SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kafa, kafa C/Waaxid “Kalmid xaqqah oo baadil lagu rabo”.

“Maa ashbaha alleelata bil baarixa” waa maahmaah carabiya oo micneheedu yahy “Caawa iyo habeen hore isu ekaa” loogana jeedo dhacdooyin maanta jooga oo u eg kuwo waa hore dhacey. Maqaallada walaalkey c/waaxid ku soo dhirin dhiriyo intarnetka marka la tix raaco qoraalkiisi “Dastuurkii oo Arbaco Go’ay Khamiisna God Gelaya”. Ayaan ku xasuustey fitnadii Sayid Cali bin abi talib (rc)iyo Macaawiya bin abi Sufyaan (rc) ka dhex dhacdey sanadku markuu ahaa 36 Higri /657 milaadiyah iyo tan “caawa” ka dhex taagan dagaal ogayaasha xamar iyo dawlada c/yousuf.

Kitaabka (albidaaya walnihaaya-Ibnu katiir) waxa kuyaal Markii guushu u soo dhoweed ciidankii Sayid cali ayaa ciidankii Macaawiya xeelad la yimaadeen taaso ey warmohooda ka luleen kitaabka quraanka ah kuna naadiyeen “Kitaabka eebe aan isgu nimaadno” markiiba ciidanki cali ayaa xeeladdii martay dagaalkii joojiyey .Markii Sayid Cali (rc) arrintu gaartey wuxu yiri qawlkiisi caanka noqdey “Kalimatu xaq uriida biha baadil” micnuhuna wuxu yahay” kalmad xaqqa oo baadil lagu rabo” uuna ugala jeedey xeelad weeye kama aha Macaawiya xaq doon ee dagaalka sii wada. laakin cidankiisi baa isku soo taagey oo diidey taladiisa.Ugu danbeyntii xeeladaasu waxey sababty fitnadii lagu diley Sayid Cali (rc). sidaasuuna macaawiye (rc) xukunkii u dhaxley.

Ninkii xeeladaas kula taliyey cidanka Macaawiya wuxuu ahaa saxaabigi la oran jirey Camar bin Alcaas “Daahiyat alcarab” (rc) uu layimid xeelad ku dhisan waaqac jira oo ah in nin muslini maalintaa diidi karin “Kitaabka eebe aan isgu nimaadno” kii diidana islaamnimadiisu shaki geleyso.Waana tan ku adkaatey cidankii Sayid Cali (rc) in ey diidaan xaqa loogu naadinayo.

Caawana, c/waaxid ayaa meeshi Camar bin Alcaas u jooga dagaal ogayaasha xamar oo marba u soo dhirin dhiranya xeelado ku dhisan diin iyo waaqac jira. C/waaxid+dagaal ogayaasha xamar xeeladoodu waxay ku dhiseen dhacdooyin ey ka mid yihiin cadaawadda soojireenka ah oo dhextaal Soomaali iyo Xabashi, iyo guuldaradii ciidanki UNISOM 93.Labaduna waa laba qodob oo xaqaa oo qof kasta oo somaaliyeed oo wadaninimo iyo islaamnimo ku jirto uu diidmo iyo dagaal kala hor imaan wixi arinta nocaas ah u soo bandhiga mar labaad.Laakin waa “kalmad xaqa oo baadil lagu rabo”.Waxaan dareensan dad badan oo aan anigu kamid ahey. , maxa yeely durba waxey dhalisey in dawladii Nairobi lagu dhisy ey kala jabto, in guushi laga rabey ey sii yaraato iyo in Prof. Geedi lagu sigo xamar. Xaga kalena kuwii isbaarooyinku u tiiley ey jilibaha sii aastaan iyago isku haleenaya xeeladaha aan soo sheegey.” Alla Caawa iyo habeen hore isu ekaa”.

Eebe wuxu yiri “Yaa ayuha alladiina aamanu adiicu allaha wa adheecu alrasuula wa uli alamri minkum”,taaso loola jeedu in la adeeco illah iyo rasuulkiisa iyo qofka madaxda ah wixii u maslaxad moodo mar hadaanu salaada is hortaagin sida axaadista qaarkood sugayaan. Markaa c/waaxid hadii uu ka midyahey dadki illaahy aaayadan kula Hadley dee waa inuu soo galaa horta xerada daacada madaxda oo u ixtraama wixii ey maslaxad u arkaan uuna iska dhaafaa fidnadan uu marba soo dhirindhirinaayo .Kafa, kafa yaa c/waaxid fal qabru leesa bi baciid wal qiyaamatu qariib wa naxnu cala qawlika min alshaahidiin.

Shacabka somaaliyeed waxaan idin kula dardaarmaya “qawlkii Sayid Cali (rc) fahma “Kalimatu xaq uriida biha baadil” .Cibrana ku qaata dagaalki uxud iyo dagaalkii sayid cali (rc) aan kor ku so sheegey labadaba in xeelad lagaga qaadey guushi hortaaley dadkii laha markey ku dhega adeygeen taladii madaxdooda. Caawana gusha aduun weenihu idin hordhigey yaan xeelad nin gar dheer iyo nin isbaaro utaal idin ka lumin.

C/Yuusuf, Geedi aad baan idin ku ayidsanahy hawsha aad wadaan waana tan keliya oo xamar ku soo celin karta sharci iyo nabad gelyo, soomalina dawladnimo dib ugu soo dabaali karta.Kana fiyignaada xeeladahakan rakhiiska ah oo lagu rabo dullitooyo iyo darxumo inaad huwanaatan ilaa qiyaamaha dad iyo dawladba.

Wa billahi tacaala altowfiiq..

C.M. Cabdalle
a_abdulla @thuraya.com
Dubai. UAE

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | May 17, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD