Taniyo maalintii 15.10.2002 uu shirka dib u heshiisiinta
soomaaliyeed ka furmay magaalada ELDORET ee dalka Kenya ayaa waxaa xoog loo
hadal hayaa madaxwaynaha dawladda kumeel gaarka ah jaalle c/qaasim salaad
xasan, dadbadan ayaa waxay iswaydiinayaan mr. C/qaasim laftiisu miyaanu kamid
ahayn dadka colaada wax ka qaboojintiisa looga fadhiyo, heshiiskune miyaanu
wax ka khusaynin. illaa haatanse jaan iyo cirib duqu madasha masoo
dhigin, labadii cisho ee shirka ugu horaysay ayuunbuu hadal hayn aan buurrayn
kaga hadlay shirka . wuxuuse uun yiri karog oo laba saar oo wuxuu uun afka
saaray dhankaas iyo woqooyiga dalka soomaaliya isagoo aflabadii dhawaaqay oo
yiri uun tolla'ayeey dal ayaa naga go'irraba ee halasoo qabto, tola'ayeey
woqooyiyoow walaal waan kuu dhimanaynaa hadii aan ku waayo, waryaa
maalijirayeey woqooyi halasoo qabto oo shirka halakeeno.
Mar si kulul oo dhawaaq dheer ah shirka loogaga dhawaaqay
inuu cabdiqaasim yimaado oo gaadhayba inay kooxo ku hanjabaan inay madasha
ka huleelayaan sida labada garab ee uu ka koobanyahay SRRC, meesha uu
col,cabdilaahi yuusuf kaga cel celiyay in duqa madaxwaynaan ahay galgalinta
madhan, waa siduu hadalka u dhigay e, gooni isugu xakameeyay ogaada inay rag
ku sugayaan madasha si gaara wax uga tirsanayaa oo hadday boogi ku taallo
bogsiinteeda uga fadhiya, oo isagoo col.cabdilaahi yuusuf hadalkiisa sii wata
raaciyay hadii Dr qaasim ka dhaga adaygo u muuqanaayo caqli badanihii
godobta qabay ee talo ku goostay inaan bildhaantiisa lagu arag geed ceebeed
uu ogyahay in lagaga gar helayo.
xataa dhankaas iyo xamar ayuu taasi kadib
shirku u diray in duqa madasha la keeno wadamada suudaan ,ethiopia ,iyo
jabuuti. balse akhriste xaalku runtii uma muuqaal ekayn sidii uu markii
xaalku cirka isku shareeray qudbadii dheerayd ee al xaaji muuse suudi
yalaxoow ugu dhigay hadalka isagoo yiri waxba yaan sigaara loo tabin,hadii
wax looga baahan yahay waxaa madasha ku sugan ergo matalaysa oo arinka ay
innala garaan isagana ay kaga go,antahaye.ee qudbadaas xaajiga maalin uun
kadib ayuu fariin soo dirsaday jaaale madaxwaynuhu ku dalbanaayo in loo
soodiro ergo ka qancisa sida ay wax u jiraan iyo warka sheegaaya inaanu
shirka iman isgoo shaadhmadaxwayne xiran.sikastaba ha ahaato ee duqii
ma,imaan muxuuse saluugay toloow?.
Madasha mid midkale muruq utuujin utagay,mid maslaxaddu
magac eebe kaga go,antahay,iyo miduu xaal ka dhabqamay oo wixii dhacayaba
dhankaaga qabsa ah dhamaan kusoo arooray ka hadhye ee duqu mamaalintii
CARTA loogu caleemasaaray ayuu muraayad taala qolkii ladajiyay isku eegay
kana dhex arkay inuu kabadsan karo 21sano ee madaxwaynihiisii uu jeclaa
MAXAMED SIYAAD BARE.
Miyuu yarehe qajilay oo istusay in lagu xantay INUU RUUG
CADDAADIGU tabar yari darteed bisadnna toosin kari waayay,fulaynimana
sagaaro didin waayay,rucle orodnna diin ka dheerayn waayay,oo RAG TASHADAY
CIR WAA TOLI KARAA TAAKO LABADIISE laga dulkeeno nin tabartiisu maroodi
toosiso,geesinimana libaax san kataabtay,Gucle orodna Goroyada Ka
dheereeyay?.
Ma waxaa duqeenna ka degi la inuu noqdo kii ugu cimriga
gaabnnaa CARRO EDEG laga soo bilaabo 1960 kii intii madax inna soo martay
?
Mudane qaasimse ELDORET waxaa iiga daranbuu yiri hargaysa oo
hadh cad LONDON loo raraayo oo uu qaaday olole aanu ku jirin ka hor shirka
ELDORET: DHOWAAN ayaa banaan bax sadex maalmood la soo abaabulaaya oo xoogleh
ka dhacay fagaaraha tarabuunka ee magalada muqdisho, wuxuuna qudbad uu ka
jeediyay ku bilaabay kuna dhameeyay xaaladda soomaali land isagoo ku cel
celiyay baahida gaarka ah ee looqabo ka soo qaybgalka hargaysa ,wuxuu yiri
hadii madaxda hargaysa shirka iman waydo halayska iloobo inuu noqonaayo mid
midho dhaliya ,wuxuu beesha caalamka kacodsaday in madaxda somaliland hadii
lawaayo loo ogolaado oday dhaqameedyada,culumaa u diinka iyo aqoonyahanada
goboladaasi, mar uu lakulmay labadiisa gole ayuu kadib war saxaafadeed uu
soosaaray ku sheegay inanay soomaaliya meel ukala soconin,18 kii gobol ee
xiligii siyaadbare la ansixiyayna aan waxba laga badalaynin.
Maalin kadib ayaa gudoomiyaha xisbiga layiraa KULMIYE ee
somaliland AXMAD MAXAMED MAXAMUUD(siilaanyo)ka abaabulay banaanbax kan mr.
qaasim kaba sii balaaran magaalada burco isuguna keenay fagaaraha layiraa
khayriyada,iyo markale magaalada BAR-BARA fagaareheeda KHAYRIYADA ,qudbad
qaadatay in le,eg tii mr qaasim isnna halkaas kayiri. siilaanyo hadaladiisii
waxaa kamid ahaa !!HADALADA CABDI QAASIM WAA HUUU HAAAA; BUDHUU BADHAA; TADHAA
BADHAA IYO WALIBA FODHO DHO; hadii uu cabdi qaasim run sheegi isagaa looga
yeeray goobtee intuu iska casilo jagada dabeed ha u tago ragga sugaaya
,hana dajiyo koonfur markaasnna hanala hadlo,isagoo qabiilka uu ka dhashay
dhexdiisa nabadeeyay.
Gudiga siyaasada dibadda iyo iskaashiga calamiga ah ee
somaliland ayaa iyana warka duqeenna ku tilmaamay""dad imaam salaadda tukiya
ka dhigtay qof maqan""waxaan kula talin lahayn nimanka reer muqdisho inay
iimaansadaan dawladdii ay ka dhaxlleen talyaaniga,(anigu xagar ahaan ma,anan
garanin waxa ay dhaxalkaas ulajeedaan).wuxuu u hadlayaabay yiraahdeen sidii
macalinkiisii siyaasadda ku soo bar baariyay ee MAXAMED SIYAAD BARE,isagoo
gudigu warbixintiisa siiwata waxay yiraahdeen"hadii ay dhab ka tahay
wadaninimada uu sheeganaayo inuu nala wadaago muxuu u joojin waayay 47 nin
ee reer woqooyi oo lagu gawracay xeebta jasiira 1987 dii" markaasoo bay
yirahdeen uu ahaa wasiirka arimaha gudaha waxayna ku soo af jareen
hadalkooda "MAQALAY HABARTII XAABADA QAADI WAYDAY EE TIRI XAABO KALE IIGUSOO
DARA OO DHABARKA IGA SAARA AAN LA BOODEE" iyagoo waliba ugu daray CABDI
QAASIM BAROORTU ORGIGA KAWAYN.
Gobolada woqooyiga somaaliland lamagac baxay ayaa sadexdii
dabayaaqadii oktober oo laga soo bilaabaayo 17kii laba cisho uun kadib si
heer qaran ah usamaynaayay xaflado guud ahaan dalkaba ka dhacay oo loogu
baroor diiqaayo dagaalyahanadii ururkii SNM kaga geeriyooday iyadoo 17
oktoober dhowaan si rasmiya loogu aqoonsaday maalintii SHAHIIDKA: iyadoo
magalooyin badan loo kala diray masuuliyiin sar sare oo kala qaybgalaaya
dadka baroor diiqdaasi. waxaanad meelo badan ku arkaysay labada abwaan ee
somalilan IBRAAHIN WARSAME HADRAAWI IYO MAXAMED XAASHI DHAMAC GAARIYE oo
labaduba ka mid ahaa ururkii SNM:
maalinimadii isniintii ee novenber ahayd 18
ka ayuu waxaa uu mr cabdi qaasim khadka isgaarsiinta kula xiriiray
ra'iisalwasaarihiisa mudane xassan abshir faarax oo uu u sheegay inay
qaadacaanba hadii aan qaban qaabiyayaasha shirku si deg deg ah ula xiriirin
somaliland oo aanay ku adkaynin inay shirka timaaddo.