SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO KU XIGEENKIISI OO KHILAAF SOO KALA DHEX GALLAY

Hargeisa: Sida warar xogogaal ah oo maalintii shallaytoole ahayd ka soo baxay Guriga Madaxtooyada Somaliland qeexayaan waxaa khilaaf xoogleh soo kala dhex gallay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Labada Masuul oo ah kuwa ugu sareeya Xukuumadda dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ahaa laba nin oo lagu tilmaamo inay aad iskugu dhawyahiin tan iyo intii Madaxweyne Riyaale ka soo dhex doortay Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin Golaha Baarlamaanka Somaliland markii uu isku sharaxay jagada ugu saraysa Somaliland ee Madaxweyninimada sannadkii 2003-dii. [Warka oo dhamaystiran hoos ka akhri...]


Ma Deggan tahay Hargeysa, ma dhiganeysaa xaflad aroos, xinni iyo cilaan ma u baahan tahay, dharka arooska iyo cunto macaan, hadaba ha moogaan LONDON BEUTY SALON, Hargeysa.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin

Khilaafkani oo sida dad xogogaal ah oo ka gaabsaday in Magacooda ay ii  xaqiijiyeen ayaa ka bilawday dhuumaha Bansiinka usoo qaada ee keena dekedda Berbera, taasi oo todobaadkii hore ay Xukuumaddu caddaysay in laba dhuumood oo muddo 25 sanno ka hor dawladda China ka hirgelisay badda hoosteeda kuwaasi oo shidaalka ku soo shubi jiray haamaha keydka shiidaalka ee dekedda Berbera ay dawladdu damacsantahay inay ku bedesho hal dhuun oo soo wada xambaari doonta Shidaalka ay shariikadda TOTAL keento, taasi oo markiiba khilaaf ka dhex abuurtay xubnaha golaha wasiiradda Somaliland, iyadoo xubno taageersan Madaxweyne Xigeenku ay ku macnaynayaan inay tahay khasaare horleh maadama oo dhuumahaasi ay ahaayeen qaar aad u qaalli ah oo ka samaysna Macdanta Alumiumum-ta, dhuunta lagu bedelayaana aanay ahayn mid faa'iido mustaqbalka u keeni karta shiidaalka lagu daabulo haamaha Keydka iyo weliba inaanay kafayn karayn dhuuntaasi halkii labada dhuumood shiidaalka ka keenayeen.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa wuxuu warqad u qoray laba cisho ka hor Mareeyaha Dekedda Berbera Mudane Engineer Cali Xoor-Xoor kaasi oo uu ku amraayo in la hakiyo mashruuca ay shariikadda TOTAL ku hirgelinayso dhuuntani cusub ee ay ku bedelayso labadii dhuumood ee qadiimiga ahaa, taasina sida la sheegay waxay ka cadhaysiisay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Ismaciil Yare, waxaanay ka daba direen Madaxweyne ku xigeenka amarkiisi warqad uu ku saxeexanyahay Wasiirka arrimaha gudahu, taasi oo lagu amraayo madaxweyne Xigeenku inuu faraha kala baxo hawlaha uu Madaxweynahu amarka ku bixiyey Warqadaasi oo uu ku saxeexanyahay Wasiirka Arrimaha Gudahu waxay u qornayd sida tani:

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA
XAFIISKA WASIIRKA WASAARADDA
Tirsi: W/9/AG/XW/1251/42/05 DATE:11/6/2005
KU: GUDOOMIYAHA GOBOLKA SAAXIL =BERBERA=
KU: GUDOOMIYAHA GOLAHA DEGAANKA DEGMADA =BERBERA=
OG: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND =HARGEYSA=
UJEEDDO: KALSOONI U QAADIDDA DUQA DEGMADA BERBERA.
Anigoo tixraacaya warqadda Madaxweyne-kuxigeenka JSL ee sumadeedu ahayd RSD/MP/ARCUD/99/00116130605 EE 07/06/05, kuna saabsanayd arrinta ujeedada sare ku xusan .

Waxa hadaba lagu farayaa inaad joojiso kalsooni u qaadidda Duqa Degmada Berbera, maadaama Wasaaradda Arrimaha Guduhu hore u joojisay , iyadoo fulinaysa Amarka Madaxweynaha , Wasaaradda Arrimaha Guduhuna Dekreeto ka soo saartay ay ku joojisay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee xilka lagaga qaadayo Maayorada iyo kuxigeenadooda, sidoo kale waxaad faraha la gashay hawl aan laguu idman oo ah mashruuca ka socda Dekedda Magaalada Berbera ee dhuumaha lagaga bedelaayo
Hadaba, iyadoo aanay jirin amar Madaxweyne oo danbe oo burinaaya amarkii hore ,waxa xil inaga saran yahay in aynu u fulino sidiisa amarkii Madaxweynaha.
ALLAA MAHAD LEH
ISMAACIIL ADEN CUSMAAN
WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

 

Sida warar lagu kalsoonyahay xaqiijinayaan waxaa maalintii dorraad ah kulan ay ku lahaayeen Golaha Xukuumaddu Guriga Madaxtooyada halkaasi kelmado cadho leh isku waydaarsaday Madaxweyne Riyaale Kaahin iyo Xigeenkiisa Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, taasi oo la ii sheegay inay sababtay in labada Masuul gacanta isa saareen, balse waxaa markiiba soo kala dhex gallay arrintani oo ilaa hadda la ii xaqiijiyey in ay ku dhex jiraan Gudoonada Labada Golle qarran ee Baarlamaanka Somaliland Mudane Maxamed Aadan Qaybe iyo Saleeban Maxamoud Aadan (Saleeban Gaal/Nuur) kuwaasi oo u kala ergeynaaya Labada Masuul.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
Mobile: 252-2-406745 (Telesom)
Telephone: 252-828-7142 (Soltelco)
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2005

Xagguu ku dambeeyay Gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!
»Gudoomiyaha nabadgelyada Afgooye: wuu baxsaday wiilkii..
»Afgooye: Cabasho ka timid Ururka Ganacsatada Beeralayda
»Xamar: Firimbi oo Beeshiisa ku eedeeyay Isbaarooyinkoodii
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 16


Maxaa iska badalay Qorshihii dowladu ku dagaysay Jowhar iyo Baydhabo
Waxaana soo baxaya warar u eg diidmo oo uu Mas'uulka gacanta ku haya Magalada jowhar ku diidayo in.. Guji...

Arday Soomaaliyeed oo Qayb Ka ahaa Koox Ku Guuleysatey Tartankii Microsoft...
Tartan ay ka qayb galeen ardayda 9 gobol oo Maraykan ah oo lagu qabtay New York ayaa waxaa guushii ku raacday.. Guji..

7 Qof oo ilaa Shalay  Lagu Diley Beerxaani
»Kismaayo: Laba Qof ayaa Maanta lagu Diley Beerxaani
»Sweden: kulan dhaxmaray Xisbiga SSUP & Wasiirka Deeqaha
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...  June 15

Boosaaso oo Lagu Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood
Waxaana lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada.. Guji... Jun 14

Odeyaal dhaqameedyo reer Ogaadeenya ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay
iyo Xukuumadda itoobiya oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof.. Guji... June 14

Cabdullaahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Kenya
Khudbad hor dhac u ah geediga dawladu u guureyso Soomaaliya kaddib madaxweynaha DFKMG waxa uu. Guji Jun 13 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD