SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Somali ku xirnaa Israil oo is dili gaaray ( Waraaq furan oo ku socota)

Sida ay qorayeen saxaafadda Caalamka waxaa muddo 3 sano ku xiran sahnuuniyada Israil nin Soomaaliya oo lagu magacaabo Faysal Madadaal, isagoo bilooyinkaan dambe  u dhexeeyay isku tuurtuur wadanka Qubrus iyo Israil. Faysal waxuu wadanka Israil galay sanadkii 1999kii, waxuuna dalbaday magangalyo qaxootnimo, sida ay qorayaan saxaafadda israil waxaa waqtigaas la siiyay Faysal madadaal joogitaan uu iska joogo wadankooda,Hay'adda Qaxootiga adduunkana (UNHCR) waxay tiraba 6 wadan uga raadisay inay siiyaan magangalyo qaxootinimo balse dal aqbala may helin.

Haddaba Wasaaradda arrimaha gudaha ee Israil waxay go,aansatay 6 beri ka hor inay u masaafuriso sida ay leeyihiin dhulkiisii Somaliland, iyagoo usii marinaya dalka Itoobiya, waxaase codsi ka yimmid wakiilka UNHCR dib loo dhigay masaafuriskii. Nasiib darro Faysal Madadaal waxuu isku dayay inuu isdilo oo uu naftiisa khaarijiyo waana laga gaaray, waxaana lagu daweeyayay Isbitaal dhaawaciisuna waa caymo oo ma liito,ka dibna waxaa lagu celiyay xabsiga lagu magacaabo Tzohar Prison, waxaa kaloo ay sheegeen in Faysal Madadaal la dilay labo walaalihiisa mar lagu soo duulay qabiilkiisa, kadibna uu iskaga soo cararay dalkiisii hooyo.          

Haddaba waxaan u caqli celinayaa walaalkaas ku sigtay inuu gacantiisa isku dilo, taasoo mamnuuc ka ah diinteenna suuban ee muqadaska ah, iyadoo uu la mid yahay qofkii dila nafsadiisa gacan ku dhiigle oo aakhirana laga jasaynayo. Walaal Faysal sida ka muuqata sawirkaaga waxaad ku jirta waqtigii qofka banii-adamka ihi uu dhan walba ka kaamilmo xag caqli xag tabar iyo xag waayo aragnimo. Inaad isu disho qaxootinimo wadan shisheeye baan waayay waa nasiib darro wayn oo caqli uuna qaadan karin.

Walaal Faysal anoo kula qaybsanaya uur ku taalada ka jirta dalkeenna hooyo, oo sidii duurjoogtii bahalba bahalkuu ka xoog roonayahay uu liqo ay soomaaliya ku sugantahay; oo naragaadisay jaahilnimo iyo caadifad qabiil, haddana walaal waxaan kaa waaninayaa inaad cimrigaaga kusii lumisid xabsiyada wadanka Yahuudda, amase aad isku quurto inaad adduunka ka tagto oo aad gacantaada isku disho. Waxaan kuugula talinayaa inaad qaadatid go'aan degdega oo aad ku soo noqotid dalkaaga hooyo,lana qaybsato malaayiinta walaalahaaga soomaaliyeed dhib iyo dheefba waxay qabaan, intaad gacantaada isku dili lahayd amase xabsi cimrigaaga aad ku dhamayn lahayd ka door bid inaad ku dhimmatid ciidaada hooyo oo kolay haddii aad istustay soomaliya ku badbaadimaysid oo Law & Order kama jiro,gacan kaa xaqdaran haku disho.  

Haddii ay kuu cuntami waydo meeshii lagu dilay walaalahaa, soomaaliya amase geeska Afrika way balaarantahaye aamin oo ka kaalay xaalaadda aad ku sugantahay oo wax damiir leh uuna sii eegan karin. Inaad Yahuud oo nacladii Eebbe saarantahay magan u ahaato waa nasiibdaro. Sooma aragtid in waxa lagugu haysto uun tahay soomaaliyaad u dhalatay oo la yiri argagixiso ayaa lagu sheegay dalkaagii sidaas awgeed waxuu khatar uu yahay nabad gelyada Israil eeg hadalkoodii " nowhere to deport him to and partly because the Shin Bet security service described him as a threat to national security, since Islamic fundamentalists are known to operate in Somalia. Nimaankaad maciinka mooday waa Yahuudee sooma aragtid caruurta, dumarka iyo waayeelka ay maalin walba beebayaasha dulmarinayaan oo dhulkooda laga xoogayo; soo caqli celin kuuguma filna markaad Makhaayadda( Baarka) aad kula murantay dhibkooda iyo waxuu yahay Aariayal shaaroon inaad ku urtay xabsi oo ilaa maalinka maanta ah la iska haysto. Faysal iskaga kaalay oo laga yaabee inaad dalkaaga hooyo ku barwaaqoodo xag aakhiro iyo mid adduunbee. Yeel masaafuriska ay ku leeyihiin ciidaadii baan kugu celin una sheeg meeshii aad doorbido ee ay ku noolyihiin kuwaad wadaagtaan magaca soomaaliyeed.

Cabdi Xasan  Muqdisho/ Soomaaliya
abdi172@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | June 20, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD