SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

BAAQ KU WAJAHAN NABADDA SOOMAALIYA

Baaqan waxaa ku mideysan ururada WABI SHABEELE “ SWEA” ee BBWO ( Muqdisho) ABWA ( Afgoye) OGAAL ( Jowhar) AYAANDHALAD ( Marka) ISRAAC ( Hiiraan)

Malaayiin Soomaali ah ayey ku kalifeen in ay ka cararaan dagaalada sokeeye, qoysas badan ayaa kala tagay oo ay dhibaato badan ka soo gaartay oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Calaamka ayaa isku dayey xalinta mushkiladaha soomaaliya ka jira, waxaan u mahadcelineynaa dadaalkii beesha caalamka ay galiyeen dib u heshiisiinta iyo dib u dhisida dowlada federaalka kumeelgaarka.

Mudooyinkii ugu dambeeyey ururka Wabi-Shabeelle ayaa ku howlanaa dadaalo nabad looga dhalinayo soomaaliya ayagoo u maraya dariiqyo kala duwan.

Baaqaan ay soo saareen ururka Wabi shabeelle maanta oo 10ka Luulyo 2005 kuna wajahan bulshada Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ku meelgaarka iyo Beesha caalamka, ayagoo ka faa’iideysanayo fursada xeritaanka aqoon isweydaarsi u socday mudo toddobo cisho oo ay soo qabanqaabiyeen hay’addaha COSPE/IIDA.

Ururka Haweenka Ganacsatada Wabi Shabeelle ( SWEA) ayaa ku baaqaya:

  1. Dhammaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka wada qeyb qaataan xasilinta iyo dib u dhiska dalkooda isla markaana taageeraan doorka cad cad ee haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka ganacsatada ah.
  2. In la qaado jid gooyooyinka iyo xannibaadaha ka jira dalka, hooyo kastana qoriga ay ka dhigto, wiilkeeda, ninkeeda iyo walaalkeed, kuna dhiirigaliyaan nolol ka fiican oo ku hogaaminkarto horumarinta dalka.
  3. In dowladda federaalka iyo beesha caalamka ay gacan deg deg ka geystaan adkeynta iyo taageerida hub ka dhigista iyo dhaqancelinta malleeshiyaadka.
  4. In xukuumadda iyo baarlammaanka ku meel gaarka ah ay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda, xalliyaanna ismaandhaafka ka dhextaagan, iyagoo hoos u eegaayo dhibaatada dadkooda iyo dalkooda ka jirta.
  5. In guud ahaan haweenka soomaaliyeed in ay midoobaan uguna deeqaan maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda dib u dhiska dalkooda.
  6. In bulshada caalamka ay ka midoobaan arrimaha soomaaliya dhex dhexaadna ka noqdaan, kana qeyb qaataan taageeridda dib u dhiska dalka.

Waxaa lagala xiriiri karaa:
Saida Sheikh Ahmed
saidavip1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2005

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD