SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Reer Garoowaba wax uma Gooyside; Maxaad Geeddi, Reer Hiiraan kuu Geeyey
 

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Geeddi jagada uu ku fadhiyo, ra’iisulwasaaranimada, waxaa lagu helay qeyb ka mid ah tii “4.5”. Maaddaama aan ku dhexjirno ka hadalka “professors and doctors” ayaan maanta waxaan u geleynaa jagooyinkii uu “professor” Geeddi magacaabay qaarkood ooy ku jiraan kuwa guddoomiyayaasha gobollada qaarkood.

Haddii, dadkii joogay magaallada hadda Geeddi joogo, Jowhar, diideen iney u hogaansamaan aqbalidda jagooyinkaas; yaa kale oo laga filayaa inay qaataan jagooyinka la magacaabo? Soow Maxamed-dheere, adduunkoo dhan ma maqashiin inuu diiday inuu noqdo la-taliyaha korneyl C/hi? Haddii uu Geeddi ku qancinwaayey in ina-adeerkii u dhegonuglaado amarrada xukuumadda, ma reer Muqdisho iyo Hiiraan baa laga filayaa?

Teeda kale, Geeddi looma dooran inuu qabiilkiisa keliya xukumo. Waxaan dhowaan maqleynay in dadka Garoowe iyo Boosaaso doorteen guddoomiyayaashoodii iyo ku-xigeennadoodii iyo weliba xubnaha dowladaha hoose oo dhan. Mudugta Waqooyina sidoo kaley soo waddaa. Geeddi uma magacaabi karo guddoomiye Baydhabo iyo Marka midna. Xitaa Jowharta uu joogo uma magacaabi karo ileyn waxay damceen inay Maxamed-dheere ka qaadaan jagadaas laakiin wuu diiday. Marka haddeysan jago qaadi karin ma filayo inay magacaabi karaan.

Geeddi wuxuu guddoomiyayaal iyo ku-xigeenno u magacaabay Banaadir iyo Hiiraan isagoon xitaa awood ku lahayn. Wuxuu sheegay inay Xamar tahay meel aan la geli karin. Oo haddaan la geli karin maxaad jagooyin ugu magacoowday.

Waxaan ra’iisul wasaaraha ka caloolgo’ay markuu yiri waa in dagaal-oogayaasha Muqdisho ay muqdisho ku xasiliyaan 3-4 bilood? Waa inta lagu dhiso guri caadi ah. Soomaalaay, miyuusan Geeddi aqoon Xamar? Laakiin korneyl C/hi baa noo sheegay inuu ku dhashay Xamar weliba aysan jirin cid ka celin karta.

Dad badan baa u heystay in korneylka oo keliya uu ku soo duullaan yahay dhulka qabiilka Geeddi laakiin arrintu saas maaha oo Geeddi laftiisa dhulkiisa ku soo duullaan ah maaddaama uu rabo inuu guddoomiyayaal u magacaabo dhulka dadkiisu dego oo keliya. Marka kubbaddu waxay ku socotaa Koonfur.

Waa Shariif Xasan ninka yiri aniga iguma filna gobol. Sidoo kale ma rabo inaan wax ka doonto qabiilka aan ka dhashay oo keliya ee waxaan rabaa inaan wax weyn wax ku doono. Halka korneylku Geeddi farta ugu yeerayo isagoo Gaalkacyo jooga, wuxuu Shariifku rabaa meel dhexdhexaad ah sida Yemen iyo Jabuuti oo kale haddii kale uu kornaylku Xamar yimaado. Shariifka waxaad mooddaa inuu maqlay xaddiiskan:

Markii nabigu (SCW) qeybinayey qaniimadii Xuneyn ayaa odayaal Qureysh ahaa iyo labo kaabboqabiil oo kala ahaa Cuyeynata iyo Aqrac kala siiyey mid boqol geel ah. Dabadeed wuxuu nabigu (SCW) siiyey gabyaa la oran Cabbaas 50 geel ah. Cabbaas wuxuu dhowr meeris oo gabaya ku yiri: Haddaan Soomaali u bedlno wuxuu noqonayaa:

  • Ma nasiibkeyga (qeybtayda) iyo midda addoomahaad isku mid ka yeeleysaa
  • Labadoodii aabbe kama sidan aabbahay; aniguna ma ahi nin ka dhaca iyaga markii la isugu yimaado golayaasha.
  • Marka maanta ninkaad hoos geyso nabi Alloow (SCW) ma jirto cid kor u qaadidoonta.

Dabadeed nabigu (SCW) wuxuu uga dhigay 100 geel oo raggiisii buu dhinac ka raacay. Gabyaa Cabbaas wuu caqli badnaa. Ka warran haddii sheekadu noqon lahayd: nabigii Ilaahay (SCW) baa oday hebel 100 geel ah siiyey; hebelna 50? Weliba Carabta, khaasatan odayaashaas Islaamka ku cusbaa waxay u sameyneysay micno weyn. Laakiin qofka muslimka ah oo aqoonta lihi wuxuu fahmayaa inaan adduunka la isku siin jacayl. Nabiga (SCW) laftiisa ayaa arrintaas xaddiis ku sheegay.

Haddii Shariifku uu maanta iscasilo, wuxuu muujiyey inuu yahay nin ad-adag oo go’aan leh haba ku xirnaado dagaaloogayaal kalee.

Ma suurtagalbaa mise dhici doontaa in Hogaamiye-kooxeedyada Xamar ay Isbaarada qaadaan: W/D: Ing. Nabadoon

Xamar inta isbaaro dhex taal waxay noqdeen afartan iyo seddex (43 isbaaro) oo gaadiidka iyo dadkaba lacag..Guji


MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA
fahad yaasiin
Muqidisho waa halkii aan ku barbaaray ee aan wali jeclahay Laakiin!... Guji..
Feb 7, 2003

Beribaa waxaa jiray nin waalli u ahaa boqor muslim ah. Waalligii wuxuu ahaa nin dhib badan. Maalintii dambaa boqorkii oo soconaya wuxuu booqday magaaladii uu waalligu xukumay. Dadkii baa ka sheegtay waalligii. Boqorkii wuxuu yiri: waalligaan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu fiican uguna caddaalad badan madaxdeyda marka waxaan idin kula talinlahaa inaad deysataan. Dadkii oo dhan waa iska aamuseen marka laga reebo hal nin. Ninkii baa yiri boqoroow caddaalad samee? Boqorkii isagoo xanaaqsan buu yiri maxaad ka waddaa? Ninkii wuxuu yiri: waxaad ka mas’uul tahay magaalooyinka muslimiinta oo dhan. Marka ninkaan caddaaladdiisa iyo wanaagiisa hanagu koobin annaga keliya ee wax ka sii magaalooyinkoo dhan. Boqorkii inta qoslay buu ka bedelay.

Waxaan uga danleeyahay, haddaan nahay reer Mudug Waqooyi, waxaan dhib ku qabnaa maamulka gobolka iyo kuwa dowladda hoose ee Gaalkacyo, marka waxaan Geeddi ka codsanlahaa hadduu wax kala badali karo bal inuu mar nasoo fiirsho.

Marka hadduu Geeddi wax magacaabi karo ha magacaabo guddoomiyaha Shabeeladda Dhexe iyo kan Jowhar. Maxaase Maxamed-dheere dabodhigay Geeddi? Xaggee lagu arkey guddoomiye gobol (Maxamed-dheere) oo la naqsanaya wasiirro?

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2005


"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD