SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  •  Axmed Cumar Jees walaalkiis oo saakey lagu diley Magaalada Muqdisho ....
  • Cali Khaliif Galeyr iyo xubno kale oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Shariif Xasan iyo Mudaharaadka C/Laahi Yuusuf...
  • Qorrax madoobaad ka dhici doona Soomaaliya..
  • Siciid Mugaanbe “waxaan nalagu martiqaaday..
  • Kulan cilmiyeed diini ah ka furmay Muqdisho 

Axmed Cumar Jees walaalkii soo saakey lagu diley Magaalada Muqdisho

Muqdisho | Aug 31, 2005

waxaa saakey aroonimadii Magaalada Muqdisho lagu diley nin ay walaalo ahaayeen siyaasiga caanka ah ee Axmed Cumar Jees kaasoo lagu magacaabayey  Muxumed Cumar Jees oo ku magac dheeraa Daqarre waxaa dilkiisa gaystey saddex nin oo dabley ah  oo iyagu u fariistey meel ku dhow Farmashigiisa  uu ku lahaa xaafada Hodan.

Daqarre oo ah nin ganacsade ah ayaan lagaraneyn sababta loo diley  ninkaas balse mar uu saxaafada la hadlayey walaalki Dr. Cabdirisaaq Cumar Jees oo ah nin dhaqtar ah oo ay u furan tahy goob caaafimaad oo dadka loogu sameeyo qaliinka  waxaa uu sheegay in uusan garaneyn sababta dhabta ah ee loo diley walaalkiis “ cid wax ku sheeganeysa ma jiraan balse waxaan u maleynayaa in aan la xiirinayo dilalka maalmahan ka jirey Magaaladda Muqdisho” ayaa yiri Dr. Cabdirisaaq.

Dilka loo geystey Muxumed Cumar Jees waxaa si aad ah uga caroodey dadkii la dersiska ahaa oo ku tilmaamey nin aad u wanagsanaa islamarkaana ka mid ahaa wadaadada Tabliiqa ah ee faafiya diinta islaamka  sidoo kale waxaa cambaareeyey dhamaan hay'adaha xaquuqda aadanaha ee ka howlgala Magaalada Muqdisho oo ku tilmaamey dilkaas mid ka baxsan Shareecada Islaamka , xeerarka soo jireenka ah  ee dhaqanka soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha ee oranaya qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xorriyo.

Cali Khaliif Galeyr iyo xubno kale oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Shariif Xasan iyo Mudaharaadka C/Laahi Yuusuf..

Cali Khaliif Galeyr oo Ra’isul wasaare ka noqday dowladdii Carta haatanna ku sugan Cariga Mareykanka ayaa isaga iyo xubno ay qaban-qaabinayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen gudoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in uu dhawaan gaaro dalka Mareykanka. qaban-qaabadda ugu xoogan waxay ka socotaa Magaalada Minneapolis iyadoo la sheegay in halkaasi ay isgu tagi doonaan dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Mareykanka, iyadoo gudoomiyaha Baarlamaanka la filayo in uu halkaasi ka jeediyo khudbad aad u balaaran oo la xiriirta xaaladda dalka iyo waxa dhaliyay khilaafka u dhexeeya xubnaha labada gole ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo jaaliyadda Soomaaliyeed ay gudoomiyaha gudoonsiin doonaan lacago ay ugu talagaleen dib u dhiska dalka, iyadoo Cali khaliif Galeyr lagu waramay in uu ku jiro guddi loogu talagay uruurinta lacagtaasi.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Cali Khaliif Galeyr uu diyaarinayo banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo la filayo in uu isna dhawaan gaaro cariga Mareykanka si uu uga qaybgalo sanadguurada lixdanaad ee ka soo wareegtay aasaaskii Qaramada Midoobey, waxaa kalloo lagu waramay in Cali Khaliif Galeyr uu haatan wado olole uu dowladda Mareykanka kaga dhaadhicinayo in C/llaahi Yuusuf Axmed uu yahay nin diktatoor ah oo qayb weyn ka qaatay burburka dalka Soomaaliya, iyadoo dhawaan mar uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu gaaray cariga Ingiriiska ay halkaasi ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo joogitaankiisa cariga Ingiriiska

Qorrax madoobaad ka dhici doona Soomaaliya..

Waaxda qubaro u dhashay wadanka Tuuniisiya ayaa waxay saadaal ka bixiyeen in saddexda October uu qorox madoobaad ka dhici doono wado badan oo afrikaan ah waliba qaaradda Yurub.

Qorox madoobaadkaasi xoogiisu waxa uu ka dhici doono wadanka Tuuniisiya oo la sheegay in uu socon doono muddo lix saacadood ah, sidoo kale K/Soomaaliya ayaa isna la sheegay in uu ka dhici doono qorax madoobaadkaasi waxa uuna socon doonaa muddo saddex saacadood ah.

Qorax madoobaadkaani waa uu ka xoog badan yahay mid dhacay 1905-tii iyadoo qorax madoobaadkaani la sheegay in uu noqon doono mid ay qoraxdu noqoto hoos.
Markay dhacaan qorax madoobaadkaani waxa la dukadaa salaado oo Illaahi looga baryayo in wixii dhibaato ah ka dul qaado.

1980-kii ayay ahayd mar uu qorax madoobaad ka dhacay Soomaaliya waxaana waqtigaasi la garan waayay iyadoo saacaddu ahayd lixdii duhurnimo in lagu jiro waqti habeen ah iyo in kale waxaana isku soo baxay dadweyne aad u fara badan oo Illaahi baryay waxaana la tukanayay Salaado.

Siciid Mugaanbe “waxaan nalagu martiqaaday..

Siciid Mugaanbe oo dhawaan Web-Site-ka gaarka ah ee xiriirka K/cagta ee FIFA lagu qoray in uu yahay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa markii dambe Web-kaasi laga saaray kaddib markii uu is qabqabsi dhex maray xubno ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Siciid Mugaanbe oo maalintii doraad ahayd dib ugu soo laabtay dalka ayaa mar aan la kulmay waxaan wax ka weydiinayay sababaha looga saaray magacyadooda Web-ka xiriirka K/cagta ee FIFA, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay sabab u tahay iyadoo lagu qancinayo xiriirka K/cagta ee CAF iyo xubnaha kale ee magacyadooda ka waayay Web-kaasi.
Waxaan weydiiyay qaabkee ayaa loo badbaadin karaa xiriirka soomaaliyeed ee K/cagta waxa uuna Siciid Mugaanbe yiri “Waxa dhawaan qabanayaa Symposium looga hadlayo badbaadada xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayna ka qaybgali doonaan suxufiyiin iyo madaxda naadiyada.

Waxaa kalloo sheegay Siciid Mugaanbe in lagu martiqaaday kulan 11-ka bisha soo socota ka dhacay dalka Marooko ayna ka qaybgali doonaa dhamaan xiriirada adduunka ee K/cagta waxaana weydiinay adiga keliya miyaa ka qaybgalaya?, wuxuuna ku jawaabay “maya, waxaa kalloo lagu martiqaaday Bashiir Goobe iyo Muxiyadiin Xasan Cali (Darbaweyne) waxaana looga hadli doonaa arrimaha u dhexeeya xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

W/D Amiin Yuuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 

###

Kulan cilmiyeed diini ah ka furmay Muqdisho 

          Taariikhdu markey ahayd 23/07/1426 – 27/08/2005  waxaa ka furmay Masjidka weyn ee xaafadda Tawfiiq ee magaalada Muqdisho kulan diimeedkii koowaad ee ka dhaca magaaladaan Muqdisho. Kulan diimeedkaan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Dacwada iyo Tarbiyada wuxuu socon doonaa sagaal cisho, waxaana habeen kasta Maqribka iyo Cishaha dhexdooda bixi doona hal mawduuc iyo jawaabo culimadu ka bixin doonaan su’aalaha dadweynaha, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka oo ay ka mid yihiin: Sh. Max’ud Ciise Max’ud, Dr. yuusuf Max’ed Cilmi, Dr. Cumar Iimaan, Sh. Max’ud M. Nuur. Culimada ka qayb qaadanaysa bixinta jawaabahana waxaa ka mid ah: Sh. C/laahi Max’ud Ciise, Sh. C/laahi Cumar, Sh. C/lahi Sh. Nuur. Duruusta culimadu soo jeedin doonaan waxay isugu jirtaa mid taabanaysa mabaadi’da asaasiga ah ee diinta, sida: Tawxiidka, Raacista Nabiga, Ujeeddooyinka shareecada, ku dhaqanka diinta iyo mid taabanaysa Qadiyadaha ummadda, sida: Dilka muslimka, Xumaanta dulmiga, Dhibaatada Qabyaaladda iyo ka fogaanshaha Fuxshiga.

          Ujeeddooyinka kulankaan waxaa ka mid ah: In culimadu gutaan xilka gaarsiinta diinta ee Alle saaray, In dadweynaha lagu xiro Rabbigood oo ah kan ugu naxariista badan, laguna boorriyo Raacista Nabigooda iyo gudashada cibaadada Alle, In loogu baaqo ummadda ku dhaqanka diinta iyo inay ku walaaloobaan diintooda, In ay culimadu dadkooda si naseexa ah ugu gudbiyaan wax kasta oo anfacaya adduun iyo aakhiro, ayna uga digaan wax kasta oo dhib u gaysanaya adduun iyo aakhiro.

           Kulan diimeedkaan oo loogu tala galay in la gaarsiiyo tirada ugu badan ee suurta galka ah waxaa lagala soconayaa habeen kasta idaacadaha magaalada Muqdisho ee kala ah: Radio Shabeelle, Idaacadda Qur’aanka, Capital voice iyo Horn Afric. Idaacadaha kale oo faafinaya waxaa ka mid ah: Idaacadaha Hiiraan iyo Darban ee magaalada B/weyne, Idaacadda Darban ee magaalada B/burte iyo Idaacadda DMC ee magaalada Baydhabo. Waxaa iyana Line-ka telefoonka loogu xiriiriyay magaalooyinka Cadaado, Dh/mareeb, Marka iyo Kismaayo. Jaaliyadda dibaddana waxaa loogu xiriirinayaa Paltalk-ga. Waxaa iyana dadweynuhu kala socdeen masaajidda ku yaal magaalooyinka kala duwan qaarkood oo lagu xiray duruusta ka baxaysa kulan diimeedkaan.

          Hirgalinta Kulan diimeedkaan waxaa gacan weyn ka gaystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo si hagar la’aan ah ugu deeqday khadadka telefoonada iyo khidmadaba. Waxaa kale oo ka qayb qaatay Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia oo iyana khidmada iyo telefoonadaba ku deeqay. Sidaa oo kale waxaa dadaal farsamo iyo khidmaba ku deeqay Shirkadda ganacsiga Union, Shirkadda Internet-ka ee Global. Waxaa iyana dadaal weyn sameeyay xaafadda Tawfiiq oo martida loo yahay oo iyagu nidaamka, amniga iyo farsamada qalabka gaarsiinta iyo dabkaba si wacan isugu dubba riday. Xagga maalgalintana waxaa ka qayb qaadanaya bulshada reer Muqdisho.

 

Xafiiska Dacwada iyo Tarbiyada

dacwah@hotmail.com


Puntland iyo Terry oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah...
UAE: Hoteel ku yaal magaalada Dubai ayaa Xalay lagu kala saxiixday heshiis dhex maray DGPL iyo Terry oo ah Guji...


$100 Million oo Reer Yurub u Qorsheeyeen Dib-u Dhiska Soomaaliya...  
oo u Xanibay Heshiis La'aanta Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed,
sidaas waxaa caddeeyey...  Guji... Aug 31

Warar Googoos ah:::
»Beesha Mareexaan oo kalsoonidii kala laabatay DFKMG
»Eedeyn loo jeediyay  C/llaahi, Cali Geedi iyo Xuseen Caydiid
»Kulan dhex maray X. Caydiid, Qanyare, Muuse Suudi, Xaaf
»Wargeys Cusub oo Ciyaaraha oo Laga Furay Hargeysa
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Aug 30

Kulan ay isugu yimaadeen Jaaliyada Ogaadenya ee ku dhaqan Jarmalka
Ka akhri wararkii Radio Xorriyo... Guji... Aug 30

Reer Kenya oo Dalbaday in la soo daayo Bad-maaxiinta  lagu Afduubay Soomaaliya
Mombasa: Qaraabada dadka reer kenya ee afduubka loogu haysto aagga Xarardheere, Soomaaliya ayaa Guji... Aug 30

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD