Ra'iisul
Wasaaraha Soomaaliya oo ka
badbaadey isku Day Dil....
Muqdisho: Saddex Qof ayaa
geeriyoodey markii miino lagu
qarxiyey mid kamid ah gawaaridii
soo galbinayey Ra'iisul wasaare
Geedi....
War
Degdeg ah::: Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee Soomaaliya, Cali
Maxamed Geeddi, ayaa maanta (Isniin
Nov 6) ka badbadey qarax
bombaano oo lala beegsaday
gawaaridii waftiga Ra'iisul
wasaaraha oo maanta soo gaarey
Magaalada Muqdisho.
Wararka ugu horeeya ayaa sheegay
in saddex qof geeriyoodey,
tobaneeyo qof oo kalena ay
dhaawacmeen, kaddib markii
bombaanadaasi ay haleeshay mid
kamid ah gawaaridii waftiga
kasoo gelbinayey garoon u dhow
magaalada Muqdisho. Ra'iisul
wasaare Geeddi waxa uu kasoo
kicitimay magaalada Jawhar oo ah
xarunta Kumeelgaarka ah ee DFKMG. Maxamed Cali "Americo" oo ah
sarkaal ka tirsan xafiiska
ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu
sheegay in ugu yaraan labo qof
ay dhinteen, 12 qofna ay
dhaawacmeen, waxana uu intaas ku
daray in ra'iisul wasaare uu
weerarkaas ka badbadey, oo uu
caawa ku negaan doono Muqodisho.
[Warar kale ayaa sheegay in shan
qof ay dhinteen,
dhaawacuna garayaan labaatan qof]
Dhaawacii iyo dhimashadii qaraxaas waxaa la geeyey hoteelka
Ramadaan ee magaalada Muqdisho.
Weerarkan bombano waxa uu ka
dhacay meel u dhow hotel
Ramadan.
Ilaa hadda ma jiraan cid
sheegatay qaraxaas in ay ka
dambeeyeen.
Warar ayaa tibaaxay in waftiga
marka hore lagu soo tuuray
bombaano gacanta laga tuuro,
kaddibna ay qaraxday bombaano
kale oo dhulka lagu sii qariyey.
Waxaana miinadaasi haleeshay mid
kamid ah gawaaridii waftiga,
waxaana wararka ugu horeeya
tibaaxeen in dadka geeriyoodey
uu kamid yahay nin kamid ah
waardiyayaasha khaaska ah ee
Ra'iisul wasaaraha.
Gaariga qarxay waa gaarigii ka
dambeeyey gaariga uu saaraa
Ra'iisul wasaare Geeddi, sidaas
waxaa yiri
Cali Nuur Sahal oo gacan yare u
ah ra'iisul wasaare ku xigeen
Xuseen Caydiid.
Xuseen Caydiid waxa uu kamid ah
madaxdii Cali Maxamed Geeddi
kusoo dhoweeyey garoonka
Muqdisho, waxana uu Xuseen
Caydiid la socdey gawaarida
qaraxa lala beegsaday.
Xubnaha kale ee DFKMG ee
Waftiga Ra'iisul wasaaraha waxaa
kamid ah:
Saalim Caliyoow Ibroow (wasiirk
amaaliyadda), Cabdallah Deerow Isaaq
(wasiirka Dastuurka DFKMG),
Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad
(Wasiirka Waxbarashada),
Cabdrisaaq Cismaan Juurile (wasiirka
qorsheynta),
Mudane Ibraahim Cali Xaafuun "jeebo"
(wasiiru dawlaha arrimaha dibada),
Salaad Cali Jeelle
(wasiir kuxigeenka warfaafinta),
Xildhibaan Caraale,
Xildhibaan C/laahi Geedi Shadoor
iyo
madax kale.
Qaraxyadaas ka dib waxa uu Cali
Maxamed Geedi khubad u jeediyey
dadweyne farabadan oo ku sugayey
madaxtooyadii dawladii Siyaad
Barre ee Villa Soomaaliya,
waxana uu dad weynaha u sheegay
in aan loo xayirnaan doonin dad
aan dan ka lahayn Soomaaliya.
Geeddi waxa uu yiri waxaan Xamar
u imid in aan arko madaxda (labada
gole) ee kujira DFKMG ee ku
sugan Xamar.
Bishii May ee sannadkan
2005 ayey
ahayd markii bombaano lagu
qarxiyey Muqdisho, Bomkaasi
wuxuu ku qarxay Garoonka
Ciyaaraha Muqdisho oo uu markaas
ka khudbaynayey Ra'iisul
wasaaraha DFKMG, waxaana ku
dhintay 10 qof, waxaa dhaawacmay
28 qof..[
Eeg halkan... ]
Warar dheeraad ah:::...
Qarax lala beegsaday safarkii
Ra段sul Wasaare Geedi ee
Muqdisho..
Isniin
Nov. 7 2005: Maalintii
shalay ahayd aya Garoonka
Cisaley waxaa ka soo degay wafdi
uu hoggaaminayo Ra段sul Wasaare
Cali Geedi waxaana halkaasi ku
soo dhaweeyay qaybaha kala duwan
ee bulshada iyo waliba Ra段su
Wasaare ku xigeenka ahana
Wasiirka Arimaha dibadda
Dowladda Federaalka Xuseen
Max弾d Faarax Caydiid wuxuuna
salaan sharaf ka qaatay ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed.
Ra段sul Wasaaraha
markii ka soo dhaqaaqay garoonka
Cisaley ayaa kolonyadii waday
mar ay marayaan meel ku dhow
Shineemo Puntland kuna toosan
wada Hotel Ramadaan ayaa gaari
ka mid ah Gawaaridii la socotay
Ra段sul Wasaraha waxa uu la
kulmay qarax aad u weynaa waxa
uuna qaraxaasi uu sababay in ay
halkaasi ku dhintaan ilaa iyo
9-ruux ayna ku dhaawacmaan dhowr
iyo toban qofood.
Saddex gaari ayuu
saameeyay qaraxaasi, wuxuuna
markii uu qaraxaasi dhacay
kolonyadii Baabuurta ee la
socotay Ra段sul Wasaaraha ku
dhacay kala firxad iyo anfariir
iyadoo gaari kasta meeshii uu ku
toosnaa uu afka saaray.
Goobta uu ka dhacay
qaraxaasi oo uu qariyay qiiq aad
u weynaa ayaa wafdigii la socday
Ra段sul wasaaraha gaareen Hotel
Ramadaan, waxayna halkaasi kula
kulmay qaybaha kala duwan ee
bulshada, hase yeeshee Ra段sul
Wasaaruhu waa uu diiday in uu
wax war ah siiyo saxaafadda waxa
uuna u dhaqaaqay dhinaca filla
Soomaaliya halkaasoo ay ku soo
dhaweeyeen taageera-yaasha
sibahaysiga SNA.
Hadal kooban oo uu
halkaasi uga jeediyay Ra段sul
Wasaaruhu waxa uu sheegay in uu
Muqdisho u yimid in uu ogaado
xaaladda Nabadgelyada ee
Magaalada iyo furitaanka
xafiiska ay ku howlgali doonto
Dowaldda Federaalka ah.
Ra段sul Wasaaraha
waxaa la socday wasiirka
maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow,
Wasiirka Dastuurka Cabadla
Deerow Isaaq, Wasiirka
Qorsheynta C/risaaq Cismaan
Jurile, Wasiirka dhulka iyo
deegaanmeyta Mowliid Macaane
Maxamuud, wasiiru-dowlaha
arrimaha dibadda Cusmaan Jeebo,
Wasiir ku xigeenka warfaafinta
Salaad Cali Jeele, iyadoo
qaraxaani uu yahay qarixii
labaad ee uu Ra段sul Wasaruhu la
kulmo waxaana qarixii kan ka
horeeyay dhacay bishii May 3-dii
Ilaa hadda lama garanayo nooca
qaraxaasi ,hase yeeshee warar
ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa
Miino Meel fog laga hagayey
warar kale ayaa sheegayey in
qaraxa uu ahaa Bam Gacmeed lagu
tuurey gaari la socdey wafdiga
Geedi warar kale ayaa sheegaya
in qaraxu uu ahaa Qoriga
Baasuukaha oo lala beegsdey
gawaaridii la socotey Raiisul
Wasaaraha .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk.com | Reuters, AP | Nov 6,
2005