Haddaad kalmadda “qaamuus” qaadatay maxaad
“tanaasul uga qaxaysaa?! Waa jawaabtii maqaalkii Ceynte.
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
July 27, 2003
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahad leh,
Caalamiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Waa jawaab ku socota
maqaalkii walaalkeen C/Raxamaan Ceynte. “Somalia: Qaran aan Qaamuuskiisa wax
Qeybsiba ku Qorneyn”.
Waxaan rabaa in aan dhowr
qodob ukala qaybiyo:
1. Halka walaalkeen ka
soo qaatay maqaalkiisa.
2. Maxaa ka jira
arrinta uu luuqadahaas ka sheegay.
3. Caddayn iyo tusaale
tusinaya in dadkaas qaarkood tanaasulka yaqaanay.
4. Erayada uu
isticmaalay qaarkood oo i caawin doona.
5. Falsafad lala
beegsano Carabiga iyadoo boor la isku qarinayo, ha ogaado qoraagu ama
yuusan ogaane.
Walaalkeen wuxuu yiri
khuburo Maraykan ah ayaa cilmi baarista samaysay. Ma loo qaban karaa waxa
Maraykanku ka yiraado luuqad Carbeed ama Diinta Islaamka? Muu oran
baaritaan ay adduunyadu samaysay sida hay’aha UN ee la isla yaqaan. Ka soo
qaad UNESCO IWM. Luuqadaha la sheegayo dadkii lahaa waa in ay meesha ku
jiraan ilayn qof walba luuqadiisa isagaa ugu aqoon badan. Walaalkeen ma
xusin in uu dad Yuhuud iyo Carab ah waydiiyey in luuqadahoodu leeyihiin
kalmadaas iyo in kale.
Tan labaad haddaan idin
dhaho luuqadda Cibraaniyadda (Hebrew) baan wax ka aqaan waa arrin aan
jirin. Carabiga waan akhrin karaa, haddii la ii yeeriyana waan qori karaa,
Soomaali badankeed baa arrintaas ila qabta. Afsoomaaliga isna waan ku
hadlaa ee ma ahi nin ku xeel dheer. Kollay Carabiga iyo Soomaaligu way
leeyihiin eray u dhigma “compromise” waana “tanaasul”. Eraygu waa Carabi
waxaana dhici karta inay jiraan erayo kaga sii habboon. Haddii uu qoraagu
yiraahdo “tanaasul” Afsoomaali ma ahan waxaan waydiinayaa buuggii aad ku
uruurin lahayd erayada Afsoomaaliga oo xul ah waxaad ku sheegtay “qaamuus”
marka maxaad Carabiga oo Afsoomaaliga ku badan uga qaxaysaa? Saan
aaminsanahay magaca qaamuus waxaa laga keenay kitaabkii Fayruus Abaadi ee
uu Cariga ku uruurinayey. Micno ahaana waa bad ama meesha biyaha liqda
bartankeeda. Weedha tanaasul aan fiirino asal ahaan iyadoo Carabi ah.
نزل: من علو الى سفل ينزل
نزولا ضد صعد
تنازل الرجل: نزل عن د رجته
و تساهل
Waxaan ka soo qaatay
micnoyaashaas qaamuuska la yiraahdo Muxiidh Al-Muxiidh oo uu leeyahay
Budhrus Al-Bustaani. Eraygaas Carabiga ah asal ahaanba wuxuu sheegayaa degis
min kor ilaa hoos. “Tanaazala” waa ficilkii, markaad masdar ka dhigaysid
“caynteeda” oo hadda u taagan zaayda xarako godan sii “Tanaasul”. Tanaasul
ma ahan labo eray sida ay Maraykanku sheegayaan. Hadday “learn iyo
learned/learnt” labo eray kala yihiin hadal baa u furan. Micne ahaan waa
markii qofku kasoo dago booskiisii oo uu sahlanaan ogolaado. Cay iyo ammaan
kay rabto ha ahaato.
Bal aan fiirino waxa uu
dictionary-ga Oxford Advanced Learner’s uu ka yiri compromise: the giving up
of particular demands by each side in a dispute, so that an agreement may be
reached which satisfies both sides to some extent. Waa haddii aysan fal
ahayn.
Soomali ahaan: dhinacyada
is-haya oo ka laabta dalbashooyinkooda si loo gaaro wax/ogolaansho
raaligeliya labada dhinacba ilaa xad.
Maraykanku wuxuu u dig iyo
hamleeyahay waa luuqadda Carabiga marka aan soo qaadano tusaalayaal
muujinaya tanaasulka.
وَدُّوا لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ
Waa kaa tanaasulkii ay
Qurayshi ka dalabtay Nabiga (SCW). Quraysh waxay waydiisatay in ay Nabiga
meel dhexe isugu yimaadaan oo ay sanad Ilaahood wada caabudaan sanadna
Ilaaha Nabi Muxamed (SCW) la caabudo. Saas waxaa sheega culimada qaarkeed.
Sidoo kale Miyuusan Nabi
Muxamed (SCW) heshiiskii Xudaybiya tanaasulkii la ogaa u samayn waliba
asxaabta (RC) oo jeclayd inay dagaalamaan haddii Xaramka laga hor istaago.
Qoraaga waxaa ku fiicnayd in uu qisadaa dib u akhriyo.
Qoraagu wuxuu sheegay inuu
la tashaday dad Afsoomaaliga kaga xeeldheer walina umay keenin kalmad
udhiganta. Waxaan aaminsanhay in ay dadkaasi tanaasul yaqaanaan laakiin ay
Carabiga ka raad-gadanayaan. Wajigiin gubay! Wajiga nagu yaal imisa qof baa
kalmad kale oo AFsoomaaliya u taqaan? Far kaliya fool ma dhaqdo. Bal
ag-fariiso wadaad Diin akhrinaya oo ufiirso inta kalmadood oo uu Afsoomaali
u helo.
Waxaan aaminsanahay inaysan
meesha falsafadi ka marnayn. Horta wixii Diin ku saabsan ra’yi uma baahna
laakiin wixii kasoo hara wax baa nooga furan. Waligay kama haybaysan wax
fiiloosoofi sheegay maxaa yeelay waa qof, wax run ah oo fidro ah buu sheegi
karaa wuuna gafi karaa. Arrintan inaysan falsafad ka marnayn waxaa u daliil
ah wuxuu qoraagu soo xusay in markii dagaalada iyo dhibaatada laga hadlayo,
Bariga Dhexe tusaale loo soo qaato. Waa runtiis laakiin ilaa goorma?
Islaamka ka hor Bariga
Dhexe waxay ahayd meel dadka degeni ay dhibaato ku sugnaayeen oo labadii
quwadood oo waagaas jiray ay kala gumaysan jireen. Siday ula dhaqmi jireena
qofkasta waa ogyahay. Intii ka badbaaday sida Quraysh oo kalana waxay
lahaayeen dhaqan kale oo kasii qaab daran oo ah in ay gabdhaha yar yar
nolol-duugaan, in kan xoogga lihi kan tabarta daran dhaco iyo in ay sanamyo
caabudi jireen. Islaamku markuu yimid wuxuu u keenay xaddaarad iyo cilmi.
Wuxuu baray dowladnimo kaddib markay ahaayeen qabiilo. Luuqadda Carabiga
Islaamka ka hor bay jirtay laakiin yaa bilaabay horumarinteeda sida naxwaha,
sarfiga, iyo sahlida qoriddeeda si qof walba uu si dhib yar u baran karo.
Islaamka ka hor dadka Carbiga qori karay waxay ahaayeen faro ku tiris xitaa
dadka Carabiga iyo gabayada ugu badshay qaarkood ma qori aqoon. Qisadii
Mutalamas dib u fiiri.
Maalintaas laga soo bilaabo
Bariga Dhexe wuxuu ahaa meesha adduunka ugu horaysa qarniyaal badan.
Dhibaatooyinkii ugu badnaa waxaa ka sameeyey Tataarka, “Crusaders”
kiristaankii qabsaday mar iyo Yuhuud.
Xaalku waa Bariga Dhexe oo
Soomaalidu hadalhayso wuxuu ku salaysanyahay qabsashada Yuhuudda ee dhulka
Falastiin khaasatan laga soo bilaabo 1948.
Qoraaga arrintiisu waxay ka
dhigantahay qof inta qabqablayaasha arkay go’aan ku gaaray in aysan
Soomaaliya dad qumani waligood soo marin. Qoraaga ma ahayn inaan hadda u
sheego in ay Yuhuuddu dhibtaas samaysay.
Qolada aan tunaasulka aqoon
waa tuma? Waa yuhuud iyo Maraykan. Haddii uu qoraagu cilmi baaris Maraykan
noo soo qaatay anigu waxaan idiin soo qaadan Hadalkii Ilaahay oo ah
Qur’aanka.
Yuhuud iyo Maraykan waxay
tanaasul yaqaanaan markay tabar daranyihiin oo kaliya. Bal fiiri aayadahan:
كَيْفَ وَإِنْ يَظْهَرُوا عَلَيْكُمْ لَا
يَرْقُبُوا فِيكُمْ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً يُرْضُونَكُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ
وَتَأْبَى قُلُوبُهُمْ وَأَكْثَرُهُمْ فَاسِقُون()
اشْتَرَوْا بِآيَاتِ اللَّهِ ثَمَنًا
قَلِيلًا فَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِهِ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ()
لَا يَرْقُبُونَ فِي مُؤْمِنٍ إِلًّا وَلَا
ذِمَّةً وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُعْتَدُون
Qur’aanku wuxuu sheegay in
gaaladu aysan aqoon qaraabo iyo ballan midna. Maaddaama uu qoraagu noo soo
qaatay cilmi baaristii Maraykanka waxaan waydiinayaa “compromise”-ka ugu
qoran qaamuuska goormay fulinayaan? Miyuusan ahayn Maraykan waddankii inta
adduunkii oo dhami isugu yimid ku yiraahdeen Maraykanoow Ciraaq ma haysato
waxa aad sheegaysid, adiga ayaan kuu samaynaynaa waxaad rabtid ee weerarkan
iyo madaxweyne bedelidda iska daa.
Marka “compromise”-ku ma
saas baa?
Waxaan kula talinlahaa
walaalaha in ay Ilaahay rumaystaan oo ay iska daayeen belaayadan ay dabo
ordayaan. Qofkii raba inuu xaqiiqda ogaado ha barto Islaamka.
Waxaan shakki lahayn in
qabqablayaashu aysan ahayn kuwo yaqaan kalmada uu qoraagu xusay.
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 27,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|