SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Boosaaso oo Lagu Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood....


Qaar kamida Hogaamiye Dhaqameedyada DGPL

Labada Gabdhood ee kujira Gudiga Degaanka Degmada Boosaaso

Qaarkamida Wasiirada

Qaarkamida Wasiirada iyo Xildhibaanada DGPL

Midig Gudoomiha Gobolka Bari - Bidix: Iskuduwaha Dowlada HooseG-Bari.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Waceys Dhado oo kahadlaaya Munaasabadii Dhaarta

Wasiirka D-Hoose iyo Horumarinta R-Miyiga DGPL oo kahadlaaya Munaasabadii Dhaarta

 Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga DGPL oo kahadlaya Gabagabadii Munaasabadii Dhaarta

Waxaa (13-06-2005) lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso DGPL Gudigii Degaanka Degmada Boosaaso, Gudigaan oo ka kooban 25 oo lagu soo daray 2 Xubnood kadib markii Beelaha Qaarkood ay u Cuntami wayday Xubnaha ay Tiro ahaan ka heleen Gudigaas kadibna ay Noqotay 27 Xubnood, Gudigaan oo ay madasha ka Fadhiyeen 20 Xubnood ayaa la Dhaariyay, halka Xubnaha kale ee Maqnaa ay Gudiga Qabanqaabinta ay ku sheegeen in ku maqan yihiin soo Xalinta Qilaafaad Dhexdoodaa.

Waxaa dhaartii ka hor halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka bari Dr: Yuusuf Waceys Dhado oo ka warbixiyay Marxaladihii ay soo Martay soo xulista Gudiga Degaanka Boosaaso iyo in uu maanta ku faraxsan yahay sida howsha ay u soo dhamaatay, waxana uu ku soo dhaweyay Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horamarinta Reer miyiga DGPL Cali Cabdi Awaare oo ah Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada soo xulista Gudiga Degaanada Puntland, waxaa Wasiirku ka warbixiyay ilaa xiligii ay bilaabeen howshaan in ay ku soo guuleesteen Caasumada DGPL oo ah Degmada Garoowe hadana maanta ayuu yiri loo fadhiyo Degmada Boosaaso oo ah Caasimadii labaad ee DGPL taasna ay tahay Guul hadii aan dhameeyaana waxaan u gudbidoonaa Degmooyinka kale ee DGPL sida Magaalada Gaalkacyo, Laascaano, Baran, iyo Hadaaftimo.


Wasiiradii oo ah Gudigii Qabanqaabada soo xulista Gudiga
Degaanka Degmooyinka Puntland oo Fadhiya Munaasabadii Dhaarta

Gudiga Qaban qaabada sooxulista Gudiyada Degaanada Degmooyinka
Degaanada Puntland oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano oo Fadhiya
Madaxtooyada Boosaso.

Waxaa kadib la bilaabay Dhaartii Xubnihii soo xaadiray oo dhamaa 20 Xubnood dhaartii kadib ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga DGPL Axmed Maxamed Xaabsade oo ku waaniyay Xubnaha in ay ka Dhabeeyeen Dhaarta ay ku Dhaarteen ayna ku soo dooran ninka ay u dooranayaan Gudoomiya Nin (u qalma).


Qaarkamida Gudiga Degaanka Degmada Boossaasooo Dhaaranaya.

Qaar kamida Gudiga Degaanka Degmada Boosaaso oo Dharanaya.

Qaar kamida Gudiga Degaanka Degmada Boosaaso oo Dharanaya.

Qaar kamida Gudiga Degaanka Degmada Boosaaso oo Dharanaya.

Qudbadahii iyo Dhaartii kadib ayaa Xubnihii soo xaadiray iyo kuwa maqan lagu war galiyay in Doorashadii Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka Degmada la samayn doono Bari (14-06-2005) Doorashada ka horna uu Gudoomindoono Ninka ugu Dada weyn Xubnaha Gudiga Golaha Degaanka Boosaaso

c/fatax jaamac | somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2005


Cabdullaahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Kenya
Khudbad hor dhac u ah geediga dawladu u guureyso Soomaaliya kaddib madaxweynaha DFKMG waxa uu... Guji...

Wasiir ku xigeenka W/Horumarinta R/Miyiga ee DFKMG oo ka furay Xafiis Dhahar
Sanaag: Saciid Xasan Shire waxa uu sheegay in.. Guji...  Jun 12

Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?
Ninkaas oo ah reer Australia waxaa gobolka lagu arkay sannadkan 2005 horraantiisii ilaa hadda, waxana uu sheegtaa in uu... Guji... June 12

Boosaaso oo laga furay Warshada Coca-Cola, Fanta iyo Cabitaano kala Duwan...
Eng. Cabdicaziiz Bilaal oo ka warbixinaya wershedaas waxa uu sheegay in... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD