SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK

Yvonne Ridley [guardian]
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY

WQ. Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
Odense, Denmark | 5.9.2002 | SomaliTalk.com

Suxufiyaddii u dhalatay dalka Ingiriiska ee Yvonne Ridley ee sannadkii hore ay ciidamadii hore Taliban ee Afghanistan ay xabsiga u taxaabeen ayaa ku tala jirta inay shaaca ka qaaddo islaamidda ay soo islaamtay. [siideyntii Yvonne Ridley october 2001]

Waxay tiri Ridley oo 44 jir ah mar ay u waramaysay shabakadda islaamiga ee Islam-online "dabcan waxaa i saamaysay been abuurka faraha badan ee laga fidinayo dhibaatooyinka ay dumarka muslimiinta ka sheeganayaan addoonsiga, iyo inay diinta islaamku tahay diin shar badan iyo diin xanbaarsan ad-adeyg iyo karaahiyo daran".

Hase ahaatee waxay raacisay intaas "hadda waxaan diyaar u ahay inaan si fiican u qaato diinta islaamka", iyadoo ku talo jirtana inay soo saarto buuggeeda ay kaga sheekeenayso tijaabooyinkeedii ay kala soo kulantay Afghanistan, iyadoo buuggeeda ku soo bandhigi doonta waxyaabihii ay kala kulantay ciidamada Taliban markay ku jirtay xabsiga maamulkii Taliban.

Yvonne Ridley iyadoo xabsiga ku jirta ayeey ballan kula gashay mid ka mid ah mashaayiikhda Taliban, inay daraaso ku sameyn doonto diinta islaamka, waxayna tiri " haddii aan xabsiga ka baxo waxaan ballan ii ah inaan baran doono diinta islaamka", waxayna raacisay hadalkaas "sheekha ayaa iga dalbay inaan goobtii xabsiga aan ku soo islaamo, hase ahaatee waxaan ka cabsaday inaan haa iyo maya labadaba iraahdo" ayeey tiri, iyadoo markii hore ay aad u saamaysay dagaalkii ka-dhanka ahaa ee galbeedka uuna Mareekanka hoggaaminayay ay ku qaadeen ciidamadii Taliban.

Ridley waxay ka sheekeesay xaaladdii ay ku sugneyd markay xabsiga ku jirtay tiri, waxayna tiri " waxaan aad u dareemayay cabsi aad u daran, kama aanan cabsanayn oo keliya inay ciidamada Taliban ay yihiin kuwa dadka ugu sharta badan -siduu Bush ku tilmaamayba-, hase ahaatee siday u necbaayeen dumarka". Ayeey tiri, iyadoo intaas sii raacisay "isma aanan lahayn maalintii iigu horeysay ee la i soo xiray inay qoraxda ii dhacayso oo aan noolaanayo, sidoo kale waxaan ku talo galay in la i tooganayo ama la karbaashi doono (jeedal). Mar mararka ka mid ah intaan caro awgeed aan is qaban waayay ayaa waxaan wejiga ka candhuufay kuwii igu soo xiray xabsiga Kabul" ayeey tiri iyadoo ku talo gashayna inay la kulmi doonto ciqaab daran oo jawaab looga dhigi doono falkaas ay samaysay.

Afduubkii iyo Siideyntii Yvonne Ridley - October 2001

Journey towards Islam 

Waxay markale tiri "waxaan aaminay in jawaab celinta falkayga uu noqon doono mid aad u weyn, hase ahaatee waxay ii sheegaan inaan iyaga u ahay marti iyo walaal", ayeey tiri, waxayna sheegtay inay ixsaankaas ay nafteeda saamaysay oo waxay tiri " ixtiraam iyo maamuusid aad u weyn ayeey iila dhaqmeen inkastoo aan dalkooda ku soo galay sharci darro, annigoo aanan markaas haysan baasaboor, dhab ahaantii waxaan ahaa qof qaldan" ayeey tiri iyadoo sheegtay inay ciidankii Taliban ay awoodi kareen inay u soo saaraan tuhun ay ku doonayaan inay maxkamad ku saaraan, sidaasna ay uga takhallusaan. Dhinaca kale, waxay Ridley sheegtay kuwa la leeyahay waa maamulka dunida ugu sharta badan uguna cawaansan ayaa mucaamaladooda ay aad uga duwan tahay kuwa saas ah ee sida naxariis darrada ah ula dhaqmaya maxaabiista ku sugan Jasiiradda Guantanamo ee Cuba.

Mar la weydiiyay Ridley waxay samaynayso haddii ay la kulanto mid ka mid ah ciidamadii Taliban ee iyada soo xiray, waxayna sheegtay inay dhacday taasi, kadib markii bishii maajo ee la soo dhaafay u safartay Afghanistan iyadoo la socotay gabar ay dhashay oo 9 jir ahayd. Waxay tiri "waxaan anniga iyo gabadhaydaba aadnay mid ka mid ah maqaayadaha u dhow ee looga socdo Kabul 4 saacadood.

Halkaas waxaan kula kulmay mid ka mid ah ciidamadii Al-qaacida iyo Taliban" ayeey tiri, iyadoo markalena raacisay "waxaan aqoonsaday 3 ka mid ah raggii i soo qafaashay, aad ayaan u naxay markaan arkay, mid ka mid ah ayaa ii soo dhowaaday, wuxuuna la hadlay tarjumaankii ila socday isagoo weydiiyay sababta ku kelliftay inay dib ugu soo laabato Afghanistan. Wuxuu igu yiri ayeey tiri "waxaa na cajabisay hadalladaadii aad saxaafadda siisay markaad London ku laabatay, waxaan kaaga mahad celinaynaa inaadan sheegin waxaan ka ahayn xaqiiqda".

Intii ay Yvonne Ridley ku jirtay xabsiga, waxaa u soorto gashay inay la kulantay shakhsiyaadka ay maanta sida ba'an u raadinayaan Mareekanka, waxay tiri iyadoo arrintaana ka hadlaysa "shaqsiga aan halkaan doonayo inaan ka xuso waa Mulla Cumar madaxweynihii Taliban ee bixiyay amarkii la igu soo daayay, isagoo u cuskaday arrimo insaaniyad awgeed. Waxaan doonayaa inaan ogaado sababta ay dumarkooda sida xun ay ula dhaqmayaan" ayeey tiri markale.

Yvonne Ridley waxay isu barbadhigtay xuquuqda dumarka ee ku xusan qur'aanka iyo bulshada reer galbeedka, dabadeedna waxay tiri iyadoo cabbiraysa dareenkeeda qanaaceed "arrinta keliya ee sida fiican aan u daba galay annigoo aqrinaya qur'aanka waa xeerka la xiriira furiinka iyo milkinimada, aad ayaan u yaabay" ayeey tiri, iyadoo tirina "waxaan ahay qof nasiib wanaagsan markaan arkay in xuquuqda dumarka ay la siman yihiin xuquuqda ragga marka laga eegayo dhinaca waxbarashada iyo dhinaca ruuxiga.

SOO ISLAAMIDII SACIID
WELIGEEY KAMA AANAN QOOMAMAYN ISLAAMKA AAN QAATAY
sidaas waxaa  yiri Saciid Guji
Qore: Ibraahim Salax
[March 3, 2001]

Gabadhii suxufiyadda ahayd waxay tilmaantay in dhacdadii weyneyd ee 11-kii sibteembar inay tahay mid wanaag iyo xumaan labadaba u ah islaamka. Waxay tiri iyadoo faahfaahinaysa hadalkeedaas "waxaan ogahay in dad fara badan kalsoonidoodii ay burburtay", waxayna hadal si toos ah ugu jeedisay bahweynta muslimiinta, waxayna tiri "waa inaad faantaan labo arrimood awgeed, waa midda koowaade, waa idinkiiyoo muslimiin ah, iyo mabaa'diida aad difaacaysaan".

Ugu danbeyntii waxay hadalkeeda ku soo gabeysay in waxyaabaha ugu wanaagsan ee ay islaamka ka aragtay in xiriirka adiga iyo Eebbe uu yahay mid toos ah, oo looma baahna in meelo kale loo soo maro la xiriirka Alle (sw).

Yvonne Ridley waa suxufiyad ka shaqaysa Wargayska Sunday Express ee ka soo baxa London dalka England. Ridley iyo labo nin oo ay la socotay ayaa raariikhdu markay ahayd 28-09-2001 waxaa laga qafaashay degmo u dhoweyd xadka Pakistan iyo magaallada Jalalabad ee Afghanistan, iyadoo markaas qabtay lebiska ay qaataan haweenka muslimiinta ee reer Afghanistan, ma ayna sidan baasaboor iyo fiiso toona.

English Version  | Arabic Version

 

Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
Odense, Denmark

SOMALITALK.COM | September 5, 2002 

Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya oo kuusobaxa


Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA
WARARKII AFGHANISTAN:
O | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7

 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI.... |
anti@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. MARKAAN IMID NAIROBI
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7


 
Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 


SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin: Siminaar socday labo maalmood, si wanaagsana loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen waalidiin iyo dhalinyaro soomaaliyeed ... Ka akhri halkan feb 20

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN
AKHRI HALKAN

ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan


QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR UDHASHAY DENMARK GUJI.. 


BANNAANBIXII FILIMKA BLACK HAWK DOWN  
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD