SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURAC-DHEERO


CEELKA XOOLUHU KA CABAAN EE QUDHACDHEERO

Duqa magaalada laascaanood iyo wasiiro la socda

Duqa magaalada laascaanood oo wax ka aasaya ceelashii laysku hayey

Geedka uu Ku magac dheeryahay Qurac dheero

Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska oo ka qayb qaadanaya burburinta ceelasha laysku hayey
Tuulada Qudhacdheero oo lagu soo af jaray shaqaaqooyin laysku hayey ceelal laba beelood ay ka wada qoteen
    
Laas caanood Somalitalk Axad18/7/05

Waxaanu saaka ku waa bariisanay tuulada Qudhacdheero oo iyadu 30 kiilo mitir u jirta magaalada laascaanood kagana beegan waqooyi bari waxaana halkaa iyagu isku horfadhiyay laba beelood oo iyagu ka soo kala jeeda deegaamada Yagoori iyo Adhicadeeye. Waxayna labadaa beelood iyagu iskaga horyimaadeen ceelal yaryar oo qolowaliba dhinaceeda ay ka rabtay inay iyagu ka cabaan.

 
Hadaba duqa magaalada laascaanood C/rashiid barkhadle iyo koox wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka shaqada iyo ciyaaraha iyo isboortiga Siciid Qoorsheel oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta iyo booliska ayaa halkaa u tegay inay kala xaliyaan labadaa beelood ee iyagu isu hub urursaday waxayna wateen gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan tiknikada.
 
Shaqaaqadan ayaa iyadu sababin in ay labadaa beelood waxyeelo soo kala gaadho marka laga reebo isu ciidansan iyo hub urursi mooyee hase ahaatee waxa intii lagu hawshaysanaa sidii loo kala gaadhi lahaa uu shil soo gaadhay gadhi ciidanku leeyahay iyo gadhi shacab kuwaas oo isku sigtay inay fooda isdaraan hase ahaatee gaadhigii ciidanka ayaa markii ay dhinaca isku dhufsanayeen ay ku dhaawacmeen shan askari oo ka tirsan ciidanka booliska kuwaas oo uu soo gaadhay dhaawacyo sahlani.
 
Hase ahaatee arintaa shaqaaqada ah ee ka dhalatay qodista ceelasha ayaa markii xal laga gaadhi waayay ayaa Duqa magaalada laascaanood waxa uu amar ku siiyay in la aaso ceelasha labada dhinacba qoteen taas oo uu xal u arkay duqa magaaladu. Sidaa  daraadeed ayaa waxa amar loo siiyay inay ciidamadu aasaan ceelashaa laysku hayo.
 
Isla markaa waxaa halkaa lagu aasay ceelashii (sida ka muuqata sawirada midig) waxaana markii danbe halkaa lagu soo af jaray is hayntii labada beelood ee Cali Maxamuud iyo Bihina Dubad ee iyagu isku hayey ceelashaa Quracdheero.
 
Maxamed gaaxnuug
Somalitalk Laascaanood
gaaxnuug10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 19, 2005


Soomaalida ku jirta xerada Nikafali ee Ugandha oo markii ugu horaysay UN-ku Qaadayo.
Diiwaan galintii ugu horaysay muddo dhowr iyo Toban sano ah ayaa loo bilaabay Qaxootiga Soomaaliyed ee ku jira Xerada Nikavali oo qiyaas ahaan magaalada Kampala u jirta 280 KM.

Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa qaadaysa lix boqol oo qoys oo ka mid ah qaxootiga ku jiray xeradaas,waxaana lagu wadaa in wadanka maraykanka la geeyo dabayaqaada sanadkan sida uu iigu waramay mid ka mid ah howlawadeena Jaaliyada Soomaaliyeed oo xiriir leh Agaasimaha xerada iyo QM.
Warka oo dhan... July 19


Wararka Magaalada Laascaanood....
»Isku shaandhayn daraawiishta..
»Waraysi: Garaad Abshir Saalax..
»Waraysi: Siiciid Jaamac Qoorsheel..
Wararka oo dhan... Guji.... July 16


"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD