SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Digniin aad u kulul ee ku socota Madaxweynaha iyo kuwa la jira iyo kooxaha ka horjeeda soo jeeda Muqdisho ku sugan.

Ku. Labada garab dowladda ee siyaasadda isku haya.
Ku. Dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay ku nool yihiin.
 

Aad baan ula soconaa dhaqdhaqaaqa aad gudaha waddanka ka wadaan, labadiina garab ee siyaasadda isaga soo horjeeda,  aad baana ula yaaban nahay waxa shaqadiinu tahay iyo cidda aad matalaysaan. Dowladuna in mudda ah bey dhisan tahay welina lama arrag wax la taaban karo oo aad ummadda aad mataleysaan u qabateen, ee aan ka aheyn marka laga hadlaayo dhinaca madaxweynaha iyo reisulwasaarihiisa iyo wasiiradiisa, in aad dhaqaalihii magaca ummadda aad ku soo qaadateen in aad jeebka ku shubateen inte kale safarro dibadda ah oo aannan wax danno ah ugu jirin ummadda ku aadeen. Garabka kale ee Muqdishona ay isbaarooyin la daba taagan yihiin ummadda xammar ku dhaqan oo ay baad har iyo habeen la daba taagan yihiin. Waxaana isweydiin mudan ma labadaasi garab baa ah kuwo matelaya ummadda Soomaaliyeed, doonayana in ay dhibaatada ka saaraan, mise waa qolooyin calooshood u shaqeystayaal ah? Jawaabtu way iska caddahay, oo qof walba oo waxgarad ah ayaa garan kara. 

Rin ahaantii waxaan u maleyneynay in aad ka gudubteen is koox kooxeysanimadadii, is qabiileysigii iyo hogaamiye kooxeednimadii niilugu yaqiinay oo aad maanta noqoteen Kuwa u bislaaday u adeegidda ummadda Soomaaliyeed, doonaya in aad hagaajisan khaladaadkii aad ka gasheen waddanka iyo ummadda 15-kii sano ee tagay. Laakiin waxaa halkaani inooga cad in aadan weli ka gudbin dhaqankii hore ee la idinku yaqiinay ee ahaa is aruursi qabiil iyo ku duulid qabiil kale.idinkoo fiirinaya oo keliya danahiina khaaska ah, marna aadan u soo jeedin u adeegidda danta guud ee umadda Soomaaliyeed. 

Hadii uu mid kastaba uruursado ciidan oo uu yiraahdo waan is difaacayaa, yaa u maqan shacabka masaakiinta ah ee 15-ka sano dhibaatada ku jiray, dhibaatadaasi  oo ah tu ay badeen hagaamiya kooxeedyada maanta wasiirada iyo madaxweyne isku magacaaway welina ku shaqeeya magaca hogaamiye kooxeed.  Waxaa yaab leh aaway dowladii u dhalatay ummadda soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay dhibaatada ka saarto iyaga. Ma waxay ku dambeysay dowladaasi ragga ku jiray in ay ku noqdaan shaqadoodii hore ee aheyd (hogaamiyekooxeenimo). Waxaad maanta aragtaan in qole isku uruursatay xudur iyo agagaarkeeda ee Itobiya hub ka soo qaadaneyso, ninka madaxweynaha loo doortay iyo inuu isu keenno uammadda kala jajabtay, oo aan weli ka weynaanin howshiisa hogaamiye kooxeednimo qabiil ku shaqeyn wuxuu weli ku jiraa in uu qabiilkiisa urursado si uu xoog ugu qabsado Muqdisho, isagoo isticmaalaya ama ka faa´ iideysanaya qaar ka mid ah Hawiyaha taas oo uu doonaya in uu hawiyaha dhexdooda isku jebiyo kadibna uu sidaa iyaga oo dhan ku xukumo.Iyo hogaamiye kooxeedyada muqdisho oo dhibaatada 15-ka sano ku hayay shicibkooda oo ilaa iyo maantana aan dooneynin in ay dhibaatadaasi  ka qaadaan ummadda xamar ku nool iyagoo isbaarooyin dhigtay wadooyinka oo idil. Iyo iyagoo argagexis joogta ah ku haya ummadda muqdisho ku nool oo aana dooneyn ama marnaba laga sugeynin in ay mar uun dhibaatada ka qaadaan dadkaasi. Marka waxaan dhamaan u sheegeynaa hadii aanu nahay waxgaradka ku nool waddanka Sweden in aan mar dambe aan indhaha ka daboolan doonin in walaalaheyna soomaaliyeed ee sanadaha fara badan dhibaatada lagu hayay ee markii la moodaayay in ay dowlad u dhalatay haddana kuwa dowlad isku sheega ay u noqdeen shaqadoodii hogaamiye kooxeednimo iyo iyagoo urursanaya ciidamo si ay u xusuuqaan mar kale inta yar uammada Soomaaliyeed ee ka hartay dagaaladii sokeeye ee horay ee waddanka uga  dhacay.  

Hadii aannu nahay waxgaradka ku nool waddanka Swedhan Waxaan uga digeynaa labada garab ee siyaasadda isku haya in ay ka waantoobaan dagaal sokeeye ee ummad fara badan ku dhimato oo ay arimahooda ku dhameeyaan wada hadal iyo degenanaan, kana badbaadiyaan Ummadda dhibaato kale ee hor leh. Hadii ay ka waantoobi waayaan arrintaan dagaalka ah (argagixisnimadaan) ay ummadda ku dul hayaan har iyo habeen waxaan diyaar u nahay hadii aannu nahay waxgaradka Soomaaliyeed ee Swidhan ku nool in aan magacyadooda iyo sawirradooda ragaasi aan hoos ku soo sheegi doono u gudbin donno madaxda sweden iyo Ururka midowga Yurub ee aanu niraahno Ummaddani isku sheegeyso madax ma aha rag madax ah ama dowlad ah ee waa kuwii xasuuqay kumaankumka somaaliyeed, barakiciyayna kumaankum ka kale ee ku nool aduunka, haddana fursad u helay in ay ummadda ay dhibaatada ku hayeen in ay hogaamiyaan, laakiin nasiib darro ay weli ku mashquulsan yihiin kana weynaan la´yihiin cadiifadii qabiil iyo hogaamiye kooxeednimo, sidaas darteed ayaan waxaan ururka midowga yurub ka codsanaynaa in lagu soo qoro liiska dadka la raadinaayo ee dembiyada ummadooda ka galay lana soo taago maxkammadda Haag oo lagu qaado dembiyadii ay ummadda ka galeen. Lagana mamnuuco in ay dibadda waddanka uga soo baxaan. Dowladaha Soomaaliya deriska la ahna hadii ay galaana in kuwasi la ganaaxo tallaabo adagna laga qaado dowladahaasi.

Ummadda Soomaaliyeed uma xayirnaaneyso qolooyinkaas dhiigyacabka ah ee aan weli u bislaanin in ay dhibaatada ay iga laftooda badeen ummadda soomaaliyeed ay ka saaraan. Waxaana dadka waxgaradka ah ee ku nool dibbadda iyo guddaha dalka laga doonayaa in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qadan lahaayeen arrintaan, qof walboo soomaali ahna waa waajib saaran siduu arrintaani wax uga qaban lahaa uguna istaagi lahaa dadaalkeeda. Ma aha in aan ummadda dhibaatada lagu hayo aan ku fiirinno qolooyinkaan doonaya in ay ku kor dagaalamaan shicibka soomaaliyeed korkiisa, dhameeyaanna inta hartay.   

Waxaan ku guubaabineyna qof waliboo wax garad ah damiir leh u damqanaayo ummadaasi dhibaatada ku soo socoda in uu u istaago arrintaani uu wax ka qabto inta goori goor tahay. Si aan uga badbaadinno walaalaheyna soomaaliyeed ee ku tabaaleysan Muqdisho oo ay doonayaan C/laahi Yuusuf, Maxamed dheere, Geedi iyo kooxda kale ee ah Muse Suudi, Maxamed Qanyare afrax, Cusmaan Cali Caato, Bootaan Ciise Caalin, iyo Maxamed Jaamac Furux, Cabdiqeybdiid, Cumar Maxamed Maxamuud (Filish).ay doonayaan in ay xasuuqaan inta ka hartay shicibka degen Muqdisho. Iyagoo dhamaan labadaani garab caruurtooda iyo xaasaskoodana u dirsaday kuna nool yihiin dibadda, doonayaana in ay baabi´ iyaan hooyooyinkayna, abbayaasheyna, caruurteyna, iyo walaalaheyna inta hartay eek u nool muqdisho, taasina uma aanan dulqaadan doonno in ay mar kale dacdo. Ee waxaan annaga nalaga doonayaa in aan wax ka qabanno arrintani, iskuna doobnaano una istaagno sidaan uga hortegi lahey dhibaataday labadaani garab la damacsan yihiin ummadda. Waxaana shicibka

Soomaaliyeed iyo ururada u dhaqdhaqaada nabadda eek ku nool gudaha iyo dibadda waddanka ka codsaneynaa in ay dibadbax sameeyaan iyadoo taasi ku muujinaayo sidey uga soo horjeedaan in korkooda markale lagu dagaallamo oo sidaasi iyaga lagu xasuuqo. 

Waxaa soo qoray
Waxgaradka soomaaliyeed eek u nool waddabka Swedhan

Qoraalkan kala xiriir: aliosman16@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2005

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD