .
Taariikh kooban oo ku saabsan Dr. Martin Luther King Jr.
Wuxuu ku dhashay Atlanta Georgia 1929. Waxbarashada waxaa uu ka gaaray
heerka Ph. D asagoo bartay diimaha. Waxaa uu safar ku tagay dalka India 1959
asagoo la kulmay Gandigii India oo uu la dhacsanaa nooca halganka oo uu
ninkaas waday. Sandkii 1963dii waxaa uu ka qudbeeya bannaanka taalada Lincoln
ee Washington DC asaga oo hor istaagay 250,000 oo qof. Sanadkii 1964 ayaa la
siiyay biladda Nobel Peace Prize, isla sanadkaas ayaa dalka maraykanka la
ansixiyay Civil Rights Act of 1964 waxaa qalinka ku duugay Madaxweyne Lyndon
Johnson. Sanadkii 1965 waxa uu aad uga shaqeeyay xaqa codbixinta dadka madaw
ee Maraykanka. Waxaa la dilay 1968 asagoo yimid magaalada Memphis si uu u
taageero shaqaalaha nadaafadda oo samaynayeen cabashooyin xuquuq darro ah oo
lagu hayay. Madaxweyne Ronald Reagen ayaa qalinka ku duugay in laga dhigo
maalin feysto qaran sanadkii 1983 laakiin ma dhaqan gelin ilaa laga soo
gaaray 1986.
Ma keligiisaa u soo halagamay xuquuqda dadka madaw ?
Jawaabtu waa maya oo waxaa la mid ahaa nin muslim ahaa oo asagana la dilay
oo la dhihi jiray Malcom X. Mudane Malcom X ma aha nin taariikhdiisa la duugi
karo waayo door aad u weyn ayuu ka soo qaatay halganka dadka madaw oo loo
yaqaan “civil rights movements” Waxaa kale oo jira halgamayaal badan oo aanan
halkan ku soo koobi karin.
Hadaladii Dr. Martin Luther King Jr maxaa ka mid ahaa?
“Cadaalad darrada meel kasta ka dhacdaa waxay qatar ku haysaa nabadda”
“Waxaan ku riyooday in maalin la arki doono madow iyo cadaan isla fadhiya
iyo ayadoo aanan qofka lagu qiimaynayn midabkiisa ee lagu qiimeynayo
aqoontiisa” iyo murti badan oo aanan soo koobi karaynin weliba ilaa 5 buug
ayuu qoray.
Cadaaladda iyo dulmiga:
Dad xeel dheerayaal ah oo u kuur galay sababta ay diinta islaamku u tahay
diinta ugu fididda badan diimaha addunka ayagoo dalalka islaamka maanta aanay
gumaysanin dadyow kale oo aanay ku horayna farsamada iyo dhaqaalahaba waxaa
ay jawaab ka dhigeen in diinta islaamka xoogga saarto cadaaladda iyo sinaanta
oo ay soo jiidan karto qofwalba oo la dulmiyay si ka dheer diimaha kale.
Waxaa aan muran ka jirin in qofwalba oo bani adam ah uu u baahan in uu
helo cadaalad asagana laga helo. Dagaalo badan iyo dulmi badan oo addunka ka
jiraa waxa ay u badan yihiin wax badsi iyo iimaan la’aan iyo jahli oo haddii
uu caqliga iyo aqoonta shaqayso dhib dbadan ma dhaceen. Dr. Martin iyo Mudane
Malcolm X waxa ay u istaageen oo naftoodana u hureen danta xuquuqda dadka
madow ay xaq u lahaayeen oo xoogga looga qaaday markaasna la dulmin jiray
inkastoo aanan la dhihi karin dadka madow dulmigii waa laga wada qaaday 100%
haddana waxaan shaki ku jirin in halgankooda guul gaaray.
Hore Shacabka Soomaaliyeed waxay u muujiyeen kartidooda markii ay iska
xoreeyeen ayagoo isku duuban istimaarkii Talyaaniga iyo Ingriiska oo guushaas
waxaa dhaliyay geesiyaal Soomaaliyeed.
Maanta dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dulman caruurta aan waxbarasho
haysanin waa dulman yihiin, dadka aan daryeel caafimaad haysan waa dulman
yihiin, umadda nabad gelyo la’aanta iyo qaxa la baday waa dulman yihiin xata
xoolaha iyo dhirta iyo wadanka waa dulman yihiin su’aasha waxay tahay waa
kuma geesiga u istaagu doona dabaqabashad iyo badbaadinta shacabka
Soomaaliyeed? Waa kuma Malcom X ka Soomaaliyeed ama Dr. Martin ka
Soomaaliyeed?
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com