SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


 
Wararkii Caalamka ee Dec 29, 2005:
  • Mahdi Dheere: "Waxaan dacwad ku soo oogeynaa haweeneydii ka tirsaneyd laanta socdaalka Sweden"
  • Tirada dadka soomay cunta ee ku xiran xabsiga Guantanamo oo u korortay

Mahdi Dheere: "Waxaan dacwad ku soo oogeynaa haweeneydii ka tirsaneyd laanta socdaalka Sweden"

 
Mudane Mahdi Dheere oo ah gudoomiye ku xigeenka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa sheegay iney dacwad ku soo oogayaan haweeneydii katirsaneyd laanta socdaalka Sweden oo qoraal ay hada ka hor qortay  ku sheegtay Soomaalida Sweden dad cuduro faafiyaal ah, islamarkaasina aan sugneyn dhalashooda iyo hadalo kale oo aan Soomaalida ku habooneyn.
 
Mahdi dheere oo maanta qadka taleefanka kula sheekeystay ayaa ii sheegay iney sidaas go'aan ku gaareen isaga iyo xubnaha kale ee ka tirsan isbaheysiga oo xaruntoodu tahay magaalada Stockholm. Mahadi Dheere ayaa hadalkiisa  siiwata ayaa intaas ku daray in dacwada lugu soo oogayo haweneydaasi ay u gudbin doonaan hey'ada ka hortagta midabtakoorka ee la yiraahdo DO, waxaana raad raac lugu sameyn doonaa buu yiri dhamaan hadaladii qalifsanaa ee ay haweeneydaasi qortay iyadoo ku aflagaadeyneysa qowmiyada soomaalida oo kamid ah ajaanibta kala duwan ee wadankan jooga.
 
Haweeneydan oo muddo haatan laga joogo 11 sanno hadalkaasi warqad ay ku qortay u dirtay haweeney kale oo iyadana la sheegay iney madax ka aheyd xerro qaxooti oo wadankan ku taala waxaana qoraalkaasi caadifada cambaarsan soo daabcay wargeyska maalinlaha ah ee Svenka Dagbladet, waxaana la sheegay in xilliga qoraalkaasi qortay ay aheyd waqti xisbiga talada wadanka hayeen xisbigii Garabka Midig ee (Moderat partiet-ka)  la oran jiray. Mana ahan baa la leeyahay mid waqtigan ka tirsan laanta socdaalka Sweden oo ay saxaafaddu isku dayeen iney  helaan si hadalkaasi ay tiri uga bixiso wax tafaasiil ah.Dhawaan ayaa lugu wadaa iney warsaxaafadeed ay kasoo qeyb geli doonaan dhamaan sxaafada gudaha ay qabanayaan Urrurka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed sida uu ii sheegay Mahdi Dheere.
 
Muddo haatan laga joogo toddobaad iyo bar ayaa wargeyska la yiraahdo Dagens Nyheter (daily News) qoray fadeexooyin la xirriira midabtakoorka iyo akhlaaq darrada ay ku dhaqmeen labo haween oo shaqaale ka ahaa laanta socdaalka Sweden ay dad ajanabi ah oo ay wadanka ka saareen u sameeyeen fanaatiyo iyo xafalado ay ugu faraxsan yihiin go'aanada ay dadka daruufeysan uga saareen dalkan Sweden. Dhac dhacdii ugu dambeysay ayaa wargeyska Svenska Dagbaladet soo qoray, fadeexadii ugu darneyd ee shaqaalaha laantaasi ku kaceen kadib markii haweeney sheeganeysay madax ay si ku talagal ah u aflagaadeysay dadka soomaalida oo ay ku sheegtay iney yihiin dad aan dhalashooda sugneyn caalamkana aan la socon cuduradana faafiya taasoo ay si weyn ugu careysiisay dhamaan mujtamaca soomaalida ee wadankan  Sweden ku nool.
 
      Tirada dadka soomay cunta ee ku xiran xabsiga Guantanamo oo u korortay
 
Sida ay sheegayaan qaar ka tirsan ciidama Mareykanka ee ku sugan xabsiga Guantanamo bay ee jasiirada Kuba ayaa dadka ku xiran xabsigaasi ee ka soomay cuntada tiradooda korortay muddo shan bilood gdahood kuwaasoo gaaray 84 ruux. Afhayeenka ciidamadaasi ninka la yiraahod  Col Martin ayaa sheegay in qeybta 46-aad ee xabsiga oo badi dadka u badan yihiin muslimiin laga soo qafaashay dagaalkii lugu qaaday dalka Afgaanistaan ay bilaabeen iney cuntada kasoomaan tan iyo markii laga soo laabtay ciiddii masiixiga Crismass-ka ee toddobaadkii hore.
 
Wararka laga helayo wasaarada gaashaandhiga dalkaasi ee Pentagon-ka ayaa sheegaya in xabsiga Guantanamo bay dadka jira ay cadadooda dhan tahay 500 qof, kuwaasoo 9 kamid ah ay ku sheegeen kooxaha argagaxisada halka kuwa kale aan weli wax dami ah lugu soo oogin lana saarin wax makamad ah. "Aad bey u kordheysa tirada dadka kasoo soomaya cuntada ee xabsiga ku jira" ayuu yiri Martin oo qadka isgaarsiinta isagoo joogo Guantanamo bay ugu waramayey wakaalada wararka ee Reuters.
 
Udoodayaasha kooxaha halkaasi ku xiran ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado sida loola dhaqmayo maxaabiistaas loo diiday xaquuqdoodi maxbuusnimo ee ay lahaayeen kuwaasoo ay dhibaato baaxad lihi heysato. Ciidamada ku sugan halkaasi ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in koox dhaqaatiir ah ay ay 32 maxabiista xabsigaasi ka soomay siyaalo kala duwan ugu quudiyeen tubooyin ay sanka iyo caloosha ka geliyeen balse waxaa ay ka gaabsadeen iney ka faalaadoodaan tacdiyada ay u geystaan maxaabiista  Martin oo arintaas ka hadlaya ayaa sheegay in siyaasada wadankiisa  tahay mid dhowreysa nolosha waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Qareenada u doodaya maxaabista Guantanamo ayaa sheegaya  tan iyo bishii Ogosto ee ina dhaaftay ay bilaabeen iney kasoomaan cuntada kuwaasoo u dhaanta iney gaajo u dhintaan nolosha ay ku nool yihiin ee ha dhiman hana noolaan ah. Tan iyo intii duulaanka hubeysan ee Mareykanka ku qaaday dalka Afgaanistaan Maxaabiista Guantanamo bay waxey halkaasi ku sugan yihiin afar sanno mana aaney helin cadaalad iyo maxkad la horkeeno si loogu soo oogo dwacd dembiga loo heysto. 
 
                         Dabgaaleyaal dilay eey
                                      Ila qosol.....!!
Malaha markaan dhigan jirnay dugsiyadii dhexe ee xilligii nabada ayaa nalooga sheekeyn jirtay sheekooyinka carruurta oo aad u xiiso badaneyd. Sida dawaco baa ka caqli badisay dameer ama dabagaale iyo mas baa is aroosay iwm. Bal kawarama maanta haddii la yiraahdo dabagaale ayaa eey dilay ? Waxaa dhici karta in qaarkeen runsan waayaan oo ay dhahaan talow  sidee ku dhacday sheekadan isku awood maba ahane,sideese dabaale eey u dilikaraa?? ......Bal ila eega sheekadan qosolka leh!!
 
Eey baa wax dila oo dadka cuna iska ilow hadeyba maanta tani dhacday!. Dalka Ruusha ayaa waxaa ka dhacay dagaal aaney waxba iskula harrin habar dugaagtii jootay qaarkood waxaana uu dhexmaray koox dabagaale yaal careysan iyo eey warjira moog ah.
Waxey aheyd maalin kasii horeysay maalinta ay u dabaaldegaan masiixiga ee la yiraahdo Crismass Eve in geed meel ku yaal bartamaha magaalada Moskova ee dalka Ruusha uu eey warjiro moog ah isagoo dareensan in geedkan korkiisa saaran yihiin ama ay ku dhuumanayaan dabagaalayeel qeylo dhagaha uga jiray isagoo siddii caadada aheyd lugu yaqiinay "Wuuhuhhuh" ku yiri dabagaalayaashii geeska saarna. Maxaa ka raacay hee?? Mid kamid ah dabagaalayaalkii ayaa soo dagay isagoo u habar wacday dhibsadayna qeylada eeyga kooxkdii kale ee geedka kula jirtay dabadeedna iyagoo careysan tuuryo roobka uga dhigay mirihii ay cunayeen qolfihiisi halkaasina daqiiqado gudahood maqaarkaga kaga dhigay eeygii qeyladiisa laga joogi waayey halkaasna ku qur baxay..."Miskiin miro qarre!!" halkiina ka cararay iyagoo afka ku sita hilibkii eeyga ay cadba mar jar jareen.Warbixintan waxaa qoray wargeyska Komsom.
Sidoo kale warbixin uu dhawaan isla wargeyskaas qoray ayuu ku sheegay in kooxdan dabagaaleyaalka ah ay weeraro argagaxiso ku soo qaadeen bissado deegaanka ka tirsan kuwaasoo xaafadiiba ka dhigay midey ka hayaameen bisadihii oo cabsi awgeed. Xeel dheere Ruushan ah oo magaciisa la yiraahdo Mikhail Tijunov ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay weerarka ay dabagaalayaashu ku soo qaadeen eeyga balse wuxuu sheegay iney taasi ugu wacan tahay marka uu ku yaraado Lowska iney tamar ka raadsadaan hilibka eeyaha, kuwaasoo lugu ogaa buu yiri iney shimbiraha geedaha saaran ugaarsadaan.

WARARKII ADDUUNKA EE DEC 27:

Nin soomaali ah iyo kuwo kale oo maxkamad Kuweyt ku taal amartay in la soo qabto 

Shirkada  Taleefanada Mobile-lee ee Sacuudiga oo joojisay in dadku codkoodku dhiibtaan tartan heesood oo ka socda Dalka Lubnaan
Rumeeniya oo markale laga helay Hargabka Shimbiraha

Nin soomaali ah iyo kuwo kale oo maxkamad Kuweyt ku taal amartay in la soo qabto

Magaalada Kuweyt ee xarrunta wadankaasi Kueyt ayaa maanta oo talaado ah waxey amartay in maxkamad la soo saaro 37 qof oo midkood yahay Soomaali kuwaasoo ay ku sheegtay iney kamid yihiin ururka Al Qaacida. Lix kamid ah dadkaas oo ah kooxaha Islaamiyiinta ayey maxkamadu ku sheegtay iney ka jirsan yihiin koox lugu magacaabo "Leyuutal- Jazeera" oo xirriir la leh Urrurkaasi oo taageerayaal badan ku leh dalka Sacuudiga iyo Ciraaq. Raggan maxkadmadu amartay in la soo qabto ayaa 25 kamid ah ay u dhasheen dalka Kuweyt halka kuwa kale ay ka kala yimaadeen dalalka, Soomaliya, Jordan, Sacuudiga iyo Austareeliya. Kuwa kale ee la tuhunsan yahayey ayey maxkamadu ku xukuntay xabsi u dhaxeeya afar bilood ilaa 15 sanno oo xarig ah oo midkood aqbalay xukunkaasi la fuliyey halka dhamaan intii kale ee la tuhunsanaa aysan xaadir ku aheyn maxkamada.

 
Toddobo kamid ah dadkaas ayaa wax dambi ah ku weysay maxkamadu waxaana kamid ah Shiikh Xaamad Cali iyo qareenka u doodaya kooxdan Usaama Manuur oo laftiisa dambiile laga dhigay ayaa sheegay in dadka la cafiyey ay kamid tahay haweeneyda uu ka geeriyooday Caamir Canezi oo isagu xabsiga ku dhintay bishii feberaayo ee sanadkan kana mid ah kuwa lugu eedeynayo falal argagaxiso.
 
"Al xamdu Lilaah waan ku kalsoona bari'inimadeyda marwalba waxaana runsanahay in xukunkaasi ahaa midaan sax aheyn, waxaana rajeynayaa in dadkaasi hubka qaaday ay heli doonaan xukun cadaalad ah" ayuu yiri Usaama oo qafka taleefanka ugu waramayey wakaalada wararka ee Reuters.
Kuweyt waxey kamid tahay dalalka ciidamada ugu badan ee Ameerikaanka ku sugan yihiin. 30.000 askari ayaa jooga dalkaasi 13.000 kamid kuwaasi waxey ku dhex nool yihiin dalka oo dhan. Tan iyo intii lugu qaaday dagaalka Ciraaq, Kuweyt si toos ugama nabadgelin weerarada kooxaha wax qarixiya waxaana ay kamid tahay dalalka kooxaha wax qarxiya tooshkoodu qabato.
 
Rumeeniya oo markale laga helay Hargabka Shimbiraha
 
 
Sida ay ku warantay wasaaraha beeraha dalkaasi ayaa markale cudurka loo yaqaano hargabka shimbiraha laga helay deego ka tirsan dalkaasi.Saraakiil xaga caafimaadka u qaabilsan ayaa maanta oo talaado ah daboolka ka qaaday in hargabkaasi shimbiraha laga helay tuulo 90 km u jirta bariga magaalada Bucharest ee xarrunta wadankaasi. Romeeniya. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in cudurkani laga helay goobaga digaaga luguxanaaneeyo taasoo ay saraakiishu ku sheegeen iney wel wel ka qabaan in cudurkani soo gaaro magaalada xarrunta ah ee Bucharest.
Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi oo bishii Oktoobar ee ina dhaaftay xaqiijsay in cudurkaasi meelo kamid ah dalkeeda laga helay ayaa sheegay iney u dirayaan qubaro soo baaro in sagaal goob oo bishii oktoobar laga helay kuwaasoo baaritaankooda loo qaadayo dalka Ingiriiska in goobaha digaaga lugu xanaaneeyo ee ku yaala gobolada barri laga soo sheegayo.
 
Ilaa iyo hada ma jirto wax tirakoob ah oo ay sameysay dowlada Romeeniya ee la xirriira cudurkan oo ay bani'aadamka uga soo gudbi karto shimabiraha duula waxaana ay ka digtay in shimbirahaasi duula had iyo goor ay cudurkan iyagoo xambaarsan u talaabi karaan xadka ay dhinaca koonfureed kala leedahay dalka Bulgaariya.Mana jirto baa laleeyahay waxyeelo dadka kasoo gaartay cudurkaasi  haleelay meelo ka baxsan qaarada Aasiya.
 
Shirkada  Taleefanada Mobile-lee ee Sacuudiga oo joojisay in dadku codkoodku dhiibtaan tartan heesood oo ka socda Dalka Lubnaan
 
Shirkada taleefanada gacanta lugu qaato ee la yiraahdo Mobile-lee ee dalka Sacuudi Careebiya ayaa gebi ahaanba mamnuucnay in dadka shirkadaasi taleefanada ka kireystay ama ka qaatay ay codkooda ka dhiibtaan barnaamij heesoodka loo yaqaan Star Akadamy oo haatan ah mid dunida carabta si xowli ah uga socda.
 
Dadka ayaa culimada diinta ee wadankaasi uga digay iney farriimaha qoraalka ee SMS loo yaqaan ku dhiibtaan codkooda waxaana ay sheegeen in taasi tahay mid Diinta Islaamka si weyn uga soo horjeeda. Barnaamijkan heesaha ah oo tartan faneed u dhaxeeya dhamaan dhalinyarada fanka jecel ee carabta ayaa waxaa martigeliyey oo suuragal ka dhigay inuu baaho Telefeyshinka LBC dayaxa laga daawado ee wadanka Lubnaan. Barnaamijkan oo kal hore la qabtay ayaa kaalinta koowaad waxaa ka galay fanaan soo shaac baxay oo dhashay wadanka Sacuudiga lana yiraahdo Hashaam Abdulrahaman ayaa la sjeegay in si weyn dhalinta dalkaasi u soo dhaweeyen markuu dalkiisa kula laabtay guusha uu soo hayey taasoo ay culimada diintu jecleysan hanaanka ay haatan dhalinta wadankaasi ku sii socdaan.
 
Ninka la yiraahdo Maxamuud Al gadani oo ah afhayeenka shirkadaas ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Ruters in go'aanka cod dhiibashaas lugu mamnuucayo ay gaareen kadib markii sanadkii ina dhaafay ay fadwo ahaan culimida diinta soo saareen, waxaana uu sidoo kale sheegay in barnaamijkaasi uusan asal ahaan mid ku wanaagsan hanaanka suugaaneed."Mararka qaar dhalinyarada oo gabdho iyo wiilal iskugu jira ayaa meel la isla dejinayaa wadciguna maahan mid qurux badan" ayuu yiri Algadani oo hoosta ka xariiqay in barnaamijkaasi diiniyan kaskokow uusan aheyn mid xagga aqlaaqda ku haboon.
 
Qeybta labaad ee tartan heesahan oo galay wareegiisi labaad ayaa dalka Sacuudiga waxaa uga qeybgalaya labo dhalinyaro oo la sheegay in da'doodu u dhaxeyso 19 ilaa 21 jir kuwaasoo haatan ku xareysan xarrumo loo sameeyey oo ay gabdho iyo wiilal kuwada jiraan kuwaasoo dhamaantood ka kala yimid dalalka Carabta ee barnaamijkan si weyn u xiiseynaya.
Algadani oo weli ka faaloonaya qasaaraha maaliyadeed ee shirkooda u imaneysa hadey go'aankaasi fuliyaan oo sanadkii hore sii sheegeen in dhawaan dhaqan geli doono ayaa xusay in qasaaraha maaliyeed aanu xagooda waxba aheyn marka loo eego sumcad xummada uga iman karta qeybaha kala duwan ee bulshada Sacuudiga oo si weyn haatan u dhaliishan barnaamijkaas loo arkof idnada .

Maanta iyo caalamka Dec 26, 2005: 

  • Dunida oo maanta u baroordiiqday dadkii ku geeriyooday musiibadii Tsunaami
  •   Liibiya oo xukunkii dilka ahaa ka joojisay dad faafiyey cudurka halista ah
  • Iiraan" Howlaheena barnaamijka Nukliyeerka uma baahna ogolaansho"
 
Dunida oo maanta u baroordiiqday dadkii ku geeriyooday musiibadii Tsunaami
 
 
Eheladii dadkii ku geeriyooday badgariirkii Tsunaami ee sanadkii hore ku dhiftay qaarada Aasiya ayaa maanta siyaalo kala duwan ugu baroordiiqay dadkoodii maal moodba lahaa ee mowjahadahaasi la tageen. 
 
 
Sanadkii hore maanta  kale oo waxey aheyd maalin dareenka dadka si weyn u badalmay kadib markii musiibo Rabbaani ah ay gunta hoose ee badweynta Hindiya  ka dhacday dhul garriir sababay in baddu ooddu jabsato dabadeedna ay fatahdo. Jaziirada Sumarta ee wadanka Indoonisiya ayaa ah meeshii xudunta u aheyd dhul garriirkaasi lugu qiyaasay 9 riktar oo ah halbeegga lugu cabiro dhul gariirada.
Bad garriirkaasi ayaa waxa uu soo kiciyey mowjado xoogan oo ku socday xowli dhan 34 mirtir kuwaasoo qarqiyey magaalooyin, tuulooyin ku yaala min qaarada Aasiya ilaa geeska Afrika oo ay Soomaaliya ugu waxyeelo badneyd dalalka geeska Afrika. Waxaa la runsan yahay in 200.000 guud ahaan dadkii ku dhintay musiibadaasi ay cadadoodu gaareyso. Dadkii ku waayey qaraabadooda ayaa maanta halkaasi ku sugnaa waxeyna u duceynayeen dadkoodi ay waayeen.
 
Gobolka Aceh ee dalka Indooniya oo waxyeeladii ugu badneyd  soo gaartay ayaa gebi ahaanba dadka dalkaasi hal daqiiqo u aamusay saacaddu markey aheyd 8.16 arroornimo xiliga magaaladasi ay ku dhiftay mowjadahihii ugu horeeyey Tsunaami ee cartamayey.
Boqolaal reer galbeed ah ayaa halkaasi tagay iyagoo dadkoodi ugu baroordiiqayey goobii ay ku dhinteen. Madaxweynaha Srilaanka ayaa iyaduna gaartay goob la sheegay in tareen ku qalibay.Waxana uu bad garriirkan noqday kii ugu weynaa ee abid badda gunteeda ka dhaca.
Dalalka ay kamid yihiin Sweden Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa ah dadka ugu badan ee dadkoodu ku dhintay ama wax yeelo kasoo gaartay musiibadaasi Tsunaami.
 
Dad lugu qiyaasay 1.8 milyan ayaa guryo la'aan ku dhacday. Ajanabiga  aan u dhalan Aasiya ee ku dhintay musiibadaasi isku darkoodu waxaa la sheegay iney dhan yihiin 2.400  waxeyna ka kala yimaadeen 36 dal. Dalka Taylaan waxaa musiibadaasi kaga dhintay dad gaaraya 800.000 in ka badan 2.800 waa ku guryo beeleen. Halka Srilanka ay kaga dhigteen 35.000 iyo jasiirada Aceh ee ku dhiteen 130.000 in ka badan 37.000 ay ku guryo beeleen.
 
Madaxweynaha dalka Indoonisiya Susilo Bambang oo ubax dhigayey halkii loogu baroordiiqayey dadkii ku waxyeelay musiibadaas ayaa u duceeyey dadkaas waxaana uga baryaye Alle inuu u naxariisto.
Dhulkeena oo gobalada waqooyi bari meelo kamid ah ku dhiftay gaar ahaan deeganada Haafuun oo dad gaaraya 380 ayaa lugu soo waramayaa iney ku dhinteen in ka badan 50.000 guryo ay ku baa burbureen. Ma jirto cid si gooni ah amuurtan iskaga saartay mas'uuliyad iney u baroorqiiqaan ama gurmad wax ku ool ah u  fidiso dadkaasi Soomaaliyeed. Dhibaatada ay badgariirkan u geysteen Soomaaliya ma ahan oo keliya iney galaafteen dad iyo duunyo balse waxey banaanka keeneen sunta halista ah badaheena lugu soo daadshay kuwaasoo ay si weyn shirkado shisheeye iyo shaqsiyaad soomaali ah ugu bareereen in badaheena la sumayo ay waxyeeladiisu soo baxdo. Soomaaliya arrinkeeda waa "Allow adigaa u maqan ee maciin u fudi!"
 
 
      Liibiya oo xukunkii dilka ahaa ka joojisay dad faafiyey cudurka halista ah
 
 
Maxkamada sare ee dalka Liibiya ayaa bilowday iney joojiso dil ay horey ugu xukuntay afar kalkaaliso oou dhashay wadanka Bulgaariya iyo dhaqtar Falastiini ah kadib markii ay ku eedeysay in carruur gaaraya afar boqol ay ku talaashay cudur-ka dilaaga ah ee AIDS-ka, taasoo ay markii dambe beeneeyeen eedeysanayaashaasi.
 
Dhageysiga dacwadan oo la sheegay in loogubin doonto maxkamada dembiyada ee Banqazi ayaa qareenka u doodaya kooxdan eedeysanayaasha ah waxa uu sheegay iney ugu yaraan bil kale ay qaadaneyso. Sanadkii hore ayey maxkamadu dadkaasi ku xukuntay dil kadib eedeymahaas waxaana ay xirnaayeen muddo dheer.Waxey beeniyeen eedeymaha loo heysto iyagoo sheegay in cudurkaasi ka dhashay nadaafada darro.Dhageysiga dacwadan oo markale dib loo soo cusbooneysiiyey ayaa dowlada Bulgaariya soo dhaweysay waxaana lugu soo waramaya iney diblomaasiyiin reer galbeed ah ay ku lug lahaan doonaan dacwada dambe ee la dhowrayo in la qaado.
 
   Iiraan" Howlaheena barnaamijka Nukliyeerka uma baahna ogolaansho"
 
Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Iiraan oo haatan booqasho ku jooga magaalada Kabul ee Afgaanistaan ayaa sheegay in howlaha barnaamijka dowladiisa aysan u baaheyn ogolaansho ay beesha caalamka ka qaadato. Wuxuu hadalkan sheegay maruu shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kabul oo hadalkiisa intaas ku daray in Iiraan xaq u leedahay helista Nukliyeerka oo uu sheegay in meelo badan oo caalamka kamid ah laga soo dhaweeyey." Inaan helno Nukliyeer ama teknolijiyada waa mid naga go'an taasi macnaheeda maahan inaan sugeyno in dal ay ogolaansho siiso xaqa ay jamhuuriyada Islaamka Iiraan u leedahay ku raaxeysato waxa qeyrkeed leeyahay" ayu yiri wasiirku oo hadalkiisa ku adkeynayey baahida ay dalkiisa u qabto fulinta howshaas.
Dowlada Washington ayaa Iiraan ku eedeysay iney dooneyso iney sameysato hubka wax gumaado waxaana ay arrintani dhalisay buuq iyo is aflagaadeyn xagga saxaafada ah oo labada dal ay isku weydaarsadeen saxaafada. Maamulka Bush ayaa ku tilmaamay Iiraan iney kamid tahay dalalka sharwadayaasha ah lagamaar maana ay tahay in laga hortago oo ay howshan sameyteeda ku jirtay 18 sanno.
Mas'uuliyiinta Nukliyeerka Iiraan iyo dalalka Ingriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa toddbaadkii hore yeeshay kulankoodi ugu horeeyey iyagoo kawada xaajoogay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan waxaana ay labada dhinac isku af garteen in markale ay bisha soo socota kulmaan iyagoo halkaasi kasii wadi doonta wadahalka Nukliyeerka dalka Iiraan oo haatan muranka weyni ka taagan yahay.
 

Wararka Caalamka ee Dec 24, 2005

Nin ka tirsan waaxda socdaalka Sweden: "Soomaalida waa cuduro faafiyaal" 

 
Eryadaas iyo kuwo kale oo ka sii liita in lugu tilmaamo dadka Soomaalida Sweden waa mid la filaayey. Balse waxaa la yaab noqotay in haweeney dhan oo mas'uuliyad sheeganeysa ay inta warqad qorto u dirtay haweeney kale oo madaxda ka aheyd xeryo qaxooti xilli ay booqsho ugu timid kadib. Mase la qabaan aflagaadooyinka heerkaas ah soomaalida kale ee ku dhaqan qaarada Yurub iyo guud ahaan reer galbeedka waa su'aal mudan in la isweydiiyo.
 
Baryahan waxaa si isdaba joog ah u soo baxaya fadeexada la xirriirta howl wadeenada waaxda socdaalka Sweden oo si aqlaaq darro ku jirto ula dhaqmay dadka magangalyo doonka ah ee kiisaskooda gacanta ku hayeen.
 
Wargeyska maalinlaha ah ee Svenska Dagbaladet ayaa maanta  cadadkiisi soo baxay ku soo daabacay warbixin xasaasi ah oo ka duwan kuwii maalmahan saxaafada hadal heysay ee la xiriirta fadeexooyinka howl wadeenada waaxdaasi. Nuqul kamid ah warqad fariin ah ay qortay haweeney lugu sheegay mas'uul ayaa dadka Soomaalida Sweden si faquuqnimo iyo midab katoor ku jirto u aflagaadeeysay iyadoo ku tilmaamtay cuduro fidiyayaal, dad aqoontooda liidato, caafimaadkana aqoontiisa ku yar tahay, dhalashadooduna sugneyn, dunidana aan fahmin iyo iney u baahan yihiin in la barro aqoonta organisation-ka iwm, iyadoo weli qoraalkeedii sii wadata ayey sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay booqashada ay soo booqtay haweeneyda xoghayaha aheyd xero qaxooti  lana yiraahdo Berit Rollén iyo sidey arrinta "kooxdan" (soomaalida ay ula jeedo) ugu tahay mid xiiseyneysa.
 
Xilliga qoraalkaas la qoray ayuu wargeysku sheegay iney aheyd sanadkii 1994-tii waqtigaasoo haweeneydaasi ka tirsaneyd farac kamid ah faracyada laanta socdaalka Sweden oo haatan fadeexooyin midab takoor iyo aqlaaq darro hareysay. Baaritaan lugu sameeyey dhacdooyinka noocaas ah ayaa warbixin la helay waxey sheegtay in dadka ugu badan ee sida xun loola dhaqmay ay yihiin dadka Soomaalida kuwaasoo ay warbixintu xustay in si gaar ah loo midab takooray.
 
Haweeneyda sida weyn dabagalka iyo baaritaanka ugu sameysay midab takoorka iyo faquuqa soomaalida lugula dhaqmay ee magaceeda la yiraahdo Christina Johansson ayaa sheegtay in si gooni ah loo midab takooray laantuna ay ku dhaqantay cunsurinimo iyagoo og in wadanka Soomaaliya ka jiro dagaalo sokeeye.
 
Xoghayaha laanta socdaalka Sweden haweeneyda la yiraahdo Janna Valik oo iyadu lafteedu ah ajnabiyad ka timid wadankii la oran jiray Chekezlovakia ayaa shir jiraa'id oo ay shalay qabatay ayaa sheegtay inaaney aheyn hadal qurux badan iyadoo warqaadaasi wixii ku qornaa aysan jecleysan in wax laga weydiiyo.
 
Shaki kuma jirto midabka tarkoorka heerkan gaaray ee soomaalida lugula dhamay inaaney Sweden keliya ku koobneyn walow la oran karro Sweden waa meesha ugu roon marka la eego meelaha qaar balse warbixintii ugu dambeysay ee amuurtan aan waxba loola harin iyagoo lugu tilmaamay qowm dhankasta ka liita xitaa dhalashadoodu sugneyn.
 
Hadaba su'aasha mudan in la isweydiiyo waxey tahay intey bey la'eg tahay dhibaatiada la xirriira midab tarkoorka iwm ee lugula dhaqmo Soomaalida?  Maxeyse ka yiraahdeen Jaaliyaddo ku sheegyada soomaalida ee u taagan astaanta qabiileed, sideese ayey sharaftooda iyo karamoodooda inta qurbha ay joogaan ku ilaalshan karaan?  Iima muuqato in arrimahaan ay jiraan dad wax ka yiri dhanka Sweden gaar ahaan soomaalida ku kala jirta xisbiyada siyaasadeed wadankan ee la xirriirta aflagaadada aan geed loogu soo gaban.
 
Dabcan dhanka Yurubta kale waa lamid dalka Denmark oo ah wadamada ugu naceybka badan ajanabiga gaar ahaan Soomaalida ayaa marwalba lugla dhaqmaa mid baxsan bani'aadnimada sida in sharciga lugu yiri waxaad sugeysaan 7 sanno, kadibna qaadashada dhalashada lugu xiray sharuud adag oo ah inaad heysatid shahaado iwm (arrinkan guud ahaan ajaanibta wadankaasi waa ka samin yihiin, waase loo kala daran yahay) . Dalka Ingiriiska oo dhowr jeer aan tagay waxyaabaha laga sheegayo waad yaabeysa. Tusaale ahaan waxaa jiray in beri dhexdaa ah uu nin darajadiisa hooseyso kana tirsanaa Home Office-ka oo ah halka dadku ka qaataan sharciyada inuu soo rogay go,aan ah in baaritaan lugu sameeyo dhamaan dadka soomaalida ah ee soo galaya wadanka Ingiriiska kuwaasoo dhalasho kasta ay heystaan dukumint-tiyadooda dal ku gal inta laga qaado in dowr ah la heysanayo iyagoo la baarayo dabadeedna la koobi gareysanayo.
 
                              Talow maxaa laga baaraya?
 
Waa mid mudan in la isweydiiyo ,waxaa laga baaraya iney yihiin sax waxaney wataan iyo kale. Arrintani goob joog ayaan u ahaa sanadkii hore xilli aan aniga iyo koox Swedhish ah isla soconay oo siminaar ka qeybgaleynay tagnay magaalada London. Dadkii ila socday oo qaarkood ay ku jireen Itoobiyaan iyo Eriteriyaan ayaa aniga keligey la iga qabsaday oo maxaa la igu qabsaday? Dabcan Soomaal baa tahay wax kale luguuguma heysto waa jansiyadaada oo dhibaato ku ah dalalka qaar. Kooxdii wax baareysay ayaa iga qaaday baasaboorkii aan watayna oo ahaa Swedhish- (Swedhishow inaadan waxba tarin maalintaasan ku ogaaday)  Nasiib wanaag waxaan watay kaarkeygii aqoonsiga saxaafadeed( press card) oo noqday kan keliya ee suurageliyey ineysan baasboorkeygii fiirin markey arkeen ayey ogaadeen inaan ahay suxufiyad. Tusaalahan waxaan u soo qaatay iney tahay bahdalnimo iyo yasid tan ugu sareysa ee lugula kaco muwaadinka Soomaaliyeed xilligey ka dhoofayaan garoomada caalamiga ah ee adduunyada. Eyraboortada Dubai ayaa iyada sidaas iyo si kadaran laga soo weriyey in soomaalida lugula kaco anagoo dhamanteen ogosoon waxa arintaasi keenay balse qaxootinimada iyo in been lugu qaraabto maahan mid aan keligeen ku socono iyadoo ay dad badan nala qabaan qaran la'aanta ayaan hadana nahay kuwa ugu horeeya ee had iyo goor muuqda sidoo la doonana loola dhaqmo cid difaacaeysa oo damqatana aysan jirin. Dhamaanteena aan nahay qaran wada qaxooti ah oo aan qiimo laheyn hadeynaan is dabaqabana uu salkeena meel xun yahay. 
 
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden

Wararkii caalamka ee Dec 23, 2005

  • Fadeexooyin hor leh oo ay la gariirtay laanta socdaalka Sweden
  • Ciyaaha: Maradona oo ay Boolisku qabteen

Fadeexooyin hor leh oo ay la gariirtay laanta socdaalka Sweden

          [Indhoole Ciraaqi ah oo lugu yiri "Aniga isoo fiiri markaad ila hadleyso"] 
 
Waxaa la yiri xaqa haddii afka laga daboolo feeruhuu ka dilaacaa" Dabcan markey qolo xaq darro ku heshiiso hoostooda balaayo Alle ka shidaa waa mida maanta heysata kuwa si aan bani'aadnimo aheyn ugu damaashaadey dad daruufeysan oo si aqlaaq darro ula dhaqmeen qaarkoodna iyagoo jeebeysan diyaarad inta saaray ka tuuray dalalkooda iska daa gar gaar lay u fidiyaan e.
Mar saddexaad ayaa fadeexo hor leh oo tiri hore i qarso noqoneyso ay ku dhaqaaqeen dadka ka shaqeeya laantiisa Sweden qeybaheeda kala duwan ee dalka ku yaala. Kadib markii haweeney farac kamid ah laamaha hey'adaasi ay si jees jees ku jirto ula dhaqantay nin Ciraaqi indho la'a oo sida la sheegay ku indho beelay dagaalkii Ciraaq iyo Kuweyd.
"Aniga isoo fiiri markaad ila hadleyso" ayey kamid ahaayeen ereyadii naagta careysneyd ee lugu sheegay in meeshaasi ka aheyd madax iyadoo la hadleysay ninkii indhaha la'aa ee Ciraaqiga ahaa ee ay arrimihiisa ka wareysaneysay. Dadku waxey is weydiiyeen sidee ruux indho la'a u fiirin karaa qofka la hadlayo. 
Wuxuu yiri isagoo haweeneydii careysneyd la hadlaya qadka taleefankana nin ay aqooni ka dhaxeyso uga tarjumayo" Ma awoodo inaan wax sameeyo waxaan u baahanahay in la i baro cunto karinta, dhar dhaqista ama la i geeyo meesha dadka indhaha la'a loogu talagalay si aan nolosha isku dabarro" sagoo ay fajiciso ku noqotay naagta habaaran ee aan raxmada laheyn sida ay ula hadleyso.
 
"Ma anigaa aabaha iyo hooyadaa ah, caruuur miyaase tahay sow ma tihid nin weyn waxaa lagaa doonayaa inaad is dabarto"ayey  noqotay jawaabteedii iyadoo ilowsan in meesha cajalad taalo oo ay codkooda duubmayso.
 
"Nafteyda inaan iska qaado waan awooda" ayuu hadana yiri ninkii indhaha lahaa oo malaha hadalkaasi ula jeeday in daruufta uu ku nool yahay u dhaanto inuu nafta iska qaado." Xor baad tahay sidaad doonto yeel" ayey misna tiri haweeneydii oo hadalkaasi dambe ka gil gilatay oo hadalkan noqon karro mud run ah oo aysan dan iyo heelo ka gelin. "Albaabka iiga bax dadka kale ayaa soo galaya" ayey sii raacisay iyadoo muujisay in ninkaasi iyo hab dhaqankiisa aysan jecleysan kaalmo ay kaalmeyso iska daaye ay uurka ka necbeysatay ag joogista uu iyada ag joogo.
 
Dhacdadan dambe oo telefeyshinka wadanka uu iyadoo cod ah ku soo qaatay caawa warkiisa fiidnimo ayaa abuurtay dareen kale oo ku wajahan sida laantaasi iyo dadka ka shaqeeya ay u yihiin kuwo aan laheyn ixtiraam haba yaraatee.
Siyaasiinta wadankan ee kala duwan ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey amuurtan, qaarkood iyagoo careysan ayey ka codsadeen in xoghayaha guud ee hey'adaasi is casisho maadama la sheegay in fadeexooyinkaas ay qaarkood ka warqabtay balse aan wax ka qaban. Haweeneyda ka tirsan xisbiga garabka midig ee Yvonne Ruwyda ayaa ku tilmaantay talaabada ay ku dhaqaaqeen shaqsiyaadkaasi kuwo qeyral masuul ah kana tirsan hey'ad ay hareysay fadeexooyin waxaana ay codsatay iney is casisho haweeneyda ka ah xoghayaha guud Janna Valik kadib markey ku guul dareysatay iney fadeexoyinkaasi maareyso.
 
Dhinaca kale Xoghayaha guud ee hey'adaasi Janna Valik oo maanta kowdii duhurnimo xilliga Sweden qabatay shir jaraa'id ayaa sheegtay iney aad ugu xuntay dadkii sida xun loola dhaqmay waxaana ay ka dalbatay raali gareyn buuxda iyadoo u sheegtay saxaafada in si weyn baaritaan loogu sameyn doono islamarkaasina hanaanka ay haatan u shaqeeyaan shaqaalaha hey'adaasi isbadal weyn lugu sameynayo.
Balse waxey diiday in codsigii ay asxaabta siyaasadeed ee wadankan u soo jeediyeen oo ah iney xilka wareejiso. Iyadoo arrintaas ka hadleysa ayey ku sheegtay ineysan aheyn mid go'aankeeda iyadu leedahay ee ay taalo dowlada hadey meesha sii joogeyso iyo inkale.
 
Dhacdadii ugu dambeysay haweeneydii ku kacday ayaa iyadu difaacday falkeeda "Haa wuu soo jeesan karaa oo madaxa ayuu xageyga soo aadinayaa" ayey tiri iyadoo ka jawaabeysa su'aal ah sidey ku keentay iney ku tiraahdo ruux indho la'a isoo fiiri adigoo arkayey inuu indhaha la'aa.
 
Isku soo wada duuboo falkani waxuu ahaa tii ugu yaabka badneyd ee dhacda mudooyinkan dambe, hey'ada socdaalka Sweden waxey u aheyd toddobaad madow kadib markii wargeyska Daily News banaanka uu soo dhigay falalkooda ka baxsan bani'aadnimada ee ay kula kaceen dadka magangalyo doonka ah gaar ahaan haweeneydii hooyada keligeed aheyd iyo saddexdeedii carruur ah oo Sweden laga eryey awgeed loo feysteeyey misna lugu jees jeesay indhoole Ciraaqi ah oo codsaday kaalmo dheeri ah jawaabna looga dhigay ma anagaa hooyadaa iyo aabahaa ah.
 
Shaki kuma jirto in dhacdooyinkan kuwo lamid ah ay ku dhacday 3000 ee soomaalida ah ee wadankan ku dhibaateysan loona diiday in loo aqoonsado qaxootinimo. Balse waxaa la gudboon ineysan is qarinee ay banaanka keenaan wixii dhibaato ah ee loo geystay si markaasi ay suurtagal u noqoto iney helaan cadaalada ay tabanayaan walow dal aan dalkoodi aheyn ay joogaan oo aysan heleyn waxey tabanayaan hadana nasiibkooda iney qaadaan gudboon tahay. 
 
 
                    Ciyaaha: Maradona oo ay Boolisku qabteen
 
 
Xiddigii hore ee kubada cagta ee wadankaasi Argantina Diego Maradona ayaa lugu soo waramaya in booliska wadankaasi ay qabteen kadib markii uu ku dhaqmay anshax xumo iyo aflgaado. Maradona ayaa doonayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha wadankaasi Brasil balse markii u yimid qeybta kontorolka baaska ayaa loo sheegay inuu soo daahay oo aysan suuragal aheyn inuu ka gaaro diyaarada dabadeedna bilaabay inuu kor u qeyliyo isagoo sheegaya inuu ka gaari karo diyaarada haddii la siiyo fasax.
Dad goob joog ahaa ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in xaalku markuu xumaaday ay shaqaalaha meesha u yeeray booliska dabadeedna ka xeystay isagoo ay suurta gal tahay baa la leeyahay wuxuu qarka u saaran yahay 2 sanno oo xarig ah.
 
Toddobaadkii hore ayuu Brasil kaga qeybgalayey barnaamij ciyaareedyo loogu talagalay in lugu taakuleeyo dadka saboolka ah balse ay arrintani qabsatay markii uu soo socday dalkiisa hooyo. Dhinaca kale buuqa uu ka sameeyey gegida diyaaraha ayaa loo maleeyey inuu markale dib ugu laabtay maandooriyihii jirkiisa wax yeeleysay baaritaani guud oo amuurtaasi la xirriirta ayaan wax jawaab ah laga soo saarin.
 

Wararkii Caalamka ee Dec 22, 2005

Laanta socdaalka Sweden oo fadeexo hareysay 

 
Waxey aheyd mid lawada sugayey iney sidaas iyo ka badanba ay ku kacaan dadka qeyral masuulka ah ee loo dhiibto adeegyada bulshada balse taasi ma dhicinoo waxey dadkaasi mus'uuliyada sheeganaya ku kaceen waxaan la fileyn oo ah in dad daruufi heyso intey wadanka ka saareen u damaashay.
 
Wargeyska maalinlaha ah ee Dagens Nyheter (Daily News) ayaa warbixin aad xasaasi u ah soo qoray shalay oo aheyd 20/12. Warbixinta uu wargeyska qoray ayaa cinwaan uga dhigay "Waxey u feysteeyeen iney wadanka ka bixiyeen". Taasi macnaheedu waxaa weeye in shaqsiyaad kamid ah kuwa ka shaqeeya laanta socdaalka wadanka Sweden ee (Migrations Verket-ka) farceeda ku yaala degmada Solna  ee magaalada Stockholm ayaa haweeney ka shaqeysa sanadkii hore waxey go'aan ay wadanka kaga saareyso ka gaartay qoys qaxooti ah oo u dhashay wadanka Ruushka kuwaasoo ay inta booliska qabteen iyagoo jeebeysan diyaarad saa saareen kana dejiyeen wadankooda.
 
Haweeneyda falkan sameysay oo magaceeda lugu sheegay Annica Ring ayaa saaxiibayaalkeed qaar kamid ah u dirtay warqad e-mail ah kuwaasoo ay ugu sheegeyso in saddexda galabnimo (wagtigii dadkaasi laga eryey Sweden kadib) ay qabaneyso feysto yar oo ay ku sheegtay in wadanka ka baxeen qoys. Sidoo kale fariin kale oo ay dirtay ayey misna ku sheegtay sida wacan ee ay qeybaha caafimaadka iyo booliskaba
ula shaqeeyeen. Taasoo macnaheeda tahay in booliska arrintan laftoodu lugaha kula jiraan.
Qaar kamid ah siyaasiinta wadankan Sweden iyo haweeneyda madaxda ka ah laantaasi Barbro Holmberg ayaa si weyn u dhaleeceeyey dhacdadaasi waxeyna ku tilmaameen qeyra msuulnimo tan ugu weyn ee lugu kaco.
 
Sidoo kale ayuu maanta wargeyska soo qoray warbixin kale oo la xirriirta dhacdooyinkaaasi foosha xun.  Xarunta ay laanta socdaalka ku leedahay magaalada Kri­stianstad ayaa haweeney iyadana lugu magacaabo Liza Sandgren oo qeybtaasi madax ka aheyd ku casuntay shaqaalihii meesha toorte iyo caffe kadib markii ay qaadatay haweeneydaasi go'aan wadanka looga saarayo sharcigana loogu diiday hooyo keligeed ah iyo saddexdeeda carruur ah. Saddex kamid ah qeybo kale kuwan oo laantaasii madax ka ah ayaa wargeysku sheegay iney qorshahaasi la wadeen kalana qeyb qaateen xafladii loo dhigay hooyadaasi iyo ilmaheeda ee wadanka laga eryey.
 
Wargeyska oo si weyn u dabagalay shaqsiyaadkaasi qeyral masuu'lka ah ayaa suuragal u noqotay inuu helo nuqulo kamid ah fariimiihi ay dareen labadaasi haween ee feysteynayey iyo intii kala qeyb qaadatay. Xoghayaha guud ee laanta Socdaalka Sweden oo arrintan ku tilmaantay guul darro ayaa diiday iney is casisho kadib markey hadafkii laantiisa loo dhisay mugdi iyo fadeexo hareysay balse waxey xustay in dadkii dembiyadaasi galay laga eryayo shaqada.
 
Dadka soomaalida ee 3000 gaaraya ee wadkan sharci ku heysan intooda badna loo diiday aqoonsi qaxootinimo ayaan la ogeyn iney arrintan oo kale ku dhacday balse ay taasi tahay mid macquul ah walow aan la ogeyn. Dadkuse waxey afka  gacanta saareen markii wargeysku u labo maalmood isku xigtay daba dhigtay shaqsiyaadkaasi qeyral masuulinimada leh ku kacay. In badan oo kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya laamaha kala duwan ee hey'ada socdaalka ayaa haatan geli doona taxadar xoog leh oo ay kaga foojignaanayaan iney fal noocan oo kale ah sameeyaan. Gabadha lugu magacaabo Eva Björklund oo muddo labo sanno ah  qeybta maamulka ee laantaasii kasoo shaqeysay ayaan ku dheeraan iney ka warbixiso sida ay u shaqeeyaan balse waxey sheegtay in laantu qaabka ay adeegsato uusan aheyn mid bani'aadnimo ku jirto.
 
"Waxaad arkeysaa kuwo doonaya iney wanaag sameeyaan hadana go'aanka qolyo kale gaareyso qolo kale oo saddexaadna ay go'aankii gudbineyso" ayey tiri Eva oo hadalkeedii intaasi k dartay ineysan layaab ku aheyn kuwa falkaasi ku kacay balse wax kasii xun lugu dhaqaaqay walow aan la ogeyn. 

WARARKII DEC 20, 2005
  • Bush oo difaacay dagaalkii....
  • Netanyahu oo loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga Likud
  • Spain oo xir xirtay shan iyo toban qof oo ay ku sheegtay iney yihiin argagaxiso

Bush oo difaacay dagaalkii.... 

 
"Ha runsan iney argagaxisadu amaanka noogu da daalayaan hadaan anaga faraha ka qaadno"Waxey kamid ahaayeen hadaladii madaxweyne Bush yiri oo uu ku difaacayey dagaalkii ay dowladiisu ku qaaday dalka Ciraaq 20 marso sanadkii 2003-da.
 
Bush oo hadalkiisi laga dha dhansan karro sida loogu fududaaday dagaalkaas ayaa dadka isagoo kala hadlaya telefeyshinka u sheegay ineysan sahlaneyn in si deg deg ah looga soo baxo dalka Ciraaq oo sheegay in taasi  macnaheedu  tahay in waxa uu ku shegay cadow gacanta loo gelinayo saxiibadooda Ciraaq oo haddii taasi dhici laheyd ay ahaan laheyd qatar aan horay loo arag.
 
Cid walba iyadoo ay ogeyd in dagaalkii aanu aheyn mid sax ah ayuu hadana ugu dambeyntii Bush afkiisa ka sheegay in mas'uuliyada dagaalkaas uu isagu leeyahay. Balse wuxuu ku adkeystay in dunidu Saddaam Xuseen la'aantiis ay nabad tahay hadalkiisana ku daray in Saddaam Xuseen deriskiisa halis ku ahaa waajibna ay aheyd in meesha laga saaro.
 
Bush ayaa haatan waxaa saaran cadaadis siyaasadeed oo ku wajahan tirada ciidamada Ameerikaanka ee maalinba maalinta ka dambeysa dhimashadoodu sii koreyso dhinac kalena ay musiibo hor leh u keentay warbixintii wargeyska The New York uu kaga hadlay amarka Bush bixiyey ee ku saabsan dhageysiga taleefanada iyo akhrinta e-mail-ladooda taasoo si weyn dadka ugu careysiisay.
 
 
      Netanyahu oo loo magacaabay gudoomiyaha xisbiga Likud
 
 
Ra'iisal wasaarihii hore ee wadanka Israa'iil Benjamen Netanyahu ayaa loo doortay gudoomiyaha csub ee xisbiga Likud kadib markii uu ku guuleystay tartanka jagada xisbigaas isagoo helay 47% codbixintii la qaaday. Ninka kale ee kula loolamayey jagadan Silvan Shalom ayaa isagana helay 32% isagoo kamid ahaa afartii qof ee jagadaasi u loolameysay. Netanyahu inkastoo uu yahay nin xag jir ah oo ad adag hadana waxuu bartanka ka taagan siyaaasad kala daadsan oo xisbigu aan siddii hore shacbiyad  badan u laheyn wuxuu haatan doonaya in boorka ka jafo isagoo aaminsan in Sharon lumiyey kalsoonidii xisbiga kadib markii uu bishii Marso ay ciidamada israa'iiliyiintu ka baxeen daanta galbeed  ee marinka Qaza.
 
Dhinaca kale Ariel Sharon ayaa maalintii shalay aheyd ku dhacay cdurka Stroke-ga ayaa la soo sheegayaa in dhawaan uu shaqadiisa dib ugu soo laaban doono inkastoo aan taasi la hubin hadana la rajeynayo. Netanyahu-se waxaa la dhowrayaa isbadadala uu la soo baxo iyadoo la runsan yahay dadkii doortay iney u doorteen mucaaridnimo ay ka muujiyeen ka bixitaankaa israa'iil ee daanta galbeed luguna jebinayo xisbiga cusub ee Sharon sameystay madaxna ka yahay.
 
 
Spain oo xir xirtay shan iyo toban qof oo ay ku sheegtay iney yihiin argagaxiso
 
Magaalada Madrid ee xarunta  wadanka Spain ayaa wararka ka imanaya sheegayaan in booliska dalkaasi ay xir xirrireen 15 qof oo ay ku sheegeen kooxo mintid ah kuwaasoo doonayeyna iney u sii gudbaan dalka Ciraaq. Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Juse Antonio ayaa sheegay in dadkaasi laga soo qab qabtay magaalo ku taalo koonfur bari ee wadankaasi isagoo shir jaraa'id ka hadlayey ayuu sheegay in dadkaasi ka tirsan yihiin kooxo mutadawaciin ka mid ah Al Qaacida, kuwaasoo labo kamid ah la doonayey in loo diro dalka Ciraaq  si weeraradoodii ka dhanka ah ciidamada halkaasi jooga u fuliyaan.
 
Antanio waxa uu ka gaabsaday in raggasi ay ku rarnaayeen waxyaaba qarxa  iyo inkale balse waxa uu sheegay iney doonayeen in Ciraaq ka soo dagaalamaan, waxaana ay ka kala  yimaadeen wadamo dhowr ah sida Marooko, Sacuudiga Ciraaq, Masar, Spain iyo Gaana.
 
Waxaa mudooyinkan dambe aad isku soo tartayey dadka shi sheeyaha  ah ee ka dagaalama dalka Ciraaq. Kal hore ayaa haweeney u dhalatay wadanka Belguim ay naftiidii qarxisay iyadoo sida laga soo weriyey u dagaalameysay dadka Ciraaqiyiinta ah ee wadankooda duulanka lugu qabsaday waxaana ay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee reer galbeed ah ku weyso nafteeda qadiyada Ciraaq. Tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxyadii ka dhacay xarumaha tareenada iskaga kala goosha ee wadankaasi Spain bishii  marso sanadii 2004-ta oo galaaftay dad gaaraya 191, waxaa soo badanaya dadka lala xirriiriyey argagaxisada oo siyaalo kala duwan loogu qabto.

WARARKII DEC 19, 2005

  • Sharon oo cisbitaal loola cararay
  • Maxamed Cali-kalaay oo bilad nabadeed la siiyey
  •  Dick Cheney oo booqasho kedis ah ku tagay dalka Ciraaq

Sharon oo cisbitaal loola cararay

 
 
Ra'iisal wasaaraha wadanka Israa'iil Ariel Sharon ayaa loola cararay cisbitaalka kadib markii la sheegay inuu ku soo booday cudur-ka la yiraahdo stroke oo ah cudur sababa in maskaxda dhiig ku furmo ama meel ku guntamo isagoo weliba cudurkaasi siyaalo kala duwan ku yimaado.
 
Sharon ayaa la sheegay in cudurkani midkiisa ugu waxyeelada yar uu ku dhacay waa sida uu sheegay Yuval Weiss oo u waramayey suxufiyiin hor dhoobnaa cisbitalkii loola cararay. Xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa ayaa la sheegay in Sharon dareemay inaanu fiicneyn kadibna suuxay isagoo lugu qaada bareelo. Balse telefeyshinka wadankaasi ayaa sheegay in xubnaha jirkiisa ay ahaayeen kuwo dhaq dhaqaaqayey oo aan waxyeelo soo gaarin markii cisbitaalka loo qaadayey.
 
Wararka laga helayo warfidiyeenada halkaasi jooga ayaa soo sheegaya in Sharon jecleystay markii xasuustiisii dibu ugu soo laabtay inuu aado gurigiisa balse dhaqarkiisa ku wargeliyey inuu joogayo inta xaalkiisa laga oganaayo taas  oo macnaheeda tahay inta uu cisbitaalka joogayo aan la ogeyn.
 
Ariel Sharon oo da'diisu tahay 78 jir ayaa la il darran miisaanka jirkisa oo aad u weyn, sidoo kale waxaa dhawaan qaliin looga sameeyey wejiga oo la sheegay in laga qalay cudurka kansar-ka balse uu dafiro. Dhinaca kale waxaa si xowli ah ugu furan mushkilada Falastiin iyo arrimaha gudaha oo keentay in aakhirkii xisbigii Likud uu kabaxo xisbi kale oo siyaasi ah sameeyo. Bisha maarso ee sanadka dambe haddii Alla idmo ayaa wadankaasi dooroshooyin lugu wadaa iney ka dhacaan.
 
               Maxamed Cali-kalaay oo bilad nabadeed la siiyey
 
Feeryahankii caanka ahaa ee reer Mareykan Maxamed Cali-kalaay ayaa la gudoon siiyey bilada nabada ee Otto Hahnprice la yiraahdo kadib markii gudiga qaban qaabada biladaasi ay  garteen in Maxamed Cali-kalaay aan aheyn feeryahan caan ah uu yahay nin nabada u ah danjire. "Maxamed Cali-kalaay ma ahan oo kaliya laacib balse wuxuu uu yahay danjire nabadeed" ayuu yiri Klaus Wowereit oo ah Duqa magaalada Berlin oo ku faraxsan inuu bilad nabadeed gdoonsiiyey Maxamed Cali-kalaay.
 
Biladan oo sanad dhaaf loo bixiyo ayaa shaqsiyaadkii la siiyey waxaa kamid ahaa madaxweynahii hore ee midowga soofiyeeti Michail Gorbatjov. Otto Hahn laftiisa ayaa la gdoonsiiyey bilad nabadeed kadib markii uu wax badan ka hadlay kana qoray waxyeelada ay leedahay sunta Nukliyeerka ama Attom-bamka wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu uu ku dhiftay Horishima ee Japan
 
       Dick Cheney oo booqasho kedis ah ku tagay dalka Ciraaq
 
waxaa la filayey socdaalkiisana ahaa inuu booqasho ku tago dalka Afgaanistaan kadibna u sii gudbo dalalka Sacuudi Careebiya, Masar, Pakistaan iyo Cumaan balse waxaa laga war helay isagoo dhex taagan gededa diyaaraha magaalada Baqdaad ee wadankaasi Ciraaq halkaasoo uu ku soo dhaweyeey Madaxweyne Jalaal Talibaani iyo ra'iisal wasaarihiisa Ibraahim Jacfari.

 
Xaalka wadankaasi ayaan caadi aheyn iyadoo ay doorashooyin ay dhaceen toddobaadkii hore hadana arrinka taagan waxaa weeye in dadku ku kala aragti duwan yihiin joogista ciidamada shisheeye, balse dowlada aan cagaha badan ku taagneyn ee wadankaasi ayaa iyadu jecel in ciidamada Mareykan hormuud ka yahay ay sii joogaan taasoo ay u arkaan iney ka hortagi karto dagaal sokeeye oo dalkaasi ka dilaaca. Dick Cheney waxa u sheegay ciidamadda Mareykanka ee ku sugan xarunta Taji  ee magaalada Baqdaad oo markii dambe u sii gudbiay iney da daalkooda ay ku xakameynayaan weerarada isbiidaaminta ah sii wadaan tan iyo inta Ciraaq ay lugaheeda isku taageyso kuna tilaabsaneyso waxa uu ku sheegay dimoqraadiyad iyo xorrnimo iyo guul soo hoyatay doorashooynkii dhacday toddobaadkii hore ee aan halkaasi rabsho habayaraatee ka dhicin.

WARARKII DEC 18, 2005

  • Bush oo ogolaansho siiyey in la dhageysto dadka taleefanadooda 
  •  Xeer illaaliye Switzerland u dhashay oo baaraya duulimaadyada CIA-da 
  • Bulgaariya oo ciidamadeeda ka daad gureysaneysa Ciraaq 

Bush oo ogolaansho siiyey in la dhageysto dadka taleefanadooda 

 
Madaxweynaha dalka Mareykanka  George W Bush ayaa kooxaha wax basaasa ee Ameerikaanka ah siiyey ogolaansho buuxda oo ay ku dhageysan karaan dadka taleefanadoda kuna baaran karaan e-mail-ladooda iyadoo aan la ogeyn ka hor intii wargeyska The New York Times shaaca ka qaadin arrintan maalintii jimcihii. Hadalkan ayuu sheegay maanta oo sabti ah isagoo sheegay in sidaasi u yeelay sugida nabadgalayada dadka ameerikaanka ah.
 
Dadka Mareykanka ayaa carro weyn waxey ka muujiyeen warbixinta u soo daabacay wargeyska The New York ee la xiriira dhageysiga taleefanada. Rag ka tirsan Kongoreska Mareykanka ayaa ka codsaday maamulka Bush iney sharaxaad ka baxiyaan amuurta taleefan dhageysiga ee lugula kacay muwaadiniinta Mareykanka. Qudbad maanta uu u jeediyey dadka Mareykanka ah ayuu weeraray dadkii arrintan shaac bixiyey wuxuuna difaacay talaabada uu ku dhaqaaqay.
 
"Awoodani waa mid aan kula jirno dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, si loo badbaadiyo nolosha shacabka, dadkuna waxey iga sugayaan wixii awoodeyda ah si xaquuqdooda loo difaaco. Waana mida aan ku dhaqaaqayo inta aan ahay madaxweynaha Mareykanka" ayuu yiri Bush oo qudbiisa ku sheegayey iney taleefan dhageysiga yahay midey kula soconayaa dhaq dhaqaaqyada kooxaha argagaxisada ah iyo dadka xirriirka la leh intaba.
 
Bush waxaa kale oo uu sheegay in xubno ka tirsan kongoreska lugu wargeliyey ugu yaraan 10 jeer in dadka howshan fulinaya ay yihiin kuwo ka dharagsan ama heysta macluumaad la xirriira sidey u dhowri lahaayeen xuquuda muwaadinka Ameerikaanka ah. [Daawo halkan...... | CBC]
 
              Xeer illaaliye Switzerland u dhashay oo baaraya duulimaadyada CIA-da 
 
"Waa suuragal in dad dalka dibadiisa ka yimid ay dhulka Switzerland ku galeen dambiyo" ayuu yiri xeer ilaaliyaha dowlada Switzerland oo shalay jimco aheyd soo saaray warar sheegaya in duulimyaadka sirdoonka Mareykanka ay adeegsadeen meelo kamid ah wadankaasi.
Toddobaadkii ina dhaafay ayaa baarlamaanka wadankaasi ka munaaqishooday sida ay dowlada ula socoda dhaq dhaqaaqyada CIA iyo kaalinta ay ka geysteen sirdoonada Switzerland ama ku lug leeyihiin howl fududeynta keentay in CIA-da si qarsoodi ah dalkaasi howlaheeda uga fushato.
 
Qaarada Yurub ayaa baryahan guux ka taagnaa kadib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaya in CIA-da Mareykanka ay si qarsoodi ah u isticmaashay garoomada diyaaradaha dalal ka tirsan qaarada sida Ingiriiska, iyoYurubta Bari. Madaxda Washington-taana arrinkaasi gaashaanka ayey u daruureen iyadoo haweeneyda xoghayaha uga ah dalkaasi Condoleezza Rice ay beenisay wararkaasi xilli ay socdaal ku kala bixineysay qaaradan yurub hadana ay sheegtay iney galeen qaladaad la xirriira dagaalka ay aragagaxisada kula jiraan iyo qaabkey u wajaheen intaba kuwaasoo ay ku sheegtay iney saxayaan.
 
Dhinaca kale ra'iisal wasaaraha wadanka Sweden Göran Persson ayaa dhinaciisa  xaqiijiyey iney jiraan duulimaadyada qarsoon ee sirdoonka Mareykanka ay ku sameeyen dalalka Yurub oo ay Sweden ku jirto. Isagoo arrintaasi ka hadlaya ayuu xusay in sanadihii 2002-da, 2004-ta iyo 2005-ta ay diyaarado gaar ahi adeegsadeen CIA-da kuwaasoo dad maxbuusyaal ah ku qaaday. Balse warbixin intaas ka badan lama sii faah faahin.
 
               Bulgaariya oo ciidamadeeda ka daad gureysaneysa Ciraaq 
 
Magaalo madaxda wadankaasi Bulgaariya ee Sofia  ayaa wararka ka imanaya  sheegayaan in wasaarada gaashaandhiga dalkaasi ayaa sheegtay in ciidamadeedii ka joogay dalka Ciraaq ay kasoo baxayaan sidii balanta aheyd. Hadalkan oo jimcihii shalay ahaa soo baxay ayaa lugu xusay in daad gureynta ciidamadan ay qeyb ka aheyd in marka uu dhaco doorshada baarlamaanka wadankaasi ay bilaabaneyso kabixitaanka coodamada Bulgaariya.
Ciidamadan oo tiradooda dhan tahay 400 askari ayaa joogay magaalada la yiraahdo Al- Diwaniya kuwaasoo howshoodu aheyd tabobarista ciidamada Ciraaqiyinta.

Wararkii Dec 17, 2005

 
 
                             Hadalkii madaxweynaha Iiraan oo laga hadlay
 
Wasiiradda Arrimaha Dibada Midowga Yurub ayaa isku raacay iney si wadajir ah u cambaareeyaan hadalkii Madaxweynaha wadanka Iiraan Maxamuud Axmedinejaad ee la xirriirta dadka Yahuuda ah oo uu si darran u weeraray.
 
Wasiirada arrimaha dibada Sweden haweeneyda la yiraahdo Laila Freivalds ayaa ku tilmaantay arrintaasi midaan la aqbali karrin, waxaana ay sidoo kale sheegtay in safiiirka Iiraan u fadhiya Midowga Yurub loo yeeray si uu tafaasil uga baxsho hadalka Axmedinejaad.
 
Toddobaadkii hore ayuu Axmedinejaad sheegay in dadka yahuuda ah uu dhulkoodu yahay Wadamada Mareykanka iyo Kanada ee aanay barriga dhaxe laheyn isagoo sidoo kale codsaday in qariidada caalamka laga tirtiro Israa'iil oo uu sheegay iney tahay xasarad loo soo diray dunida Muslinka.

WARARKII DECEMBER 16, 2005

  • Jarmalka oo isku dayaysa in dalkeeda iman daxweynaha Iiraan
  • Amnesty: CIA waxey adeegsataa garoomada Yurub

Jarmalka oo isku dayaysa in dalkeeda iman daxweynaha Iiraan

 
Iiraan inkastoo ay tahay dal dunida galbeedka aan siyaadadeeda laga jecelyn hadana waxey kamid tahay dalalka Bush uu ku sheegay iney yihiin"Garabyada sharta "sidaas oo ay tahayna hogaankeeda ugu sareeya waxey had iyo goor muujiyaan naceybka ay hayaan reer galbeedka. Dalka Jarmalka oo kamid ah dalalka aan xirriir wanaagsan la laheyn ayaa maanta raadineya dariiqad kasta oo ay dalkeeda ugu diidayaan in ciida cagaha u soo dhigio madaxweynaha dalkaasi Iiraan Ahmedinejad oo dhawaan hadal uu yiri aan looga farxin dalkaasi Jarmalka iyo meelo badan oo caalamka kamid ah.
 
Wasiiru dowlaha arrimaha dibada ee dalkaasi ninka la yiraahdo Gernot Irler oo wareysi uu siiyey telefeyshinka WDR, ayuu sheegay in dowladiisa ay ka fakereyso isidii ay isku hor istaagi laheyd dariiqo kasta oo ku iman karro dalkeda Ahmedinejad-ka Iiraan oo horay hadalo aan munaasib ku aheyn Yahuuda yiri. "Waxaa macquul ah in cuno qabateynta nooc kamid ah la soo rogo xaaladan awgeed" ayuu yiri wasuuru dowlaha oo intaas hadalkiisa ku daray in Iiraan aysan dhag jalaq u siin baaqyadii Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka xal u helida mushkilada Nukliyeerka Iiraan ee ay ku sheegtay iney u adeegsato  awod soo saarita korontanda.
 
Madaxweynaha wadankaas ayaa dhawaan hadal uu ku qudbadeeyey ka codsday beesha caalamka in laga tir tiro qariidada caalamka wadanka Israa'iil oo uu ku sheegay iney tahay xasarad loo soo diray dunida Muslinka. Sidoo kale ayuu sheegay in Israa'iil dhulkeeda yahay Jarmalka iyo Ostari meeshaasuu ah buu yiri halkii Hitler-kii Naasiga ku gumaaday. Hadalada Ahmedinejad waxa ay keeneen in si carro leh dunida galbeedka looga arrko mid fidno abuur ah. 21 bishan ayaa lugu wadaa in saddexda wadan ee Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska ay wadahal xagga Nukliyeerka ah la yeeshaan mas'uuliyin kartisan wadanka Iiraan.
 
 
                         Amnesty: CIA waxey adeegsataa garoomada Yurub
 
 
Hey'ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in garoomada diyaaraha qaar kamid ah dalalka Yurub ay sirdoonka Mareykanka si sharci darro ah u adeegsato ka daabulida dadka lugu tilmaamay argagaxisada ee CIA ay soo daad gureyso.
 
Ninka la yiraahdo Claudio Cordone oo ka tirsan hey'ada Amnesty ayaa sheegay in dowlada Ingiriiska ay u ogolaatay sirdoonka CIA iney garoomadeeda isticmaalaan,kuwaasoo 800 oo kamid ah dadkaas laga dhoofiyey. Dowladii Ingiriiska ayaa war ay amuurtaasi kasoo saartay maalintii isniintii ku sheegtay inaaney u heyn wax cadeyn ah oo muujinaya in si shir sharci darro ah loo adeegsaday garoomadeeda diyaaradaha. Claudio waxaa kaloo uu sheegay iney jiraan dalal laga codsaday iney furaan xarumo lugu ciqaabo dadka sida kan Guantanamo bay," waxaan uga digeynaa iney raali ka ahaan ama ay ka jawaaban su'aalaha amuurtan la xirriira" ayuu yiri Claudio oo intaas ku darray hadalkiisa in Yurubta bari ay jiraan xarumo sir ah oo looga soo qaaday dadkaas lugu tiriyo argagaxisada.
 
Sida uu sheegay nin la yiraahdo Jamiil Qaasim in sanadkii 2001-dii si qarsoodi ah laga soo qaaday magaalada Karachi ee Pakistaan dabadeedna loo gudbiyey dalka Mareykanka. Sidoo kale sanadkii 2002-da ayaa isna nin lugu magacaabo Maxamed Sacad Ikhbaal ayey sheegeen mas'uuliyiin ku sugan garoonka diyaaraha magaalada Jakarta ee Indoonisiya in si qarsoodi ah loogu dhoofshay dalka Mareykanka.
 
Kuwaa iyo kuwo kale oo ka badan ayey hey'adu sheegtay in si sharci darro ah looga dhiifyo dalalka Yurubta kuwaasoo kadib loo gudbiyo jasiirada Guantanamo bay ee Kuba halkaasoo ay joogaan maxaabiis boqolal gaaraya kuwaasoo ay Mareykanku ku soo qab qabteen shi sharci darro ah kadib markii ay ku xirriirsheen waxa ay ugu yeereen argagaxisada si bani'aadnimada ka baxsana loola dhaqmo.

WARARKA DEC 13, 2005:

  •  Australia oo rabsho midabtakoor ahi Hareeyeen
  • Suuriya oo si weyn farta ugu godan tahay dilkii Rafiiqal Xarriiri
  • Bush: "Dagaalkii Ciraaq 30.000 ayaa ku dhimatay"
                         Australia oo rabsho midabtakoor ahi Hareeyeen  
 
Waxaa la yiri "Dal aadan laheyn waa dareen ku joog" Maah maahdaasi cidaan dareemin dhibka qurbaha yaal loogama sheekeynayo mana fahmi karro dulucda ay xambaarsan tahay.
Magaalada Sydney ee wadanka Australia ayaa hareey meelo kamid ah rabshado xagga midab ka takoor ah oo ay weerar ugu geysanayeen dadka muuqaalkoodu u eg yahay carabaha ama bariga dhaxe dadka ka yimid.
 
Rabashadahan ayaa ka bilowday xeeb lugu magacaabo Cronulla oo la sheegay in labo maalmood ka hor lugu weeraray  labo nin oo ka tirsan kuwa badbaadaha oo badda ka shaqeeyo kuwaasoo dadkii weerarka u geystay ay ahaayeen dad u dhashay carabaha.
 
 Arrintani ayaa waxaa ay keentay in farriin qoraalo ah oo taleefanka la  isku dirro taasoo loogu sheegayo in dadka reer Australia ay qabsadaan xeebahooda. Waxaana kasoo jawaabay baa la leeyahay dad badan oo careysan kuwaasoo inta tagay xeebta iyagoo qamri dhalooyin ku jira iyo calanka wadankaas. Kooxdan xeebta tagtay ayaa ku qeylinayey hadalo naceyb ah oo ku sheegayaan in Lubnaaninta wadanka laga saaro dibna loogu celiyo wadankooda.
 
Dhalinyaraadaas ayaa markii dambe xaalkoodu wuxuu isku badalay kuwo rabshado doon ah waxaana ay weriyeyaashu soo sheegeen in qofkasta oo ay arkaan inuu u muuqaal egyahay carabaha ay wax yeeleynayeen iyagoo la dhacayey laad iyo dhalooyinkii qamriga ay wateen. Dadkii la eryayaney qaarkood  ayaa markii dambe gabaad ula cararay maqaayadaha iyo baabuurta caafimaadka ee goobahaasi joogay.
 
Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa markii dambe u adeegsaday dhalinyaradaasi rabshado doonka ah budad iyo sunta dadka ka ilmeysiisa si ay meesha uga kaxeeyaan. Rabashadahan maanta argagaxiyey dadka reer Sydney ayaa gebi ahaan ku faafay magaalada oo dhan kadib markii kooxo kale oo dadka bariga dhaxe ah ay iyagana bur buriyeen gaawirada wadoonkooyinka hareeraheeda yaala dadkana u hanjabeen.
Ra'iisal wasaaraha wadankaasi John Howard ayaa sheegtay in rabshada xagga midabka ah ee ka dhacay Sydney ay tahay mid laga xumaado balse waxa uu gaashaanka u darruuray iney yihiin kuwo xagga midabka ah.
 
             Suuriya oo si weyn farta ugu godan tahay dilkii Rafiiqal Xarriiri
 
Inkastoo aan ilaa iyo hada si rasmi ah loo shaacin cida ka dambeysa dilkii ra'iisal wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiqal xarrriiri ayaa hadana maanta oo isniin ah warar laga helay daarta Qaramada Midoobey sheegayaan in Suuriya ay arrintaasi ka dambeyso. Sagaal iyo toban kamid ah dadka lugu tuhunsan yahay dilkaas ayaa maanta warbixinta la helay xustay walow aan magacyadooda la sheegin balse Melis waxa uu sheegay in 5 kamid ah mas'uuliyiinta wadankaasi ay ka jawaabeen su'aalihiisi bishii hore imarkii uu kula kulmayy magaalada Viena ee wadanka Ostari.
 
Dhinaca kale maanta waxaa magaalada Beyruut ee wadanka Lubnaan lugu dilay mudane ka tirsan baarlamaanka wadankaas islamarkaasina ah tafaftirha wargeyska la yiraahdo Anahaar oo la yiraahdo Gibran Tuwani.
 
Tuwani wuxuu ahaa xillidhibaan si weyn ugu soo horjeeday Suuriya waxaana uu dalka dibada uga maqnaa muddo  bilooyin ah nabadgalayada awgeed.Qaraxii maanta dhacay tan iyo intii la dilay Rafiiqal Xarriirigii Lubnaan ayuu waxa uu yahay kii 14aad ee ka dhaca magaalada Beyruut ee xarunta wadankaasi. Suuriya ayaa maanta cambaareysay qaraxaas waxaana ay ku tilmaantay mid lugu doonayo in sumcadeeda lugu waxyeeleeyo. Golaha loo dhan yahay ee jumcuyida Qarumaha ka dhaxeysa ayaa maalinta berito ah waxaa uu ka munaaqishoon doonta warbixinta Mehlet Melis uu ku soo diyaarshay u kuuragelidiisi ciddii ka dambeysay dilkii Rafiiqal Xarriiriga Lubnaan ee Suuriya mas'uuliyadeeda qoorta loo suray taasina ay sababtay in xirriirka labada dal aanu wanaagsaneyn inuu maalinba maalinta ka dambeysa kasii darrayo. 
 
 
                      Bush: "Dagaalkii Ciraaq 30.000 ayaa ku dhimatay"
 
 
Waxaa la filaayey tirada uu sheegay madaxweyne Bush iney intaas ka bdnaato. Madaxweyne Bush dalka Mareykanka ayaa maanta markii ugu horey ka hadlay tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalkii duulaanka ahaa ee ay ku qaadeen ciidamadiisa dalka Ciraaq. Tirro kale oo intaas ka yar ayaa hey'ad lugu magacaabo Iraq Body Count sheegtay iney ku dhinteen dagaalkaasi Ciraaq lugu qaaday. Hey'ada ayaa maanta oo isniin ah u sheegtay saxaafada in 27.000 ilaa 30.000 dad gaaraya ay dhinteen.
Xaqiiqdiise dadka u kuuragalay dagaalka Ciraaq iyo qasaaraha aan laga kabsan ayaa tibaaxay warbixinta Bush iney tahay mid lugu doonayo in lugu qaldora'yiga caalamka oo tirada intaas ka badan tahay. Bush waxa uu sheegay in ciidamada dalkiisa ee dagaalka Ciraaq kaga dhimatay 2 170 askari.  "Sanadka 2005-ta waxa uu noqon doona dadka reer Ciraaq taariikhda meel ka galeen iyo guud ahaan bariga dhaxe oo astaan u noqota xorriyada iyo dimoqraadiyada" ayuu yiri Bush oo ka hadlaya sida uu qanacsanahay natiijada dagaalka Ciraaq oo dhinac kale xusay in dhibaatooyin kala kulmeen.

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com





HTML CD