SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlad iyo dagaal sokeeye maa la kala daayo. 

A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Mararka qaar ayay dhacaysaa inayba rajadu kaa dhunto oo aad iskaba quusato, laakiin haddana waxaa ku celinaya Iimaankaaga, waxaana kugu soo dhacaya Aaydaha qur’aanka kariimka ah (WALAA TAQNUDUU MIN RAXMATILLAAH iyo WA MAN YAQNUD MIN RAXMATI RABBIHI ILLADDAALLUUN) iyo kuwo kale oo hanuun iyo qaboojinba kuugu filan…… 

Kolkii ay bilaabatay in dowladda Soomaaliyeed u soo guurto dalka, lana sugayey wax qabad, ayaa waxaa soo baxday haatan  nux nux hoose oo tilmaamaysa inay jiraan isu hub urursi hor leh iyo diyaar garow ciidan, kaas oo la leeyahay waxa uu ka dhexeeyaa isla xubnaha dowladda ku wada jira oo iyagu u kala falliiqmay laba garab oo wada hubeysan, waxaad mooddaa inay dhismeen wasaarado iyo wasiiro iska soo horjeeda, waxaa mooddaa in dowladdani ahayd oo keliya goob la doonayay in looga fakado magaca dagaal ooganimada. 

Madaxweyne  khudbadihiisa oo dhami ay ka buuxaan taariikh nololeedkiisii oo ahaa mid dagaal ku saleysan, iyo ereyo kale oo xambaarsan dagaal oo ad adag, wasiirka 1aad oo isna dhibsada ka jawaabidda su’aalaha soo noqnoqda, dulqaadka oo yar aawadeed, ereyada uu adeegsadaana ay yihiin kuwo caro ku dhisan, xil ka qaadisna ku dhaqaaqey dhowr jeer isagoo jooga dal shisheeye, guddoomiyaha baarlamaanka oo isna u sii xuubsiibanaya horjoogaha malayshiyooyinka Muqdisha, qaar ka mid ah wasiirada xukuumadduna aysanba ka amar qaadan wasiirkooda Kowaad, xilna aan laga qaadi karin, intaas iyo in ka badan oo ka dhexeysa xubnaha galay dowladdan loogu magac daray dowlad dib u heshiisiineed, ayaa arinta ka dhigaysa xaalad khatar ah oo cabsi iyo argagax badan. 

Inta badan dadka reer Muqdisho waxey isla dhexmarayaan warar sheegaya in ilaa 2000 oo askari ay ku soo fool leeyihiin deegaanka Jowhar, kuwaas oo taageero u ah sida la sheegayo madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo xubnaha kale ee taabacsan, haddaba haddii ay dhab noqoto in ciidan hubeysani soo fool leeyahay waqti ciidamo kale oo hubeysani ay iyaguna ku diyaarsan yihiin daafaha magaalada Muqdisho, ayna kala hoggaaminayaan xubnaha dowladda ee iyagu haatanba is qoonsan, maxaad u maleyn kartaa in la filan karo, sidee looga badbaadayaa isku dhac milatari oo weliba ah mid ku dhisan hab beeleed oo aysan arintu ahayn dowlad iyo mucaarad isku kacsan, sow maaha in mar kale dadka dib loo xasuusinayo maalmihii madoobaa ee dagaalada sokeeye, miyaa la ilaaway dhimashadii, dhaawicii , qaxii, gaajadii iyo dhammaan wxii darxumo ahaa ee la soo maray, iyadoon weli la nasan miyaa haddana la doonayaa in dadka dib loo hallaajiyo, gobolladii isu furmay miyaa mar kale la kala xirayaa, dadkii is dhexgalay sanado ka dib miyaa haddana la kala miirayaa… ? maxaa soconaya, maxaa la maagan yahay? Aaweey dowladdii dib u heshiisiineed aawey federaalkii iyo barwaaqadii loogu baaqayay ummadda, xaggey martay dhaartii iyo kitaabkii gacmaha la saaray, muxuu waqtiga badani ugu dhumay nidaam aan waxba u faa’iideyneyn maatada Soomaaliyeed, oo weliba laga cabsi qabo inuu dagaal kale dalka dib u geliyo. Ganacsatada qaar ayaan ka maqli jirey (HADDII AAD WAX FAA’IIDI WEYSO MAAHA KHASAARE EE MARKA LAFUHU XITTAA KAA DHUMAAN AYAA KHASAARA AH). “Haddaba      hadii dowladdii noqotey mid aan waxba qaban karin mey na deyso oo ay noqoto sidii tii Carta lagu soo dhisay oo iyadu aan waxna qaban waxna u dhimin shacabka oo aan dagaallo u horseedin” sidaana waxaa yiri muwaadin Soomaaliyeed oo aad uga rajo dhigay wax qabad ka imaan kara dowladdan cusub, kana cabsi qaba iney isku dhac hubeysan ku abuurta dalka.  

MUQDISHO OO NABAD AH Eeg Sawiro Bilicsan oo Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaaliyeed waxaa haatan la gudboon inaysan cidna ka yeelin in mar kale dalka dib loogu celiyo dagaallo sokeeye, maadaama ay dadku sanadihii danbe oo dhan ay sii ilaawayeen xumihii collaadda, ayna qaarkood u jihaysmeen dhinaca nabadda, wax wada qabsiga iyo is dhexgalka………….. dowlad iyo dagaal sokeeye maa la kala daayo.   

Waxaa qorey A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

 

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD