- 18 Kamid ah
Haweenka ku jira Baarlamaanka FKMG oo aqoon isweydaarsi
ka heleen haweenka ku jira baarlamaanka dalka South
Afrika..
- MARWADA MADAXWEYNE
RIYAALE HUDA BARKHAD OO DALKA UGA AMBABAXDAY QAAHIRA
Tirada
ugu badan ee ay haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka oo
Siminaar ka helay Dalka S.Afrika.
Haweenka ku jira
Baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya oo gaaraya 23 ayaa 18 kamid
ahi waxa ay aqoon isweydaarsi ka heleen haweenka ku jira
baarlamaanka dalka South Afrika oo ku aadan sidii ay
uga doodi lahaayeen kaalinta ay haweenku ka qaadan karaan
Isku xirka bulshada iyo Nabada.
Simininaarkan ayaa qayb ka ah mid kor loogu qaadayo laguna
daboolayo aqoonta iyo xirafada ay haween badan oo ku jira
baaramaanada Qaarada Afrika u baahan yihiin,Haweenak
Soomaaliyeed ee ku jira baarlamaanka kaga soo faa'daysan
doona muddobo maalmood ah aqoonweydaarsigan oo shalay ka
furmay Magaalada madaxda dalka South Afrika ee Johannesburg.
Xildhibaanad Sahra C/qaadir iyo Sareedo oo labaduba ka mid
ah Xubnaha Siminaarkan ka qayb galaya sawirkoodana uu halkan
kaaga muuqdo oo aan wareysi gaaban kula yeeshay magaalada
Nairobi ka hor intii aysan ka dhoofin garoonka ayaa Sheegay
in ay Casuumaadan ka helaan Baarlamaanka S.Afrka haweenka ku
jira.
Haweenka Ku jira baarlamaanka ayaa lagu tilmaamaa in aysan
wax badan ka qabanin kaalintii saarnayd, Laakiin
Xildhibaanada Caasha Abadalla ayaa gaashanka ku dhufatay in
arrintaas aysan haweenku gabin kaalintooda,ee ay yihiin kuwo
ka badiyay ragga kadib markii ay wax badan ka qabteen
kaalintoodi ka saarnayd dalka iyo kor u qaadista mustaqbalka
dhalaanka.
Waxaa kale oo ay xildhibaanadu intaas ku dartay in
xildhibaanada ragga ahi ay lakala safteen siyaasiyiinta
laakiin haweenku aysan taas samayni,waxa ayna ku jireen in
ay raacan meeshii dan u ah ummadda Soomaaliyeed.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com
###
MARWADA MADAXWEYNE RIYAALE
HUDA BARKHAD OO DALKA UGA AMBABAXDAY QAAHIRA
- MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
| HARGEYSA
Hargeisa: Sida dad xogogaal
ah oo ku sugna Maalintii shallayto ahayd Madaarka Caalamiga
ah ee magaalada Hargeisa "EGAL INTERNATIONAL AIRPORT" waxaa
ka dhoofay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Daahir Riyaale Kaahin Marwo Huda Barkhad iyo Seddex Carruur
ah oo ay dhashay oo wehelinayey, sida wararku sheegayaan
waxaa ay Marwada iyo seddexda Caruurta ah ee wehelinaayey ka
qaadday Madaarka Egal International Airport diyaarad ay
leedahay Shariikadda Diyaaradaha ee dalka Ethiopia "Ethiopia
Airlines" waxaan wararku xaqiijinayaan in ay Marwada iyo
caruurteedu usii jeedeen ama tegayeen Magaalo Madaxda Dalka
Masar ee Qaahira iyagoo ku sii hakanaayey Caasimadda dalka
Ethiopia ee Addis Ababa, dad goob joog ahaa oo wakhtiga ay
Marwadu ka ambabaxaysay Madaarka ku sugna ayaa ii xaqiijiyey
in ay Marwada Wehelinayeen ama ay wadatay Lix Shandadood oo
nooca loo yaqaano "Sam-Sonite" oo aad u culculus oo aan la
garan karin waxa ku jira.


Lama Xaqiijin ama lama oga
Safarka Marwada Madaxweynaha Huda Barkhad balse sida warar
la isla dhex maraayo sheegayaan waxaa ay Marwadu degi doonta
Caasimadda dalka Masar ee Qaahira iyadoo dad kalana
sheegayaan in ay Marwada Madaxweynahu dalka dib ugu soo
laaban doonto.
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA, SOMALILAND
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com |
June 22, 2005