SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
URURKII NABAD DIIDKA AHAA OO 5 QAYBOOD U KALA JABAY OO QAYB ETHIOPIA LA SAFATAY

Waxaa ka jira dhulka is aamulka soomaalida ee soomaaligalbeed ururo farabadan oo siyaasadeeda & kuwo bulsho intaba . Waxaana ka mid ah ururada siyaasadeed WSLF SPDP oo isna hadda is maamulka  gobolka gacanta ku hayo .

Inkasta oo maamulka soomaalida uu horumar farabadan gaadhsiiyay dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan soomaaligalbeed laga soo bilaabo Galaadi -ila Nagayle oo ah maamulka soomaalida oo ay degaan soomaalida.

waxay wax badan ka qabteen dhinaca nabad galiyada oo ah rukniga kaliya ah ee aysan noloshu suurgalka ahayn waxayna meesha ka saareen inaan codow dibadda laga soo abaabulay uusan dhibaato shacabka u gaysan taasna waa ku guulaysteen waa la socotaan dagaal lagu soo qaaday shilaabo oo laga soo abaabulay dhuusamareeb ayaa fashil ku dambeeyay oo ay soo qaadeen dad reer miyi xoola dhaqato ah oo qabiilkooda daaq & biyo u doonayay taasna waxaa jabiyay dadka degaanka waxayna ahayd bil ka hor.

Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha ay wax ka qabteen maamulka soomaalida xalinta khilaafaadka ka dhex jira bulshada dhexdeeda sida colaadaha sad bursiga xaga daaqa & biyoaha waxaa kaloo ay waxbarasho su sahleen arday farabadan oo gobolka u dhalatay kuwaas oo qaarkood waxbarasho dibadaha loo soo diray waxay dhiseen line telefoonada waxay magaalaooyinka galiyeen biyaha nadiifta waxay horumariyeen beeraha iyo wax soo saarka waxay dhoofiyaan waxyaabaha ka soo go,a gobolka waxyna soo dejiyanaa waxyaabaha loo baahan yahay maamulku xaq ayuu u leehaya in uu heshiis la galo cid kasta oo ganacsi ka dhaxayn karo sida muqdhiso, hargaysan Kismaayo iyo dhamaan wadamada dibadda .

Waxaa kaloo ka jira gobolka ururo bulsho oo aad u tira badan oo dadwaynaha u shaqeeya kana shaqeeya adeegyada guud & gaar ahaaneed sida dhismayaasha shcoolada goobaha waxbarasha hormarinta biyaha caafimaadka beeraha dhaman waxyaabaha aan kor ku soo xusay waa nolosha aasaasiga ah oo la,aan tood aysan suuragal ahayn noloshu.

Markaan u soo daadego maqaalkaygan aan  kor ku xusay waxaa jira urur aan ahayn mid siyaasi ah iyo mid bulsho oo shacabka wax aqoonsi ah haba yaraatee ka haysan ururka waa kuma?  waa sida ONLF oo dhamaanteen aan wada garanayno maxaa yeelay 1991 ayay ahayd markii u horaysay ee la maqlo markaas oo dadkii soomaaliya ka yimid ee ku jabay soomaaligalbeed iyaga ayaana watay magacan walow magacan uu yahay magac qabiil huwan oo gumaysigii ingiriiska uu sameeyay danta laga lahaana ay ahay waxa afka qalaad lagu yiraahdo DIVIDE AND RULE oo ah qaybi oo xuku ama PETRAYEL OF THE SOMALI AS A NATION  oo kala go,yanyo shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka haddana ururka waxay door bideen inay kala gooyaan soomaalida maadama soomaaliya dagaal sokeeye uu ka dhacay oo hab qabaa,il ah loo kala jabay.

ONLF waxay 1993 damceen inay galaan siyaasadda oo markaas urur farabadan ku tartamayeen siyaasada gobolka doorasahadii ugu horeysay ee lagu qabtay godey oo ay iska diiwaan galiyeen ururo farabadan oo siyaasadeen laguna aasaasayay is maamulka soomaalida ayaana waxba ka soo gaarin kadib markii musharaxiintii ka socotay ururkaan aan waxba ka helin kuraastii baarlamaanka oo tiradoodu kor u dhaafaysan 160 oo dhex taalay dhamaan gobolka soomaalidu degto ee ismaamulka soomaaligalbeed ,

waxaa doorashada ku guulaysaty xisbiga WSLF oo markaas uu gudoomiye ka ahaa  nin rug caddaa ahaa oo hadda nool aadna dadku u jeclayeen  halgankiisan siyaasadeed waxaa weeye abdullhi mohamed sacdi oo ah aqoon yahan u dhashay soomaaligalbeed oo ka soo shaqeeyay horumarka gobolka isagoo dal & dibadba la maray qadiyadaan oo loo xiray dowladii siyaad bare dhow jeer oo isku xogta waxaana ragga xiray ka mid ahaa kuwa maanta ONLF hobooda waa nasiib daro aad u wayn xiligaa ninkii qadiyadan u dagaalami jiray oo xabsiga ay dhigtay xukumaddii siyaad barre oo ay dacweeyeen mohamed omar osman & mohamed siraad doolaal oo ah kooxda maafiyada ah ee ONLF .

waxaan markaa uu ku shaqeeyay khibaradiisii uu u lahaa maamulka waxaana aduunku hal mar keeneen diplomacy yiiin shisheeye oo xafiiso siyaasadeed ka furteen  magaalada GODEY ee xaruntii markaas jirtay isago boorka ka jafay magaalada & dhulkaan oo mudo gumaysi & dagaalo ku jiray
inkasta oo markaas dadka degaanku godey uu ka shaqayn waayay oo hab qabiil loo adeegsaday laakiin taas waxba iskama badelin mowqifkii maamulka waxaana loo soo raray magaalada jigjiga ee xarunta soomaalida oo loo arkayay in ay tahay bartamaha dhulka soomaalidu degto,

Waxa uu abdullahi intii uu hayay maamulka  kuna hayay magacii WSLF  meesha ka saaray inaan la aqoonsan doonin ururada nabad diidka ah oo ugu horeyay ONLF oo markii looga adkaaday doorashadii xorta ahaa ee gobolka ka dhacay bilaabay dicaayad raqiis ah oo odhanaysa abdullahi wuu khiyaamiya doonistoo shacabka & maaliyada farabadan ayuu dhunsaday ama siyaasadeena ayuu ka soo hirjeedaa waxaana ugu horeeyay oo dhaleecayn u soo jeediyay ninkii markaas kooxdaa burcadka hogaaminjiray oo hadda hab qabiil ah booskiisii looga qaaday  waa IBRAAHIM ABDALLAH ,waxa uu adbullahi aad u yareeyay in aan dhag jalaq loo siin ururkan nabad diidka ah kuma aysan guulaysan in sacdi l dhaleeceeyo waxaana jiray maamulo ka dambeeyay oo tubtiisii raacay

ONLF & XAALADDA AY HADDA KU SUGAN TAHAY

ururkan oo looga yaqaano dhulka soomaaligalbeed magacyo badan waxaan ka soo qaadan doonaa kuwa ugu muhiimsan oo la dhihikaro waxaa yaqaana dadka miyi & magaalo
waana sidatan soo socota

1 URURKA NABAD DIIDKA AH
2 QUDHAACU DHURUQ
3 OGADEKA NAAFADAHA LAYSO FEENFDEENATO
5 DHUL JIIF
6 SHUFTO
7 MOORYAAN
8 JIRRI

IMISA MEELOOD AYAY KU KALA JABEEN ONLF

1 ONLF : mohamed siraad doolaal  wasiirka aan dhicin ee ONLF UK
1 ONLF : mohmaed ismaaciil  AUSTRALIA
3 ONLF : bashiir abdi hassan GERMANY
3 ONLF : Abdi sayid abdi madaale GERMANY
5 ONLF : Abdirashiid Duulaane Soomaaligalbeed

Dhamaantood ayaa kala ah ujeedo waxayna ku kala qaybsanyihiin afkaarta abdirashiid duulane oo ahaan jiray maamulkii hore islaamulka SOOMAALIDA  ayaa jooga dhulka soomaaligalbeed garabkiisuna waxa uu la shaqeeyaa maamulka waxa uuna kuwan kaga gadisan yahay mar haddii aan halgan hubaysan jirin waa inaan ka qayb qaadanaa shaqada siyaasada ee dhulka ka jirta

Kooxda labaad oo ah abdi sayid kooxdiisan Germanay waxa ay kaga gedisanyihiin kuwan kale iyagoo aaminsan soomaali inay wax la qaybsadaan banaan istaagana la iska dhaafo oo la wada hadlo si maamulka ay ugu wada qaybqaataan dhaamaan dadka soomaaliyeed & in la joojiyo afkaarta gooi u goosadka waxayna ku andacoonayaa in kooxdan fadhiidka ah ee LONDON degan ay haleeyeen kalsoonidii ka shacabka dhaawaceena sumacddii buslshadena ay ku dhex lahayd bulshadan kale ee soomaaliyeed iyagoon markaas xal u arag in shacabka la laayo ama baaburta la gubin ama kufsiga la sheegayo la samayn gaar ahaan waxay aad u diidan yihiin gubistii baabuurta shacabka reer waqooyiga oo ay gubeen kooxda ONLF ee fadhigeedu yahay LONDON kana amar qaadata qabqable DOOLAAL.

Waa kuwan london waxay qabaan in isbaarada tahay faa,iidada kaliya ah ee ay ku shaqaysan karaan fursadaas tahay lama taabtaan waan kooxda ay ku wada jiraan mohamed siraad doolaal gudoomiyaha kooxda & mohamed ismaaciil oo labadooduba kala jooga laba wadan oo nabad ah oo caruurtooduna u dhigtaa schoo nabad ku haysta wadamada shisheeye si markaas ay ujeedooyinkooda u gaaraan waa in aan wax nabad galiyo ah ka dhicin gobolka si isbaaradu ugu sii taalo si ay u quudiyaan calooshood u shaqaystayaasha u shaqeeya niman raaxaysanayo iyagan waa khamaan.

FG : waxay ku shaqaystaan kooxdan mohamed ismaaciil & mohamed siraad doolaal waa dhalinyaro reer miyi ah oo aan aqoonin sida wax loo qoro & sida loo akhriyo toona waa dad juhalo ah oo lagu amro inay dadka dhacaan boobaan gubaan baabuurta isla markaana kufsadan dumarka maadama ay duur joog yihiin aan magaalada imaan karin oo ay yihiin dad markaas aan la qabsan karin nolosha taala magaalooyinka waaweyn wax mushahaar ah oo ay helaana ma jirto aaway marka kuwii isku magacaabay waxbaan xoraynaya ma waxaa wax xoraynaya mohamed siraad doolalka ku faanaya in uu yahay masiisi diinta islaamka aan shaqo ku lahayn mise waxaa wax xoraynaya RADIO XORIYO oo yurub ka howlgala ama OGADEN ONLINE oo ay qoraan ku af miinshaariin ah oo aan gobolka waxba kala soconin oo lahayn hadaf ay doonayaan inay hogsadan? jawaabta su,aalahaan waxaa laga rabaa taageerayasha kooxaha danaystayaasha ah ee LONODON

waxaan shacabka soomaaliyeed u soo jeedinaya waxaa la gaaray markii gacmaha la is qabsan lahaa oo laga hortagi lahaa ONLF oo iyadu noqotay aaladda amxaaradu u adeegsnayso burburinta sharafteena iyo qiimaheena mana aqbali karno kooxdan nabad diidka ee shanta  waji leh inay ay shacabka ka hor istagaan horumarkuu hogsanayayay

Ogsoonow waxaa la joogaa 2005 oo ah sanadkii saxaafadda xawaaraha badan ee casriag lama joogo xiligii 2000 oo markaa uu shidnaa wargays afk ONLF kaliya ku hadli jiray oo hadba dhankii la doono shacabka loo jihayn jiray waxaa la soo gaaray xili xitaa website yada soomaaliya ka soo baxa qadiyada aad ula socda saxaafadda xorta waxaa ugu muhiimsan kuwa kan waxaa kaloo meesha ka baxay xilgii ONLF dadka gobolka loo sheegi jiray in ninkii gobolka tagaa amxaaro dilayso oo diiwaan wayn dadka dibadaha ku jiraan taas oo waxba kama jiraan noqotay kadib markii dad mutadawciin ah oo uruarada bulshadu tagen gobolkii taas oo dhabar jab ku noqtoy beena ka dhigtay waxyaabihii ay ONLF sheegi jireen taas oo horseeday xittaa dhaqaaliihii jaaliyadaha siin jireen in ay joojiyaan ayna ku taageeraan ururarada bulshada civil sociey ga taas oo ONLF ka soo saartay bulshadooda kadibna ay taageerashoodii soo galeen ururada nabada u ololeeyaa ee ka jira dalka & dibadah .

Somalitribune.com
ogadennews.com
xaajo.com
waamotimes.com
juba-land.com
all-jubbaland.com
jubbaland.com

& kuwa kale oo badan waxaa kaloo gobolka wax ka qora wargaysada caalamiga

Gebagebo

Waxaan ku soo gunaanadi lahaa in la taageero dadaalada nabada ee odayaasha gobolku ka wadaan wadanka gudihiisa & dibadiisaba  iyadoo mar dhawna dibadda lagu qaban doono shir nabad galiyo ah oo ay soo qabanqaabiyeen ururada bulshada ee ka jira EUROPE waxaana lagu qaban doonaan laba todobaad ka dib caasimada LONDON iyadoo lagu daawan doono cajalado cusub oo ka sheekeeaynaya horumarka gobolii ka soo qayb gal wacan

WAAD MAHADSAN TIHIIN

Mohamed Jamac Abdalle 
alljubbaland@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | June 8, 2005

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?

Mayee Ogaadeenyadii bay ku darartay


»Geeddi: “Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey” | C/waxid
»
Xamar ha iska xoreeyso isibaarda badatay | Dirir
»Hargeysa mise Hargageys. | Zahra
»Dib allow u soo celi :: Doodwanaag Q.37aad | Ing. Guulwade
»
Garaad Sabool ah! | Cabdillaahi C. Cige
»Hargeisa vs Ogadenia | A Omar
»
SULDAAN HURRE, WALLEE KUMA ILLOWNO | Hashi Sagaar
»JENARAL MORGAN: DAGAAL OOGIHII CAFIS KA DALBAD | C/qadir
»
Isbaarada Wasiirka | C/nuur F. Cali
»Puntland oo dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe | Xasan
»IS EEDAYNTU IYO AYATIINKU KALA FOG | A. Cali
»WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE |Aadan Qodax
»DFKMG ee Soomaaliyeed, oo shacabkeedii dil ku bilawday | Gaagaale
»Beerka ka ogsooni ( Xaaji Gabay-Xaddi ) | Iid
»SABO ::: Maqaalkii Ismail A. Hassan (Khaliil)
»JANANKA XAMAR DAN BAA BIDAY,...| Kulmiye
»DOWLADDII QABQABLAYAASHU HOGAANKEEDA HAYEEN OO.. | M.J
»Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa | Axmed
»Waa maxay ujeedada ETHIOPIA ka leedahay Somalia... | Abdalle
»
OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI  DIRIDHABA | Hereri
»
Madaxweyne Hadalkaaga Qurxi Hadafkaagana Bedel!! |Abtidoon
»
Shirkii Soomaalida ee Kenya 2+2=8|A. D. Elmi
»GABADHAYDIIYEEY 2aad !!!!!!!!! |
C/qaadir C. Diini
»Isbaaradu waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka

»Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa|Zahra Abdi
»KADUUDSHE|Abdifitahaam
»MAREYKANKA MAXAA U QARSOON?|Abdifitahaam
»Qaran diid shariif iyo muwadin Yusuf yaa guulaysan doona?|Saajinka
»Gabay: Gabay::Xog-ogaalka waayaha|Doodi
»Gabay: Maanso:: allow|Maxamad bashiir jaamac
»GABAY:: Manqo Koriye | Afjano
»BARLMAANKA QAXOOTIGA AH  IYO ASTAAMIHIISA | Dr. Abdi
»HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN! | Sahid
»Adaanka Salaada Waxa Caalamka ka socdaa 24- Saac oo Dhan  
Dhammaan ka Akhri Bogga Maqaallada & Faallooyinka.. Guji...


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD