SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 27, 2004  

Yaan woomtida la mudmudin

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Nin wanaagsan baa laga sheegay inuu yiri: ma jiro shariif ama qof saalax ah ilaa hadduu jiro wuxuu leeyahay ceeb laakiin haddii wanaagiisu ka bato ceebtiisa, khaladkiisa yar waa loo hibeeyaa. Sidoo kale haddii qofka xumaantiisu ka badato wanaagiisa qofkaasi waa qof xun.

Marka qabyaaladda laga hadlayo, fannaanniintu waxay ku jiraan dadka ugu badan ee ka xoroobay caaddifadda qabiilka, had iyo jeerna u taagan inay helaan qaran Soomaaliyeed. Marka haddii qof ka mid ahi khalad sameeyo miyeysan ahayn in inta badan la tixgeliyo oo khaladkooda loo qariyo?

Dhaqan Islaam ahaan iyo mid Soomaaliyeedba, qofku hadduu Ilaahay hortago waxay ahayd in laga haro kaliya waxaad xusi kartaa markay dan culus kaa gasho marka maxaa Xaliimo Khaliif (Magool) Allaha u naxariistee lagu galay? Horta ma aragtaan sida fannaanniintu qabyaalad uga xoroobeen ilayn waa iyada la leeyahay sidee marxuumaddaasi khaladkaas u samayn kartaa? Dagaal-ooge hadduu dhinto cidna dan kama leh oo eed uma qabsato maxaa yeelay dilkooda iyo qabyaaladdoodu, wax la koobi karo maahan. Qolyaha wadaadada sheegtana arkayoo, wax fannaanniin iska jecel weligay ma arag halka aad arkaysid dad culumo sheeganaya oo lagu ibtileeyey cayda culimada saxdaa.

Inkastoo samaanta & xumaantaba, rag iyo dumarba u simanyihiin laakiin waxaa fidrada lagu ogaaday inay dumarku ragga ka caaddifad badanyihiin dhinac kasta. Xagga naxariista dumarka ragga ka naxariis badan guud ahaan. Xagga degdegana waagii hore dumarkaa caaddifaad badnaa. Waa arrintaas waxaa Islaamku u diiday inay haweenku noqdaan madaxweyne. Waad aragtaan in Xasan Aadan Samatar iyo raggii la midka ahaa aysan eedi ka tegin.

Marxuumaddaas dadka heystaa waa labo. Kuwa waa kuwo ay dhici karto inay iska qoraan khaladaadka dadku galo iyagoon dan ka lahayn kuu yahay. Kuwana waa kuwo xag siyaasadeed ka wata. Kuwa khaladka iska dabagala intaas koreey ku qancayaan.

Haddii hal-abuurada iyo fannaanniinta loo isticmaalo difaaca dhulka waxaan shaki lahayn inay qaybo iyo gaasas ciidamadaa ka muhiimsanyihiin. Marka kaalintay marxuumaddaas iyo fannaanniinta kale ka soo qaateen xornimadii iyo dagaalladii Xabishada ninna ma mooga. Marka khaladka marxuumaddaas laga sheegayo dagaalkii sokeeye, Allaha ka cafiyo, inteenna kalana Allaha na cafiyo oo na xafido.

BUUG CUSUB


Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com

Weligiin ma aragteen fannaan ku diganaya dad Soomaaliyeed oo Xabisha huf iyo halaan jirin ka dhigtay, guryahoodiina dukun daakun ka dhigtay? Lama hayo laakiin waxaa la hayaa dad diintii Islaamka si fiican u bartay oon culumo u naqaan oo dadka casharo u akhriya oo ku diganaya dadkii ay Xabashidu ku laysay Luuq, Balad-Xaawo iyo Gedo. Waa mar ay Xabashidii gubtay masaajiddo, sidoo kalana ay ku xad-gudbeen masaaxiftii Qur’aanka ahayd. “Culumadani” inta teleefoonno isku xirteen iyagoo kala jooga Somaliya, Kenya, Canada, iyo Yurub bay dhaheen Xabashida waa la daandaansaday oo laga cariyey (marka inay gudaha Soomaaliya gashay waa loo garaabi karaa, saasay ka wadaan) iyagoo waliba dhallinyaradii ku sheegay kuwo tuugo ah oo dadka lacagtiisa iska cuna. Laakiin markii Xabashidii Baydhabo faraha la soo gashay, “culumadani” sheekadii waa bedeleen. Ma aragtaa in xagga qabyaaladda fannaanniinta looga horreeyo?

Arrinta marxuumad Magool u soo noqo waxaa jira qolyo Ilaahay nagu imtixaamay oo iyaga iska dhigaya inay “Puntland” metalaan, kana tagey dhaqankii Islaamka iyo kii Soomaalinimadaba. Haddaad booqato boggagga dagaal-oogahooda taageera waxaad arkaysaa kuwa sheegtay “ShASNA” oo sharta ka shaqeeya oo diinta iyo muslimiintana horay ugu gafay haddana Magool magli usoo qaatay. Miyeysan ogayan inaan meydka ixtiraami jirnay? “Ha yeeshee qolyahan waan la dacwiyi doodna waan celin”.

Ma maqasheen kornayl C/hi oo Tarabuunka daqiiqo u istaagay isagoo sharfaya USC? Waa intii Caydiid noolaa. Marka haddii kornaylkuna mooryaanta maamuusay, Xaliimana u mashxaraday, maxaa midna loola jiraa midna looga soo horjeestay? Inkastoo kornaylku kursi doon ahaa wuxuu iska dhigayey inuu jabkii ciidamada Maraykan gaaray ku faraxsanaa. Cajaladihii laga duubay waa la heli karaa. Soow kornayl C/hi Xamar uma tagin inuu Caydiidkii intaas sameeyey madaxweyne noqdo, isna ra’iisul wasaare? Micnuhu waa Caydiidoow wixii hore xalay dhalay baan ka noqonnay. Haddii maalintaas Caydiid madaxweyne noqon lahaa C/hina ra’iisul wasaare waxaan oran karay in qolyaha kornaylka taageera ay si xushmad leh uga qayb qaadan lahaayeen aaska marxuumaddaas iyagoo waliba u furaya boggag tacsi. Waxaa iska caadi ah, qofkii qof iska dabagalaa inuu la mid yahay neef adduunyo/xoolo ah oo inaad dabartid ama hogaamisid, aday kuu taal. Dad horaa sidaas yiri.

Soowse hadda shir dib-u-heshiiseen looma fadhiyo, SRRC qaarkoodna isku jaal ma tihiin? Bal dadweynaha aan su’aal weydiiyo. Ka warrama dad Maxamed Dheere iyo Moorganna muslixiin iyo halyeeyo u arka, Magoolna ku eedaynaya inay USC u mushxaraday oo guubaabisay?

Waxaan u sheegayaa in wax-iskuma-falayaashaas ay wax iskula haraan. Sidaan maqaalo dhowayd ku xusay waxaaba dhib ah in dumarka wax laga sheego anoo soo iri waxaan dumarka ka hadli karnaa markii bakhtigu noo bannaanyahay oo kale (daruuro) waliba inta nooga bannaan (in yar) waa marka qoftaas dumarkaa nooshahay hadday dhimatana kuma sii jirto.

Fanaaniinta ceebtoodu waa hiwaayaddaas aan diin ahaan fiicnayn marka iyaga iyo annagaba Allaha na hanuuniyo oo na xafido. Shaki waxaan lahayn in lahwigu yahay wax naftu iska jeceshahay laakiin in woowtida la mudmudo waa wax xun oo caqliga ka fog. Waxgarad reer Waqooyi ah baa madaxdood ku naynaasay meyd-canaante laakiin qolyahan kornaylka taageera wixii loo bixin lahaa dadweynahaan u deyn.

Ninkii u qaba in hal-abuurada iyo fannaanniintu ay Islaamka ka fogyihiinoow dib u feker. Mar horaan is-barbar dhigay hal-abuur miro uu sameeyey oo fannaan qaaday iyo hogaamiyaha SHASNA wuxuu yiri. Hal-abuurkii wuxuu yiri:

· sidaan ahay nin gaaloo Xaramaynkii galayoo

· gubay maalin ciideed lagu soo gurmaday baad

· gebi dheer i saartood igu gooni baartee.

Bal Hal-abuurahaas oon magaciisa xasuusan iimmaankiisa fiiri! Wuxuu ka dhigayaa inay gabadhii ka dhigtay nin aan Ilaahay rumaysnayn oo ku daray ficil ugu xun wax la sameeyo sida isagoo bishii Xajka, Beytii Ilaahay (Xaramkii) iyo maalintii udhxiyada ahayd gubay Xaramkii. Marka ninkaas wuxuu gabadha ku leeyahay waxba iilamaad harin. Waa kee dagaal-oogaha iimmaankaas leh?

Miyaan C/hi oran Shimbiraale iyo Puntland balaayaa joogta? Maxamed Dheerana uusan ilaah sheegan oo uusan lahayn niqaab lama qaadan karo? Ilayn qofkii sharci keena waa qof ilaahnimo sheegtaye. Marka dad nimankaas taageera wax ma ka sheegi karaan fannaanniin?

Marka fannaanniinta haloo duceeyo. Ilaahoow natus nimankoo wada mu’adimiin iyo immaamo salaadeed noqday iyo dumarkoo xijaab iyo asturnaan ka muuqato. Annagana ceebaheenna iyo ceebaha muslimiintaba astur. Marka dadka dhintay hala daayo.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |March 27, 2004 

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD