SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo

Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta gudaha magaalada kismaayo iyo deegaanada ku xeeran kadib markii uu cirka isku shareeray ascaarta lagu kala gato shidaalka oo ay sheegeen gaadiidleyda in aysan tabar u hayen qiima kaca ku yimid shidaalka.

Hadaba qiimaha shidaalka ee magaalada ayaa waxaa ku korodhay ilaa $10 halkii fuusto, waxaana ay ku baaqeen gaadiidleyda kismaanyo in wax laga qabto korodhka qiimaha shidaalka hase ahaatee ganacsatada shidaalka ayaan dheg jalaq u siiniin, waxaana maanta laga dareemayay magaalada saameynta shaqo joojinta ay sameeyeen gaadiidleyda magaalada, iyadoo aaney maanta jirin gaadiidkii u soo safri lahaa magaalooyinka ku xeeran iyo weliba magaalada Muqdisho oo xiriir ganacsi oo ballaaran ay la leedahaya magaalada kismaayo

Shaqo joojintan kismaayo oo kale ayaa todobaadkii dhowaa ka dhacday xarunta somaliland ee Hargeysa, taasoo sababtay xiritaanka dad door ah oo ay ka mid ahaayeen darawalada gaadiidka.  

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | June 20, 2005

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD