|
Addoon Hal, waa hadal caynkee ah?!
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
July 27, 2003
Asalaamu calaykum.
|
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahad leh caalamiinta Rabbigood
ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Walaal Soomaaliyeed baa
magacayga Soomaaliyeey markaasuu ku sheegay
Addoon Hal!
Wuxuu ku sii daray mar aan walaal kale oo aan maqaal uu leeyahay ka
jawaabayey in aan Maandeeq iyo geel ka hadlay. Wuxuu isku qasay labo maqaal.
Akhristayaal waxaan mar
akhriyey kaftan uu qof Soomali ah ka sheegay Soomaali kale oo oraah
Soomaaliyeed si toos ah English ugu bedelay. Wuxuu yiri wiil iyo gabar baa
sheekaysanayey marka midkood baa kii kale ku yiri “ don’t enter my Ocean”
isagoo/iyadoo ka wada/wadda “baddayda ha gelin”. Qofkaasi aad buu iiga
qosliyey. Sidoo kale qolyaha wax ka qosliya kuwo ah ayaa yiri maalin baa
haweenay da’ waynayd oo Joogtay London waxay ka codsatay nin Soomaali ah oo
ku dhashay Kenya in uu dhakhtarka u raaco oo uga turjumo, waa “GP” (general
practitioner). Ninkii waa aqbalay.
Dhakhtarkii wuxuu waydiiyey
haweentii sida loo hayo iyo waxa ay ka sheeganayso. Haweentii waxay
Afsoomaali ku tiri: xalay waa la i aroorshay oo cirka iyo dhulka dhexdiisa
ayaa la i geeyey, waa la igu tuntay, lafaha oo dhanna waa u burbursanyihiin
. Turjumaankii sideedii buu English ahaan ugu bedelay kaddibna GP inta u
adkaysan waayey waxa turjumaanku sheegayo ayuu yiri: booliis ma u yeeratay?!
Run ahaantii markaan
akhrinayey sadarka u horeeya ee qoraalkii walaalkeen
Samatar
ayaan gartay falsafadiisa iyo waxa uu u dig iyo hamleeyahay. Inta aanan
Maandeeq ka hadlin baan aan fiirino magacayga sida uu u turjumay.
CabdulWaaxid wuxuu ku
turjumay Addoon Hal. Haddaan C/Waaxid meesha ka saarno oon soo qaadano
Addoon Hal waa adagtahay in qof Soomali ah fahmo iska daa qolo kalee. Maxay
tahay Addoon Hal? Haddii la yiraahdo Hal Addoon micno ayey samaynaysaa.
Marka bal aan micnihiisa ka raacno. Erayga Cabdi ee Addoon uu ku sheegay
waxaa loo tiiriyey Al-Waaxid ( Waa mudhaaf iyo mudhaaf ilayhi) laakiin
Samantar sidii sheekooyinkii qosolka ahaa arrintaas waa ka tagay oo
Afsoomaali ahaan micno samaynmayso. Waayo Addoon Hal lama fahmayo in Hal uu
addoon yahay iyo in loo yahay. Tusaale ahaan haddaad tiraahdid Addoon Zenawi
waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa in uu Zenawi addoon yahay oo micno kale ma
qaadan karto laakiin haddaan dhahno Addoonkii Zenawi labo micne ayey yeelan
kartaa:
In Zenawi uu addoon yahay
oo haddii inta Zenawi ugu soo baxo aan dhaho waa addoonkii Zenawi waxaan ka
wada Zenawi laftiisa ayaa addoon ah. Laakiin haddii inta qabqable
Soomaaliyeed igu soo baxo aan dhaho waa addoonkii Zenawi waxaa loo fahmayaa
in qabqabluhu uu addoon u yahay Zenawi.
Marka haddaad rabtid in aad
qof caadi ah u isticmaashid kalmadaas waxaa la rabaa in intaas laga badiyo
oo ugu yaraan wax loo tiiriyo. Taasi waxay ku tusinaysaa halka uu Ilaah ka
joogo Samatar. Jahli waa ugu cududaari lahayn laakiin maqaalo uu leeyahay
ayaan ku arkay isagoo Carabiga iyo Carabta haysta.
Imaamu Shaafici (RC) ayaa
laga sheegaa inuu hadduu arko qofka uu sheegi jiray xirfadiisa. Kolay sawir
baan ka haysaa Samatar laakiin waxaan rajaynayaa in aan akhbaar helidoono.
Teeda Kale Al-Waaxid
Afsoomaali ahaan ma Hal baa? Labo macne aan ka soo qaadano Al-Waaxid:
1. Macno ahaan waa lagu
sheegi karaa koow oo ah numberka ugu horeeya tirada. Marna hal ma oran
kartid. Afsoomaali ahaan waa khalad haddaad hal tiraahdid. Koow Luuqaduu
rabo ha ka yimaado isagaa booskaas leh. Koow, Labo, seddex. Ma ahan hal,
labo, seddex. Koow iyo toban, Kow iyo labaatan, boqol iyo koow, kun iyo
koow.
2. Waxaa laga wadaa Al-Axad
oo ah Kali aan lahayn wax u dhigma oo aysan jirin cid asaagsan karta.
Marka Al-Waaxid ku jira magacayga halkaas baa laga keenay.
Tusaale kale aan soo
qaadano oo aan isla fahmayno. Cuntadaan jecelnahee aan doorto. Qof tufaax
gadaya waxaad dhihi kartaa labo hal (xabbo ) iga gad, seddex hal, toban hal,
IWM. Laakiin ma dhihi kartid labo koow ama shan koow iga gad. Waxaad dhihi
kartaa xabbadii koowaad baan gatay, ka warran haddaad tiraahdid xabbadii
hallaad baan gatay? Halkii ugu horreeyey baan gatay waad dhihi kartaa waana
tii koowaad. Kaalinta koowaad buu galay. Wixii ku xiga waa labaad.
Madaxweynihii koowaad ee
Soomaaliya laakiin lama oran karo madaxweynihii hallaad ee Soomaaliya maxaa
yeelay madaxweyne kasta hal buu ahaa laakiin koow waxaa qaatay Aadan Cadde.
Addoon Hal. Hal waxay kaloo
leedahay micnoyaal kale marka waa inaad caddaysaa waxaad ka wadid. Ma Hashii
geelaa?
Marka Samatar Ilaahaygii ku
abuuray xitaa Koow ma uquuri wayday haddaadan michihii labaad siin?
Usoo noqo Carabiga Ilaahay
kugu diray. Waxaa jirta qaacido fiqi ah oo leh waxa uusan waajibku
dhamaystirmi karin isaga la’aantiis waa waajib. Marka maaddaama ay
Soomaalidu muslimyihiin waa ku waajib in laga helo dad soomaaliyeed oo
Carabiga yaqaan mar kasta. Waxay ku fiicnaan lahayd in qof kasta yaqaan
laakiin haddii qaar yaqaan kuwo kale dambi kuma ahan aqoon la’aantiisa.
Qofkii Faataxada sifiican u akhrin kara Carabi kama marna.
Afsoomaaliga iyo Afcarabigu
waa sidii jirka iyo ruuxda oo makala maarmaan. Haddii jirka ruuxdu ka baxdo
waa u dhamaanaysaa. Ruuxdu waa Carabiga. Afsoomaaliga imisa kelmadood oo
Carabi ah baa ku jirta? Wax tirakoobay ma arag laakiin aad iyo aad bay u
badanyihiin. Xagga diinta markii laga hadlayana erayada la isticmaalo
intooda badan waa Carabi. Imisa eray oo Afsoomali ah ayaa Carabiga ku jira?
Waxaad la yaabaysaa Samatar
iyo dadka la mid ka ah markii la leeyahay saynis, kumbuyuutar, teleefishin
iyo raadiye la yaab ma leh laakiin markay arkaan Carabi khaasatan magacyada
Ilaahay loo tiiriyey waa gubanayaan.
Waxaa kula talin lahaa
ninkaas Samatar la baxay inuu ogaado dadka uu rabo inay maqaalkiisa
akhristaan inay yihiin dad Soomaali ah oo muslim ah marka waa inuu ka
taxadaro in uusan wax diinta wax u dhimaya ama falsafad banaanka taal uusan
lasoo shir tegin.
Maqaalkuu haysto wuxuu ahaa
“dhulkii Soomaaliyeed oo aan hal ku sheegnay, Maandeeq”. Wuxuu wali ku jiraa
website-yo badan. Haddii aad Afsoomali taqaanid maxaad u fahmi wayday
maqaalka. Maandeeq haddaan ka wado in geelu leeyahay maxaan u lahaa in
haddaysan dhulka hooyo ku sheegayn may ku sheegaan Maandeeqdii gabadha ahayd.
Marka haddaan Maandeeq u aqaan geel maxaan gabdhihii kala raadshay?
Maqaaladaydii hore ayaan ku
sheegay in qof kasta oo geel lihi uusan geel-jire ahayn. Dadka geela leh
waxaa loo yaqaan geelleey. Qofkii lo’ leh lo’ leey, ari leh arileey. Haddaad
nin reer baadiye ah oo geel leh ku tiraahdid geel-jire waad caayday. Marka
marna ma caayin geelleey ee waxaan ka hadlayey kuwooda geel-jiraha noqday.
Sheekaduna waxay ku socotay qabqablayaasha. Waxay sheekadaadu ka dhigantahay
qof inta qabqablaasha caayey la yiri raggii Soomaaliyeed buu caayey oo
markaas lagu yiraahdo waad khaldandantay maxaa yeelay aabbahaa iyo
awoowayaasha rag bay ahaayeen! Mise geela iyo geel-jiraha ayaa iskaga kaa
khaldamay? Tusaale ayaan bixiyey. Aan ku celiyo. Qofkii yiri geeraarkaan ama
fikradaas qaba waa geel-jire:
Geerida haween guud la firo
iyo guursi laga qaad
Geeridaadana (geela) gaawe
maran iyo gaajo laga qaad
Geeridaydana guryo ba’ay
iyo gablan laga qaad.
Halka uu Nabi Muxamed (SCW)
ka yiri adduunyo waxaa la iga jeclaysiiyey udugga iyo dumarka, salaaduna waa
il-qaboowsigayga.
Marka arrimaha kala saar.
Teeda kale waxaan ku xusay
maqaalkii kale in aanan Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaligaba ku fiicnayn.
Marka anigii baa ku leh Afsoomaaliga si fiican uma aqaan marka haddaad
tiraahdid Afsoomaali ma taqaanid imaad eedayn ee anaad igu raacday.
Magaca sidiisaa loo daayaa.
Qof qurac la yiraahdo hadduu rabo inuu maqaal Ingiriis ah qoro markuu
magaciisa saxiixayo waa inuu Quruc ku sheegaa. Waa dhici kartaa inaysan
sidii Soomaaliga u dhigmi karin laakiin inaad magaca Ingiriisku u yaqaan
quraca aad ku sheegtid looma baahna.
Haddii aad magacaygii aad
sidiisa u daynwayday adoo Carabi ka raadgadanaya bal fiiri inta kalmadood oo
aad maqaalkaas kaliya ku soo qortay:
Qiime, shey, shaqsi, ra’yi,
sabab, niyad, dukaan, nasiib, macnaheeda, xor, bedelay (bedel), waddan.
Marka ma garan waxa adna
Carabiga kuu banneeyey anna iidiiday.
Carabiga Soomaaliga ku jira
wuxuu noo yahay Soomaali caadi ah. Inta badan kalmadaha Carabiga ku jira
ayaa dadkoo dhan wada fahmi karaa sida wajiga oo Carabi ka soo jeeda. Fool
waa loogu yeeri karaa wajiga laakiin fool waxaa la dhahaa ilkaha qaar ka mid
ah sidoo kale, dad yar baana yaqaan.
Nin la yiraahdo Haaruun
Acwar oo Yuhuud ahaan jiray ayaa muslimay maalinitii dambe ayey wada doodeen
nin kaloo muslim ah dabadeedna Haaruun baa dooddii raayey. Ninkii kale waa
xanaaqay oo yiri waxaad ahayd Yuhuud dabadeedna waad muslintay. Haruun wuxuu
yiri “Afabi’sa maa sanactu” oo ah ma dhib bay leedahay waxaan sameeyey?
Micnaha haddaan Yuhuud ahaa oo aan muslimay ma dhib baan sameeyey? Markaasaa
waxaa haddana raayey Haaruun Acwar. Marka hadda diintii Islaamka ayaa
noqotay wax la isku caayo. Gar dheer buu leeyahay, surwaal buu gaabsaday.
Haweentaasi xijaab bay qaadatay, diintay rabaan in la isku xukumo, IWM.
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | JAug 2,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|