SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo

14Jun.2005 

  • Odeyaal dhaqameedyo reer Ogaadeenya ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay. 

  •  Jaaliyadda Ogaadeenya ee Minnesota oo warqad cabasho ah Maraykanka u gudbisay. 

  • Jaaliyada London oo shir u qabatay aqoonyahanka iyo Indheergaradka Ogaadeenya. 

  • Xukuumadda itoobiya oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof. 

  • Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga oon ku eegayno qulquladaha Itoobiya.

======================

Hoggaamiye dhaqameedyo ka kooban 33 oday dhaqameed oo reer Ogaadeenya ah ayaa dhawaan soo saaray baaq kulul oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyinka lagu hayo dadkooda iyo dalkooda, waxayna xukuumadda Itoobiya ugu baaqeen inay is-beddal degdeg ah ku samayso siyaasadeeda ku wajahan Ogaadeenya.

Odeyaal dhaqameedyadu waxay sheegeen in dadwaynaha Ogaadeenya ayna haysanin xuquuqdii asaasiga ahayd ee ay xaqa ulahaayeen  sida ku cad dastuurka magac u-yaalka ah ee Itoobiya u yaalla. Odeyaashu waxay bayaankoodan ku cadeeyeen in deegaanka Ogaadeenya uusan xisbi iyo dawlad hoosaad midna ka jirin, arrintaasna ay xukuumadda Itoobiya ka dharagsan tahay. 

Odeyaashan ayaa sheegay inay mawqifkooda iyo aragtidoodaba horay u gaadhsiiyeen xafiiska keligii taliye Meles Zenawi. Waxay kaloo sheegeen hogaamiye dhaqameedyadu in xukuumadda Itoobiya ay ka ballanqaaday inay dhibaatooyinkooda wax ka qabanayso, ayna u soo diri doonto Ogadenya wafti dhibaatadaas u kuur-gala, hase yeeshee ay ogaadeen in xukuumaddu ayna doonayn inay wax ka beddasho falalkii bulshada Ogaadeenya horay loogu khiyaamaynayay. 

Odayaal dhaqameedyadaas ayaa shaaca ka qaaday in dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya aan loo oggolayn inay doortaan cidda ay iyagu doonayaan, balse lagu qasbayo shakhsiyaad ay xukuumadda u soo arkeen saraakisha sarsare ee xisbiga hadda haysta talada Kililka. Waxay kaloo odeyaashu ka cawdeen in sannadkan shaqooyinkoodii laga caydhiyay in ka badan kun qof oo soomaali ah, iyadoo shaqooyinkoodii loo dhiibay dad aan soomaali ahayn. Odeyaashu waxay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ugu baaqeen inayna codkooda ku dhiibin caga-juglaynta iyo cabsida lagu hayo ee ay doortaan cidda ay is-leeyihiin danta dalka ayay ka shaqaynayaan. 

Jaaliyadda Ogaadeenya ee Minnesota oo warqad cabasho ah Maraykanka u gudbisay. 

Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Minnesota ayaa si rasmi ah ugu gudbisay senatorkooda cabasho ka dhan ah xukuumadda Itoobiya. Jaaliyaddu waxay sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay si aad u xun ula dhaqanto dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. 

Waxay kaloo sheegtay jaaliyadu in doorashadii ka dhacday Itoobiya aanay weli kaba dhicin dhulka Ogaadeenya, isla markaana ay weriyeyaashii caalamiga ahaa iyo kormeerayaashii caalamiga ahaaba ka soo dhoofeen dalka Itoobiya oo aanay tegi doonin dhulka Ogaadeenya marka laga qabanayo doorashada la sheegay inay ka dhici doonto.

Jaaliyaddu waxay kaloo intaas raacisay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimi Carter uusan fahamsanayn xaqiiqada ka jirta Itoobiya, gaar ahaan Ogadenya, waayo bay yiraahdeen haddii uu ogaan lahaa ma aanuu dheheen doorashada Itoobiya cadaalad bay ahayd.  

Jaaliyaddu waxay kaloo xafiiska sanatarka u gudbiyeen taariikhda Ogaadenya iyo dacatiga waqtiga dheer lagu hayey Ogaadeenya.

Ugu danbayntii waxay Jaaliyaddu ka codsatay sanatar Coleman inuu xaqiijiyo in lacagta uu Maraykanku Itoobiya siiyo ay gaadho dadkii loogu talagalay ee aysan xukuumadda Itoobiya ku takri falin una isticmaalin arrimaha millitariga. Xafiiska Sen. Coleman ayaa Jaaliyadda ka ballan qaaday inuu il gaar ah ku eegi doono waxa ka socda Ogaadeenya. 

Jaaliyada London oo shir u qabatay aqoonyahanka iyo Indheergaradka Ogaadeenya. 

Shir aad u ballaadhnaa oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Ogadeniya ee wadankan ingiriiska ayaa axaddii taariikhdu ahayd 12 Juun 2005 lagu qabtay hool wayn oo ku yaalla xaafada Southall ee magaalada London.

Shirkaas ay Jaaliyadu qabatay ayaa  ujeedadiisu waxay ahayd in la isugu keeno dadka u dhashay wadanka Ogadeniya ee wax bartay kuna nool wadankaas Ingiriiska si ay isula qaadaa-dhigaan qadiyada Ogadeniya iyo halganka hubeysan ee maanta ka socda wadanka Ogaadeenya. 

Shirkan ayaa la soo hordhigay qodobo doodeed horay loo soo diyaariyay, waxaana aqoonyahan kasta la siiyay xilli ku filay oo uu ku soo bandhigo aragtidiisa iyo mawqifkiisa ku aaddan dagaalka hubaysan ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ay kula jirto gumaysiga Itoobiya.  

Aqoonyahannadii shirkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Dr Yuusuf Cadami oo aad ugu dheeraaday qiimaha Xoriyada, waxayna aragtidiisa ku salaysnayd sharaxaad salka ku haysa cilmiga casriga ah iyo diinta islaamka oo daaha ka rogaysa qiimaha xoqrriyada iyo inaan xorriyada sadaqo la isu siinin. 

Waxaa kaloo halkaas hadal ka jeediyay Eng.Faarax Afey oo ka hadlay soo yaalka taariikheed ee  halgankeena iyo heshiisyadii dalkeena lagula kala wareegay. Wuxuu kaloo nasiib darro ku tilmaamay in qaar yar oo dadwayneheena ka mid ahi ay aaminsan yihiin in dhibka maanta heysta dadwaynaha Ogaadeenya ay sabab u tahay JWXO iyo dagaalka ay gumaysiga kula jirto, wuxuuna xaqiijiyay in dhibka ummadeena haysta uu gumaysigu saldhig u yahay. 

 Waxaa kaloo isaguna madasha shirka  hadal dheer ka jeediyay Maxamed Cabdulahi oo horey madax uga ahaan jiray laanta afka somaliga ee BBC-da. Moxamed Cabdullaahi wuxuu ka hadlay dadkeena dhibka heysta iyo sida ayna u fahamsaneyn waxa ka socda dhinacyadooda, waxuuna hoosta ka xarriiqay inay khaldan yihiin dadka maanta ku doodaya inay Itoobiya nabad oggoshahay, wuxuuna sheegay in dadkaasi ay riyo ku jiraan, isla markaana ayna xukuumadda Zenawi hadda diyaar u ahayn nabad ay la gasho dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. 

Waxaa shirkaas ka soo qayb galay  qaar ka mid ah madaxa JWXO oo ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan  Sh Mahdi, Dr Maxamed Siraad Doolaal, Maxamed Cabdi Yaasiin, Maxa,ed Yuusuf iyo Yuusuf Carab. Madaxda JWXO waxay si lagu qancay dadwaynaha ugu faahfaahiyeen qorshaha siyaasadeed ee  JWXO iyo xaaladda dalku ku sugan yahay, waxayna ka jawaabeen su’aalihii la weydiiyey oo dhan.  

Ugu denbayntii waxaa shirkan ka soo baxay go’aano dhawr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin:

1. In aqoonyahanku isugu yimaado muddo gaaban gudaheed shir lagu dejiyo barnaamij ballaadhan oo ku saabsan sidii wax loogu qaban lahaa shacbiga Ogaadeenya, halgankana loogu horumarin lahaa.

2. In taageero buuxda la siiyo halganka ay JWXO horseedka ka tahay.

3.Iyo in la badiyo shirarka doodda ah ee lagu horumarinayo qadiyadda Ogaadeenya. 

Xukuumadda itoobiya oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof. 

Xukuumadda Itoobiya ayaa xabsiyada u taxaabtay in ka badan 3000 oo qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah, kuwaasoo xabsiyada la dhigay, ka dib markii uu booliska xukuumaddu laayay dad badan oo bannaanbax samaynayay. 

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa sheegay in dadka sedexda kun kor u dhaafay ee la xidhay ay yihiin dadka laga qaqabtay caasimadda oo kaliya. Wuxuu kaloo Goluhu sheegay in dadkii ay ciidammada ammaanku laayeen ay hadda tiradoodu gaadhay 36 qof. 

Maareeyaha Isbitaalka Minilik ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dhimashadu ay marayso 36 qof. 35 dadkan dhintay ka mid ah ayaa la dilay arbacadii in dhaaftay. Hal qofna waxaa la dilay isniintii ka horraysay, oo ahayd maalinkii ugu horraysay ee magadaalada Addis Ababa ay bannaanbaxyadu ka billowdeen. 

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya wuxuu kaloo intaas ku daray in dadka xabsiyada lagu hayo ay isugu jiraan dad taageerayaal u ah xisbiyada mucaaradka ah iyo xubno rasmi ahaan uga tirsan xisbiyada mucaaradka ah.

Radio Xoriyo

14 Jun. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: Somalitalk.com | June 14, 2005


»Bogag Soomaliyeed oo ku dhiiraday baahinta aflagaadada Islaamka
»DHIBAATADA HAYSATA SOOMAALIDA KU NOOL WADDANKA YEMEN

»JAWAAB: Maqaalkii Ogadenya vs Hargeysa | Maax
»Qaab Nololeedka Soomaalida | Awes A.Osman
»MAXKAMADAHA ISLAAMIGU, MA ISLAAM BAA? | Dr.Dhaanwade
»
URURKII NABAD DIIDKA AHAA OO 5 QAYBOOD U KALA JABAY
»Shariifow (wixii xoog lagu qaado xoog baa lugu soo celiya) | C.M
»Geeddi: “Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey” | C/waxid
»
Xamar ha iska xoreeyso isibaarda badatay | Dirir
»Hargeysa mise Hargageys. | Zahra
»Dib allow u soo celi :: Doodwanaag Q.37aad | Ing. Guulwade
»
Garaad Sabool ah! | Cabdillaahi C. Cige
»Hargeisa vs Ogadenia | A Omar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD