Salaan ka dib waxaan doonayay inaan idiin
soo diro qoraal ku saabsan arinta ninka la yiraahdo Terry oo ayaamahanba
jahwareer ka jiray. Runtii aad ayaad ugu mahadsantihiin inaad u soo
gudbisaan arintan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan gobolada
Puntland si loo ogaado xaqiiqada runta ah oo aan la qarin wixii xun iyo
wixii wanaagsanba oo saameyn ku lahaan kara shacabkeena.
Sida uu Maxamed Saciid ninka la yiraahdo
idinku soo qorayba warqadiisii jawaabta aheyd waa qeyb ka mid ah runta. Maxamed Saciid ma wada dhameystirin sheekada intii kale ee ka harsaneyd.
Midi waa run in uu Terry ku yimid gobolada Puntland isagoo sheeganaya
magaca urur NGO ah (urur samafal) si uu u caawiyo dadkii waxyeelada ka
soo gaartay Tsunami - hadalkaas gadaal ayaan u eegi doonaa. Sida uu Maxamed Saciid sheegayba waxaa cad
sababaha U.N iyo Puntland isu dirireen inuu ka danbeeyay Terry ka dib
markii uu Terry yiri "mucaawinada U.N waxaa lagu iibiyaa suuqyada
Boosaaso" oo xitaa sawiro laga soo qaaday la keenay casuumadii cashada
ee Gen. Cade uu sameeyay. Waxaa jiro siyaabo badan oo ay dowlada
Puntland kagala hadli karto U.N wixii dhib ah ee jiro ee laga sheeganayo shaqaalaheeda,
ee ma ahan in koox dana gaar ah wadata ay isku dirto dowlada Puntland
iyo madaxda U.N.
Maxay tahay sababta keentay Terry inuu sii
raaco Madaxweenaha Puntland oo ka qeybgalayey xafladii Nairobi ee loo
suubiyay dowlada Federaalka? Sida wararka nagu soo gaarayaan waxa ay
tahay in Terry iyo kooxdiisii ay ka dhaadhiciyeen Madaxweenaha Puntland
in Terry keeni karo gobolada Puntland company ka qodo shiidaalka
goboladaas. Sidaad ogtihiinba shidaal laqodayo waxaa ku baxo dhowr
Bilyan oo doolar oo ma ahan wax fudud oo cid waliba iska sameyn karta.
Dr.Faroole
|
Gen.Cade
|
Col.C/lahi
|
Prof.Gedi
|
Sida wararku sheegayaan waxaa la isku
dayay in Madaxweenaha iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya laga saxiixo
contract la siinayo kooxda Terry wato. Taasina ma aysan suura gelin
waxaana halkaasi ku kala xanaaqay Gen. Cade Muuse iyo Madaxweene
Cabdulaahi Yusuf. Sida la sheegayo waxaa halkaasi fadhiyay Wasiirka
Qorshayn ee Puntland oo xitaa aflagaadeeyay Ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya markay arintu noqon weysay sida uu rabay.
Sida dad lagu kalsoon yahay sheegayaan
kooxdan aan kor ku sheegay waa koox u horkacayo Wasiirka Qorshaynta ee
Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Faroole".
Maxamed Saciid Maxamuud oo ah ninka qoraalka soo qoray
oo deganaan jireyAustralia waxa uu qoraalkiisa ku cadeeyeyna in Terry ka yimid Western
Australia (Perth). Warar aad loogu kalsoon
yahay ayaa sheegaya in Terry loo adeegsadey arimaha ah Xumaan ka dhex
abuurida Madaxweynaha dowlada Puntland iyo U.N ayadoo la adeegsanayo
Terry. Hadana mar labaad xumaan ka dhex abuurida Madaxweenaha Soomaaliya
iyo Madaxweenaha Dowlada Puntland ayadoo la adeegsanayo Terry.
Haddaan gadaal u eegno hadalkii Maxamed Saciid
Maxamuud, waxa uu qoray sidan "Terry wuxuu soo raacay dakhaatiirtii reer
Australian-ka ahaa ee Bosasso Hospital timid February 2005 ka dib markuu
barnaamijkooda ka daawaday idaacada (TV-ga) ABC ee Australia. Terry wuxuu safarkiisii ugu horeeyey
Puntland (February) waday deeq ururkiisa (KIN) ugu soo deeqday Tsunami-da."
- bal hadaba arintan hoose eega.
Waxaa Internetka lagu soo qoray bishii
January 2005 in dhakhaatiir ka kooban afar qof ay woqooyi bari
Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury (waxaad interka ka baartaa "Medical team ready to assist Somalia").
Dhakhaatiirtii Boosaaso wey yimaadeen. Afarta dhakhtar magacyadoodu
waxay kala yihiin: Graham Forward (orthopaedic
surgeon), Wayne Pennington iyo Mark Salib (A & E physician & anaesthetist) and Debbie Wilson
(Nurse) (Waxaad eegtaan
www.wocuk.org).
Sida ku cad websiteka
www.wocuk.org
dhakhaatiirtaas waftigooda si rasmi ah ugama mid aha magac layiraahdo
Terry, wuu soo raaci karaa asagoo kasocda NGO, laakiin waxaa been
cad ah in uu Terry ahaa kan keenay dhakhaatiirtaas, su'aashaas hada
waxay tahay goorma ayuu ganacsade dhulka maal gashanaya noqday ninkani
oo maalgelinaya arimaha uu taxay Maxamed Saciid Maxamuud, haddii ay
jiraanse maxay dawladu u cadayn weydey wixii faa'iido shacabka u ah.
Sida ay ku qoran websiteka
www.wocuk.org,
Kooxda dhakhaatiirta ah waxaa hogaaminayey Dr. Graham Forward kaas oo
sawiradii uu website kale
www.sjog.org.au
ka qaaday ay ka muuqdaan hoos (Qofkii raba wuxuu Dr. Graham Forward
kala xiriiri karaa emailkan: gforward@iinet.net.au
emailkaas oo ku qoran website
www.wocuk.org).
Dr. Graham Forward oo jooga cisbitaalka Boosaso Feb 2005.
Sawirka:
www.sjog.org.au
"....
(Terry) Wuxuuna xoogsaday ka dib
markii Madaxwaynuhu ku casumay casho sharaf loo sameeyey wafti balaaran
oo UN Somalia ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta
UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu habeenkii ka hadlay
isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN
hay'adaheeda Somalia ka shaqeeya. Wuxuu Terry ka waramay in gaajo danyarta
reer Puntland wada haysato raashinkii UNtu keentayna (hay'ada WFP) ay
bakhaaro iib-uga buuxaan magaalada Bosasso.... - oo ay
qaarkood leeyihiin shaqaalaha UNta u shaqeeya." Qore:
Mohamed Said Mohamud, Acting Country Director, KIDS IN NEED,
Garoowe
Waraysi
dheer oo uu Telefishanka ETN Boosaaso la yeeshay madaxweynaha
DGPL, Jeneral Cadde Muuse, ayuu wuxuu shaaca kaga qaaday in
hay'adaha ajnabiga ah ay rabaan uun in ay dalka maamulaan,
waxcana uu intaas ku daray hay'adahaasi aysan dadka wax u qaban.
Daawo....
|
Arinta kale oo dadka ka yaabisay waxay
tahay kaddib markii uu Maxamed Saciid Maxamuud yiri "Terry xiriirka ka
dhaxeeya isaga iyo dawlada Puntland wuxuu ka dhashay arintaas. Wuxuuna xoogsaday ka dib
markii Madaxwaynuhu ku casumay casho sharaf loo sameeyey wafti balaaran
oo UN Somalia ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta
UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu habeenkii ka hadlay
isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN
hay'adaheeda Somalia ka shaqeeya....". Taas waxaa jawaab u ah erayadii
hore.
Qore: Nuur Geedi
|
ngeedi@yahoo.com
& G.L.
Terry ma basaas baa?
ascww
Waxaan marka hore idinku amaanayaa inaad
tihiin shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee soomaali ah ee isku shuqliya
khabaar helida ajnebiga wadankeena u yimaada inay ka fuliyaan arimo
khatar ku ah diinteena, dadkeena iyo dalkeena. waxaana idinku
baraarujinayaa inaad ilgaar ah ku eegtaan arimaha noocan oo kale ah.
Hadaan mowduuca usoo laabto ninkaan anigu
aqoon uma lihi waxaanse rabaa inaan fikirkayga ka dhiibto anoo
adeegsanaya aqoonta aan u leeyahay arimahan. ninkani ururka uu magaciisa
wato waxaa xaruntiisu ku taal magaalada Chicago ee wadanka Maraykanka cinwaanka ururkuna waa:
www.kidsinneed.org.
Waxaad aragtaan in Mohamed Said Mohamud
oo sheegtay "Acting Country Director - Kids in need" garoowe,
uu yiri "Terry waa Gudoomiyaha (Chairman of
Executive Officers (CEO)) urur caalami ah oo Western Australia (Perth),
Australia ka rejis-gareesan." Laakiin haba yaraatee ma uu
qorin cinwaanka hay'addaas ee Australia iyo lambarka diiwaankeeda.
Ururkan (www.kidsinneed.org) ma aha mid ay diiwaanadiisa ku
qoran yihiin inay ka hawlgalaan Puntland, hadaba waxaa caado noqotay in
laga soo bilaabo 1980kii inay Soomaaliya ka hawl geli jireen hay'ado ku
magacaaban bani'aadanimo laakiin ahaa kuwo hoos taga sirdoonka qarbiga waxaana ka mid ahaa hay'adii tooska
u hubaysay kacdoonkii usc ee Muqdisho ka bilowday 1990-naadkii.... (Isla
hay'addaas mudo qiyaastii laga joogo
bil iyo bar ilaa laba bilood ka hor ayay tageen puntland waxaana
hogaaminayey qof dumar ah sababta ay u tageena
waxay ahayd inay xafiisyo Bosaso ka furtaan Puntland mase la socdo
meesha arimohoodu ku dameeyeen)...
Sida aad la socotaan waayadan dame
waxaa aad ugu adkaaday sirdoonka qarbiga inay si toos
u tagaan wadamada Islaamka siiba meelaha dhaqanka Islaamka laga
dareemayo Soomaaliyana ay ka mid tahay, marka masiibooyin dhacaana
fursada ugu horaysa ee reer galbeedku ka faa'iideysteen waa siday
informer meeshaas u geyn lahaayeen.
Ninkaan hadda Puntland ku meeraysanaya
shaki igagama jiro inuu ka socdo hay'adaha sirdoonka, hadaad u
fiirsataan ookiyaalaha uu sito waa nooca ay qaataan dadka shiishyahanka
ah laguna rakibo qalabkaan: spy wireless ccd color camera, 3,4 ghz.
Qalabkan habeen iyo maalinba isku si ayaa
loo isticmaali karaa, wuxuuna khabaarta u gudbin karaa dayaxgacmeedyada
meeraysanaya hawada sare sida nooca loo yaqaan titan 4b ee fadhiya hawada dhexe.
Waxaana aaminsanahay inay ninkaan
hawlgalkiisa ay qaybweyn kasoo qaateen hay'adda sirdoonka dalka uu ka
yimid. Sida la sheegay ninkani maleh qaab
ganacsade waxaana cadayn idiinku filan mudada yar ee uu Puntland joogey
iyo inuu marna sheegtay inuu ka socdo hay'ad bani aadanimo marna uu
yahay ganacsade. dadka da'diisa oo kale ah uma ogola wadamada reer
galbeedku inuu maalgelin ku sameeyo wadan aan wadankiisa ahayn arimo sireed
waa u sameeyaan. ninkaan qaabkiisu veteran soldier, sida caadada ah
dadka kasocda hay'adaha kaalmada waa laga yaabaa inay qaataan koofiyad
calaamadoodu ku qoran markay wadan imaanayaan, laakiin markay ka
baxayaan ma qaataan, hadaba ninkaan funaanada uu sito waa mid uu ku
jeedinayo attentionka dadka waxaase u qarsoon hawlo rabigeen ogyahay.
Waxaan idin xasuusinayaa in sanadkii
2002dii uu nin ingiriis ahi uu ku tegey wadanka Lubnaan inuu UN u
shaqeeyo ka bacdina uu dhexgalay dhalinyaradii reer Lubnaan wuxuuna ku
guuleystey inuu soo ogaado halka ay ku sugan yihiin rag badan oo maanta
ku xirxiran wadamada reer galbeedka.
Weriyayaal
isugu Jira Ajnabi iyo kuwo ka yimid Muqdisho oo Booqday Boosaaso
iyo Shimbiraale. Kuma arag wax urur argagixiso oo xarun ku leh
Shimbiraale.. Xataa kuma arag raad shimbireed..
Akhri
warbixintii Ingiriisi / Sept 2002
|
Sida aad losotaan waqtigii dagaalka
sokeeye ka socdey Puntland dhowr jeer ayuu C/lahi Yuusuf ku sheegay inay
joogaan ururka alqaaciida, waana meel reer galbeedka u calaamadsan,
dhowr sheekhna waa lagu diley Bosaso dilkaas oo la sheegay inay ka
dameeyeen hay'adda PIS oo ah sirdoonka Puntland ayna maalgeliyaan
hay'adaha sirdoonka qarbiga.
Waxaan ka codsanayaa dhalinyarada reer
Puntland inay ka feejignaadan dadka ajnebiga ah ee usoo suxulo duubtay
baabi'inta diintiina, dadkiina iyo dalkiina isla markaana ay la
shaqeeyaan booliska deegaanka lana socodsiiyaan khabaaraha ajnebiga.
waxaan kaloo ka codsanayaa culimada reer Puntland inay aad u
feejignaadaan wixii ay ka shakiyaana ay report ka qoraan lana
socodsiiyaan saldhiga booliska ee ugu dhow.
1997
/ 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo
Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si
waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay
Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala
ah Achair Partners (Swiss), Progresso (Italian).
Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green
Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna
ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay
kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii
markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya
lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10
million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar.
Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in
uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu
baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi
dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali
Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka"
Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya
lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.
Guji...
"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun
Muddo 99 sanadood ah"
HAFZA
oo ah shirkada sheegtay in ay ijaaratay Xaafuun muddo 99
sanadood ah ayaa shaaca ka qaaday waraaqo ay ku saxiixanyihiin
Madaxweynaha DFKMG, madaxweynihii hore ee DGPL iyo wasiirkii
Hawlaha Guud ee PL..
Guji..
|
Ogaadana jaajuus keliya haka fekerina
ee xataa xusuusta sidii sunta loogu duugey dalka in ay shirkado magac
qarbi wata ay heshiis la galeen dad sheegta Soomaali laakiin aad
dalkooda wax dan ah ka lahayn si ay sun ugu aasaan wadanka Soomaaliya,
taasna yaan loo dayma la'aan.
Qore: X.H.
FEEDBACK (Waa Kuma Terry,
Muxuuse Puntland u Joogaa?)
Asalaamu Alaykum,
Waxaan akhriyey qoraalkii cinwaankiisu
ahaa Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?
Marka hore waxaan idinkaga mahadcelinayaa
howsha wanaagsan aad qabateen, sida aan aamin sanahay waa howl muhiim ah
oo u baahan in la helo dad u istaaga mushtamaca reer Puntland.
Haddii ninkani uu dan uu isugu uu leeyahay
u joogo Puntland ama uu jiro dad reer Puntland oo dano ayaga ugaar ah u
ah uu ninkani u joogo wadanka waa arin muhiim ah oo u baahan in la
ogaado, looga digo mushtamaca.
Waxaa nasiib xumo ah in maamulka uu
dhaqmayo sidii maqaayad oo kale, taasoo aaysan mudnayn in meeshu ay
noqota meel ay dadku iska soo dhexgalaan ayadoo qofkasta uu ku
andacoonayo inuu katirsan yahay urur wax caawiya ama uu yahay nin wax
maalgashan kara.Qore: H.S.
Haa aniga ayaa Terry la kulmay::
Haa aniga ayaa Terry la kulmay oo u
kuur galay arinta dhambta ah ee uu meesha u joogo waxbaana idinkaga
sheegi karaa hadii alle idmo.
Qore: F. C.
Mahad Celin::
asalaamu caleykum Waxan hal kaan ooga mahad celinayaa
SomaliTalk
sida ay oogu dadaalaan diinta islamka iyo soo ban dhigideeda wax ala
wixii khayr ah oo ay qabteen dadka diinta jecel ama ka shaqeeya,
waxan idin kula talinayaa in iina ka
caajisin diinta islamka soo ban dhigeeda ayada aya ina an facaysa
aakhiro iyo
aduunba.
Qore: A. C.
Bogaadin iyo dhiirri galin::
as.wr: War aan idiinkaga hayo haatan ninkaas xaaladdiisu shakiga xoogga badan abuuri karto
balse waxaan idinku bogaadinyaa tahniyadna hawada idiinkugu soo dirayaa iyo salaan
sida aad isaga xilsaaraysaan , ilaalinta qaranimada ummadda idinka oo bulshada u
bandhigaya si hufan khataraha jira waana inaad u yeelataan sabir dadka in badani ma
oggola in xaqiiqda la sheego, taariikhda ayaana dadka kala saaraysa tii ilaahna way
dhimmantahay , ilaahay ha idin barakeeye.
Qore: M.O.
Afeef: Dhammaan aragtiyada ku qoran
boggan waa aragtida dadweynaha kana tarjumi maayaan aragtida SomaliTalk
Afeef: Qaar kamid ah qorayaasha
maqaaladan waxay codsadeen in aan la qorin magacooda oo buuxa arimoxagga
nabadgelyadooda la xiriirta
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2005 |
Updated: June 17, 05
Waa
Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?
Ninkaas oo ah reer Australia waxaa gobolka
lagu arkay sannadkan 2005 horraantiisii ilaa hadda, waxana uu sheegtaa in uu...
Guji... June 12 |