|
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- KENYA
|
WARARKA IQRA FM - NAIROBI |
Codbixinta Nairobi iyo kaalinta soomaalida
iyadoo maalinta 27ka dadku ay udiyaar garoobayaan codbixinta
doorashooyinka guud ee ka dhici doona dhamaan goboladda dalka kenya oo gobolka
woqooyi bari uu kamid yahay ayaa maanta waxaa soomaalida ku dhaqan xaafadda
islii ee deegaanka kamakunji kula hadlay musharaxa doorashada madaxwaynanimada
xisbiga KANU Mr Uhuru Kenyatta oo u sheegay soomaalida in isaga ay u codeeyaan
si uu ugala dagaalamo dhibaatooyinka ay ku sugan yihiin soomaalida oo xad
gudubyadda boolisku kamid yihiin.
|
Choose kaah for confidence, convenience
& competitive, rapid, reliable & responsive
|
waxaa kaloo uu sheegay in uhuru uu hagaajinayo xirfaddo shaqa siin ah dadka aan
camalka haynin marka uu ku soo baxo doorashdda madaxwaynanimada.
inkastoo musharixiinta doorashhooyinka ay shan yihiin hadanna waxaa ugu xoog
wayn KANU iyo isbahaysatada axsaabta mucaaradka ee loo yaqaano NARK oo Mwai
Kibaki uu u sharax yahay.
Deegaanka kamakunji oo 18000 oo qof ay cod bixinayaan ayaa soomaalida codadkooda
lagu sheegay 12000 oo kamid ah cod bixiyayaasha in ay yihiin soomaalida.
degmo walba waxaa u sharaxan mudanayaal ka socda axsaabta kala gadisan ee
siyaasadda ku loolamaysa xiligan oo ah markii ay uga darnayd siyaasadda
tan iyo xornimadii 1963 iyadoo ay usabab tahay NARK oo ah siyaasiyiin caan ka ah
dalka kenya oo isbahaysatay markii Moi uu sheegay in xulashadiisu ay tahay
Wiilka da'da yar ee UHURU Kenyatta oo siyaasadda ku cusub.
deegaanka kamakunji waxaa xisbiga Ford Poeple ee uu hogaamiyo simon nyajae ku
taagan musharaxa kaliya ee soomaaliga ah magaalada nairobi oo lagu magacaabo
Xasan Cali Aden.
mar aan la kulmay xasan ayaa waxaa uu iisheegay in uu doonayo sidii soomaalida
ku dhaqan nairobi loogu heli lahaa xildhibaan ka hadla dhibaatada soomaalida ay
ku qabaan booliska iyo hagaajinta wadooyinka xafaada islii ee soomaalidu ay
dagto oo aad u burbursan isagoo intaas ku daray in soomaalidu ay u sabraan
maalinta 27ka ee codbixinta dadku udareerayo 6da aroonimo ilaa 6da makhribnimo
si aan ugu guulaysto kursiga Kamakunji.
gudoomiya ku xigeenka gudiga ganacsatadda xaafadda islii Xuseen Aar oo isaganna
ii waramayay ayaa sheegay in dadka soomalida ay iska ilaaliyaan qabiilka oo si
wada jir ah ay ugu codeeyaan Musharaxa soomaaliyeed.
AAR waxaa uu sheegay in Kenya marka lajoogo aan loo baahnayn in jilib jilib
laisaga horyimaado isla markaana waxaa uu yiri dadku waxay u qaybsamaan kenya
sida Kikuyo, Masaay, kisii, somali iyo kuwo kale.
Ridwaan xaaji
Nairobi,Kenya
-dhammaad-
.... HALKAN
KA BAAR WARARKII IQRA
ELDORET:
Taxanaha Wararka
FAAFIN: SOMALITALK.COM
KAYDKA WARARKA
EE IQRA - News Archive -
GUJI/CLICK
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>> Usheeg Asxaabtaada
|
|
|