SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

March 8, 2004

gabadhii lagu qabtay xashiishada oo Hor taagan maxkamada

Xeer ilaaliyihii oo dacwadii aqrinaya

Gudoomiyihii oo xukunkii soo jeedinaaya

qamrigii oo la daadinaayo

xashiishkii oo dabka lagu dhajinaayo

Xashiishkii oo uu dabkiiSi wanaagsan uqabsaday

 

 

Magaaladda Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri 

 

Axmed C/salaam, Somalitalk, Garoowe, Soomaaliya

  

Waa yadaanba waxaa ku soo qul qulaayey Gobolada PL gaar ahaan Magaalada Boosaaso Noocyada Daroogada sida Xashiishad iyo Khamri aad u tirabadan, taa soo aan horay looga aqoon Goboladan ayna soo galiyaan dad Ganacsato ah oo kala yimaada Koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Isla mar ahaan taasna  ay bar bar socotay la dagaalanka Daroogada Ciidamda Booliska ee Boosaaso,iyagoo had jeer ku andacoon jireen in ay Gacanta ku  dhigeen Xashiishad iyo Khamri aad u tira badan,balse aan lagan jirin halka ay ku dambayso Daroogadaasi.

  

Hadaba shalay (March 7) ayaa waxaa u suura gashay Ciidanka Booliska Boosaaso,in ay gubaan Xashiishad gaaraysa 40 Kg iyo Khamri dhan 20 Kartoon,ayna kuhor gubeen Maxkamda Boosaaso horteeda iyo dad wayne aad u tira badan oo daawanayey aadna u xiiseynaayey gubida Daroogadaan.

  

Waxaa halkaas ka hadlay Taliyaha Saldhiga Bartamaha Boosaso(Biyo-kulule) Dhame C/laahi Saalax Shirwac, oo sheegay in uu la dagaalami doono daroogada iyo kuwa ka ganacsadaba lana gubi doono daroogada iyagana maxkamad la soo taagi doono..

  

Taliyuhu waxa u sheegay in ay haatan taalo Saldhigiisa( Biyo-kulule) Xashiishad iyo Khamri aad u tira badan ayna la sugaayaan eedaysana yaashii watay oo haatan damiin ku maqan ayuu yiri, Taliyuhu  waxa uu eed kulul dusha uga tuuray Maxkamada Boosooso isagoo sheegay in uu hada ka hor u soo gud biyay Xashiishad iyo Khamri aad u tira badan,aana la garanayn halka ay ku dambeeyeen, isagoo si kulul u hadlaaya ayuu yiri waxay u taalaa Xeer ilaalinta iyada ayaan jawaab ka sugaynaa ayuu yiri.

  

Ma aha Markii ugu horaysay ee lagubo daroogo, waxaa jirtay Marar badan oo La gubay lana Daadiyay qamriga Nooca loo yaqaan Caraqda, taas oo jirta ayaa dadku is way diiyaan halka ay ku dambayso Daroogada ay  had iyo jeer Boolisku sheego in u Gacanta ku dhigeen, iyadoo ayba dadka qaar kood u ee deeyeen Booliska in ay Gacan wayn ku leeyihiin soo galinta Daroogada.

Axmed C/salaam, Somalitalk, Garoowe, Soomaaliya
sharaftaada@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004 

SAWIRADA: waxaa qaaday C/fataax Jaamac (SOOMAAL)

LIFAAQ 1: Gabadhii lagu qabtay daroogada oo la hor keenay maxkamada ka eeg sawirka midig.

LIFAAQ 2: Waxa kale oo Boosaaso lagu gubey cajladaha filimada JINSIGA kuwan oo soomaaliya kusoo badanay.

LIFAAQ 3: Daroogada waxaa lagu soo waramayaa in meelo ka mid ah Soomaaliya, sida labada webi ee Jubba iyo shabeelle goobo kamid ah loogu beero sida dalag caadi ah, taas oo markaas si fudud ugu faafi karta dalka oo dhan, arintan oo ah in ay shacabku ka gadoodaan. Xumaanta marka laga dhiidhiyo waxaa la helayaa nabad insha Allah.

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 


Soomaali Xilal kasoo Qabtay Dawladii Soomaaliya oo Laga Raadinayo Canada: Wasiirkii Gaashaan-dhigga Soomaaliya ayaa Kamid ah liiska ay shaaca ka qaaday jariidad kasoo baxda Canada dadkaas oo... Guji... 

 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

xashiishkii oo dhan yaalana Maxkamada horteeda


Xashiishkii oo ku Jira Borsooyinkii lagu qabtay

Xashiishkii iyo Qamrigii oo horyaal Maxkamada Xeer ilaaliyuhuna Dul taaganyahay


Xashiishkii oo ay Dul taaganyinn Booliskii soo Qabtay Maxkamada Horteeda

Xashiishkii oo lagu Gubayo iyo qamrigii oo la daadinaayoMaxkamada Horteeda


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD