SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RUUGCADAAYADII SOOROGAAL CELIYAY MAXAA LOODHALANROGAY? 

Markuu ruux kahadlayo mawduuc in lagahadlo mudan ama uu qodob  qarsoon inuu cadeeyo uu damco Waxaa haboon inuu ruuxaasi kahadlo dhabta iyo xaqiiqada jirta,dhacdo dhacday haduu sooqaatana waa inuu siday udhacday usoo qaataa,waana inuu isagu fikirkiisa kahadlaa  oo uuna fikirkiisa kadhigin kii dadwaynaha  sikhaldan uuna wax uturjumin.

Intaas kadib sidaan lasocono wadanka Ogadenya wuxuu in badan kusoo jiray jab iyo jahawareer,dil iyo dagaal,qax iyo qaxooti iyo qas iyo lab,waxaana loosoomaray halgamo adadag waxaana loo huray nafaf iyo maal badan, waxaana loo dilay  qadiyada Ogadenya rag farabadan oo cad cad ninba qaab loogu dilay.

Hadaba dhibka soo kala dhex maray dad-waynaha reer Ogadenya iyo gumaystaha Ethiopia waa mid lama iloobaan ah ,oo innaguna aynaan iloobi Karin iyaguna ayna iloobi Karin,waayo inaguna waxaynu nahay dad ladulmiyay, waliba dabar-goyn lala maagan yahay, gumaysiguna waxuu xusuustaa ragoodii badnaa ee ay kuwaayeen iyo khasaarihii laxaadka lahaa ee kasoogaadhay wadanka ogadenya, laga soo bilaabo markii ugu horaysay ee dagaal hubaysan lagala hortagay oo aad ufogayd ilaa maalinkaa maanta,intaas oo dhan waxay isu nabayeena waa dan wayn oo ay wadankeena kaleeyihiin, hase yee shee nin walba oo ogadenya lagudilay oo Ethiopian ah waxaan iloobaynin waalidkii iyo walaaladii, taliyihiisii iyo saaxiibadiisii ay ciidanka wada ahaayeen.

Dagaalada hubaysan ee  wadankan loo soo maray mayna yarayn, waxaana kamid ahaa kii O.L.F kii W.S.LF iyo kan maanta ay daadihinayso  O.N.L.F, waxaa intaasoo dhan mar walba garab socon jiray dadaalo kale oo gumaystaha lagu warsanayo inuu sidhib yar oo nabad-galyo ah xal kukeeno, dadkan iyo dalkana uu sidian udhaamo dadyow arintaas ka`odayeeyayna way jiraan, balse nasiib darro wax midha ah mayna dhalinin,hadaan usoo laabano odayaashii reer ogadenya ee ugu dambeeyay dadka xal nabad galyo wax kuraadinayay, waxay ahaayeen odayaal wadaniyiin ah, kana qiiraysnaa dhibka dadka lagu hayo  waxayna tageen magaalada Addis ababa cid kastaaba hasoo abaabusho ama haka dambayso abaabulkoodee waxayna wada xaajood lagaleen dowlada Ethiopia una bandhigeen waxyaabihii ay ka tabanayeen ciidaanka dowlada iyo nolol la`aanta kajirta wadankooda balse odayaashu mayna u`oolin qaab dowlad loola xaajoon karo, waayo waxay yaqaaneen laba beelood oo isku dhacday oo khilaafkoofa laxaliyo iyadoo  loofiiriyo  Xeerarka uyaala dadka Soomaaliyeed,ama waxa uu ka qabo kitaabka quraanka ahi. laakiin ayna arinta ah in dowlad lagala xaajoodo dal iyo dad garyaqaano xeel dheer ku`ah, khayaanada iyo jilaafooyinka caadada u ah gumaystaha,taasoo ayna odayaashu durba iska dareemin, hadii ay dareemeena ayna  fasax uhaysanin inay aragtidooda ku cabiraan dhabta jirta dhiiranaan aad ah inay muujiyaana ku`adagtahay, waxay  ugu dambaystii arkeen dhabta meesha taala ee ayna kafursanaynin.dabinkii iyo jilaafadii loo dhigayna way qooraansadeen wayna arkeen inuu saldheer yahay, kadib markii ay daowladi kaga baxday balankii lagalay ee ahaa in wafti loo soo diri doono doorashada Ethiooia kadib,.

Dowladu wafti xafiiska federaalka  kasocda oo aan ahayn ka ya sugayeen oadayaashu, islamarkaana uu waftigaasi galay abaabul iyo qabanqaabo odayaal aan iyaga ahayna ay bilaabeen inay uruuriyaan oo ay gobolada isaga keenaan, kuway islahaayeen ciidanka dowlad ayay isugu dhadhaw yihiin magaalo aan tii la`isku ogaa ahayna lagu iclaamiyay in shir lagu qaban doono, halkaas oo ay odayaashu geedka madaxa kudhufteen cambarayn aad udheera ay usoo jeediyeen gumaystaha jidhka xun, iyagoo kutala galay cambaarayntaa inaan kolana lagaga hadhaynin sidaad garan,   dhabtii jirtayna ay kaga warameen, waxayna baaq usoo jeediyeen,bulsho waynta reer Ogadenya, inay ka digtoonaadaan dadka loo soo magcaabi waxaa kaloy kamuujiyeen rajo la`aan dadaalkoodii ay kujireen waxayna sheegeen inay dowladu khayaamaysay waxaanad moodaa inay hada salkii sootaabteen kolkii horana waxay kutala gashanaa yeen inay umadan wax uqabtaan  ama aysabir kala yimaadaan haday doonaan iyaguba lafahooda wax ha`unoqdeene oo haloo xidhxidhee Ilaahaymahadiise waxaan rajaynhayaa inaan maalin dambe lasiridoonin oy xaaladoodu tahay (CEEL NIN GALAYBAA SALKIISA LAGAWARAYSTAA)waxaase aad iyo aad uqalbi xun maanta qolyihii iyagu odayaasha kudaba gaban hayay  ee islahaa odayaashu waxay ka soohorjeedaan halganka hubaysane taako uuga dhiga dagaalka socda hase yeeshee siday rabeenway noqon wayday oo odayaashu mayna huursan Karin waxay  lakulmeen iyo wuxuu damiirkooduu usheegay inay dhuuni qaatayaal noqdaana mayna yeeli karin.

Waxaanse aad uugaxumahay   walaalkayga isku magacaabay c/laahi m`xed Amiin ee webka somalitribune  maqaalka kusooban dhigay   inuu yidhaahdo odayaashu waxay hada kahor cambaareeyeen J W X O   waxaana uqumanayd inuu hadalkaas kafiirsado wax ayna odayaashu dhihina uuna isagu u`odhanin si`ayna qadaf uugu noqonin majirto inay odayaashu hadakahor jabhada gobanimo doonka ah ay cambaarayn usoo jeediyeen saan lawada socono marrar badan bay waraysteen odayaasha isla webkan somalitribune hase ahaatee hal oday ah umbaa jira wax jabhada kuleexday oo wax ka sheegay xaqlayaasha  marka ma aha inuu hal shakhsi fikirkiisa guurtida dhan dusha kasaaro sababtoo ah haday kuraacsan yihiin  iyaguba carabkay kudhufan lahaayeen markay waraysan hayeen,waxaa kaloo mudan inlaka saaro dhaliil uu ruuxu soojeediyay iyo cambaarayn..

Midakale walaalkay c/laahi m. Amiin yuuna dadka uugu sheegin arinta odayaasha mid ay wali kufaraxsanyihiin oy kuraja wayn yihiin siiwadida howshaas ay qanaacada kamuujiyeen cambaarayntana ay kasoojeediyeen.

Waxaan hadalkayga kusoo uruurinhayaa inay dadka udhasha wadanka Ogadenya baraarugaan oy indhahooda furaan lana qabsadaan xaalada wadanku meesha aymarayso taageeraana halganka xaq udirirka ah ey JWXO hogaaminay, ogadaana inaan xoriyada sadaqo lagu helin gaalna uuna lahayn somaalidu waxay dhahaan (RAG IDAA KUGUMA DAAYEE WUXUU KUGUDAAYAALATUSAA)

Dibna umilicsada  erayadii xikmada badnaa ee `uu kayidhi Abwaanka wayn ee reer ogadenya  abwaan Nuur:

  • GUDDI YAHAY HORTAYDIYO FADHIDA  ANIGA GEESTAYDA
  • GUMAADKUU SHACBIGU SOOMAREE XABASHI GAADHSIIYAY
  • GOOBJOOGA YAAL BAAN AHYAN GUGA DHEXDIISIIYE
  • INTEEBAA NIN GEESI AH LADILAY OO GODLAGUTUURAY?
  • MEEQAA GANBOOLAYDA DUMAR GUUDKA LAGA LAACAY?
  • IDINKOON KAGUBAN XAAJADAA  GUUDKA NAGASAARAN
  • OO AAN ETHIOPIA KA GU`IN GABI AHAANTIINBA
  • GOBANIMO INTAAD HOOH DHAHDAAN GOCOSHAN MAYSAANE
  • ISKUGUDAAAAAAAAA GO`AANKAANRABNIYO GUUSHU WAY DHALANE

Waana inay xusuusnaadaana fursadihiihore ee ina dhaafay oy udambaysay fursadii dahabiga ahead ee ahayd goortii uu mingiste dhacay oo inadhaheenoo shan ah ina dhaaftay

Gabagabadii waxaan leeyahay awooda maanta inoojirta ha`inagakalatuurina ee inoodaaya walibana taageera hadaynu dhabarjabino waxaa inagu dhici uun markay fursadi ina dhaafto ALLA HASHU MARKAY MEESHAAS MARAYSAY YAA YAX YIDHAAHDA ?

Guul iyo gobanimo

Hubiye maxamed
Hubiye1@yahoo.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

 

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD