Booqashadii 
									SomaliTalk.com ee Kuliyada Waxbarshada 
									Macalimiinta Garoowe iyo Booqashadii 
								Isbitaalka Garoowe.
									Booqashadii 
									Kuliyada Waxbarshada Macalimiinta Garoowe.
									
									SomaliTalk.com | Garoowe, Soomaaliya | Jan 
									19, 2006
									
									
									Dhismaha Machadka Waxbarashada Macalimiinta 
									ee Kuyaal Garoowe
									Kuliyada 
									Waxbarashada Macalimiinta waxaa laga furay 
									Magaalada Garoowe waxaana loogu tala galay 
									in laga soo saaro Macalimiin wax ka dhigta 
									Iskoolada Puntland. Kulliyada waxaa la furay 
									13 Nov 2005 sida uu SomaliTalk.com u sheegay 
									Prof: Cabdirisaaq Shoola oo Maamule ka ah 
									Kuliyadaa, sida uu sheegay Maamulaha 
									Kuliyada waxaa la dhisay Labo sano ka hor 
									waxaana dhisay hay'ada Diakonia. Sida uu 
									sheegay Maamulaha waxaa kalifay in hada la 
									furo waxaa loo helay Dhaqaalihii lagu wadi
 lahaa Kuliyada.
									
									
									
									Gudaha MachadkaWaxbarashada Macalimiinta 
									Garoowe.
									Kulliyada 
									Macalimiinta Garoowe waxaa ay ka koobantaay 
									Toban Lab-ka Sayniska iyo Lab-ka Computar-ka 
									Hool Shirarka, Xafiisyada Maamulaka iyo 
									Maqaayad.
									
									
									
									Prof.Cabdirisaaq Shoola oo ah Maamulaha 
									MacadkaWaxbarashada Macalimiinta Garowe
									Maamulaha 
									mar aan wax ka waydiinay xiliga looga Qalin 
									jabinayo iyo Ardayda ay Qaadan karaan ayuu 
									waxa uu ii sheegay in xiligu yahay Labo Sano 
									ayna gaarsiin doonaan ilaa Afar sano, 
									ardayda ay qaadan karaana ugu badnaan tahay 
									100-110 lakiin hada ay qaateen arday 
									gaaraysa 71 arday oo buxisay shuruudihii 
									loogu talagalay.
									
									
									
									Prof. kahadlaya Kaalinta Dhalinyarada ay 
									kaga Jirto Waxbarida Ummada
									Machadka 
									waxaa kula kulay Macalimiin ka soo baxay 
									Jaamacadaha Dibada oo ay ka md tahay 
									Jaamacada Urdunman ee Suudaan.
									Kuliyada 
									ayaa Maamul ahaan hoostagta Gudi laga soo 
									xulay Mamulka Wasaarada Waxbarshada DGPL, 
									Hay'ada Dhistay iyo tan Maalgalisay oo kala 
									ah Diakonia iyo SIDA. Gudigaa ayaa waxaa 
									Madax u ah Wasiirka Waxbarashada DGPL.
									
									Kuliyadaan 
									ayaa dhiirigalin wanaagsan u noqonaysa 
									Maclimiinta iyo Waalidiinta aadka uga 
									Qayliya Macalimiin aan Tababarnany oo wax u 
									dhiga Caruurtooda.
									
									
									
									Dhismaha Jaamacada Puntland ahna Macadka 
									Maamulka iyo Maareynta Garoowe
									Waxaa isla 
									kuliyada Waxbarshaada laga furay Jaamacada 
									Bariga Afrika ee Boosaaso oo hada socota 
									Mudo Afar Bilooda oo ay dhigtaan Arday aad u 
									badan
									
										
											|  Aradayda Gabdhaha ee 
											MachadkaWaxbarshada Macaimiinta 
											Garoowe
 
  Macalin kamida Machadka Macalimiinta 
											Garoowe oo Dhiga maadada Xisaabta 
											iyo Computer-ka
 
 |  Aradyda Wiilasha 
											MachadkaWaxbarshada Malimiinta 
											Garoowe
 
  Ardaydii oo Fadhida ComputerLab ee 
											Machadka
 |