Koobiyeynta Dadka (Human Cloning)
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
May 22, 2003
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahad leh, Caalimiinta Rabbigood
ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaatto.
Waxaad ku arkaysaa buugaagta, filimada,
Riwaayadaha iyo waxyaalop badan waxa loo yaqaan xaquuqda daabacaadda (copy
right). Waxay sheegaan inaan waxoodaas aan la koobiyeyn karin, qaabkay
doonto ha ahaatto iyadoon iyaga fasax laga helin. Xittaa buugaag badan oo
dad muslimiin ah qoreen oo qaarkood kuwa cilmi yahay way sheegteen in la
tixgeliyo xuquuqdaas. Shirkadaha ganacsiguna waxay leeyihiin waxa loo yaqaan
“patent” oo ah shatti ay leeyihiin oo waxay soo saaraan inaan iyagoon
ogayn la koobiyeyn karin ama la soo saari karin.
Ilaahii dadka abuuray miyuusan xaq u lahayn
in la raaco waxa uu noo ogolyahay iyo waxa kale? Jawaabtu waa caddahay.
Waxaan Qur’aanka ku aragnay in Ilaahay uu
leeyahay, guryaha uga imaada xagga albaabada. Xittaa gaaladu way fahmeen
aayaddaas oo waxay dhahaan English ahaan (through the back door) markaad
arrin si aan caddaalad ahayn ama meel khalad ah u martid.
Waxaa maqaaladan is daba-jooga ah igu
kallifay markaan arkay dadkii muslimiinta ahaa qaarkood oo markay maqlaan
waxyaalo saynis ah ka badbadiya laakiin markii ay Diin gaarto waxyaalo badan
shakki galiya.
Aan u galno “human cloning”. Aan
iswaydiino su’aalahan:
1. Unugyada ama DNA ay isticmaalayaan
xaggee ka keeneen? 2. Meesha ay ku tallaaleen wixii ay dhoobdhoobeen waa
xaggee? 3. Ma iyagaa meeshaas ay dhigeen kaga warqaba oo u xilsaaran?
Anigu kama hadlayo maaddadaas balaaran ee
la yiraahdo “genetic engineering/gene manipulation/ Recombinant DNA”.
Waxaa isbarbar socdo laba hab oo
koobiyeynta ah oo mid loogu talagalay waxyaalo la xiriira daawaynta cudurada
(therapeutic cloning). Waxaa jira cuduro badan oon daawo lahayn oo la rabo
unugyadii wax noqday in lasoo cesho ama loo helo wax haqab tira. Marka si
unugyo cusub loo helo waa in la maro qaabkii qofka binu Aadamka ah ku
bilaabmi jiray oo xoogaa laga weeciyey marinkii caadiga ahaa. Waxaa lasoo
qaataa DNA unugyada la rabo in ay soo baxaan kaddib baa loo wareejiyaa ugxan
bu’dii laga tuuray. Waxaa la sheegaa in hiddo-sidayaashu ay ku jiraan bu’da
marka ugxantani waa kubad maran oo kale oo ka maran hiddihii dhedigaas. Ka
dibna shaybaarka lagu beero si ay u qaybsamaan oo u gaaraan marxalad la
yiraahdo “stem cells”. Waa unugyada looga golleeyahay oo la rabo inay
isu bedeli karaan unugyadii caadiga ahaa ee jirka ee la rabay. Unugyada la
fili karayo waxay la mid noqonayaan kuwii awal la doortay. Unugyada soo baxa
waxay leeyihiin waxaan ku bedelaynaa unugyada wax noqda ee aan daawo wax ka
tarayn. Tusaale unugyada maskaxda ee shaqooda gaba.
Midna waa in qof uu rabo in la koobiyeeyo
ilmo yar oo u eg. Kaan anigu rabo waa kan la rabo in qof nin ama haweenay ay
tiraahdo waxaan rabaa ilmo ii eg.
Sida aan la soconno haddii qaabkii
dabiiciga ahaa loo daayo oo ugxanta haweenka iyo minada ragga la isu daayo,
qofka halkaas ka soo baxa iska daa hiddahiisa qarsoone waxaa ka dhici karta
inay ka soo daahiraan astaamo ka yimid xagga hooyo, sida inuu u ekaado
hooyadi ama abtiyaashi ama awoowgii xagga hooyo iyo wax la mid ah. Sidoo
kalana xagga aabaha. Marka lama saadaalin karo qofkuu u ekaanayo xittaa lab
iyo dhedig kuu noqonayo ilaa uu gaaro xilli lagu ogaan karo.
Waxaa taa ka sii horeeya iraadada Ilaahay
waana tan Allaah uu Qur’aanka noogu sheegay in uu cidduu doono uu gabdho
kaliya siiyo midkuu doonana uu wiilal kaliya siiyo ama uu ilmo iskugu jira
wiilal iyo gabdho uu siiyo
Bayolaji ahaan “clone” waxaa weeye
marka unug ama noolayaasha halka unug lihi ay qaybsamaan oo ay soo saaraan
unugyo kale oo u eg sida qaybsanka unugyada caadiga ah ee jirka ama kuwa
bakteeriyada oo kale oo u eg kii ay ka yimaadaan. Marka hadda waxaa laga
wadaa marka qof yiraahdo waxaan rabaa ilmo ii eg.
Tusaale ahaan haddii nin yiraahdo waxaan
rabaa ilmo ii eg waxay leeyihiin waxaan kasoo qaadaynaa DNA unugyada caadiga
ah ee jirkiisa. Kaddib waxaa loo qasdayaa ugxanta haweentiisa oo waxaa laga
tuurayaa bu’da si loo tirtiro hiddo-sidayaasha ay ugxantu siddo. DNA jirka
ninka laga keenay ayaa la galinayaa booskii tii hore laga tirtiray. Markii
shaybaarka cabbaar lagu hayo oo la arko in ugxantii bu’da la’ayd ee la
buuxiyey ay qaybsantay ayaa dib loogu ceshaa minka si ay ilmahaasi u hormaro.
Waxaa dhici karta in naag uusan ninkaasi qabin oo kale uurkeeda ilmahaas
lagu tallaalo.
Wali ma aan maqal ilmo bani Aadam ah oo
saas ku dhashay laakiin waxaa la hayaa xayawaan badan oo ay leeyihiin
qaabkaas bay ku dhasheen. Waxaa ka mid ah nayshii qaabkaas ku dhalatay ee ka
dhacday Scotland 1996 oo hadda u bakhtiday xanuuno la xiriiray sambabada.
Inkastoo naylo badan oo caadi ku dhashaaba ay u dhiman karaan cudurkaas
laakiin waxaa la arkay dhibaatada lagala kulmay arrintaas. Saynisyahanadii
sameeyey arrintaas waxay isku dayeen in ka badan 270 jeer, ka dib ayey ku
guulaysteen. Waxaa intaas dheer in xoolaha la damco in qaabkaas ay ku
dhashaan ay adagtahay oo intooda badan ayna ugxantu hormarin/qaybsamin ama
dhowr jeer oo kaliya ay qaybsanto amaba ay uurka ku dhintaan. Kuwii ka
badbaada oo dhasha oo intooda badan maalmo yar noolaada.
Arrintaas ayaa keentay in saynisyahano
badani ay candhuufta dib u liqeen oo ay ka niyad jabeen in la isku dayo in
dadku noocaas ku dhasho maxaa yeelay dhibta ka taagan waa muuqataa. Waxaa
hadda daba ordaya oo leh si dhaqso ah ayaan dad noocaas ah u rabnaa waa
qolyo xag jir ah.
Qof kasta oo bayolajiga wax ka yaqaan wuxuu
garanayaa in unugyada ama DNA la rabo in lagu wareejiyo ugxantu ay marayaan
in lagula tacaalo kimiko, waxyaalo shucaac leh iyo waxyaalo kale oo la
saadaalin karo dhibta ay keeni karaan. Waxaa sidoo kale loo gaystaa
unugyadaas nafaqo darro ama nafaqo dheeraad ah si qaradkii ay saynisyahanadu
lahaayeen loo gaaro.
Dadka qaar baa la yaaban markii ay
Saynisyahanadu dhahaan haddaad wiil rabtid, wiil baan isku dayeynaa inuu kuu
dhasho haddii gabar aad rabtidna sidoo kale.
Tusaale ahaan Ilaahay wuxuu Qur’aanka
noogu sheegay inuu abuuray xayawaan afar ku socda. Soo qaado geela. Haddii
qof u fiirsado sida lugaha geela u qaado markuu soconayo sida haddii uu labo
isla qaado. Haddii inta arrintaas qof u kuur-galo uu yiraahdo geelu labo
lugood oo isdhaaf ah buu isla qaadaa ama wax la mid ah, ma la dhihi karaa
qofkaasi isagaa lugaha geela abuuray?
Marka saynisyahanadu baaritaan bay
sameeyeen markii ay koromosoomyada noocaas ah soo dhurtaan in ilmuhu wiil
noqonayo markii kuwaas la isticmaalo in ay gabar noqonayso. Bal inta
tiin-tiin ama maroodi u qasdaan ilmo Binu-Aadam ah ha ka sameeyeen.
Arrintaan ah koobiyeynta dadka dhibta ay
leedahay saynis ahaan iska daa laakiin dhibaatada ay ka galayso diinta iyo
anshaxa ayaa ka daran. Waxaad arkaysaa nin unugyadii oo ay dhici karo in
ugxantii bu’da laga saaray oo xaaskiisa lagu daray oo shaybaar lagu beeray
in mar dambe naag kale minkeed la gasho waana arrin caadi ka ah maaddaadan
waxay hooyadaas English ahaan dhahaan “surrogate mother”. Muxuu yahay
fasaadka ka wayn kan?
Marka qofoowna ha is oran saynisyahano ayaa
dad abuuray. Waa abuur-dooris. Bal Suurat An-Nisaa fiiri. Marka Ilaahay SWT
oo ka waramayo shaydaanka. Shaydaanku wuxuu leeyahay Waxaan ka yeelanayaa
addoomahaaga qaar aan nasiib u helay. Waan lumin waana yididiilo galin waana
farayaa (xumaanta) waxayna goo’gaynayaan dhegaha xoolaha la dhaqdo, waana
amrin oo waxay doorinayaan khalqiga Ilaahay.
Ilaahay waa run sheegay. Waxay mar hore
bilaabeen oo ay wali wadaan in inta qof kasoo qaadaan unugyadiisa/DNA ay u
wareejiyaan ugxan bu’dii laga saaray oo doofaar, lo’, jiir/doolli,
daanyeero IWM. Intaasoo dhan waa sameeyeen inkastoo ayna jirin mid horumar
badan sameeyey. Waxay sheegtaan in in badan oo ka mid ah ay burburiyeen
markay dhowr jeer ay qaybsantay.
Aan usoo noqdo su’aalihii kore oo ahaa
yaa leh waxaan ay ku ciyaarayaan. Unugyada iyo DNA waxaa abuuray Ilaah.
Tan kale iska daa dadkee xittaa xayawaanka
ay leeyihiin waa dhasheen waxay dhigeen minka xayawaan dhedeg ah. Marka
hadday dadka xitta isku dayaan oo ay ku guulaystaan waxay dhigayaan oo u
baahanyihiin meel aamin ah oo an minka haweenka oo uu horay Allaah u yiri
“Fajacalnaahu fii qaraarin makiin”. Kama filaysid in ay shaybaarka u
daayaan intuu xayawaan ama qof ka noqdo. Hadday run sheegayaan ma usameeyaan
machine.
Xayawaanka iyo dadkaba markay halkaa
dhigaan waxay sugayaan Qaddarta Ilaah, sida ilmaha kale ee caadiga ah ee ku
jira minka ayey sugayaan wixii Ilaah ka yeelo oo majiraan wax kale oo ay
samaynkaraan. Uur ku jirkaasi wuxuu marayaa heerarkii uu Ilaah Qur’aanka
iyo axaadiista ku sheegay. Hadduu rabo dhicis buu ka dhigin, hadduu rabo
dhamays.
Haba iswaaleen saynis-yahanadubee miyaadan
u jeedin sida iyaga laftoodu ay Ilaah isugu dhiibeen. Markay ay wax isku
dayeen oo ay wax dooriyeen waxay keeneen minkii (uterus).
Marka dadweynoow haddii xitaa koobiyeynta
dadka lagu guulaysto ma ahan wax mucjiso ah. Waxaa ka daran haddadaan la
joogo hiddo-sidayaasha (genes) dadka iyo duunyada oo dhan waxay qabtaan iyo
sida ay ushaqeeyaan oo dhan ma jirto cid wada taqaan. Bal iska daa unugyo
ama hiddo-sidee habdhisyo dhan baan la aqoon sida dhabta ah ee ay
ushaqeeyaan. Tusaale habdhiska dareen-wadka lama wada yaqaan suu ushaqeeyo.
Marka dad abuurid Ilaah kaliya ayaa leh.
WABBILLAAHI TOWFIIQ
Casharka dambe waxaan ku fiirin doonaa
technolojiada qaarkeed. Su’aashan ayaa ku jiri doonta casharka dambe
haddii Ilaah idmo.
Haddii ay Marykanka iyo reer Galbeedku
sheegtaan inay sameeyeen dayax-gacmeed hawada loo gano oo soo aruuriya
ducada iyo acmaasha fiican ee dadka muslimka ah ee Ilaah xaggiisa u koraysa
si ay u ogaadaan halka ay joogaan culumada taqwada leh oo ay markaas xiraan
ama dilaan, ma ka yeelaynaa?!
Qoraalkii hore: Diinta
Islaamka say tahay ku qaado, sayniskase su’aal baa kaaga furan
Faaladii Cabdulwaaxid Khaliif GUJI...
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|