SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • HAY'DDA UNICEF OO MARLKALE DIB HOWLAHEEDII UGA BILOWDAY BOOSAASO.
  • MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO GARDARO KU   TILMAAMAY SHIR KA DHICI DOONA YAGOORI 

HAY'DDA UNICEF OO MARLKALE DIB HOWLAHEEDII UGA BILOWDAY BOOSAASO.

BOOSAASO (Somalitalk)
Jimce June 17, 2005

Waxaa markale dib u billowday shaqadeedii Hay'adda UNICEF oo hay'adda Qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca caruurta.

Hay'addan ayaa waxay howlaheedii shaqo ka bilowday xafiiskeeda wayn ee ku yaala magalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Hay'adda ayaa sadex todobaad joojisay howlihii ay ka waday gobolda PL, ka dib markii ay shaaca ka qaadeen masuuliyiinta hay'adda in loo hanjabay ayadoo loo soo marinayay hanjabaadahan sida ay sheegeen dhinaca isgaarsiinta ee internetka, waxa uuna sheegay madaxa sare ee UNICEF in uu arintaa gaarsiiyay Madaxwene Cadde isla markaana aan wax laga qaban cabashadoodii.

Kusoo noqoshada Hay'adda UNICEF ay markale dib ugu soo laabatay magaalada boosaaso ayaa waxaa ka danbeeyay kadib markii ay shir hay'addu ku yeelatay magaalada Neyroobi ee xarunta dalka kenya ay go aan ku gaareen in ay hay'addu howlaheedii shaqo kawado PL, ayna si dhaqsa ah ufuliso waxqabadkii ay kawaday Gobolada PL.

mar wax laga waeydiiyay Madaxweyne Cadde arinta keentay in ay Hay'addu  joojiso shaqadeedii waxa keenay ayuu sheegay in ay jirto arimo ay sheegeen oo ahaa in laga soo weeraro ama lagaga soo hanjabo E-mailka, waxa uuna sheegay in ay dabagal ku sameeyeen mamulka PL, ayna cadaatay in aan laga soo weerari karin cinwaanadooda balse ay ka soo weerari karaan oo kaliya cida haysa cinwaankooda waxaana noocadaatay ayuu yiri Cadde in ay ahaayeen qolyo ka mid ah shaqaalaheeda waasida uu hadalka udhigaye, balse waxa kale oo uu shaaca ka qaaday Mud:Cadde in ay hay'addu soo dagto Magaalada Garoowe oo ah Caasimadda Pl abse aysan tixgalin amarka Dowladda PL. 

###

MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO GARDARO KU   TILMAAMAY SHIR KA DHICI DOONA YAGOORI 

Jimce June 17, 2005
Garoowe: (Somalitalk)

Madaxwayne kuxigeenka dawlad goboleedka Puntland Mud: Xassan Daahir Af-Qurac ayaa maanta gashanka ku dhuftay warar  kasoo baxay  qaar  kamid ah Isimada Soomaaliland oo sheegay inay shir ku qabandoonaan  magaalada Yagoori oo ah magaalo ku qayba ama u dhow magalada Laascaanood.

Mud: Af-qurac wuxuu  ku sheegay  Isimada doonaya ayagoon soo marin soona ogaysiin maamulka Puntland, inay siday doonaan u shaqaystaan taasina ay tahay mid jabinaysa kana  hor imanaysa qawaaniinta dalka Puntland.

Madaxwayne kuxigeenka wuxuu sheegay in dalku uu  Maamul leeyahay loona baahanyahay ciddii shir iyo nabadayn qabanaysa ay soo marto maamulka balse ay marwalba PL, diyaar u tahay wixii ku saabsan nabaday maadaamama PL lagu yaqaan arimaha Nabadaynta.

Mud:Af-Qurac wuxuu taageeray go'aankii dhawaan ay gaareen qaar kamid ah Isimada Sool ayna ku qaaddeceen inay Tagaan shirka la sheegay inuu ka dhacayo Degmada Yagoori .

Mar uu ka hadlayay  Afqurac oo waraysi siiyay saxaafadda dhinaca shirka Yagoori ayaa sheegay in ay u muuqato shirka la leeyahay Isimadu way isugu imaanayaan mid daan daansi ah , isla markaana aan sharciga ku qotomin wal;low ay Isimadu horay u qaadaceen.

Wuxuu Af-Qurac Si kulul uga jawaabay in hawlaha nabadaynta ee Isimada u yaalla uu maamulka labaxay Somaliland lug kula jiro taasna aysan ahayn wax laqaadan karo.

Hadalka Madaxwayne kuxigeenka ayaa kusoo beegmaya xilli Isimo ka tirsan Somaliland ay sheegeen in ay doonayaan in ay shir ku qabanayaan yagoori oo ah meel aan ka baxsanayn magaalada laascaanood.

Isimada PL oo horayba u qaadacday in ay ka qayb-qaataan shirka ay lagalayaan Isimada kale ee waqooyiga Soomaaliya ayaan la garanayn waxa haatan soo cusbooneeyay in markale lagu soo celiyo inay shir wada galaan labada dhinac Isimadoodu. 

Sahro Sheikh | sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | June 17, 2005

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay
Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa... Guji... Jun 16

Xagguu ku dambeeyay Gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!
»Gudoomiyaha nabadgelyada Afgooye: wuu baxsaday wiilkii..
»Afgooye: Cabasho ka timid Ururka Ganacsatada Beeralayda
»Xamar: Firimbi oo Beeshiisa ku eedeeyay Isbaarooyinkoodii
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 16

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD