GO’AANKA MAXAMED DHEERE: WAA TIJAABADII
UGU HOREYSAY EE LAGA QAADO MUSLIMIINTA SOOMAALIYA.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
April 13, 2004
Marwlaba oo aan is dhaho xaaladdii
Soomaaliya quus ayey noqotay, waan isqabtaa anigoo isku waaniya in quustu ay
xuntahay, goorta ay dhacdo arin murugo leh culays weyn ayaan dareemaa,
kolkaasaan dhahaa tani mid ka xun kaama soo marin xaalada Soomaalida. Laakiin
inta ay Soomaaliya madax u yihiin kuwan aan naqaanno xaalkeennu waa walwal
joogta ah filo.
Waxaan moodayey maqnaasha M.S.Barre iney la
iloowsiin doonto ladagaalanka wax diinta kamid ah. Sidii uu yeelay 1974. ee
uu inkiray qaybta dhaxalka dumarka, taasoo ay 10.kamid ahaa Culimadii
Soomaalida ay u god galeen, waxaase nasiib darro ah in raggaasi taariikhdii
ilaawi rabto. Waxaa igu maqaala ah in M.S.Barre gabagabadii noloshiisii uu ka
shalayn jiray jariimadaas, uuna oron jirin ( ma xusuusta khalad ka weyn oo ay
dowladu gashay).
Burburkii Soomaaliya kadib Sanadkii 93. ayaa
laga sheegay Cusmaan Caato inuu diinta wax u dhimay, hadallo aan edab ahaynn
yiri, maalintaasna waxaa u jawaabay Sh. Xasan Daahir Aways, oo fatwooday in
hadalka ka soo yeeray Caato uu yahay diin kabax, nasiib wanaag Cusmaan Caato
wuxuu markiiba sheegay in hadalkiisii khalad loo fahmay, sida looqaatayna
uusan ahayn, uuna ka noqonayo hadaladaas.
Haddeer oo aan joogno Sanadkan 2004. ayaa
laga sheegay Maxamed Dheere inuu mamnuucay Xijaabka Qayb kamid ah oo loo
yaqaano Indha-shareerka. Sababtii uu u mamnuucayna wuxuu ku sheegay arimo la
xiriiro nabad-galyada awgeed, amarkaasna wuxuu qaadashadiisa waajib ku
noqonayaa dhamaan dumarka ku hoos nool inta ka taliyo maamulkiisa, gaar ahaan
Jawhar iyo nawaaxigeeda.
Taariikhda dunida waxaan wali lagu arag in
qof wuxuu diin ahaan u rumaysan yahay lagu amro inuu iska dhigo maadama uu
nabad galyada ka soo horjeedo, haddi ay dhacdayna waxay noqotay sheeko aan la
iloobin oo taariikhda dunida meel ka gasha, dowlada Faransiiska ayaa soo
saartay qaanuun ay leedahay goobaha waxbarashada waa inaan lala iman dhamaan
muuqaalada diineed, sida xijaabka, Koofiyada Yahuuda, I.W.M. taaso buuq weyn
dunida ka dhalisay, oo ay Muslimiinta Caalamka oo dhan kawada caroodeen,
waxaana fiican inaad xusuusnaato in Faransiisku ay diideen oo kaliya in
Xijaabka lala yimaado goobaha waxbarashada, waliba waa kuwa ay dowladu
ledahay, laakiin kuwa gaarka loo leeyahay waa loo ogol yahay iska daa in
banaanka iyo magaalada lala joogee.
Dowlada Maraykanka oo aan ognahay in maanta
aysan jirin dowlada uga taxadar badan xaga nabad-galyada ayaan mamnuucin
muuqaal kasta oo la xiriira arimo diineed, waliba Goboladda qaar waxaa laga
ogolyahay in Haweenku ay Indha-shareer-kooda ku qaadan karaan Aqoonsiyada
sida Laysinka Gaariga I.W.M. Sidaas waxaa lamid ah goobaha ay Yahuuddu xoogga
kaga haysato dhulalka Muslimiinta kuma aysan soo rogin go’aankaas.
Aduunka intiisa badan iska daa inuu diido
indha-shareerka waxaa ceeb ah in qof dumar ah lagu amro iney wajigeeda feeddo
iyadoo ay rag u jeedaan, haddii ay dantu khasabto waxaa loogu yeera dumar
hawlahaas loo tababaray, managaranayo meel dunida kamid ah oo ay mamnuuc ka
tahay indha-shareerku marka laga reebo Degmada Jawhar.
Markii aan maqlay in maamulka Jawhar uu
wareeg-tadaas soo saaray waanba rumaysan wayey, maxaa yeelay su’aalo badan
oo maskaxdeyda ku soo dhacayey ayaan jawaab u waayey. Su’aalahaas waxaa
kamid ahaa.
Jawhar ma 11.Sebteber ayaa ka dhacday oo
keeneysa in taxadar noocaas ah la sameeyo.
Jawhar ma qaraxyo Caalami ah ayaa ka dhacay,
oo maamulka Jowhar baqdinta ayaa ka xoog badisay.
Jawhar ma goob uu loolan diineed ka jiraa,
taasoo keentay in tilmaaha diinta islaamka laga horyimaado.
Jawhar ma dowlada kacaan ku dhisan ayaa ka
dhalatay oo rabta iney tirtirto dhamaan dhaqamadii horay u jiray.
Jawhar ma xoogag dowlado shisheeye ah ayaa
gumaysta, taaso ku khasabtay iney isku keeni waayaan dhaqan-diimeedka dadka
iyo ilaalinta nabad-galyada.
Jawhar miyeysan lahayn golo talo oo arimaha
noocaas ah go’aankeeda lagu celiyo, dadkaasoo ka kooban aqoon-yahan iyo
siyaasiyiin.
Jawhar ma hal nin kaliyaa u fakara oo wax
walba ka taliya. Hadey tahay diin. Hadey tahay maamul. Hadey garasho iyo
garaad.
Su’aalahaas oo dhan jawaab uma helin
markaas, hadana wali waan la yaabanahay.
Sida aad maqasheen Culimadii Soomaaliyeed oo
dhan baa arintaa ka hadlay, gaar ahaan kuwoodii joogay magaalada Muqdisho,
khudbooyin aad u fiicanna wey jeediyeen xilkii saarnaana sifiican ayey u
guteen. Waxaase qosol iyo yaab noqday goortii uu M/Dheera ka hadlay
Idaacadaha ee uu yiri, hadaladan. Haddii daliil cad la hayo Culimadu ha ii
timaado oo ha ii sharaxdo, laakiin anigu nacnac niman wada marabo oo ah kuwa
xamar ka qaylinaya.
Horta waxaa miro wanagsan ah oo looga mahad
celinaya culimada Soomaaliya iney ku guuleysteen ka dhaadhicinta shacabka
Soomaalida in wax walba diin loo raadiyo, waxaadna ka fahmi kartaa in M/Dheere
laftiisa uu ku khasbanaaday inuu u hadlo sidii nin u hogaansamaya diinta iyo
daliilka.
Qofku haddii uusan taariikhda umadaha aqoon.
Tan dalkiisa aqoon. Tan dunida ku nooshahay wakhtigan aqoon. Tan Siyaasad
ahaan la gudboon uusan aqoon. Waa laga fishaa inuu sidan oo kale u dhaqmo.
Waxaana rumay-sanahay in M/Dheere uu yahay horadhaca maamulka iyo
dowlad-nimada aan ka sugayno rag badan oo maanta horbooda Siyaasada
Soomaalida. Waa tijaabadii u horeysay oo lagu fiiriyo shacabkii Soomaaliyeed
oo sidii lalarabay u hirgashay. Maxaa yeelay ilaa iyo hadda go’aanku
sidiisii ayuu ku sii socdaa, oo wali waa mamnuuc xirashada indha-shareerka.
Malaha waxa la iloobay, oo caadifad kaliya ayuu naga ahaa hadalku, ee firkad
aan sii wadnay iyo sideen arintaa ku baajinaaba la isma weydiin.
Haddii aan M/Dheere la yaabanaa oon islaa
waa Siyaasi dantiisa ka hormarinaya wax walba. Haddii aan islahaa maamul xumo
ayaa sidaas keentay. Waxaan qosol iyo amakaag igu noqday markaan arkay wadaad
lagu magacaabay Sh. C/Rasaaq oo la yiri Xamar ayuu jooga oo difaacaya go’aankii
mamnuucidda indha-shareerka, isagoo waliba magac diineed ku hadlaya Aayado
uusan fahminna daliilshanaya, eediisa oo dhanna saaraya culimadii diiday go’aankaas.
Laakiin wadaadkan lama yaabin maxaa yeelay waxaan ku aqaanay inuu ahaa wadaad
fiirsada fikradaha ay shacabka iyo Dagaal-oogayaasha isku diidan yihiin,
kadibna la safta Qab-Qablayaasha, mana uu matalayo Culimda xanbaarsan magaca
Suufiyada, saad u fahamtana waxaa kuugu filan telalka uu wato waa Gudoomiya
Ahlusunna Waljamaaca ee U.S.C.da. waliba qaybtii Jen.Caydiid.
Waxaa isagana aan isleeyahay dagaal qaldan
ayuu galay walaalkeen Sh.Saahid ee jooga Toronto, waxa uu qooray maqaal uu
nuxurkiisu yahay. in mas’alada indha-shareerku ay tahay mas’alo khilaafi
ah oo ay Culimada Muslimiintu isku khilaafsan yihiin, qofkii ra’yi kamid ah
qaatana uusan ku gabood falin diinta, Sh.Saahid wuxuu wakhti badan galiyey
inuu faah-faahiyo aragtida Culimda Muslimiintu ka qabaan indha-shareerka,
isagoo magacyo madan oo Culima waaweyn ah shegay, waxaan aad ula yaabay
aqoonta uu leeyahay mas’aladan diin ahaan iyo dagaalka uusan booskeeda ku
galin ee uu meel cidla ah inta xaar-xaartay kaligiis ku dagaalamay, su’aasha
kaliya ee ay muhim tahay inuu is weydiiyo walaalkey iyo dadka laqaba ra’yigaas
waxay tahay.
M/Dheere mawuxuu yiri ( Xirashada
indha-shareerka waa Suunno ama waa waajib ee Ra’yigeygaas ha qaataan
Culimada Muslimiinta) mise wuxuuba mamnuucay xirashadiisa?. Waxay Culimada
Muslimiintu isla ogol yihiin qofka muslimka ah hadii uu inkiro wax diinta
Islaamka raad ku leh inuu ku gaaloobayo. Iska daa indha-shareeree hadii la
yiraahdo Salaatu Duxa lama tukan karo waxay noqoneysaa arin meel kadhac wey
ku ah Islaamka, qofka hadalkaas yirina halis weyn ayuu ku jiraa.
Hadaba waxaa macquul ah in dad badan ay is
weydiiyaan maxaa arinta indha-shareerka wax weyn looga dhigayaa oo sidan
loogu buun-buuninayaa? Jawaabtu waxay taay xiligii ay dalka Turkiya la
wareegeen Calmaa-niyiintu ayey mamnuuceen xirashada xijaaka iyo Cimaamadaha,
waxaana raggii lagu khasbay iney xirtaan koofiyad nooca R/Galbeedku xirto,
arintii ayaa buuq ka kacay, madaxdii dalka nin kamid ahaa ayaa la kulmay
sheekh kamid ah Culimadii wadanka joogtay, waxaa sheekhii lagu yiri, Islaamka
agtiisa Cimaamada wax weyn kama ahan ee maxaad waxaanoo buuq ah uga
dhalineysaan? Sheekhii wuxuu ku jawaabay Calanka turkiya maad noogu badashaan
Calan kamid ah kuwa R/Galbeedka illeen Calankan macno weyn nooguma fadhiyee.
Saas owgeed waxaan leenaya indha-shareerka
waa muuqaal Islaam-nimo oo astaan u noqday Gabadha Muslimadda ah ee diinteeda
ku dhagan, waan aqbali karnaa in la yiraahdo indha-shareerka waa Sunno ama
waa waajib waana arin ay mid waliba Culimo Muslimiin ah qabaan.
Hadaba M/Dheere waxaa la gudboon inuu degdeg
uga laabo go’aankiisaas marka koowaad isaga dhibaya, marka labaadna
dhaawayaca nolosha qofka Soomaaliga ah.
Culimada iyo Shacabka Soomaaliyeedna waxaan
leeyahay waa tijaabadii u horeeysay oo nalaga qaado si loo ogaado inaan
diinteenna difaacayno iyo inkale, waxaana la ogaaday inaan iska ogolaaneyno
wixii nalagu khasbo.
Qoraaladii
hore....
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2004
Maxamed
Dheere vs Xijaabka
»Maxkamadaha Islaamiga
ah oo Qoraal Ka Soo Saaray Mamnuuciddii Indho-Shareerka ee Maxamed Dheere
»Indhacade: Waxaan Weerar Ku Qaadi Doonaa Jawhar
»Mowliid: Maxamed Dheere Biliqo iyo wartabin shisheeye
»Xalmo: Maxamed Dheere Allah ha u Toobad keeno
»Masaajidda: cambaarayn Go’aankii Xijaabka mamnuuca
»DMG oo Cambaaraysay Maxamed Dheere Mamnuucidiisii Xijaaba
Dhammaan
ka akhri halkan.. Guji...
Gabdhaha
Indho Shareerka wata oo billaabay inay ka Hayaamaan Jawhar
iyo Maxamed Dheere oo sheegay in duulaan
uu ku soo wajahanyahay... Ka
akhri wararkii maanta April 3
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|