Gabagabada
kulan cilmiyeedkii koowaad ee Muqdisho

Waxaa caawa oo ay
taarikhdu tahay 1/shacbaan 1426 Hijriga oo ku
began 5/09/2005 Lagu Soo gabagabeeyay
masjidka weyn Alraxiim ee xaafada Towfiiq
Kulan cilmiyeed diini ah oo ah kii ugu horeeyay
ee noociisa ah oo muqdisho lagu qabto, xafladdii
gabagabadana waxaa ka soo qayb galay culimo
salaadiin ganacsato qalabka warbaahinta iyo
qeybo kale oo ka tirsan bulshada reer muqdisho.
Kulan cilmiyeedkaan oo Socday Mudo 10 cisho ah
waxaa lagaga hadlay duruus cilmi ah oo ay ka mid
ahaayeen
-
1-
Ujeedooyinka shareecada
-
2- Dilka
qofka muslimka ah
-
3-
Tawxiidka
-
4- Xumaanta
Dulmiga
-
5- Raacista
Nabiga
-
6- Xumaanta
qabyaaladda
-
7- Xiriirka
bulshooyinka( al walaa walbaraa)
-
8- Ku
dhaqanka shareecada
-
9- Ka
fogaanshaha fuxshiga
Waxaa kale oo
dhinac socday duruusta fataawo ay culimadu kaga
jawaabayeen su’aalaha dadweynaha oo qaarkood ay
ka imanayeen gobolada paltalkga iyo waliba
masaajidda muqdisho oo dadweynuhu ay si toos ah
ugala socdeen duruusta ka baxaysay kulan
cilmiyeedka.

Culimada duruusta
iyo fataawaha ka qayb qaadatay waxay ahaayeen:
-
1- Sh.
Max’ud M. Nuur
-
2- Sh. C/raxmaan
Sh. C/laahi
-
3- Sh.
Max’ud Ciise Max’ud
-
4- Sh.
Yuusuf Max’ed Cilmi
-
5- Sh.
Axmed max’ed Suleymaan
-
6- Sh.
Cumar Iimaan
-
7- Sh.
Max’ed Yaasiin C/waaxid
-
8- Sh. C/qaadir
yuusuf Cismaan
-
9- Sh. C/raxmaan
Max’ud Faarax( janaqow)
-
10- Sh.
Max’ud Axmed Xasan (abuusheyba)
-
11- Sh C/llaahi
Maxed Cali (hiiraan)
-
12- Sh C/llaahi
Maxud Ciise
-
13- Sh C/llaahi
Cumar Nuur
Ujeedooyinkakulan
cilmiyeedkan waxaa ka mid ahaa :
-
1- In ay
gudato culumada waajibka ka saran faafinta
cilmiga
-
2- Wacyi
galinta bulshada iyo koru qaadida aqoontooda
diineed.
-
3-
Ladagaalanka dhaqanka iyo anshaxa xun.
-
4-
Sixintaanka Waxyaabaha ka qaloocan bulshada
diin ahaan.

Kulan Celmiyeedkan
Waxay dadweynuhu Si Toos Socdeen Ideecadaha
Magaalada Muqdisho Sida ,Ideecada Quraanka ,Ideecadda
Shabeele ,Ideecada Codka Caasimada ,Ideecadda
Iqra sidoo Kale waxay Kala Socdeen Ideecadaha
Gobolada sida idaacadda Darban ,iyo Hiiraan oo
ka hawl gala magaalada baladweyne iyo buule
barde,Baydhabona waxay kala socdeen Idaacadda D
m C. Khadaka Teleefanada waxaa Lagala Socday
magaalooyinka: Kismaayo ,Markan ,Cadaado ,Gaalkacyo.Dhuusa
Mareeb ,Jalalaqsi. Khadka Internetkana waxaa
lagala socday qolka Cinwaankiisu Yahay Somaali
Islaamic Ahlu Sunnaha Waljamaaca.
Socodsiinta
kulancilmiyeedka waxaa ka qayb qaatay oo gacan
ka geystay Shirkadaha Isgaarsiinta Gaar’ahaan
shirkadaha Hormuud Telcom ,iyo Telcom
Somalia,iyo shirkadaha xawaaladaha,waxaa iyana
ka qayb qaatay shirkadda ganacsiga union, iyo
dadweynaha reer muqdihso qaybihiisa kala duwan
Kulancilmiyeedkan
oo hal ku dhaggiisu ahaa aayadda qur’aanka ah :
(Åä
Çááå áÇ íÛíÑ ãÇ ÈÞæã ÍÊì íÛíÑæÇ ãÇ ÈÃäÝÓåã)
waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska dcwada iyo
tarbiyada soomaliya.



Gabagabadii
kulanka culimadii ka qaybqaadaty waxay soo
saareen bayaankan hoos ku qoran:
Bayaanka kulan
cilmiyeedka sharciga ah ee Muqdisho
Annaga oo ah
culimada Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay kulan
cilmiyeedka diiniga ah ee koowaad oo ka dhacay
Muqdisho 23/7 – 1/08/1426H oo ku
beegan 27/08 – 04/09 2005 waxaan gebagabada
kulankaan ugu baaqaynaa bulshada Soomaaliyeed
arrimahaan soo socda:
1.
Inay ku toosnaadaan oo ay ilaashadaan Tawxiidka
Alle ku sharfay, ayna ka fogaadaan shirkiga,
isla markaana ay si buuxda u raacaan Rasuulka (NNKH),
oo ay ka fogaadaan bidcada iyo waxyaabaha
diinta lagu kordhiyay.
2.
In Alle loo noqdo, si dhab ahna looga toobad
keeno dhammaan dambiyada.
3.
In ay ku dhaqmaan diinta islaamka, taas oo
saldhig u ah horumarka bulshada iyo xallinta
dhibaatooyinka haysta.
4.
In laga fogaado shirkiga,bidcada , dulmiga ,
fisqiga, fuxshiga iyo anshax xumada horseedday
in ummadda diinteedii iyo akhlaaqdii
wanaagsanayd la garab maro.
5.
In ummadda Soomaaliyeed ay ka hortagto cid kasta
oo xumaan iyo fasaad ku dhex wadda meelna looga
soo wada jeesto ka hortegidda dulmiga iyo
xumaanta noocay doonto ha ahaatee , kaas oo
waajib diiniya ah.
6.
In la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo
qaraabannimo ee ka dhexeeya shacabka
soomaaliyeed lana adkeeyo iskaashiga iyo wax
wada qabsiga , waana in si deg deg ah loo
joojiyo colaadaha iyo dagaallada xaaraanta ah ee
halakeeyey ummadda soomaaliyeed.
7.
In culimada , odayaasha iyo waxgaradka ummaddu
ay u guntadaan nabadaynta iyo dib –u -heshiisiinta
shacabka soomaaliyeed .
8.
In la joojiyo xaalufinta dagaanka iyo dhirta la
jarayo iyada oo loo badalayo dhuxul la
dhoofinayo , taas oo khasaare ku ah nolosha
dadka iyo dalka.
9.
In laga hortago si wadajir ah gardarada iyo xad
gudubka shisheeyuhu ku hayo ummadda laguna
baraarugo shirqoollada dahsoon iyo kuwa muuqda
ee la maleegayo waana inaan loo dheg taagin
dacaayadaha iyo kutiri ku teenka lagu
bannaysanayo dadka iyo dalka soomaaliyeed .
10.
In laysku tashado loona istaago dayactirka iyo
hagaajinta adeegyada bulshada iyo danta guud
sida : isbitaalada, wadooyinka, iskuulada ,
jaamacadaha, dekedaha iyo ayriboorrada.
11.
Waxaan si gaar ah u soo jeedinaynaa in la furo
dekeda iyo garoonka Muqdisho iyadoo la fiirinayo
baahida bulshada Soomaaliyeed , dadkuna
arrinkaas meel uga soo wada jeestaan ,waayo lama
garowsan karo in kuwii caasimaddu xannibnaadaan
iyadoo dekadihii iyo airaboorada dalkoo dhan
furan yihiin .
12.
xorriyatul qawlka habka reer galbeedku qabo waa
mid khilaafsan mabaadi’da iyo akhlaaqda ummadda
muslimka ah , wuxuuna la macna yahay in qofku
diinta islaamka ka bixi karo oo gaaloobi karo ,
tiisa inuu ku dhaqmana loo oggolayn , waxaana
mawduucaas naga kaafinaya ku dhaqanka shareecada
islaamka .
Waxaa Saxiixay
Bayaankan Culumada Soo socoto:
-
1-Sh. C/llaahi
Maxamud Ciise _____________
-
2- Sh. C/llaahi
Cumar Nuur_______________
-
3- Sh.
Maxamuud Ciise Maxamuud_________________
-
4- Sh. Maxed
Yaasiin C/waaxid____________
-
5- Dr. Yuusuf
Maxamed Cilmi___________________
-
6- Sh. Maxamuud
Macalin Nuur__________________
-
7- Sh. C/raxmaan
Faarax Maxamud (Janaqow)_______________
-
8- Sh. Axmed
Maxamed Sulaymaan _____________
-
9- Sh. C/laahi
Maxamed Cali (Hiiraan)-----------------
-
10-Sh. C/raxmaan
Sh. C/laahi Cumar---------------------
-
11-Sh.
Maxamuud Sh. Axmed Xasan Abuu Shayba--------------
-
12- Sh. C/qaadir
Yuusuf Cismaan.
-
13- Sh. Axmed
Bile Xasan _________________________
-
14- Sh. C/fitaax
Xasan Axmed_________________
Wabillaahi-Tawfiiq
Muqdisho –somalia
5/09/2005
xafiiska dacwada
iyo tarbiyada soomaaliya
dacwah@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com |Sept 6, 2005