Shariif Xasan wuxuu ku taagan yahay jidkii Kofi 
								Annan
								
								
								
								Maxamed Xaaji 
								(Ingiriis)
								
								Email. 
								
								
								ingiriis@yahoo.com 
								
								          
								Mudane Kofi Annan waa diblomaasi fekradihiisa 
								iyo siyaasaddiisuba ay caadiyan gaar u yihiin. 
								Sida go’aankiisu u adag yahay waxaa muujinaya 
								qaabka uu u maamulo UN-ka. Bishii September ee 
								sannadkii hore markuu ka hadlayey fadhiga guud 
								ee shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada 
								Midoobay waxa uu yiri, “Dagaalkii Mareykanku ku 
								qaaday ee uu ku riday xukuumaddii Saddaam Xuseen 
								wuxuu ahaa sharci darro.”
								
								            
								Diblomaasiyad ahaan hadalka Xoghayaha Guud, 
								xajmiga iyo culeyska uu leeyahay ka sokow, wuxuu 
								ruxay dunida oo dhan, gaar ahaan Mareykanka iyo 
								reer galbeedka. Sababtu waxay ahayd Kofi Annan 
								oo hadalka ka yiri majliskii ku habboonaa 
								waqtigii ku habboonaa.
								
								            
								Madaxweyne Bush oo u jawaabaya ayaa yiri, “Waxaa 
								fiican diblomaasiyiintu markey hadlayaan waxay 
								sheegayaan inay macneeyaan, waxay macneynayaanna 
								inay sheegaan.” Waxaa ku xigay in Senator Norm 
								Coleman oo laga soo doorto gobolka Soomaalidu ku 
								badan tahay ee Minnesota uu dacwad ku soo oogay 
								Annan iyadoo loogu marmarsiyoonayo in UN-ta 
								dhexdeeda uu ka jiro musuqmaasuq.
								
								            
								Senator Coleman oo uu la shaqeeyo saaxiibkey 
								Maxamuud Wardheere waxa uu xulufeystay xubno 
								neo-conservative ah, waxaana ay dalbadeen wax 
								aan awooddooda ahayn, iyagoo yiri, “Waa in Kofi 
								Annan uu is casilaa.” Mudane Annan, waxa uu ku 
								adkeystay inuusan is casilaynin, waxaana uu 
								muujiyey in Qaramada Midoobay ku taallo New 
								York, laakiin aysan talada ka qaadan Washington.
								
								            
								Neo-conservatives-ka oo ah niman madax adag oo 
								ku shaqeeya fekrado xag jir ah wax ay beddeleen 
								guud ahaan nidaamkii dalka Mareykanku u 
								shaqeynayey illaa 1787 oo ku beegan markii 
								seeska loo dhigay dowladnimada Mareykanka.
								
								            
								Madaxweyne Bush, waxa uu si caddaan ah u yiri, 
								“September 11 way na beddeshay, annaguna  waxaan 
								go’aansannay inaan adduunka beddelno.” Si loo 
								meel mariyo haddaba hadalka Madaxweynaha ayaa 
								Senator Coleman iyo saaxiibadiis waxay howsha ka 
								billaabeen UN Headquarters iyagoo raba inay 
								beddelaan Mr. Annan. Aakhiritaankii waa lagu 
								guuleysan waayey in la beddelo Annan.
								
								            
								Haddaba, duulamadaas lagu qaaday Annan oo kale 
								waxaa lala beegsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka 
								Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan. 
								Neo-conservatives u daacad ah Madaxweynaha 
								Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf ayaa maalmahaan 
								dalbanayey inuu is casilo Guddoomiyuhu. Laakiin 
								sida Kofi Annan oo kale ayuu Shariifku runta ku 
								dheggan yahay.
								
								             Ma 
								ahan markii ugu horreysay ee 
								neo-conservatives-ka Cabdullaahi Yuusuf ay sidan 
								oo kale u weeraraan dadka ay u arkaan inay 
								siyaasaddooda ka soo horjeedaan. Waxa ay horey u 
								bartilmaameedsadeen Mudane Faarax Macallin oo 
								madax ka ah xisbiga Ford ee dalka Kenya.
								
								            Faarax 
								oo ah siyaasi muctarif ah oo hadal furan, waxa 
								uu dhowr bilood ka hor yiri, “Dowladdii 
								Soomaaliya waxaa maamula sirdoonka Ethiopia.” 
								Hadalka Faarax ka dhawaajiyey ayaa dhinac walba 
								ka damqiyey Madaxweynaha iyo 
								neo-conservativeskiisa, laakiin runta noocaas ah 
								waxay ahayd run horey Soomaalidu u dareensanayd.
								
								            Sidaa 
								darteed, weerarka ku socda Shariif Xasan waxa uu 
								la mid yahay qof xaqa ka hadlaya oo la leeyahay 
								maxaad xaqa uga hadlaysaa. Nin Soomaali ah oo 
								mufakir ah laakiin Geelley ahaa ayaa yiri, 
								“Hashu maankeyga gadaye, ma masaar bay liqday.”
								
								            
								Xilliga hadda la joogo, qofka Soomaaliga ahi ma 
								lahan cadow kale oo aan Soomaali ahayn. Prof. 
								Said S. Samatar ayaa igu yiri, “cadowga ugu weyn 
								ee Soomaali leedahay waa Soomaalida.” Hadalkiisa 
								waxaan ku soo xusuustay Prof. Cabdi Ismaaciil 
								Samatar iyo Prof. I. M. Lewis oo arrimaha 
								Soomaaliya ka wada doodaya oo Shirwac Jaamac 
								intuu soo dhex galay uu la saftay Lewis isagoo 
								qabiil ku riixaya Prof Samatar.
								
								            
								Laakiin, Shirwac Jaamac wuxuusan ogeyn in 
								qabaa’ilka Soomaalidu sheegto uusan jirin meel 
								uu ka billowdo iyo meel uu ku dhammaado. Haddii 
								wax la saxayo waxay ahayd in la saxo hadalkii 
								Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa, “Halhays baa 
								yiraahda Mu’min god laba jeer lagama qaniino.” 
								Sheekh Soomaali ah oo jooga Saudi Arabia ayaa 
								yiri, “Halhays ma ahane waa Xadiis Nebiga (NNKH) 
								laga weriyey ee ha loo sheego Madaxweynaha.”
								
								Maxamed Xaaji 
								(Ingiriis)
								
								Email. 
								
								
								ingiriis@yahoo.com 
								Afeef: 
								Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
								
								###