SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOF BAAN DHAQAYAA SOOFE-NA MA LIHI WAA SOOFAANE HADALKIIS

W. Q. Ahmad Zaki
researchs@hotmail.com

Maanta waxa ay ku began tahay 62-guuradii ka soo wareegtay maalintii la aasaasaay ururki SYL, marka waxaan Umadda iyo dhallinta Soomalaiyeed ku boorin lahaa in ay dantoda gartaan ilaahna fahansiiyo xaqa.

Seeftii xukuumadda federaalka oo ka bilaabatay xamar iyadoo laga bilaabay Numberka ugu horreeya ee tirade afcarabi ahaan (Sifir) oo ka mid ah Daawadayaasha Riwaayadda Muqdisho, ahna mid aad ugu dhow Jilayaasha.

Magaalada Muqdishu waa magaalo caynkee ah?

Magaalada Muqdisho waa magaalo wajiyo badan leh, mana laha magaaladu hal hoggaamiye ee waxaa deggan oo ka yimaada marka la gaaro tartanka waxqaybsiga Soomaalida (Shiraraka Dub-u-heshiisiinta) tobaneeyo urur isguna faana khibradda iyo wax lagu sheego halganka xaq u dirirka; halka kuwa gadaal ka soo galena ha ka farcamaan kuwii hore ama yeysan ka farcamine anaa kaa  sibaaro iyo baabuurta dagaalka kaa badan (Tikniko).

Soomalaiya waxa horey loogu qabtay in kabada14 shir, laga soo billaabo 1991 kii Jabuuti ee ugu horreeyey kaasoo  Md cali Mahdi lagu doortay, illaa kii jhabuuti 2000 ee carta laguna soo doortay Md C/qaasim; kulligood sida la sheego waxaa sabab u ahaa burburkooda hoggaamiyeyaasha Muqdishu marka laga reebo kii Qaahira.

Hadaba waa maxay sababtu?

Aniga waxay ila tahay in ay sababo u yihiin dhowr arrimood oo is biirsaday;

1) Siyaasadda Hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo badanaaba ku dhisan Cadkanow ku cuany amaba ku ciideeyey, iyadoo la is moogaysiiyo in kursiga Madaxweynaha uu yahay hal kusrsi, isla markaasna uu qaadan karo hal Nin oo qura.

2) Kala adkaansho la’aan ka jirta magaaladii ugu weynd ee Dalka, taaso ay ku sugan yihiin hoggamiyeyaal kala aragtiyo ah, balse la qabsaday ku noolaanshaha jawigaas. Inkastoo is reebreebka uu ka socday 14-sano haddana tirada hoggamiyeyaasha cusub ah ee ku soo korortay aad bay uga badan yihiin tirada ka baxday loolanka. Waxaana la orankaraa wey ugu wacantahay iyadoo aysan toos isaga hor imaanayn dhallinyarada hubka la iskugu dhiibay oo waxaa gabbaad u ah guryaha magaalda ku dhexyaal, iyo odoyaal la qabsaday arrinka oo markii dagala yari dhaco ay howshoodii billaabato, ayna kala xareeyaan maleeshiyooyinka iyagoo koox kasta lagu qanciye in laga gardaranyahay..

3) Danaystayaal shisheeye oo ku dhiiri galiya hoggaamiyeyaasha in ay xaaladdu waligeed jahwareer ku jirto, sida kuwa lagu magacaabo Deeq bixiyeyaasha balse magacooda saxda ah uu yahay hadda u fiirsato Dagaal huriyeyaasha .

Dhinaca kale Soomalaidu waxay tiraahdaa ninii qayrkiis|(faciis) loo xiirow adna soo qoyso, waxaa magalada Addis Ababa ka soo saaray R/wasaare Geeddi wareegto uu xilka kaga qadayo W/warfaafinta Md Maxamud Jamac Sifir, iyadoo rag cusubna xilal loo magacaabay halka kuwo kalena la isku badbadalay.

Maxuu eersaday Md Sifir soo lama oran karo waxaa lagu ciqaabayaa waa maxaad ula joogtaa mucaaradka, mise salaantii uu kaga baaqday Md Geeddi markuu xamar yimid, iyadoo R/wasaare Geeddi uu horey ugu macneeyey Xukuumaddiisa Harag sagaaro oo kale oo iiga kac maahine iiga duruq aan lahayn waxa uuna yiri xukuumaddaydu ma qaaddo mucaarad mana ka mid ahaanayo.

Dhanka kale waxaa halkaas ka curtay oraah cusub oo barbar socon doonta oo hayd “debiga gowrac weysha haku quusatee”; balse hadda ay billabtay “ Weysha gowrac debiga ha weyraxee”;  mise waaba wax ka weyn intaas oo dhan oo waa farrin ku socota Ahayeenka Barlamaanka, looguna muujinayo haddii uu xamar tago in ay dhici karto in xilka laga qaado, isku soo wada duuboo waxa meesha yaallii waa “ Mucaarad baan noqonayaa Tiknikona ma lihi waa dantiisa mooge intnaan dalka loo soo guurinbaa la casilaa”

Dhinca kale waxaa la sheegaa in ay haddii ay xamr tagana ciidamo shisheeye meelkasta haka yimaadeen in lala dagaalami doono. Aniga waxay ila tahay ninka wada diiddan waa nin rag ah oo mowqif leh, balse hadduu ku meer meero meelo kale sida waa gaalo ciidamada, war soo umadda Soomaliyeed Muslim maahan 100% may culimada Soomaliyeed laftigoodu wakhti ku bixiyaan sidii ay u islaamin lahaayeen ciidamaas, loona muujiyo in Islaamku yahay Diin sharaf iyo karaamo xambaarsan, sidii khayr allaha siiyee ay culimo Soomalaiyeed ay u islaamiyeed ciidamdee UNISOM ee raja soo celinta kadib marki ay guulaysteen in ay Muslimiyaan qaar ka mid ahaa ciidamadaas, mise waxaan lagu kalsoonayn xukuumadda Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka noqnaysa amraysana ciidamadaas???.

W. Q. Ahmad Zaki
researchs@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | May 17, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD