SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

March 7, 2004 

Soomaali Xilal kasoo Qabtay Dawladii Soomaaliya oo Laga Raadinayo Canada

Wasiirkii Gaashaan-dhigga Dawladii Soomaaliya iyo wiil uu dhalay Siyaad Barre ayaa Kamid ah liiska dadka ay raadineyso Canada

Jariidada National Post ee kasoo baxda dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay liiska magacyo ka mid ah dad ay raadineyso dawlada canada, dadkaas oo lagu tuhmayo fal-dembiyeed dagaal (war crime), liiskaas oo ay jariidadu ku tilmaantay in uu ahaa mid sir ah oo gacanta usoo galay jariidada, isla markaasna ay jariidadu faafisay magacyada. Dadkaasi waa kuwo magan gelyo soo weydiistey ama u soo haajirey Canada laakiin,  laakiin waxaa jariidadu ku tilmaantay in dadkaas la rabey in la tarxiilo, laakiin aan la ogeyn meel ay ku dhuunteen.

Waxaa kale oo wargeysku sheegtay in magacyada dadkaas ay dawladu qarineyso oo ay sir ahaayeen balse ay National Post gacanta ku dhigtay liiska magacyada 62 qof oo dadkaas ka mid ah kuwaas oo ka kala yimid dalal kala duwan, sida: Afghanistan, Cambodia, China, El Salvador, Germany, Ghana, India, Somalia, Sri Lanka, Uganda.

Magacyada ay jariidadu shaaca ka qaaday waxaa kamid ah 9 Soomaali ah oo sida jariidadu tilmaantay in ay xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waana kuwan magacyada Soomaalida iyo xilalkii ay soo qabteen oo tarjuman:

1. Ahmed Hussein Abdurahman: Wasiirkii gaashaan dhigga ee Soomaaliya, waxa ay jariidadu sheegtay in ciidankiisu ay xasuuqeen 400 oo qof oo mudaharaad dhigayey. Waxa kale oo uu noqday wasiirka caddaalada iyo xeer-ilaaliyaha guud ee dawladii Maxamed Siyaad Barre. Markii uu Canada yimid 1993 waxa uu sheegtay in uu ahaa 'maamule' ama ("administrator.").

2. Ahmed Abdulkadir Aden: Xubin ka tirsanayd koofiyad-cas, kuwaas oo qareen ka tirsan dawlada dhexe ee Canada uu xakumay in ay ahaayeen urur mabda' ahaan loo dhisay arin khaas ah oo amxaqnimo gaar ah si loogu cabsi geliyo dadka Soomaaliyeed.

3. Khalif Mohamed Duale: Diblamaasi ka tirsanaa xukuumadii Siyaad Barre. Waxaa loo aqoon saday in uu ahaa sarkaal dawladeed oo awood lahaa oo ka qayb qaatay fal dembiyeed dagaalka.

4. Adem Hersi Esse:  oo Ambassador Soomaaliyeed ka noqday dalka isutaga imaaraadka Carabta.

5. Mohamed Farah: Diblomaasi hore ee Soomaaliyeed oo Canada weydiistey magan galo.

6. Mohamed Gaashan: Wasiir-ku-xigeenkii wasaarada Caafimaadka, iyo ganacsiga iyo shaqaalaha Soomaaliya ee sanadihii siddeetamaadkii. Markii ay dawladii Maxamed Syaad Barre bururtay waxa uu yimid Toronto, hadase lama oga meel uu ku sugan yahay.

7. Yussuf Abdi Ibrahim: Waxaa loo aqoon saday dembiile dagaal sababtoo ah waxa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadii Siyaad Barre. Waxaa lagu amray in uu Nov. 9, 1994 iska soo xaadiriyo IRB si loo baaro arimihiisa, laakiin maalintaas ma iman goobtii lagu balamiyey, ilaa haddana lama arag.

8. Mohamud Mohamed: oo ahaa Kornayl katirsanaa ciidankii qalabka sidey ee Soomaaliya kaas oo u soo cararay Canada.

9. Guled Mohamed Siad: Wiil uu dhalay Mohamed Siad Barre, waxan uu xukuumadii aabihiis ka noqday diblomaasi, waxa kale oo uu nocday guddoomiye ku xigeenka shirkadii batroolka Soomaaliya.

Liiska oo Ingiriisi ah waa kan:


WANTED FOR WAR CRIMES

Here are 20 of the 62 wanted war criminals named on an internal list compiled last summer. They were supposed to be deported from Canada but they never were. Although some have since been picked up, Canadian authorities have no idea where the others are hiding.

........

SOMALIA

Ahmed Hussein Abdurahman: Somalia's minister of defence. His troops massacred up to 400 opponents at demonstrations. He was also justice minister and attorney-general in the regime of dictator Mohamed Siad Barre. When he came to Canada in 1993, he said he was an "administrator."

Ahmed Abdulkadir Aden: A member of the Red Berets, which a Federal Court judge ruled "was an organization principally directed to a limited and brutal purpose, that is, to terrorize the people of Somalia."

Khalif Mohamed Duale: A diplomat for the Siad Barre regime. He was ruled to have been an influential government official complicit in war crimes.

Adem Hersi Esse: Former Somali ambassador to the United Arab Emirates.

Mohamed Farah: Former Somali diplomat who sought sanctuary in Canada.

Mohamed Gaashan: A former vice-minister of health, finance and labour in Somalia in the 1980s during the reign of Siad Barre. After the collapse of the Siad Barre regime, he moved to Toronto and disappeared.

Yussuf Abdi Ibrahim: He was deemed a war criminal because he had been a senior official in the Siad Barre regime. He was ordered to report to the IRB for an inquiry on Nov. 9, 1994, but never showed up and has not been seen since.

Mohamud Mohamed: A former colonel in the Somali army who fled to Canada.

Guled Mohamed Siad: The son of Somali dictator Mohamed Siad Barre, he served as a diplomat in his father's regime and was vice-chairman of the Somali Petroleum Agency.

ISHA:

war thugs find haven in canada
National Post
... Mohamed Farah: Former Somali diplomat who sought sanctuary in Canada. Mohamed Gaashan:
A former vice-minister of health, finance and labour in Somalia in the ...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | March 7, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD