Xaawo Muuse
Hawo12@hotmail.com
Soomaalida waxay ku maahmaahdaa "waxgarad ragguu ku yaryahay dumarna
warkeedba daa" maantase waxay taagantahay "Waxgarad dumarka Soomaaliyeed
ayuu ku soo harey ragg Soomaali warkiisaba daa".
Dhiig la daadsho,xaraan la cuno ,been,qabiil lagu faano,islaweyni qaab daran
ayuu ninka Soomaaliga ku sifoowey waxaa taas u sii dheer ma
shaqaystanimo.Inta badan ragga Soomaaliyeed waa ma shaqaystayaal jecel in
shaxaadka iyo baryada ku noladaan.Dunida kuma noola nin afartan jir ah oo
weligiis shaqeysan hadan nool oo iska faraxsan.Soomaalida raggooda keliyaa
laga helaa 40jir weligiis shaqo u kalahin,hadana maqsuud ah oo aan is
ceebsan.
Nabigeena (csw) beenlow wuu nacladey wuxuuna ku tilmaamey ruuxa beenta ku
sifoowa in uu yahay ruux imaankiisu aad daciif u ah,beentaas la nacladey
ayaa ragga Soomaaliyeed caadi la tahay oo runtii baaba ku adag.Ninka
Soomaaliga ee galbeedka ku nool beentiisa waxaa la yaabey ninka gaalka ah ee
uu ku hoos noolyahay.Ka waran adiga oo muslim sheeganayo hadii ninkii
gaalka ahaa kanaxo lana yaabo been badnaantaada iyo isdaba
marintaada.(subxaana laah)!!.
Kan wadaadka sheegto oo garka dheer dhaaftey ee misaajidka ku jira iyo kan
maqaayadaha iska fadhiya oo 10-kii sano ugu danbaysey waqtigiis ku qaatey
Dubnad iyo Turub ciyaarid waxay ka wada simanyihiin in haweenka iyo caruurta
laga cararo, lacagta ceerta (social allowance,Supplementary benefit) ku
nolaado,oo mararka qaarkood qaad ku iibsado lacagtii caruurta caanaha loogu
soo iibin lahaa
Haweenkooda oo xijaaban ama jalaabiib sidata ayey ku qasbaan in ay been
sheegto si shilimaad yar oo dheeraad ah reerka u soo galo, ilmo asaga dhaley
ayuu wecel ka dhigaa oo gabadhii maskiinta ahayd ku qasbaa in ay gaalada ku
tiraahdo ma aqaan waxa ilmaha iga dhaley. Ma ogga ninka Soomaaliga lacag
sidaas lagu soo heley in aan lagu hodminoo ay xaraantahay.
Ninka Soomaaliga waa nin qabyaalada ku ad adag,laba dagaal ooge oo
soomaaliya ku dagaashey ayuu u kala eexdaa oo ninka Soomaaliga mar walba gar
iyo gardaro wuxuu la jiraa oo uu difacaa kan ay isku qabiilka yihiin. Ragga
Soomaaliyeed kan ugu daciifsan ayaa ugu qabyaalad badan,maxaa yeeley ninka
daciifka wuxuu ogyahay in kartidiisa iyo aqoontiisa wax ku qabsan karin
markaasuu qabiil iyo tolnimo wax ku donaa,ninka daciifka ka ah wuxuu is
leeyahay hadii nin isku tol aad tihiin madax noqdo hadaad doonto aad dacaska
u qaadide koley dhacdhac iyo lufluf wey meysid.Qabyaaliistaha iskuma
kalsoona in kartidiisa wax ku keensan karo ma moodo,qabiilkuu garab ka
raadshaa.
Waxyaabaha aan ragga Soomaaliyeed sida aad ka ah aan ula yaabo waa isbedel
la`aanta, waxaad arki mid 20 sano Yurub ama Nord Ameerika ku nolaa oo hadana
wuxuu la caqli iyo fikrad yahay midka geel jiraha ah oo aan weligiis
tuulada uu ku dhashey ka soo tagin.Dagaal ooge ayuu mooryaan iyo jiri qurba
jooge u yahay.Horemarka wadamada uu ku noolyahay ay gaareen iyo xadaarada
horumarsan ee uu soo dhaxgaley wax kama bedesho,garmaqaatanimo,qalafsanan
kama gudbo.Talow ninka Soomaaliga ma dhagaxbaa!!.
Mar aan yurub ku nolaa ayaan waxaan deris la ahaa reer Soomaaliyeed oo
seddax caruur lahaa.Ninka reerka odeyga ka ahaa wuxuu ahaa nin 10 sano
wadankaa ku nool weligiisna hal maalin shaqo uma kalahin wuxuu ku nolaa
lacagta ceerta ah taas waxaa u dhereed asagoon weligiis isku dayin in uu wax
ka barto luqada wadanka uu ku noolaa mudadaas badan,Gabadha xaaskiisa ah
iyadaa howl walba qabata,reerka iyadaa u soo codsata lacagta ceerta,iyadaa
soo adeegata,mararka qaarkood waxay kaa hor imaan iyadoo seddaxdii caruur
sidata ,mid gaariga ilmaha lagu riixo ayey ku wadaa,mid iyadaa gacanta
heysa,midna garaariguu dhinac ka heystaa,gaariga ay sidato qaybta hoose
waxay ku sidataa dhowr bac oo ay ku jiraan cuntadii ay dukaanka ka soo
iibsatey,uurna waa leedahay, marka aad weydiiso walaal maxaad ninkaada
ilmaha ugu soo tagi weydey ama asaga suuqa ugu soo diri weydey,waxay ku
leedahay walaal kaa warkiis iga dhaaf wuu ceebsanayaa in uu suuqa ka soo
adeego,ilmahana maxaan ugu soo tagaa gurigaba laguma arkee,gabadhii iyadaa
meel walba taagan,asagiina balaayo aan dan ugu jirin ayuu waqtiga ku
dhumiyaa,hadana wuu isla qab weynyahay oo nin rag baan ahay ayuu ku leeyahay
"Raggnimooy xaal qaado"!.
Ninka Soomaaliga ah wuxuu ceebsadaa in reerkiisa u soo adeego,wuxuu
ceebsadaa in xaaqin qaato oo guriga uu ku noolyahay iska xaaqo.Ninka
Soomaaliga wuxuu dunida ugu necebyahay shaqada,ma jeclo in uu dhidido iyo in
xogiisa ku nolaado.Waxaa taas lamid ah aqoonta ,cadowga labaad ee ninka
Soomaaliga leeyahay waa cilmiga,ninka Soomaaliga laguma karo in uu
waxbarto,jahliga ayey saxiibyihiin!.
Sharciga waa cadowga seddaxaad ee ninka Soomaaliga ah leeyahay,nidaam iyo
sharci in la dhowro waa ay ku adagtahy.Bal u fiirso nin soomaali ah oo joogo
xafiis boosta ah ama howla kale ay ka socdaan oo saf lagu jiro.Ninka
soomaaliga safka ma dhowri karo,xataa asagoon howl ka dhicin wuxuu isku
deyaa in uu si uun safka ugu hor maro dadka kale,hadii safka uu ku jiro ruux
Soomaali ah oo asaga ka horeeyo waa qasab in uu ninkaa u tago oo uu ka
codsado in uu howsha u soo fuliyo.
Baryada ninka soomaaliyeed ceeb lama ah "Shaxaad" ayeyba reer magaalka ulla
baxey,war qado iga bixi,war sigaarka ii dhiib,waxay noqotey caado aan
layskula yaabin.
Shaqo kasta ceeb baa laga dhigey,ninka soomaaliga in uu ka shaqeeyo shaqo
dhisma ah( sida fuundi) oo boor iyo caro gaarto ma rabo,shaqooyin qaarkoodna
lamaba qaban karo maxaa yeeley nasbkaaba laga baxayaa hadii laga
shaqeeysto,sida timojare,kaba-tole,mindi-tume iyo kuwo lamidka ah oo
bulshadu u baahantahay.Hadaba ma dhici kartaa in 8 malyan ee Soomaali ah in
xafiis wada fariistaan,oo kan waxbartey iyo kan wax baran ay wada noqdaa
karaani?.Hadii shaqo la qabtaa nasab dhiman lagu noqonayo ma
shaqaystanimaduna sharaf lagu gaarayo soo ma aha macnahu aan madaxa ku
socono lugaha aan ka fekerno.Maskax noocaas u fekerta xagey ina gaarsiin
kartaa?.Gaajo iyo rafaad managa saari kartaa?
Shaqo neceyb soo lagama aanan dhaxlin in la`is dhaco oo la`is boobo ilayn
shaqadii baaba ceeb laga dhigaye.Aniga waxaan qabaa nasabdhiman hadii qof
lagu timaamo haboontahay in ma shaqaystaha haboontahay in lagu timaamo
nasabdhiman.Qabiil aad ka dhalataa wax laguma noqdo aqoonta iyo kartidaada
wax lagu noqdaa.
Maxay tahay sababta gabdhaha dhalashadooda loogu farxin oo aan loogu
wanqalin?.Ninka reer miyiga marka wiil u dhasho xoolo ayuu u qalaa xabad buu
cirka u turaa,damashaad iyo farxad ayaa dhalashada wiilka lagu soo dhaweyaa
,hadii gabar dhalato Ilaah baa loo gafaa hooyadii ilmaha dhashaa la eedeyaa
ama si hoos ah loo inkaraa ,farxad gabadha lagu farxo iska daaye odayga
reerka madluun ayuu noqdaa,gabadha Soomaaliyeed ee miyiga ku dhalataa waa
qof aad u ayaandaran lama tixgeliyo,cuntada haraaga ayaa la siyaa,lama
daryeelo iyadoo 13 jir ayaa odey 60 jir xoolo lagu dhaafsadaa.
Ninkii Soomaaliga caqligii geeljiraha ayuu hadana magaalada la yimid,wiilka
marka uu dhasho tolka oo idil ayaa la gaarsiiya,waa loo wanqalaa,koolkoolis
iyo farxad baa lagu korshaa.Gabadhana dhalashadeeda naxdin ayaa lagu soo
dhaweyaa ninka Soomaaliga marka gabadh u dhalato wuxuu dhahaa" Sacii weeyl
buu dhaley" wuxuu ka dhigaa in asaga gabadha uusan dhalin ee hooyada
keligeed dhashey.Nasiib wanaag hooyada Soomaaliyeed ayaa ilmaheeda kala
jecleen isku si u daryeesha.
Gabadha yar ee Soomaaliyeed iyadoo 5 jir ayey waxay bilawdaa in reerka
caawiso ,saxamada ayey ka dhaqdaa,sariirahey gogoshaa,7jir marka ay noqoto
howsha guriga inta badan iyadaa la wareega,10 jir warkeeda ha sheegin ilmaha
kayar ayeyba hooyo u noqotaa,xataa goorta la guursado ma dhamaato
caawinaadeeda . Ma ogolaato in iyada dhereg ku seexato waalidkeedana ay
qadaan.Mararka qaarkood reerkeeda ayey halis u gelisaa in uu burburo si
waalidkeeda u daryeesho.
Wiilkii soomaaliyeed maanta waa mooryaan ama jiri laga harsan la`.Dagaal
ooge ayaa ku adeegta,dhaca iyo kufsiga ayuu dhaqan ka dhigtey,kan dibada u
soo dhoofeyna waa alkoliste ama darogiiste derbi jiif ah,maxaa wiil hooyo
dhashey oo Hanad loo baxshey, Yurub ama Nord Ameerika derbi jiif ku ah.
Dumarka Soomaaliyeed waa dumar aad u sharaf badan,xishood iyo naxriis
badan,dhoorsan,diinta jecel,diyaar u ah in ay reerkooda dhaqadaan,macsi iyo
xaraan aqoon.Halka ragga Soomaaliyeed qaadka iyo khamriga nolol maalmeed ka
dhigtey.
Ragga Soomaaliyeed waa rag aad u nasiib badan hadana ayaandaran oo ma oga in
dumarka dunida ugu sharafta iyo kartida badan in uu ilaah ku
mutaystey.Aflagaado,diljir,naxriisdaro ayaa loogu abaalgudaa dumarkii
wanagooda.
Sidaan maqaal hore aan ku sheegey dumarka Soomaaliyeed ayaa ah maanta
lafdhabarka nolosha Soomaalida,magaalo walba oo Soomaaliya ku taal ka soo
bilaw Saylac ilaa iyo Caluula,Ras xafuun ilaa iyo ras kambooni ,qofka
reeraha Soomaaliyeed quudiya, masaruufka keena(breadwinner) waa dumarka
Soomaaliyeed.Isbitaalka Hargaysa laga furey abaabulkii iyo dhisadiisa dumar
baa lahaa,Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho dib u habayntiisa iyo dib u
furidiisa dumar baa leh,daryeelka caruurta iyo badbaadadooda dumarkaa
hormuud ka ah.Ragii Soomaaliyeedna burbur iyo barakac ayey hormuud u yihiin,
in ummadii dagto ayey diidanyihiin
Meelo badan oo bariga Afrika iyo yurub ayan ku soo noolaadey dagaaladii
sokeeye ka dib,Gaarisa,Nairobi,Jabuti,Hargaysa,Gaalkacyo iyo hada aan
Muqdisho ku noolahay oo ah meeshii marka hore ka qaxey , magaalo iyo tuulo
kasta oo soomaali ku nooshay oo aan tagey,meel walba waxa suuqa fadhiya oo
qorraxda kulkeeda ku haya ganacsi yar iyo mid weynba waa dumarka
Soomaaliyeed,raggoodana maqaayad ayuu iska fadhiyaa " maxaa maanta soo
kordhey?Maxaa reerihii laga sheegey? Magaalo hebel mala qabtey? Qaadkii ma
soo dhacey" ayuu waqtiga ku dhumiyaan.Ilaaho raggeena u naxriiso.
Raggow ma isweydiiseen sida nolosha dadka Soomaalida ahaan lahayd dumarkiina
la`aantood.iyadoo lix caruur ah korinayso ayey hadana shaqeeysaa ,guriga iyo
suuqa ayey u dhaxeysaa,markey shan shey iibisaba alaabta ayey qof uga soo
tagtaa si ilmihii iyo odeygii wax ma garadka ahaa qado ugu kariso.Galbihii
markii ay suuqa ka timaado ayey hadana howl guri gashaa ilmihii ayey u
qubeeysaa(u meertaa) gurigii ayey hagaajisaa,dhar dhaqid iyo howl aan
dhamaan ayey maalinteeda ku dhamaysataa,bal raggow isweydiiya waxaad idinka
qabataan?.Reerihii Soomaaliyeed burbur ayey halis u yihiine goormee
kaalintiina ka soo bixi doontaan.
Ninka Soomaaliga in uu caawiyo xaaskiisa iska daaye wuxuuba ceebsadaa in uu
xaaqinka kor u qaado,ilmaha yar ee uu dhaley hadii diif yar sanka ugu yaalo
lagama yaabo in uu ka tirtiro,hooyadooda ayuu ugu yeeraa" naa kaaley ee soo
orod wiilka diifka ka titir"
Ninka Soomaaliyeed garasho la`aantooda 14 sano ayey wadankii xal u
la`yihiin,dagaal oogayaasha dhiiga shacabka ayey ku gorgortamaan kii dad
badan laayey in uu darajo sare qabtuu rabaa,waxaa isweydiin mudan yey rabaan
in ay xukumaan?,ma ummadey naafada ka dhigeen,mise 2-da malyan ee gudaha
wadanka qaxootiga ku ah,oo maanta guryaha ka dhigtey qoryo ay keenta ka soo
jarteen iyo jawaano la`isku toley guryahaas oo qorraxda kuleelkeeda iyo
biyaha roobka midna ka celin karin,mise in maatada magacooda wax ku xadaan
ayey u ordayaan?.Ilaahow ninmanka ummada duleystey inaga qabo iyo
taageerayaashooda wax magaratada ah.
Ragoo talo aan idiin siiyo, talada u daaya dumarka ,Haweenka Soomaaliyeed
marnaba ma ogolaan lahayn in caruurtooda,waalidkii dhaley ,walaalkooda,iyo
nimankey u dhaxeeyn layaan.Dumarka waa dad naxriis badan dhiiga sokeeye ee
daadanaya wuu dhibayaa.Tusaale ahaan aniga gabar Hawiye( Habargidir) ayaan
ahay ,ilmaheega waa Isaaq,walaalahey aan isku hooyada nahayna waa Darood,nin
Digil iyo Mirifle ah ama Dir ah in aan guursado ama caruurteeda guursadaan
ayaa dhici karta,marka sidey baan Soomaali u kala fogeyn karaa,Soomaalida oo
idilna sidaas ayey isku dhaleen waxna u wadagaan,doqon iyo daneeste kaliyaa
moog.Raggow idinka reerka meelna waad geeyn la`dihiine bal anaga talada in
muda ah inoo dhaafa.Raggnimada aad ku faani jirteena salkeed waa la
gaarey,dumarka waxba ma dhaantaane ee na qiimeeya ee nala tashada,waxaa
laga yabaa in inaga(dumarka) garaadkii saliimka ahaa inagu danbeeyo.
Wabilaahi towfiiq
Xaawo Muuse
Hawo12@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2004