SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xagguu ku dambeeyay gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!

  • Cabasho ka soo yeertay Ururka Ganacsatada Beeralayda

  • C/llaahi Firimbi oo Beeshiisa si toos ah ugu eedeeyay inay Isbaarooyinkoodii dib u soo celiyeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Xagguu ku dambeeyay gacan ku dhiiglihii dilay wariye Duniyo Muxidiin Nuur?!!

Maalinnimadii Axada bishan Juun-na ahayd  5, ayaa wariye Duniya Muxidiin Nuur oo ka mid ahayd shaqaalaha idaacada Horn afrik lagu dilay wadada Afgooye.

Wararkii ugu horreeyay ee ka soo yeera mas’uuliinta amniga ee degmada Afgooye ee dilkaa la xiriiray ayaa lagu sheegay in lagu raad joogo  ninkii falka dilkaa geystay;

Si aan arrinkaa wax uga ogaano ayaan la xiriirnay Gudoomiyaha nabadgelyada ee degmada  Afgooye Xuseen Wehliye Cirfo waxaan marka ugu horreysay waydiinay halka uu ku dambeeyay gacan ku dhiiglihii dilay Allaha u naxariistee  wariye Duniya,  wuxuuna ku jawaabay, “wiilkaasi wuu baxsaday oo isla maalintii uu falka geystay inta qoriga tuuray  u cararay dhankaa iyo kismaayo”.

Waxaan kaloo waydiinay “sow lama aqoonsan gacan ku dhiiglahaasi?” wuxuu ku jawaabay “haa, waa  la aqoonsaday, oo ilaa iyo hadda waxaan gacanta ku haynaa gaarigii uu kirish booyga ka ahaa” .

Mudane Cirfo waxaan kaloo waydiinay “mar haddii qofkii wax dilay  la aqoonsaday maxaad u xiriirin waydeen labada reer?”, Mudane Cirfo wuxuu ku jawaabay “labada reer way is wada arkeen  muddo ayayna isla maqnaayeen, maanta oo isniin ah (waa shalay) ayaa waxaa ila soo hadlay nabadoonka reerka ay ka soo jeeday wariye Duniya  oo lagu magacaabo Xasan Cilmi Yare wuxuuna ii sheegay in labadoodii dhinac ay soo wada heshiiyeen, wuxuuse cirfo noo sheegay  in uusan ogeyn waxa  ay ku heshiiyeen, wuxuuse intaa ku daray in nabadoonkaasi uu u soo jeediyay inuu gaariga sii daayo,  balse waxaan ka codsaday ayuu yiri Cirfo in arrinta si wadajir ah la isaga yimaado waana ubalansanahay.

Mudane Cirfo  ayaa dhinaca kale ka hadlay howlaha la xiriira isbaaro qaadista. wuxuuna sheegay in markasta oo laga hadlayo isbaarooyinka yaala wadada isku xirta Muqdisha iyo Afgooye in saxaafadu ay tiraahdo  Afgooye ayaa isbaarooyika dib ugu soo laabteen,taasina maahan mid sax ah  oo lsbaarooyinka waxa ay yaalaan soonaha Gobolka Banaadir ee aslanba masoo gaaraan aaga Afgooye, mar aan wax ka waydiinay in Degmada Afgooye ee yaalaan  wax isbaaro ah wuxuu yiri “ looma yaqaan wax isbaara ah degmadeena ee waxaase yaala check point laga ilaaliyo  amniga Deg. Afgooye

###

Cabasho ka soo yeertay Ururka Ganacsatada Beeralayda

Ururka Ganacsatada Beeralayda Soomaaliyeed ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay isbaarooyinka ku soo kordhay wadada dheer ay isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Mudane Mire Cusmaan Warsame “Mire Indho-yare” oo aan beertiisa shalay ku booqanay ayaa  sheegay in qarashka looga iibiyo badeecada ganacsata beerta gudaheeda waxaa ka badan mida ay qaadanayaa isbaarooyinka daadsan wadada Afgooye.

            “Taasi waxay caqabad ku tahay ganacsiga beeralayda iyo welida dan yarta ka sii ganacsata wax soo saarka beeraha” ayuu yiri Mudane Mire Indho-yare.

Mudane Mire Indhoyare waxaan waxa ka weydiinay eedaymaha ku aadan in ganacsatadu  ay ka gaabiyeen howlaha Isbaaro qaadida wuxuuna yiri “taasi waxba kama jiraan, anagu diyaar waxaan u nahay in aan dowladda canshuur siino, inta canshuur ururinta la gaarayana wixii tas-hiilaad ah ay dowladu u baahan tahay waan ka qayb qaadanaynaa”, “taas ma la dhihi karaa in weli lug ay idiin laaban tahay?’ “Maya” ayuu iigu jawaabay isagoo ii raaciyay in eraygiis ahaa “inta canshuur ururinta la gaarayana ay diyaar u yihiin wixii loo baahdo” ay caddaynayso in wax walba ay diyaar u yihiin” “qaar ganacsatadiina ka maid ayaa mar walba shaki ka muujiya howlahan isbaaro qaadista taas xaad ka wadiin?’ waa sax shakigase wuxuu ku bixi karaa iyadoo la suuliyo waxa isbaaro la yiraahdo” “taas maxaa lagu gaaraa haddii kaalmadiina aad ceshetaan, adduna uusan waxba noo soo wadin?’ “gacanteena waa socotaa, waan bilownay, waan wadnaa waana wadi doonaa, waxaase mas’uuliyiinta labada gole laga doonayaa si kalsoonida ganacsatdu u kororto ay ka dhabeeyaan howlaha isbaaro qaadida.

Intaa kaddib Mudane IndhoYare waxa uu inooga warbixiyay beertiisa, wuxuuna yiri “waxay ku fadhidaa 200 oo Hiktar oo wada beeran, waxaana ka shaqeeya shaqaalo joogto ah oo gaaraya ilaa 60 qof, iyo shaqaalo aan joogto ahay oo maalin kasta xoogsada oo gaaraya ilaa 100 qof oo 60 ka mida ay dumar yihiin, kuwaasoo maalintii shaqeeya ilaa 4 saac, waxayna inta badan ka shaqeeyaan howlo fudufud sida soo guridda dalagyada beerta sida cambaha, liinta, mooska iwm.

###

C/llaahi Firimbi oo Beeshiisa si toos ah ugu eedeeyay inay Isbaarooyinkoodii dib u soo celiyeen.

  • Ibraahim Shaaweey “Isbaarooyinka waa sax in wada hadal lagu qaaday balse marka ugu dambeysa qoorgooyo ayaa lagu qaadi doonaa!!!”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa sheegay in howlaha isbaaro qaadista ay u socdaan si wanaagsan isagoo sheegay in ay howlahaasi bilowdeen 7-dii bishan oo ahayd maalin Talaado, isagoo xusay in Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad uu ahaa Mas’uulkii ugu horreeyay ee qaada Isbaaradii ugu horraysay, waxaa ku xigtay ayuu yiri Isbaaradii Isgoyska Bakaaraha oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyooyin ka amar qaata Garamgaram, waxaa ku xigay ayuu yiri tii tiilay Isgoyska H/Wadaag, waxaa xigay tii Aadan Cadde, kaddibna Xarriryaale ayaan u gudubnay ayuu Yiri Firimbi oo intaa ku daray inay kaddibna tageen Isbaarooyinkii Baar Ayaan maalintaa Talaadadana ay shaqadooda ku soo gabagabeeyeen qaadista Isbaarooyinkii yiilay Ex-Control Afgooye iyo Asluubta.

C/llaahi Firimbi oo weli tirinayay Isbaarooyinkii illaa iyo hadda la qaaday ayaa sheegay in maalintii xigtay Isbaaro qaadista ay ahayd maalin Arbaco ah ay u suurogashay in Gudiga labada gole ee howlaha nabadaynta gobolka Banaadir ay u suurogashay inay qaadaan Isbaaradii Degmada Madiina iyadoo maalintii Khamiistana la qaaday Isbaaradii Nasteexo halka maalinnimadii Sabtiga la wareejiyay Isbaaradii Buulo-Xuubeey.

Gudoomiyaha G.Banaadir Mr.Firimbi wuxuu intaa kaddib nasiib darro ku tilmaamay in Isbaaradii tiillay isgoyska Aadan Cadde iyo tii tiilay Ex-Control iyo weliba kuwo kale oo isla wadada Afgooye Aadda Taala ay dib ugu soo laabteen goobahooda taas oo uu ku tilmaamay in ay dhabarjab ku tahay dadaalka nabadaynta gobolka Banaadir.

“Isbaaro qaadistu waa tartan, waa tartan beeleed, waa tartan shaqsi waxaana la qori doonaa qof kasta wanaagga uu ka qaato, wax la qarin doono ma jirto waan caddaynayaa oo hortiina ayaan ka sheegayaa beesha aan anigu ka soo jeedo ee Sacad weeye kuwa dib u soo celiyay Isbaarooyinkoodii, waxaana idiin sheegayaa in isbaaradu sideedaba ay qaadis tahay, mana la isaga harayo arrintan oo maanta ayaa waxgaradka beesha Shir isugu imaan doonaa Hotel Saxafi oo arrintaasi lagu soo afjarayo” ayuu yiri Mudane Firimbi oo shalay ka hadlayay munaasabad lagu furayay siminaar saddex Casho u socon doona agaasimeyaasha guud iyo agaasimeyaasha waaxyaha ee D/Hoose ee magaalada Muqdisho, isagoo ka qaybgaleyaashii Siminaarkaas u sheegay inay u diyaargaroobaan sidii ay u ururin lahaayeen canshuuraha gobolka kaddib marka la sifeeyo Isbaarooyinka Gobolka Yaal.

Duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka soo qayb galeyaasha Siminaarka ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan duruusta ay ku qaadan doonaan Siminaarka socon doono Saddaxda Cisho.

Ma suurtagalbaa mise dhici doontaa in Hogaamiye-kooxeedyada Xamar ay Isbaarada qaadaan: W/D: Ing. Nabadoon

Xamar inta isbaaro dhex taal waxay noqdeen afartan iyo seddex (43 isbaaro) oo gaadiidka iyo dadkaba lacag..Guji

Mudane Ibraahim Shaaweeye mar uu ka hadlay howlaha nabadaynta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in waqti kasta oo ay qaadataba ay waajib ku tahay mas’uuliyiinta labada gole iyo guud ahaan maamulka Gobolka Banaadir in ay magaalada ka sifeeyaan Isbaarooyinka si ay dowladdu awood ugu yeelato inay soo cagadhigato Magaalada Muqdisho.

“wax walba waxay u xayiranyihiin Isbaarooyinka meel walba yaala, haddii Isbaarooyinka la sifeeyo guud ahaan nolosha bulshada Soomaaliyeed way hagaagaysaa, Dowladduna nidaam iyo jiho ayay yeelan doontaa” ayuu yiri Ibraahim Shaaweey oo gabagabada hadalkiisa xusay in talaabadii ugu horraysay ee Isbaaro qaadista wada hadal ay k koobnayd balse in qaybaha dambe ee Isbaaroqaadistu ay arrintu hadal ka tagayso oo ay Qoor-Gooyo gaarayso, waxaan sugaynaa ayuu yiri oo keliya in la kala reebo qabiilka iyo Isbaariistaha si awood loogu yeesho in si wada jir ah meel looga soo jeesto midka bulshada Isbaarada u dhiganaya.

Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey wuxuu shalay furay siminaar saddex cisho ugu socon doono agaasimeyaasha guud, agaasimeyaasha waaxyaha iyo ku xigeenadooda, siminaarkaas oo ay casharro ka bixin doonaan macallimiin uu ka mid yahay  Cali Max’ed Cali “Ugaas Cali”, Cali Nuur Xuseen iyo kuwo kale waxaana ka mid ah duruusta lagu qaadandoono Siminaarka qaabka ugu haboon ee Canshuurta loo ururiyo iyo sida ugu wanaagasan ee loo dabooli karo adeegga bulshada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2005


Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay
Daahir Riyaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa... Guji... Jun 16

Maxaa iska badalay Qorshihii dowladu ku dagaysay Jowhar iyo Baydhabo
Waxaana soo baxaya warar u eg diidmo oo uu Mas'uulka gacanta ku haya Magalada jowhar ku diidayo in.. Guji... Jun 16

Arday Soomaaliyeed oo Qayb Ka ahaa Koox Ku Guuleysatey Tartankii Microsoft...
Tartan ay ka qayb galeen ardayda 9 gobol oo Maraykan ah oo lagu qabtay New York ayaa waxaa guushii ku raacday.. Guji..

7 Qof oo ilaa Shalay  Lagu Diley Beerxaani
»Kismaayo: Laba Qof ayaa Maanta lagu Diley Beerxaani
»Sweden: kulan dhaxmaray Xisbiga SSUP & Wasiirka Deeqaha
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...  June 15

Boosaaso oo Lagu Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood
Waxaana lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada.. Guji... Jun 14

Odeyaal dhaqameedyo reer Ogaadeenya ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay
iyo Xukuumadda itoobiya oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof.. Guji... June 14

Cabdullaahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Kenya
Khudbad hor dhac u ah geediga dawladu u guureyso Soomaaliya kaddib madaxweynaha DFKMG waxa uu. Guji Jun 13 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD