SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

QOYS U DHASHAY SOMALILAND OO CUNSURIYAD DARTEED UGA HAAJIRAY DALKOODII 
  • Maxamed Ciise Caabi
    Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika

Aniga oo ku hadlaya Magaca Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerica Waxaan Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Xisbiga Qaranka ee UCID iyo Gudoomiyahiisa Eng. Faysal Cali Waraabe anaga oo ku hambalyaynayna sida wadaniyadu ay ku jirto ee uu Baroor Diiqda ugu tegay Qoyskii uu ka baxay Marxuum Khadar Adan Osman Dhabar oo dhawaan Askari Boliska ka tirsani uu ku dilay Magaalada Hargeysa. 

Waxaa kale oo aanu Xisbiga UCID ugu mahadnaqaynaa hadalka kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga ee uu ku tilmamaamay inuu Waxabarasho gaar ah siin doono dhalinta u dhalatay beelaha Gabooye waxna kala qaban doono sidii Beeshu ay Xaqeeda u heli lahayd 

Dhinaca Kale waxaanu Halkan ka canbaaraynaynaa Xadhig dhawaan lagula kacay dadka kala ah Marwo Xaali Cali Dheere iyo Inanteeda Ubax Maxamed Miisaan oo bishan June 9keeda ilaa 14keeda ku xidhnaa Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, iyadoo loo xidhay inay qasab ku keenaan inankooda Barkhad Maxamed Miisaan oo Boosaaso ku sugan halkaas oo uu u baxsaday ka dib Markii uu guursaday Marwo Sabad Maxamed Rodal oo ka dhalatay beelaha  Isaaqa , ka dibna markii la handaday ayay Barkhad iyo Marwo Sabad ay naftooda kala carareen dalkoodii ay u dhasheen ee Somaliland, ka dibna ay u baxsadeen Magaalada Boosaaso halkaas oo ay si nabadqab ah ugu dhaqan yihiin. 

Hadaba inanka Barkhad hooyadii Xaali Cali Dheere iyo Walaashii Ubax Maxamed Miisaan ayaa dhawaan xabsiga Hargeysa la dhigay oo lagu yidhi qasab Boosaaso kaga keena Inanta Sabad Maxamedx Rodal iyo Odaygeeda Barkhad, waxaana Xabsiga ay ku jireen muddo shan cisho ah, nasiib wanaagna Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa arrintan soo faragaliyay Booliiskana ka dalbaday inay jeelka ka sii daayaan Xaali iyo Inanteeda, waana lasii daayay. 

Waxaa ayaan darro ah in maanta Somaliland ay ka jirto cunsuriyad la isku hortaagayo dadka muwaadiniinta ahi inay is guursadaan, taasoo sababtay in Barkhad iyo Sabad ay naftoodii kala cararaan Somaliland oo ay u dhasheen qaxootina ku ahaadaan magaalada boosaaso. 

Waxaanu ugu Baaqaynaa Xisbiyada Qaranka , Xukuumada Somaliland, Waxgaradka , Aqoonyahanka iyo guud ahaan dadweynaha Somaliland inay  u hawl galaan sidii wax looga qaban lahaa cunsuriyada. 

Dhinaca kale waxaan halkan ka canbaaraynayaa Shabakada Hargeysa News oo dhawaan faafisay qoraal iga dhan ah oo aan xaqiiqda ku fadhiyin, shabakadu waxay igu tilmaantay inaan khiyaamaynayo dalkayga Somaliland, isla markaasna aan London ka wado arrimo ka dhan ah Somaliland, taasi oo aan waxba ka jarin, sal iyo raad toonana aan lahayn. 

Anigu waxaan ku dhashay Magaalada Hargeysa, waxaanan ahay muwaadin magac iyo sharafba usoo hooyay Magaaladiisa iyo dalkiisa iyada oo magaca Hargeysa aan wax badan kagaga qayb galay garoomada kubada lagu ciyaaro, halkaasoo aan guulo badan u soo hooyay Hargeysa, reer Hargeysa oo dhamina ay yihiin qaar i yaqaana, dhinaca kale waxaan ka mid ahaa Ururkii SNM aniga oo si joogto ah u bixin jiray qaadhaanka, kana soo qayb qaatay dhaqaale ururintii Ururka SNM markii uu halganka kula jiray Taliskii Hore ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa. 

Hadaba aniga oo ah Mujaahid kasoo qayb qaatay halgankii xaq u dirirkaa ahaa ee SNM oo kasoo horjeeday cadaalad darrada, maanta cidna ka yeeli maayo inay dadkayga iyo beeshayda Gabooye xaqeeda dulmido, waxaanan inta noloshayda ka hadhay  aan ka qayb qaadan doonaa halganka dulmi diidka ah ee lagu hayo beelaha Gabooye. 

Maxamed Ciise Caabi
Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika
Email:
abby@london.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD