SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - COPYRIGHT
XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]

ISHA  WWW.SOMALITALK.COM
Qore: Maxamed Cali | June 18, 2003
 

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

QAABABKA/NOOCYADA MINGUURINTA

Sida aan kusoo aragnay qaybihii hore, minguurin waa qoraal laga sameeyey nuqul, laakiin aan la xusin qoraagii iyo meeshii uu asalka kusoo baxay. Hadaba qaybtaan waxaan ku eegeynaa dhawr siyaabood oo kamid ah hababka laga yaabo in qoraalka loo minguuriyo.

WWW.BOGAASALKA.COM WWW.BOGAMINGUURINTA.COM
Sheekadii Qansaxa
Qore: Quwaax Qurac

Waxaan ahay bogga asalka ee qoray qoraalkan, waqti dheer in ayey igu qaadatay in aan Jeerinka weydiiyo sababta uu quulaha u soo saaro.

Qore: Quwaax Qurac
Kusoobaxay: 
www.Bogaasalka.com
 

 

Sheekadii Qansaxa
Qore: Quwaax Qurac

Waxaan ahay bogga asalka ee qoray qoraalkan, waqti dheer in ayey igu qaadatay in aan Jeerinka weydiiyo sababta uu quulaha u soo saaro.

Qore: Quwaax Qurac
Kusoobaxay: 
www.Bogaminguurinta.com

WWW.SOOXIGTE.COM WWW.BEENGUURIYE.COM
Sheekadii Qansaxa
Qore: Quwaax Qurac

Waxaan ahay bogga asalka ee qoray qoraalkan, waqti dheer in ayey igu qaadatay in aan Jeerinka weydiiyo sababta uu quulaha u soo saaro.

Qore: Quwaax Qurac
ISHA: 
www.Bogaasalka.com
 

 

Sheekadii Qansaxa
Qore:
Qansax  Beeyo

Waxaan ahay bogga asalka ee qoray qoraalkan, waqti dheer in ayey igu qaadatay in aan Jeerinka weydiiyo sababta uu quulaha u soo saaro.

Qore: Qansax Beeyo
Kusoobaxay: 
www.Beenguuriye.com
 

 

Sida ka muuqata shaxda sare, afarta website ama wargeys hal kamid ah ayaa ah kii asalka ahaa ee qoraalka qoray, saddexda kalena boggaas ayey qoraalka ka qaateen, laakiin ufiirso in bogga "Sooxigte" oo keliya uu sidii saxda ah qoraalka usoo xigtey, labada kale mid wuxuu ka tegey website-kii uu kasoo xigtey, midka kalena magacii qoraaga iyo website-kiiba waa ka bedeley.
Haddii aadan rabin in aad sheegtid magaca wargeyska aad qoraalka kasoo xigatey, waxba halkaas haka xigan...

Haddaba miyeysan haboonayn in haddii aan sida "Sooxigte"  qoraalka loo xiganeyn in aanba marka hore qoraalka boggaas laga qaadan: Haddii aadan rabin in aad sheegtid isha qoraalka, marka horeba ishaas wax haka xigan. Tankale been ha u sheegin dadka akhrisan doona wargeyskaaga, waqti uun ayaana beentaasi soo bixi doontaa.  Runta in aan ku dadaalo wax ka fiican majiraan, si loo helo bulsho  is-aaminsan, oo qofkasta lagu qiimayo waxqabadkiisa, lagu tixgeliyo waxa uu waqtiga ku bixiyey, loona dhaafo xuquuqdiisa.

DABEECADAHA QORAYAASHA

Sida caadiga ah dadka wax qora aad ayey u jecel yihiin in qoraalkooda la xigto, waa haddii iyo haddii oo qura lasoo maro jidka saxda ah. 

Tartanku ma ahan in qof qoraalkiisa la xaqiro, balse waa in lagu tartamo wax qabadka iyo wax soo saarka. Saxaafaduna waxay dhiiri gelisaa tartanka, laakiin waxay aad uga soo hor jeedaa xadgudubka.

Gabagabadii, waxaa qorayaasha wargeysyada iyo website-yada Soomaaliyeed iyo soo saarayaasha idaacadahaba la gudboon in ay ka fogaadaan xadgudubka xuquuqda qoraalka walaalahood usoo hawl galeen, waqti badana ku bixiyeen soo saaridooda. Horumarku wuxuu ku iman karaa in si saraaxa ah loogu tartamo saxaafada ayadoo la iska ilaalinayo xadgudub. Walaalkaana u qir waxa uu kaa mudan yahay, wixii adigu aad dhibsaneysidna qof kale haku samayn, wanaag ayaad markaas gaari doontaa'ye.

Insha Allah: Waxaan rajeyneynaa in qoraalkani gaari doono meel dheer, oo uu qorayaasha Soomaaliyeed ku baraarujin doono duluca mowduuca.

Saxaafada umadi leedahay waxay ka qayb qaadataa dhisida fikirka mujtamacaas.

Cinwaanka Internetka ee qoraalkan: www.somalitalk.com/copyright

Kulaabo: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

Qoraalkan waxaa isku soo dubaridey: 
Maxamed Cali [SomaliTalk.com Editor-in-chief] :
webmaster@somalitalk.com

Waxaa qoraalka igala qayb qaatay:
. C/Raxmaan Ceynte | Minneapolis, USA | Ceyntejournalist@attbi.com
. M.M. Ciise | Soomaaliya | ufayn@somalitalk.com 
. Cabdulfatah M. Cabdulle | Ottaw, Canada |  abdulfatah@yahoo.com
. Faysal Ciise | Nairobi, Kenya | faisalisse@yahoo.com
. Yuusuf Cali | Soomaaliya | yusufgarad@hotmail.com


AKHRI: QAABKA LOO QORO WARARKA IYO MAQAALADA... GUJI

AFEEF: Wargeyskii u bahan in uu sii daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in uu raaco habkan:

  • Isha qoraalka: www.SomaliTalk.com
  • iyo in dhammaan qoraalka loo qora sida uu yahay
  • in lagu daro dhammaan magacyaad ka qayb qaatay qoraalka
  • markaas in email ogeysiin ah loogu soo sheego SomaliTalk.com
  • SIDAAS HADDAAN LAYEELIN, MABANAANA IN LA QAATO QORAALKAN.

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2003


Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay. 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Ardayda Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison

BILICDA SOOMAALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri
 
Haldhaa / Goray
gorayo Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada.

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD