SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Yaa Harti Aheey”

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Yaa habarwacanaya? Ma korneyl C/hi mise Geeddi? Mise labadaba?

Tol la’ayeydaas aan u soo noqonno. Waa maalin Jimce ah oo ay Soomaalidu xuseyso 1-da Luuliyo. Seddex waxyaalood, Soomaali badan iyo anigu waan isku seegnay oo isku afgaranweyney:

  • Qaran
  • Dowlad
  • Dabbaaldeg.

Labada qodob oo hore marar badan baa laga hadlay. Qof soo taagnaa lixdankii oo dhegeystay khudbaddii madaxweyne Aadan-cadde oo leh waxaan rabnaa inaan baadigoobno Soomalida gumeysiga weli ku soo hoosjirta, inuu ilmeeyo dow buu u lahaa. Qof aan waqtigaas dhalan ama dhallaan ahaa oo mar dambe arkey Soomaali oo dowlad ah oo adduunka la xaaleysa, isna inuu 1-da Luuliyo u damaashaado la yaab ma leh. Laakiin yaa arkey qof ilmihiisii uu dhalay oo dhintay ku kor dabbaaldegaya? Hooyadu labo jeer bay ilmeysaa – markii ilmaha oo ooyaya laga soo hoosqaado (umusho) iyo markay ka dhintaan. Laakiin labada ilmo/oohin isku mid maahan. Midi waa farxad midna murugo.

Qarankii Soomaaliya wuu dhashay waana loo dabbaaldegay. Hadduu dhintayna ma dabbaaldegeynaa? Haddii maalmaha aan Ilaah jideyn aan weyneyn lahaa waxaan u tacsiyeynlahaa 1-da Luuliyo. Waxaan labo isweydiineyn, dheh 20 Juun 1960 in Soomaaliya wax badan ka fiicneyd maantadan oo ku beegan 1-da July 2005. Runtii, maantoo kale maahan maalin dabbaaldeg ee waa maalin Ilaah la baryo.

Qoraa Siciid Cismaan Keenadiid baa buuggiisa Kaftan-dhable ku weriyey dhacdo uu ugu magacdaray: war yaa Harti ah! Bogga 52 – 53-aad wuxuu ku xusay dhacdadan:

“Meeshu waa guryaha Xamar-bile oo ay Soomaali oo dhammi degentahay. Dagaal carruur ka dhashay ayaa laba qoys isku diray. Qoys waa reer Boosaaso, midna waa reer Berbera. Gurmad iyo hiillo qabiil baa dhacday.

Islaan reer Boosaaso ah ayaa kolkii ay aragtay in dhinaceeda laga tiro badan yahay qaylisay, iyada oo leh: waryaa Hartiya! Waryaa Hartiya!

Ciidammo booliis ah ayaa yimid oo intii diriraysey oo dhan waxaa la geeyey saldhigga Wardhiigley. Nin u Hadley reer Berbera ayaa wuxuu yiri: waxa aannu dacwad gaar ah u qabnaa oo aad dhibaato noo gaarsiiyey ninkaas reer Boosaasood ee xoogga weyn oo qadwaanka sita, mana uu deggana Xamar-bile ee waxaa keentay hiillo qabiil.

Kolkii uu nikii xoogga weynaa magaciisa sheegay ayaa la iswada dhugtey, la wada qoslay oo ay labadii dhinacna heshiiyeen; taliyihii Saldhigguna uu yiri: hortii waxaan doonayey in aan idinku eedeeyo dhiirri-gelin qabyaaladeed, haddase, qabyaaladda lafteeda ayaa riwaayad silloon u ekaatay. Xoogweyne magaciisu waa Fiidoow, waana Harti Abgaal”. (Fiiri buuggaas boggaggiisa 52 –53).

Kaftan-dhable oo dhab noqday baa la hayaa. Haddii korneyl C/hi iyo Muuse Suudi isqabtaan dabadeedna korneylku dhaho: waryaa Harti ah, dhinacee Geeddi iyo Maxamed-dheere kasoo jeesan?

Maaddaama reer Puntland ay seddex sano ku dhowaad masruufayeen ergo badan oo joogtay Kenya; waxay islahaayeen waxaa wax idiin ka soo noqonayaan lacagaha dowladdu ka soo barido adduunka. Waa tii Soomaalidu iyadoo Af-Carabiga liideysa dhihi jirtay waa lagu baryo tagaa laakiin madaxdii Puntland iyo sirdoonkeedu waa necbaayeen Carabiga marka hadda waxba lama hayo.

Lacagihii badnaa ee ka baxay Puntalnd waxay bedelkoodii u heshay gaashaanbuur cusub sida Jowhar, Cisiley, Ceelmacaan iyo Yaaqshid. Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii waxay ka badinwaayeen: Puntland buu ka degay; Jowhar, Cisiley buu ka degay; Ceelmacaan buu booqday. Horta, Harti, Harti ha u hiilliyee maxay rabaan reer Hiiraan qaarkood? Mise xarafka ha’ baa hodaya?

F.G. Nin baa mar warqad iisoo qoray isagoo sheegay inaanan maqaalo badan aanan si fiican oo cilmiyeysan u soo qorin oo ay isku dhexyaacsanyihiin. Ninkaasi wuu run sheegay. Maxaan sidaas u yeelaa? Fiiri sheekadan:

Nin sheekh ah baa ku soo baxay macallin dugsi Qur’aan oo wiil u akhrinaya sidaan: (WA ID QAALA LUQMAANU LI IBNIHI WAHUWA YACIDUHU YAA BUNAYA LAA TAQSUS RU’YAAKA CALAA IKHWATIKA FAYAKIIDUU LAKA KEYDAA WA AKIIDU KEYDAA FAMAHILIL KAAFIRIINA AMHILHUM RUWEYDAA). Sheekhii wuxuu macallinkii ku yiri inkaar kugu dhacdee wiilka yar waxaad isku dhexgelisay aayado kala Suurado ah. Macallinkii baa yiri: waa runtaa, maxaa yeelay wiilkaan aabbihiis wuxuu isu key dhexgeshaa khidmadda bilaha marka yuusan wiilku Qur’aan baran, anna yaayan waxba helin.

Marka haddii waddankeygii iyo dadkii oo dhan halkaas marayo, la yaab ma leh inaan wowduucyo kala duwan aan is dhexgasho si aan dantaan leeyahay ugu soo bandhigo hal maqaal.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

###

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD