CIDDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA
Tan
iyo markii lagu dhawaaqay dhismaha (DFMG) ah ee soomaaliya
dabayaaqadii 2004 ta ,waxaa si is daba joog ah booqasho ku
imaanaayey dalka yemen wufuud kala gadisan kana tirsan labada gole
ee dawladda,wafdigii ugu danbeeyey ee yimid yemen waxaa
hogaaminaayey Raiisul wasaare ku xigeenka isla markaana ah wasiirka
arimaha gudaha Xuseen Ceydiid wuxuuna wafdigaas ka qeyb galay
dabaaldagii loo sameynaayey sanadguuradii 15naad ee ka soo wareegtay
markey midoobeen labada yemen sanadkii 1990 kii bishii mey 22 keedii
.
Wafdigaas intuu joogay yemen waxa uu klulano kala gedisan la kala
yeeshay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada yemen ,waxa uuna
kala hadlay arimo dhawr ah sida iskaashi dhinaca nabadgalyadda ah oo
dhex mara labada dawladood, dhinaca kalena arimo dhawr ah oo laga
filaayey in Xuseen Ceydiid wax la taaban karo ka qabto ayaa taagan
halkoodii waxaana ka mid ah :-
1)
Jaaliyadda :- mideynta iyo u sameynta maamul dhexe oo ay yeelato
jaaliyada soomaaliyeed ee ka jirta yemen , mana ay jirto cid isku
dayday ama ba diyaar u ah inay wax uun ka qabato arinta murugsan ee
jaaliyadda ,waana dhab inay arinteeda faraha si fiican uga bixi
doonto mar hadii ay faracyadeeda ka jira gobolada bilaabeen inay
siiyaan warqadaha aqoonsiga ee soomaalinimo dad aan soomaali aheyn .
2)
Macalimiinta :- mushjaarka macalimiinta soomaaliyeed ee ka shaqeyso
yemen oo aan la aqoon sida uu ku danbeyn dono ka dib markey soo
guteen waa jibkoodii shaqo ayaa hadl celintiisa lagu soo koobay
waxaa laga war sugaa waxa ka soo baxa warqad la sheegay in Xuseen
Ceydiid ku saxiixnaa laakiinse ay soo qortay safaarada soomaalida ee
sanca , warqadaasoo ku socotay raiisul wasaaraha yementa C/qaadir
Baajmaal ka hor inta aanu Xuseen u safrin sacuudiga 2/06 /2005 mana
la yaqaan wixii ku qornaa waraqdaas waayo waxaa yar inta aragtay
isla markaasna si fudud u fahmi karta dulucda qoraalka iyo halaka ay
jawaabtu imaaneyso oo aan looga baran loogana fadhinin iney dhgabta
ka sheegaan wixii la soo yiri, taas ayaana keentay maanta in
macalinka dulman ee la xabaalay xuquuqdiisii guntiga dhiisha isaga
dhigo una baxo danihiisa isagoo laga qaaday 50$ iyo sadex kun riyaal
yemeni ah waxaana lacagtaas lagu sheegay in wax looga qabanaayo
hawlaha inta dhiman ,sagaal bil ka dibna waxaa cadaatay in baraha
soomaaliyeed aan waxba looga qaban dhinacayada mushaarka iyo
mustaqbalka shaqadiisa tan iyo markii safaarada soomaaliyeed ee
sanca gudaheeda loogu qeybiyey waraqadihii ay ku tagaayeen goboladda
ee ka shaqo galaayaan bishii oktoobar 2004tii .
Midna waa na siib daro in masuuliyiinta soomaaliyeed ee
timid yemen ka indha qabsadaan amaba sahalsadaan sidey wax uga ogaan
lahaayeen xaaladaha nololeed ,shaqo,iyo tan sharafba ee baraha
soomaaliyeed,waana taas tan dhalisay in baraha uu nqodo mid sumcad
ahaan ka heer hooseeya tuu lahaa sanadki tagay,mana kala cada
xuququda ka maqan macalinka la siin doono laguna siin doono habkii
shaqada loogu diray bilowgii sanad dugsiyeedka hada dhamaaday ee
2004/2005 ta .
3)
Qaxootiga:- dhinaca kalena Xuseen Ceydiid waxa uu ka badbadiyey
tirada qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan yemen mar uu wareysi
siiyey wargeysyada kala ah Al-thawra, iyo Yemen Observer cadadyadii
soo kala baxay sadexdii iyo afartii bishaan lixaad 2005 ta waxa uuna
tirada qaxootiga ku sheegay nus malyan halka gudi ka socda
baarlamaanka yementa oo xaiiqo raadis ah soona maray goobaha ay
degen yihiin qaxootiga uu tirada qaxootiga soomaaliyeed ku sheegeen
(79000), laakiinse waxaa jirta tiro taas u dhaw oo ay soo saartay
wasaarada arimaha gudaha ee yementa oo ay tirada qaxootiga ku
sheegtay (74448) ruux ,tiradaasoo 71% rag yihiin , 24% dumar yihiin
,iyo 5% caruur yihiin waxaana tira koobkaas laga sameeyey gobolada
iyo degmooyinka dalka yemen sanakii 2004 ta,waana midaan si cad oo
muuqato uga dhicin magaalada sanca intuu xuseen ceydiid joogay in
dad soomaali ah loo sameeyey sharci(IQAAMO) amaba lagala hadlay
sidii loo cusbooneysiin lahaa warqadaha aqoonsiga ee qaxootinimo
taasoo waqtigeedu ku ekaa 31/12/2004ta ,wuxuuse ka dhawaaajiyey oo
kaliya in qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan yemen dib loogu celin
doono dalkoodii hooyo ,xalkii laga rabay inuu kala hadlo
masuuliyiinta yementa xuquuqda qaxootiga iyo mustaqbalka aayahooda
danbe .
Hadaba imaatinka madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo
wafdigiisa imaanayaan dalka yemen maalamaha soo socda ayaa ah rajada
kaliya ee u harsan qofka soomaaliga ah ee jooga yemen waayo inta
masuul ee isaga kaga soo horeysay yemen ma aysan noqon kuwo wax ka
qabta arimihii taagnaa,hadal iyo dhamaantiis arimaha soomaalidda
joiogta yemen waa “ CIDDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA” .
Diyaariye Axmed Maxamed
Sanca Yemen.
ahmedwiish@hotmail.com