Soomaalida,
Dad aan Dal iyo Diinba dhowran.
Waxaa
laga yaabaa inaad mar mar ku fekerto
inaad buur dusha sare uga baxdo ka dibna
aad go’aansato inaad duusho, laakiin
aadan is weydiin sidee iyo habkee u
duulaysaa iyo maxaa kuu sahlaya inaad
horta si miisaaman aad hawada u dhex
jiirto. Markaan dooranay inaan u
noolaanno sidii bahalaha duurjoogta ah
oo kale, waxaan si dhaqsiyo leh u helnay
natiijo laga yaabo in qaarkeen aysan sii
saadaalin cawaaqibka iyo raadka xun ee
ay yeelanayso,………
Sanadihii
u horeeyey ee aan ku guda jirnay
burburinta nidaamkii keliya ee ka jiray
dalkeena, waxay dadka qaarkiis niyadda
ku hayeen in nidaamkan lagu bedelayo
nidaam ka fiican oo ka barwaaqo badan
kii hore una horseedaya dalka Soomaaliya
horumar iyo guulo wax ku ool leh,
laakiin taas bedelkeedii wixii dhacay
ayaa dhacay, (AYAX TEG EELNA REEB) ayay
arini ka badin weysay, waxaa la galay
xaalad miyir la’aan ah, waa la isku
bururay ilaa ay kala tagaan wiil iyo
abtigiis naag iyo seygeed, waxaa la isu
quuray dhammaan wixii xumaan ahaa ee
dadka ku keydsanaa. Waxaa la galay
dembiyo intooda badan lagu halaagay
ummadihii naga horeeyey.
Markii la
miyirsaday ka dib, waxaa la rajaynayay
in Soomaalidu ay u hiloobi doonto
nabaddii, midnimadii, ammaankii,
sokeeyenimadii iyo xgaalnimadii, laakiin
haddana ma aysan muuqan in dadku ay
dhibsadeen wixii ay soo mareen, dadku
kama aysan shallayn wixii ay isku
sameeyeen, si kastoo ay haddana
dagaaladii sokeeye u hakadeen,
goboladiina qaarkood isu furmeen haddana
weli waxaa jira caqabaddii shalayba
dhalisay musiibada ay gacmahooda ku
walaaqdeen (INLAYN DOQONI DIBIR KAMA
DAASHO) si kastoo shirar is daba joog ah
loo qabtay haddana kama aysan soo bixin
xal dan u ah dadka iyo dalka, waxaa
yaraadey dadninmadii iyo damiirkii qofka
insaanka ah uga digayay inuu xumaan
sameeyo, dhaqankii hore loo lahaan jiray
wuu jajabay, ku dhaqankii diinta warkeed
daa, waxaa tarmay dhaqdhaqaaqyo ama
xarakaadyo diineed oo tiro badan,
haddana aan xal wadin oo isku
mashquulsan gudahooda, waxna aan ka
bedelneyn ururada faraha badan ee ka
bilaabma xarafka “S”, ee abuurmay 15ka
sano ee u dambeeyey.
Halkii
kooxo diineedyada xal laga dooni lahaa
ayay iyagii xal isu waayeen “KOOX HEBEL
WAA GAALO IYO KOOX HEBEL WAXAY KU XIRAN
TAHAY WADDAN HEBEL” ayay isugu soo biyo
shubatay arintii kooxaha diintu, waxaana
meesha ka baxday baaqoodii ahaa dib u
soo nooleynta khilaafo ama dowlad
Islaami ah.
Iyadoo
jahwareerkaasi jiro ayaysan haddana
xaajadu intaas ku sinnaan, mashaakilka
shacabka Soomaaliyeed ku dul habsaday
wuxuu noqday mid dhinacyo badan oo meel
u fiyow ummadan aan maanta la helayn,
waxaa la xaalufiyey deegaankii, bad iyo
beri ma fiyooba, intaas laguma ekaane
shaqsiyaad Soomaaliyeed ayaa dhinaca
kalena qandaraas ku qaatay sidii biyaha
Soomaaliya loogu aasi lahaa haraaga
Kiimikada warshadaha oo qaarkood
horumariya ama soo saara Niyukleerka.
Haddaba
maxaa u haray dadkan Soomaaliyeed maxaa
baaqi u ah.. dal ma la hayaa dad fiyowse
weli ma nool yihiin? Waxaa hubaal ah
inaysan weli dhammaan dad wanaagsan oo
xumuhu dhibayo dad damiir leh oo aan u
dulqaadan karin waxa dhacaya, dad
mu’miniin ah oo iimaankoodu fiican yahay,
haddii la helo kacaan cusub waxaa hubaal
ah in weli la is daba qaban karo oo
hadda la joogo xilli haddii xal la helo
la soo kabsan karo, laakiin haddii ay
sidan ku sii socoto, waxaa laga yaabaa
in aan ceymoba la helin, inta nadiifta
ahina ay sii dhammaadaan, qaxaan ama ay
maskax ahaan qaribmaan.
Ugu
dambeyntii maxaa xal ah?. Su’aashani,
waa tan ugu dhibka badan in laga jawaabo,
maxaa yeelay waxaa la is weydiin karaa
Soomaaliya waa hubaal inay xal rabtee
xaggee laga doonaa? Dadku su’aashaas
waxay uga jawaabaan siyaabo kala gedisan
oo qaarkood ay ku leeyihiin Kitaabka
Alle ha loo laabto, kuwo waxay leeyihiin
dib u heshiisiinta ha laga soo bilaabo
xagga hoose, qaar waxay leeyihiin maya
xalka ha laga doono in wadamada dariska
ah lala heshiiyo, kuwo kale waxay
leeyihiin mashaakilka Soomaaliya waxa uu
salka ku hayaa dhibaato ka soo
burqanaysa Itoobiya ee taas xal ha loo
helo, xalkuna waxa uu ku jiraa ayay
leeyihiin in wadamada IGAD oo dhan laga
dhigo hal waddan si loo dhameeyo muran
xuduudeedka ka dhexeeya wadamadan, si
kastaba ha ahaatee meel la iskuma raacin.
Adigu xageed jirtaa?
Dhinacee la jirtaa? Mise dhinac gaaraad
taagan tahay ?. waa sidee xalku,
goormaase la gaarayaa ?…. …
Soomaalida,
Dad aan dal iyo Diiinba dhowran.
A.D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2005