SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - COLUMBUS, OHIO

Habeenkii Hormarinta waxbarashada Gobalada Gedo Iyo Galguduud oo si wanaagsan u qabsoomay....

Reer Columbus, Ohio oo Horumarinta waxbarashada Gedo & Galguduud ugu deeqay $64,000 oo Doolar...

 
Kulan aad u xiiso badan ayaa xalay (Nov 27, 2005) lagu qabtay magaalada Columbus gobal Ohio ee dalka Mareykanka. Kulankaan oo loogu magacdaray Habeenkii Hormarinta waxbarashada Gedo iyo G/guduud ayna soo  agaasimeen muddo dheerna ay ku qaadatay soo qabanqaabadiisa ururka Somali Association of North America ayaa ujeedadiisu ahayd in lacag gaaraysa $70,000 oo dollar Mareykanka lagu uruuriyo si loogu fuliyo mashaariic lagu hormarinayo waxbarashada gobaladaas.

 Galguduud Somalia

 
Kulankaani oo si wanaagsan loo soo agaasimay siweyna looga soo qaybgalay  ayaa waxaa ka hadlay aqoonyahano ,culumaa`udiin, ganacsato, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin kakala yimid gobolo kala duwan Mareykanka iyo Canada ah oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimada ay waxbarashadu leedahay iyagoo kaqaybgalayaashii kulanka ku booriyay inay u istagaan sidii ay u tageeri lahayeen dhalaanka Soomaaliyeed ee wabarasha la`aanta ku haysta gudaha dalka Soomaaliya.
 
Gudoomiayaha jaaliyada Soomaalidda Colombus Xassan Cali Cumar oo kulanka furay ayaa ugu horeentii mahad balaaran u soo jeediyay aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta goobaha fog fog sida Canada iyo gobolo Mareykanka ah kasoo baqoolay,wuxuuna warbixin kooban ka bixiyay Soomalidda ku nool gobalka Ohio gaar ahaan magaalada Colombus. Xassan wuxuu sheegay in 11 Milyan oo ruux ay ku nool yihiin guud ahaan gobalka Ohio, 712,000 oo kamid ah ay ku nool yihiin magaalada Colombus, 1300,000 oo dadka madow ay ku noolyihiin gobalka ohio iyadoo 35,000 ilaa 40,000 oo Soomaali ah ay ku noolyihiin magaalada Colombus. Gudoomiyaha oo warbxintiisa sii wato wuxuu yiri waxaan markii ugu horaysay booqosho ku imid magaalada Colombus sanadkii 1995 tii waxaa ku nolaa 30 qof, sagaal caruur ah ayaa iskuulada aadaysay mana jirin wax ganacsi ah oy Soomaaliddu ku lahayd Colombus. Maanta  Goobaha ganacsi ay Soomalida ku leedahay magaaalda Colombus waxay gaarayaan 215 goobood oo isugu jiro dukaamo yar & kuwa waaweyn, gas station iyo xarumo waaweyn oo ganacsi sida kuwa  loo yaqaano Malls. 7,000 oo caruur ah ayaa aado iskuulada dadweynaha Colombus, 1300 oo dhalinyara ah ayaa wax ka barta Ohio Satate iyadoo 7,000 oo Soomaali ah ay yihiin dad canshuur bixiyayaal ah. Wuxuu kaloo sheegay in dadka Soomaalidda oo Colombus yimid oo aan luuqada Ingriis horay ugu fiicnayn ay boqolkiiba kontan(50%) ay luuqada Ingriiska ku hadlaan iyadoo 5% ay ku hadlaan luuqad  ay ku shaqaysan karaan. Soomaalida waxay magaalada kaga noolyihiin waqooyi barri iyadoo boqolkiiba lixdan iyo shan(65%) ay ku nool yihiin guryaha ay dowladu siiso dadka dhaqaalahoodu hooseeyo ayuu yiri Xassan.

Somalia Gedo

 
Waxaa sidoo kale goobtaasi ka hadlay Dr.C/rixmaan Jaamac Barre oo muddo dheer ahaa wasiirkii arrimaha dibadda dowladii marxuum Max`ed Siyaad Barre. Wuxuu yiri” waxaan booqday Soomaaliya waxaana kala soo laabtay calool xumo kadib markaan soo arkay boqolaal caruur soomaaliyeed oo aan wax mustaqbal ah haysan halkaas waxaa ku lumay jiil dhan oo qaarkood macaluul iyo gaajo u leday, qaarkoodna dagaaladii ehliga loo adeegsaday oo ay ku wayeen xubnahoodii qaaliga sida indhaha,luga intii soo hartayna ay ku dayacanyihiin gudaha dalkii oo aysan kuhaysan waxbarasho iyo mustaqbal toona.
 
Maxamed Weli Faarax ayaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay wuxuuna ka warbixiyay shir loogu gogal xaarayay kulankii xalay  oo qaatay muddo labo iyo taban saac ah kaas oo ay ka qaybqaadanayeen aqoonyahano badan oo isla jeexjeexay  qodob dhowr ah  oo ay ka mid yihiin nabadgaliyada, Qaabkii loo mideen lahaa ilaha dhaqaalaha iskuulada Gedo iyo G/guduud wax kasoo galaan, arrimaha bulshada, mamulka oo uu soo hoosgalayo helitanka manhaj midaysan oo ardaydu wax ku barato, samaynta guddi waxbarasho oo ka dhisan waqooyiga America oo xiriiro la sameeyo ururada aan midaysnayn ee tageera iskuulada Gedo iyo G/guduud. Dood dheer iyo falaqayn kadib wuxuu Weli sheegay in si buuxda aqoonyahandii ay isugu raceen ku dhawaaqida urur cusub oo la yiraahdo Somali Development Foundation oo badalayo kii horay u jiray ee Somali Association of North America. Ururkaan wuxuu ka koobanyahay 27 xubnood oo toban ka mid ah ay dumar yihiin. 
 
Waxaa sidoo kale madashii xalay ka hadlay Prof. Warsame Xassan Cali oo wax ka dhiga jaamacad Houston gobalka Taxes ee dalka Mareykanka  oo ka hadlay dowrka jaaliyadaha dibadda ay ku leeyihiin taageerida iyo hormarinta waxabarashada dalka. Wuxuu wax laga naxo oo nasiib darra ah ku tilmaamay waalidiinta fursada u helay in ay caruurtooda iskuulo u aadaan ay hilmaamaan caruur laga yaabo soomaalinimada kasakow inay caruurtooda qaraabo la yihiin ay hilmaamaan jahliga iloobaana masuuliyadii bulsho ee saarnayd.
 
:::JAAMACADDA HIIRAAN:::
Somalia
Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar.. Guji
Ugu danbayntii waxaa maykarafoonka lagu soo dhaweeyay Sh.Adan Sh.Cabdulle oo gudagalay muhiimadii kulanka loo qabtay oo ahayd lacag uruurin tasoo dadkii kasoo qaybgalay kulan ay isugu qoreen laga bilaabo $2,000 ilaa $100, waxaana lacagtaasi ay gaartay $64,000. 
 
C/risaaq Cali Adam(Jeesteeye)
Ganaane2002@yahoo.co.uk 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD