SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Saxaafada Somaliday waa Dhanjire, Dhanjire u xagliya iyo Dhexdhexaad aan dhamays ahayn.


Jagne
dahir
jagne3@hotmail.com

Markii aad dhagaysatid Radeyowga FM-ta  ah qaarkood iyo BBCda Laanta Afsomaliga ama aad u cosobsi tagtid Homepageyada Somalida waxaa kuu soo baxaya, in Qaarkood lagu qiyaasikaro Warbaahinta Naziga ee Jarmalka ka jirijitay.

Waxaad dareemaysay in Warka ay soo tabinayaan uu xanbaarsan yahay Nacayb ka qodo dheer Xaalada Siyaasadeed ee aynu saadaalino.

Waxaana Saxaafada somaliyeed loo qaybin karaa iyada oo laga anbaqaadayo nacaybka ay qaarkood hurinayaan sadex qaybood.

1. qaar Dhanjir ah oo aan marna laga sugayn in ay Dhanka kale dhugtaan. Kuwaas oo uu ka soo gufaacayo Nacayb beeleed iyo Cadaawad gaamurtay.

2. iyo qaar Dhanjir kalkaal ah oo iyagoo Dano u gaar ah iyo Duruuf Dhaqaale dhowranayan taageeraan Saxaafada cadaawad hurunta ku caan baxday sida laga dheegankaro Radiyowga iyo Homepageyo Puntland ka jiraan ee Yuusuf Garaad(Madax BBCda Laanta Afsomaliga) xiriirka la leh.

3. Waxaa kale oo jira qaar dhexdhexaad iska dhigaan oo Dhankasta wax ka dhugtaan, laakin aan dheelitir Saxaafadeed dhalinkarin ke. Ilayn Suurto gal ma ahan in aan dhexdhexaad ka hadalno iyada oo aanay jirin laba dhina oo isu dheelitiran oo la dhexdhaxaadiyo.

maadaama aanay jirin warbaahin u dheelitirmaan kuwa cadaawada iyo nacaybka hurgufaan ee dhanka  kaliya u xagliyaan  waxay warbaahinta dhexdhexaadka iska dhigaan ay u dhurteen kuwa dhanka cadaawada huriya taageenaan oo  uga makhraatikacaan waxay sheegaan, ilayn  Waxay soo dheegtaan  warka been Abuurka iyo Dacaayada looga danleeyahay  ee ay soo hurgufaan kuwa nacaybka la mataanoobeen.

waxayna  Taasi  keentay in Warbaahinta Somaliya dhan u dheelido oo dhan la sigu dhurto iyo in war isu dhowdhow oo been ka dhadhamayso la soo wada tabiyo.
 
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso [BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO]

Waxaad moodaa in ay Warbaahinta Somaliyiyeed u dheeliday Dhanka uu  Yuusuf Garaad oo BBCda Laanta Afsomaliga madax ka ah barigantaalo ee been abuurka ku bahoobeen.

Waxaana  dheeligaa qayb Libaax ka qaatay  Warbaahinta Caalami ah iyo Dhaqaale Caalami ah ee uu yuusuf garaad faraha ku hayo oo uu u adeegsaday sidii uu  Warbaahinta Dhanjirka ah u gaarsiiyo Warkii ugu danbeeyey oo uu Magaad ku barxay iyo isaga  oo ku khasbay kuwa Dhanjir kalkaalka ee uu dhaqaalaha ku gatay in  ay  qaab dadban oo doqon ma garato ah Dadka Warkii Magaadka lagu daray u gaarsiiyaan.

Dhanka kale Saxaafada isku howliyaan in ay dhexdhexaad ahaadaan oo aan haysan dhaqaale u dhigma kuwa dhanjirka ah ayaa iyana si aan loo oron dhanbayjiraan waxay soo gudbiyaan warkii magaadka lagu daray.

Sidaas ayey Saxaafada Somaliyeed u soo gudbiyaan war beenta iyo nacaybka lagu barxay oo BBCda laanta afsomaliga laga soo maleegay.

Waxaana la dhihikaraa Saxaafada Somaliday waa dhanjire, dhanjire u xagliya iyo dhexdhexaad aan dhamayas ahayn.

Mahadsanidin
Jagne
dahir
jagne3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2005


WARARKA MAANTA:::

Governor-ka iyo labada Mayor ee Minneapolis & St. Paul oo si rasmi ah u aqoonsaday Usbuuca Soomaalida
Golaha dadka madow ee Minnesota waxaa uu hambalyo u dirayaa Governorka Minnesota iyo labada Mayor oo.. Guji

Ganacsatada Boosaaso oo Shaqa Joojiyey
Ganacsiga Magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid ay Albaabaha u laabanyihiin kadib markii ay... Guji... Jun 28

Dagaallo ciidammada cadowga Itoobiya  lagu jabiyay
iyo Xildhibaan Itoobiyaan ah oo dil ka badbaaday Guji... Jun 28

Shirwayn oo qahira ka dhacay loogana hadlayay tacliinta Puntland
Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda tacliinta iyo dadweyen Soomaaliyeed...  ka akhri halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD