SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma adaaba yaqaanna Mudane Yuusuf-Garaad!

"....rag badan oo (qoraaga) Ali Geedi u yaqaano maanta inay yihiin weriyeyaal faraha looga gubtay, laakiin sida runta ah ragaasi waa kuwii dugsiyada sare soo dhameeyey sida Cowke ee lagu qaatay codkooda ee aan lagu qaadan aqoontooda, dadka kale ee laanta laga maqlo sida Saciid Cali Muuse, Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, C/laahi Xaaji, Aadan Dhuux Dhuule iyo kuwa kale dhammaantood rag baan ka bixin dugsi sare iskaba daa jaamicade..... (halka) Yuusuf Garaad wuxuu hada ku dhex jiraa diyaarinta shahaado kale...." Abshir Axmed


Taariikh Nololeedka Mudane Yuusuf Garaad 

Abshir Axmed
abshir111@yahoo.com

            Waxaan maqli jiray af nooli wuu hadlaa, Eeyna wuu ciyaa. Waxaan rabay inaan u jawaabo nin la yiraahdo Ali Geedi oo isku dayey inuu shaki geliyo aqoonta Yuusuf Garaad oo ah Madaxa Laanta afka Soomaaliga ee BBC kuna soo qoray maqaalad Internetka. Sideedaba hadaan Soomaali nahay libinta iskuma oggolin, guushana isma siino. Gaaladu iyagoo is neceb ayaysan ku dhiiran inaysan ka qaadin qofka wixii Alle u hibeeyey. Hadaba Ali Geedi iyo anigu kelmadda aqoonyahan ayaanan isku si’ u aqoon. Isaguu ninkii maqaalad iska xarxardhi karaaba aqoonyahan buu u haystaa, aniguse jaamiciyiinta ayaan aqoonyahan u aqaan.

Waxaa jira waxyaabo aan la is duudsiin karin iyo waxyaabo la is duudsiin karo. Aqoontu waa shey dhaxal ah oo aan Alle mooyee, Ibni Aadam shaki kaa gelin karin. Hadaba waxaan rabaa inaan halkan ku soo koobo taariikhda aqooneed ee Yuusuf Garaad Cumar Axmed Tifatiraha Laanta Soomaaliga ee BBC, ahna Ku xigeenka Tifaftiraha Guud ee laamaha Africanka, kana mid ah La taliyeyaasha madaxda sare ee BBC.

            Yuusuf Garaad wuxuu ku dhashay Buula Burde 1962kii, wuxuu ku soo koray Matabaan iyo Ceelbuur oo uu Dugsiga Hoose/Dhexe uga soo baxay, dugsiga sare wuxuu ku dhameeyey Muqdisho. Wuxuu ku jiray dhalinyaradii raacii ugu dambeeyey ee ka qalin jebisa koleejadii Ameerikaanku ku lahaa Jowhar. Wuxuu markii dambe galay Jaamacadda Gaheyr qaybteeda luuqadaha, isagoo halkaa ku diyaariyey Bachelor of Linguistics, wuxuuna ahaa hormuudka kuliyadda Luuqadaha, wuxuu ku hadlaa English, French, Italian iyo Somali, conversational wuxuu ugu hadlaa German iyo Arabic.

            Markuu soo dhameeyey jaamacada wuxuu noqday macallin luuqada Faransiiska ka dhiga dugsigii ay lahayd safaaradda Faransiiska, wuxuu isla mar ahaantaa u shaqeynayey xiligaa hay’adda ICRC iyo Radio Muqdisho isagoo ahaa soo saare sare oo lagu xusuusto Barnaamijkii caanka ahaa ee 1984kii bixi jiray  ee la oran jiray Jaraa’idka aduunka iyo wixii ay qoraan, wuxuu tababaro u yimid wadamo badan oo reer galbeedka iyo Afrika iyo Carabtaba ku yaala.

            Yuusuf Garaad wuxuu Soomaaliya ka soo tagay markay xabadu Xamar ka qaraxday, wuxuuna saarnaa duulimaadkii ugu dambeeyey ee Somali Airlines ee timid Roma, wuxuu halkaas ka bilaabay waxbarasho taqasus hor leh isagoo u shaqeeyey Radio Rai laanta af Soomaaliga, noqdayna weriyaha laanta Af Soomaaliga ee BBC uga soo warama Roma, kadibna wuxuu 1992 si rasmi ah ugu biiray laanta markii tartan adag loo galay hal weriye oo laantu u baahatay, dadkii booskaa u tartamay waxaa ka mid ahaa rag badan oo Ali Geedi u yaqaano maanta inay yihiin weriyeyaal faraha looga gubtay, laakiin sida runta ah ragaasi waa kuwii dugsiyada sare soo dhameeyey sida Cowke ee lagu qaatay codkooda ee aan lagu qaadan aqoontooda, laakiin maanta aduunku waa is bedelay oo aqoonta ayaa la tixgeliyaa ee codka la isma su’aalo.

            Mudo kadib wuxuu Yuusuf Garaad course waxbarasho hal sano u joogay dalka Switzerland, wuxuu Jaamacada London ku diyaariyey markaa kadib Master’s Degree. Sanadku markuu ahaa 2000 BBCdu waxay shaacisay inay u baahan tahay tifatire maamula laanta Soomaaliga, waxaa jagadaas tartan u galay Yuusuf Garaad iyo rag hada u shaqeeya laanta, hase yeeshee waxaa tartankii guul aan horey u dhicin ku helay Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo noqday Tifatirihii ugu horeeyey BBC ee haysta shahaadada Master’s Degree.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso [BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO]

Yuusuf Garaad wuxuu hada ku dhex jiraa diyaarinta shahaado kale oo Master ah isagoo dhigta jaamicad Mareykan ah oo ku taalla Boston.  Ali Geedi wuxuu yiri Yuusuf Garaad dad buu garab ku keenay BBC. Hadaba waxaa arin lala yaabo ah oo akhristayaal badan fajac gelinaya in dadka ka shaqeeya laanta Af Soomaaliga ee BBC wax haysta shahaado jaamacadeed inay ka jiraan Yuusuf Garaad, Maxamed Maxamuud Cade, Cathy Ciise iyo Yuusuf Xasan. Rumeyso ama ha rumeysan in afartooduba ay yihiin reer Dhuusamareeb. Hadalka Ali Geedi waxaa ka run ah in Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar uu ahaa nin aqoonyahan ah, laakiin maanta kama shaqeeyo BBC taas ayaa ka been ah warka walaalkey Ali Geedi.

            Yuusuf Xasan oo Xamar ka soo warami jiray wuxuu haystaa Master’s Degree jaamicada Al-Azhar, Maxamed Maxamuud Cadena wuxuu haystaa Master’s Degree jaamicada Scotland, gabadha yar ee Cathy Ciisena waxay haystaa Bachelor Journalism ah oo ay ka soo qaadatay college, dadka kale ee laanta laga maqlo sida Saciid Cali Muuse, Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, C/laahi Xaaji, Aadan Dhuux Dhuule iyo kuwa kale dhammaantood rag baan ka bixin dugsi sare iskaba daa jaamicade.

            Waxyaabaha uu Yuusuf Garaad ku soo kordhiyey laanta Soomaaliga waxaa ka mid ah dib u casriyeynta laanta oo horey u ahayd meel gudaheeda lagu dhex qayilo oo marfash underground ah ka furan yahay, hagaajinta hirarka gaagaaban oo lagu soo kordhiyey FMyo, aaladda internetka, in shaqaalaha laanta oo aan horey computer iyo internet u aqoon la baray computerka iyo sida loo isticmaalo, in shaqaaluhu la qabsadeen is bedelada qoraxda soo baxaysa ee dhacaysa.

            Wuxuu shaqada ka fariisiyey sagaal weriye oo ku shaqeynayey si part time ah, wuxuuna ku soo bedelay sadex weriye oo kala ah Aamina Muuse, Maxamed Maxamuud Cade iyo Abdirahman Koronto, sagaalka uu ceyriyey waxay ahaayeen:

  1. odaygii weynaa Maxamuud Xasan
  2. Maxamed Xaamud Sheekh
  3. Jawaahir Suleymaan Cilmi
  4. Mustafe Shaafi
  5. Maxamed Axmed Haydara
  6. Abdulahi Hasan Fadal
  7. Saleebaan Barqadle
  8. Shamso Baybook
  9. Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Yuusuf Garaad wuxuu ku guuleystay dacwad sagaalkan qof ka fureen maxkamad London ku taala sanadkii 2000,   Yuusuf Garaad qaladaad wuu sameeyey oo nin aan qaldamin ma jiro, qaladaadka muuqdana waxaa ka mid ah shaqaaleysiintii Abdirahman Yabarow oo UNDP Nairobi ay ku soo eryeen inuu yahay nin incompetent ah oo shaqadiisa iyo howshiisa gudan waayey, waxaana beri dhoweyd dhacday fadeexadii xafiiskii laantu ku lahayd Nairobi oo policeku ku soo xirxireen rag uu ka mid ahaa Yabarow. Qaladka kale ee uu galay waxay tahay inuu shaqada ka fariisiyey Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ahaa ninka dhinaca diinta u qaabilsan laanta, waxaana leenahay Yuusuf Garaad you should reinstate Dalmar, waa inaad shaqada ku soo celisaa sheekhaas ehludiinka ah.

"BBC-du Maskaxda Soomaalida ayay Quudisaa."       Yusuf Garaad 2002

Ali Geedi markuu leeyahay qoraalada Yuusuf Garaad lama arko wuxuu u muuqdaa nin aan la socon aduunka ee indhaha faashad isaga xiraya, waxaan rabaa inaan isaga weydiiyo ma aragtay weli qoraalo ay qoreen Larry King iyo Abdulahi Xaaji? Waa inaad ogaataa weriyaha qoraalka, weriyaha TVga, weriyaha raadiyaha, kan internetka, kan jaraa’idka, kan buugaagta inay kala gedisan yihiin oo nin walbaa leeyahay shaqadiisa gaarka ah, inkastoo Yuusuf Garaad uuba yahay nin qoraa ah oo wax ku qori jiray joornaalkii Xiddigta Oktoobar, hadana mararka qaar wax ku soo qora websiteyada BBCda qaybaha Ingiriiska iyo Faransiiska ‘inkastoon maleynayo inaadan wax ku akhrin Faransiis’, lagana wareysto si joogto ah raadiyaha barnaamijka Focus on Africa iyo TVga, markey dhinteen Caydiid iyo Cigaal wuxuu ahaa Yuusuf Garaad kan ay televisionka BBC Worldku weydiinayeen taariikh nololeedkii ragaa siyaasiyiinta ah.

            Gun iyo gabagabo Ali Geedi dad kale ayuu iila hadal eg yahay wuxuuse igula fekrad eg yahay niman Yuusuf Garaad si fuleynimo ah isaga daba galay oo wax ku soo qora Internetka, kuwaasoo sheegta inay haystaan shahaadada PhD laakiin ay la yaab tahay inaysan si sax ah u qori karin xitaa titleka PhD, waxaana kuwaas ka mid ah Maxamuud M.Yaxye iyo kuwo kale oo ah nimankii markii la doortay Madaxweyne Abdikasim sameystay wax ay ugu yeereen SHASNA oo ceeb la garab taagnayd dowladda, maantana markii la doortay Abdullahi Yuusuf u sameynaya borobogaan been abuur ah.

Wax lagu qoslo oo lagu madadaasho waxaa ah in Garoowe uu ka dhacay dhowr bilood ka hor banaanbax lagaga soo horjeedo Yuusuf Garaad. Hase yeeshee Barry Langring wuxuu yiri laanta af Soomaaligu waa tan ugu badan ee la amaano ama la dhaliilo, hadaad dhaliilaysaan ama amaaneysaana Soomaaliyey idinkaa leh, hadaba hadii Allaha awooda lihi ogolaado waxaan idiin soo gudbin doonaa taariiq nololeedka dadka ka shaqeeya BBCda oo faahfaahsan.

Abshir Axmed
abshir111@yahoo.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shakhsiyadda dhabta ah ee Yuusuf Garaadka BBCda

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD