"Waxaan
Codsanayaa Caawino Soomaalinimo" Naciimo
Cusmaan Sabriye
Waxaan ka Murugaysanhay dhamaan
ummadda Soomaaliyeed ee Cudurada
halista ah ku habsadeen oo kusoo
badanayey waayadaan shabakadaha,
gaar ahaana mida hada na
hortaala ee Nicmo Cusmaan Sabri.
Waxaa marti inoo ahayd oo shalay
inoo bilaabatay Bishii
Barakaysneed ee Ramadaan,
maantana waxaa inoo soo martiday
gabar Soomaaliyeed oo ka fursan
wayday inay nala qaybsato
dhibaatada haysata, Nimco Cumaan
Sabri waa gabar Soomaaliyeed oo
Soomali kacodsanaysa inay ka
caawiyaan Xanuun wadnaha ka haya
oo ay u baahan tahay dhakhtar
caalami ah, iyo daawayn aysan ku
haysan meesha ay hada ku
nooshahay ee dalka Yemen.
Waxaa hubaala sida Soomaalida
lagu yaqaan qofkii heli kara si
uu dhibkiisa ku xaliyo ha noqoto
ehel u maqan ama qabiil guudba inuu
ka sariigto inuu Soomaaliwayn
soo dhex dhigo dhibkiisa,
balkawarama Nimco iyadoo gabara
haday soo raacisay Sawirkeeda
iyo Cadaymihii dhakhtarka si ay
ugu xoojiso codsigeeda nooga
waranto dhibaatada nolosheeda
halista ku ah, taas waxay noo
caday naysaa in Nimco ay san
haysan cid aan inaga ahayn,
hadaba miyeysan haboonayn inaan
Caawino Nimco inagoo ka
faa'iidaysanayna Bishaan
Ramadaan oo sida ay bilaha uga
duwan tahay khayrkii lagaystaana
uga duwan yahay bilaha kale?,
dabcan haa anagoo ku hadlayna
magaca Soomaalida, hadaan nahay
Bahda Somalitalk anaga waxaan
idin ka codsanaynaa inaan
caawino Nimco si kasta oo suura
gala aadna noo soo gudbisaan
akhbaarta cidii ku guulaysata
inay ajiibto codsiga nimco,
anana waxaan balan qaadaynaa
inaan baahin doono insha allaah,
hada nala arag hadaladii
Naciimo.
Naciimo Cusmaan Sabriye
Telefoon: 00967-1-324491
E-mail:
naemoosman@yahoo.com
Sanca, Yemen
Asalaamu calaykum ku socota walaaladayda
Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan waxa
aan idinka codsanayaa in laycaawiyo oo
layga caawiyo sidii aan uheli lahaa
isbitaalada wadnaha qala iyo
dhakaatiirta aqoonta khibradeed u leh
qalista wadnaha.
Waxa
aan ahay gabar Soomaliyeed oo kamid ah
qaxootiga Somaliyeed ee Yemen jooga waxa
la iyiraahdaa Naciimo Cusmaan Sabriye
27jir,card qaxoontiga lambarkiisu yahay
2545 kasoo baxay xafiiska UCHCR ee
Yemen, waxa aan kudhashay anigoo wadnaha
dalool kuleh waxa aan jiraday muddo laba
sano kahor ah markii laybaaray ayaa
layga heley dalool kuyaal wadnaha
gudahiisa waxa ay dhakhaatiirtu igu
yiraahdeen waxa aad ubaahan tahay in
laguu sameeyo qalitaan wadnaha gudihiisa
ah, wadnaha ayaa lajeexayaa siloo xiro
daloolkaas kuyaal wadnaha gudahiisa.
Waxa ay
dhakaatiirtu igu dhaheen waxa aan
kugulatalinaynaa ama aad ubaahantahay in
aad heshid isbitaal ugaar ah wadnaha
qalitaankiisa oo haysta qalabka qalista
casriga ah iyo dhakhaatiirtu khibrad
uleh qalitaanka wadnaha.
Wadankan aan joogno ee Yemen waa wadan
faqiir ah oo aad uga liita Isbitaalada
gaar ahaan qalista wadnaha. Dawlada
Yemen waxba kuma cawiso qaxoontiga, waxa
aan mudo laba sano ah udacwoonayey
xafiiska UNHCR-ta ee kuyaal Yemen oo aan
kacodsanaayey in ay iiga caawiyaan sidii
aan u heli lahaa isbitaalada ugaarka ah
wadnaha, ashtakooyin badan ayaan ugud
biyey UNHCR-ta Yemen lakiin waxba wey
iiqaban waayeen.
Waxa
aan ashtako udiray xafiiska UNHCRT-ta ee
kuyaal Geneva waxa aan ka codsanayey in
layqaado bananka Yemen oo lay gudbiyo
wadan leh isbitaal wadnaha qalitaankiisa
khibrad uleh ,lakin xafiiska UNHCRT-ta
ee kuyaal Yemen waa iga diiday waxa ay
igu iraahdeen waxa aan kaa bixinaynaa
qarashka Isbitaalka iyo qalista
lacagteeda hadii aad rabtid in aad isku
qasho Yemen ,waxa ay igu iraahdeen hadii
aan nahay xafiiska unhcr makuu qaadi
karno debedaha yemen.
Waxa
jiray dad hore oo jiran uu xafiiska
UNHCRT-ta uqaaday Isbitaalo kuyaal yurub
,kadibna ay dadkii ay iskaga yaceen
Isbitaaladii oo qofna soo noqon wayey
sidaa daraadeed qofdanbe uma qaadi karno
Isbitaalada kuyaal debadaha Yemen,
siwalba waan u baryey xafiiska UNHCRT-ta
in ay arintayda ugudbiyaan Isbitaalada
wadnaha ee kuyaal dawladaha kale laakiin
waa iga diideen
Xaaladayda cafimaad maalinba maalinta
kadanbaysa weysii xumaanaysaa, sidaa
daradeed waxa aan ka cod sanayaa
walaladayda Soomaaliyeed ee kunool
qurbaha meelkasta ay joogan in ay
icaawiyaan ,waxa aan idinka codsanayaa
in arintayda loo gudbiyo dhakhaatiirta
Soomaaliyeed ee kunool debadaha ,ururada
Soomaaliyeed waxa aan kacodsanayaa in ay
igacaawiyaan sidii aan kuheli lahaa
Isbitaal iisameeya qalista wadnaha waxa
aan sigaar ah codsi uwediisanayaa
jaaliyada Soomaaliyeed ee kuyaala yurub
iyo aduunka kaleba dadka somaliyeed ee
leh websityada in ay sawirkayga iyo
codsigayga in loo soobanaan dhigo
bulshada somaliyeed si la ii caawiyo.
Waxa
aan idinka codsanayaa in aad ii
ogolataan website-ka oo aad arintayda
loo bandhigo jaaliyadaha ama ururada
Soomaalida ee kunool debadaha, waxa aan
idinka codsanayaa in layraadiyo Isbitaal
iisameeyo qalista aan ubaahanayhay,
qofkii icaawiyo ilaahay haka abaal
mariyo, waxa jira isbitaalo hadii
loosheego arintayda ii ogolaanaya in ay
iisameeyaan qalis lacag la'aan ah ,walalayaal
magalooyinka aad degantihiin isbitaalada
kuyaal iiraadiya jawaab ayaan idinka
sugayaa hadii ilahay idmo,wabilaahi
towfiq.
Halkaan ka akhriso kana daabaco Cadaynta
iyo Sawir Computer looga qaaday Nimco
Cusmaan Sabriye.

Naciimo
Cusmaan Sabriye
Telefankayga
00967-1-324491
E-mail:
naemoosman@yahoo.com
Sanca Yemen
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2005 |