SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Dagaallo dhex maray ciidamada xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.
  • Ilaaladii madaxwaynaha Itoobiya oo baxsatay.
  • Liibiya iyo Eritreya oo sheegay inayna shirka Midawga Afrika ka qayb galaynin.
  • Itoobiya oo dagaal isu diyaarinaysa.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadanayno qudbad uu ka jeediyay hogaanka warfafinta ee JWXO xaflad lagu xusayay sanadguurada 44 ee ka soo wareegtay xornimada Soomaaliya iyo suugaan halgameed.

Dagaallo dhex maray ciidamada xoraynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya. 

Dagaallo ba`an oo dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada wadaniga xoraynta Ogaadeenya ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya jab lixaad leh loogu gaystay. Dgaalladan u dhaxeeya xoogaga gobanimadoonka iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya oo joogto ah ayaa waxaa ugu danbeeyay kuwan. 

15.06.2004 Dagaal mir ah oo ay ku qaadeen dagaalyahamiinta ciidanka Jabhada Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya, saldhig ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku lahaayeen Galaalshe ayaa ciidamada dacdarraysan ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay  6 askari, waxaana lagaga dhaawacay 9 askari oo kale.

 25.06.2004 Iska hor-imaad dagaal oo ku dhex maray dagaalyahamiinta ciidanka xoraynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya meesha la yiraahdo Jeedala, oo ka tirsan degaanka Sagag, ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dila 5 askari, waxaana lagaga dhaawacay 7 askari oo kale. 

Isla 25.06.2004 Dagaal ay iskaga horyimaadeen geesiyaasha ciidamada xoraynta Ogaadeenya iyo ciidamada doolka ku jooga Ogaadeenya ee gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay tuulada Maraa-caato ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 2 askari, waxaana lagaga dhaawacay 2 askari oo kale. 

01.07.2004 Dagaal mir ah oo ay ku qaadeen koox aad u tababaran oo ka tirsan ciidanka wadaniga xoraynta Ogaadeenya xarunta ciidamada cadawga Itoobiya ee magaalada Qabri-dahare ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya kaga dileen 7 Askari, waxayna kaga dhaawaceen in ka badan 10 askari. 

Ilaaladii madaxwaynaha Itoobiya oo baxsatay. 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Washington ee carriga Marykanka ayaa sheegaya inay baxsadeen 3 nin oo ka tirsanaa ilaalada madaxwaynaha Itoobiya Girma Waldhe Giyorgis. 

Sadexdan nin ee baxsaday ayaa laba ka mid ahi waxay ahaayeen ilaalada khaaska ah ee madaxwaymaha, ninka kalana wuxuu ahaa ninkii cuntada u keeni jiray, waxayna laba  ka mid ahi u kala dhasheen qowmiyada Tigrrega, Axmaarada, midka sadexaadna wali lama cadaynin qowmiyada uu ka soo jeedo. 

Ragan baxsaday waxay magangalyo siyaasadeed waydiistay dalka Maraykanka, waxaana lagu kala magacaabaa:

  • 1.Kasye Abaje

  • 2.Getajaw

  • 3.Af-warq

Basxashadan ay baxasadeen ilaaliyayashii khaaska ahaa ee madaxwaynaha Itoobiya ayay dadka arrimaha Itoobiya u dhuun duleela ku macneeyeen inay daliil u tahay kalsooni darrada ka dhex jirta xubnaha ururka TPLF ee talada Itoobiya ku amar-ku-taagleeya. 

Liibiya iyo Eritreya oo sheegay inayna shirka Midawga Afrika ka qayb galaynin. 

Dawladaha Liibiya iyo Eritreya ayaa sheegay inayna ka qayb geli doonin kalfadhiga 3aad ee madaxwaynayaasha dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo bishan la qabanayo.

Dawlada Eritreya ayaa sheegatay in aynan diyaar u ahayn inay shir u aaddo wadanka Itoobiya oo sharicga caalamiga ah ku tuntay, isla markaana ku gacan saydhay go’aankii ay soo saartay gudidii ay Qaramada Midoobay u xilsaaratay xallinta khilaafaadka xuduudeed ee Itoobiya iyo Eritereya. 

Madaxwayanah Liibiya Mummar Al-Qadafi ayaa isaguna sheegay in uuna marnaba ka qayb galaynin shir uu Midawoga Afrika ku qabanayo wadanka Itoobiya.

Coronel Qadaafi ayaa marar badan madaxda Afrika ka codsaday inay xarunta Midowga Afrika ka wareejiyaan magaalada Addis Ababa. 

Itoobiya oo dagaal isu diyaarinaysa. 

Sida ay caddeeyeen saraakiil iyo ciidamo ka soo goostay ciidamada Itoobiya ee jiidda hore ku sugan, waxay Itoobiya isu diyaarinaysaa inay dagaal ku qaado mar kale wadanka Eritreya. 

Habka tababarda, diyaargaraynta qalabka ciidamada iyo wareegtooyinka ka imanaya taliska sare ee TPLF ayaa xanabaarsan astaamo caddaynaya inuu jiro u diyaar garow dagaal, sidaas waxaa sheegay saraakiil sare oo dhawaan u soo galay dalka Eritereya. 

Ciidamadan iyo saraakiishan Itoobiya ka soo baxsaday ayaa sheegay inay ka soo carareen xaalada dagaal ee taliska TPLF uu abuurayo, maamul xumo, musuq iyo eex cad oo aan la qarsanaynin. Waxaa kor u kacday tirada ciidamada Itoobiya ka goosta ee isu soo dhiiba dalalka Eritreya, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya. 

Dhinaca kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan  ayaa booqasho ku tagay wadanka Eritreya, wuxuuna la kulmay madaxwayanah wadanka Eritreya. Waxuu sidoo kale booqday wadanka Itoobiya, waxuuna la kulmay  keligii Keligii taliye Meles Zenawi, wuxuuna labada dhinac kala xoojoonayaa sidii loo dejin lahaa xaaladda kacsan ee labada dal u dhaxaysa. 

06.07.2004

C/Nuur Sh. Maxamed
raadioxoriyo@yahoo.com

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2004

Dhicii loo Gaystay Shirkadda Xawaaladda ee Dalsan
iyo Somalida ku nool Magaalada Nairobi oo Saamayn wayn ay ku yeelatay Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD