SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliya: Waa dal iyo dad aan jeclahay..

Bile Jaamac (Gaagaale)
sharmarke10@hotmail.com
Oslo, Norwey


Soomaaliya, waxaa degan dad muslimiin ah, sidaa darteed waa jeclahay. Sababtana waxaa waaye aniga muslim baan ahay sida tirada aadka iyo aadka u badan ee Soomaalida ah, ee muslimiinta ah.

Inkastoo eey jiraan baryahaan danbe dhowr qofood oo Soomaali u dhashay laakiin si cad ee aan qarsoodi laheeyn u cadeeystey, in eey ka baxeen diinta Islaamka, sida gabadha Soomaaliyeed ee magaceeda la yiraahdo Ayaan Xirsi Cali, ee degan wadanka Holand, kana mid ah xubin mudane baarlamaan.

Soomaaliya, waa jeclahay. Sababtoo ah, waa wadanka aan ku dhashay; kuna soo koray; waxna i soo baray lacag la`aan.

Soomaaliya, waa jeclahay, maxaa yeelay waa wadanka kaliya, ee aniga qof ahaan i siiyey fursad aan wax ku barto. Aniga, qof ahaan waxaa ka soo jeedaa reer aad iyo aad faqri u ah; walina u ah faqri. Sidaas oo eey tahay, waxaa wadanka Soomaaliya, aan ka helay fursad aad iyo aad qaali u ah, ee aan meel kale ka heli laheeyn ee aduunkaan ka mid ah sideey ila tahy.

Soomaaliya, waa wadan eey degan-yihiin dad daacad ah; qabiil kastaa ama deegaan kastaa ha ka soo jeedaan.

Soomaaliya, waxaa degan gabdhaha iyo dumarka lagu tilmaao in eey aduunka ugu qurxoon-yihiin.

Soomaaliya, waa wadan dhinaca kheeyraadka ku jira lagu quudin karo -Bariga Afrika iyo Bartamaha Afrika oo dhan, muddo aad iyo aad u dheer.

Soomaaliya, waa dal leh "badweyn" aad iyo aad kheeyraad uga buuxa, hadii si fiican looga faa`ideeystana, Qaaradda Afrika iyo meelo kale ee aduunka ka mid ahba, aad iyo aad uga baahi tira karta dhinaca: gaajada iyo faqriga dhaqaale.

Soomaaliya, waa wadan ku fiican kuna hormaray dhinaca -isgaarsiinta casriga ah-marka loo fiirsho ama loo eego qaaradda eey degan-yihiin ee Afrika, taas oo eey u dheertahay-dalka Soomaaliya oo aan dawlad dhexe ka jirin-.

Soomaaliya, waa ummad ka dagaalama sharaftooda in meel looga dhaco; inkastoo eey faqri yihiin; dhinaca dhaqaalaha iyo ayagoo xataa aan dawlad laheeyn.

Soomaaliya, waa dal yeelan kara dhawr dawladood, laakiin isku ummad ah oo hal qoomiyadood wada ah, qoomiyadaasoo ah -Qoomiyadd Soomaaliyeed.

Soomaaliya, waxaa degan dad aad iyo aad u tiro yar; laakiin aduunka maanta jira ka muuqda, inkastoo dhibaato uun lagu bartey.

Soomaaliya, waa dal iyo dad aduunka oo dhan laga yaqaan.

Soomaaliya, waa dal iyo dad aduunka uu ka yaabanyahay; sida dhibaatada ku dhacay eey uga dabaalanaayaan marka loo eego dalka Ruwaanda oo kale tusaale ahaan.

Gabagabo, Soomaaliya waa dal iyo dad aan aad iyo aad u jeclahay, dhinac kastaaa marka laga fiirsho ama laga eego, waana ku qanacsahay shacabka Soomaaliyeed in eey yihiin dad lagu faani karo.

Soomaaliya, dhibaatooyin aad iyo aad u badan ayaa ka jira, laakiin taas macnaheeda ma ahan in uu dalka xun-yahay ama dadka Soomaaliyeed eey fiicneeyn ee waa duruuf waqtiga xaadirka ah taagan, waana laga bixi karaa duruufta taagan ee shacabka Soomaaliyeed dhex-taal; sida meelo badan ee aduunka ka mid ah ee uga talaabsadeen dhibabkii soo maray, maantana aduunkaas duruufta adaga soo maray eey uga gudbeen una gaareen barwaaqo iyo baraare; hadeey noqon laheeyd dalkooda ama hadeey noqon laheeyd dadkooda. Soomaalidana waa gaari doontooda weeyna ku socotaa wadaaas lagu gaari karo hurumarkaa ee bani`aadamka uu gaaray ama uu u talaabsaday. 

Bile Jaamac (Gaagaale)
sharmarke10@hotmail.com
Oslo, Norwey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | May 15, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD